Xoriyaddu waxay ku timaadaa dhiiga geesiga, madax-bannaaniduna....


Dad badan waxay ku oddorosaan oo ay u haystaan inay tahay fikirka madax-madax-bannaanida Afrika, dad aad u faraxsan oo lulaya calamo cusub oo ay ugu dabaaldegayaan dhalashada cusub ee qarannimada dalkooda, calamadii guumeysiga oo hoos loo dhigayo iyo dhalashada calan cusub oo la saarayo,  laakiinse, arrintu sidaas maaha, waxa jira Sagaal Dal oo ka duwan oo ka mid ah Dalalka Afrika.


Dhamaantood sagaalkaa Dal, haddana, way ku kala duwan yihiin xuska dabaaldega madax-bannaanida qarannimadooda, taasoo ka turjumaysa waayo-aragnimo dheer iyo sooyaal taariikheed oo mid waliba gaar uu u leeyahay.

Dalalka qaarkood sooyaalkoodii taariikheed waa xaalad aad u adag oo aad u xannuun badan, qaarna waxay madax-bannaanidu u timaaddaa bulsho uu ku dhacay dhaawac qaran, iyadoo waliba ay u sii dheer tahay in qaar ka mid ah dalalkaasi ay la kulmaan in madax-bannaanidoodu ay tahay mid aan dhameys tirneyn ama laga dhigo mid lagu muransan yahay, taasoo ka dhigaysa maalinka madax-bannaanidoodu in ay ka sii dhib badato halgankii ay soo mareen, oo ay ka sii adkaato marka loo eego dabbaaldegga fudud ee xorriyadda, qaarkoodna waxay madax-bannaanidoodii ku gaadheen xaaladdo aan caadi ahayn, oo la mid ah halgankii caanka ahaa ee lagaga soo horjeeday xukunkii Ingiriiska, Faransiiska, ama Boortaqiisku.

Dalka Itoobiya oo mid ka mid ah dowladdaha Afrikaanka ah ee aan waligood la guumeysan, marka laga reebo guumeysigii koobnaa ee Dalka Talyaanigu uu guumeystay, hilaaddii  1936-1941,  haddana, uma dabaaldegaan maalinta madax-banaanidooda, laakiinse, waxay u dabaaldegaan xuska qarannimada iyo adkaysigii muddada dheeraa, taasoo ay ku xusaan maalmaha ciidaha qaranka Guushii Adwa ee  2-da bisha March,

Maalinkan oo loo asteeyey guushii milaterigu ka gaadheen Talyaaniga sannadkii 1896-kii, xilligaas oo ay ku qeexeen sooyaalkii taariikheed ee gumeysi-diidkii Afrika.

Laybeeriya iyo Somaliland waxay madax-bannaanidooda ku xusaan siyaabo kala duwan, taasoo ay ugu wacan tahay xaalad bulsheed iyo sooyaal taariikheed oo mid waliba uu gaar u leeyahay.

Dalka Laybeeriya waxa ay madax-bannaanidoodii ku dhawaaqeen sannadkii 26-kii bishii July sannadkii 1847-kii, waana sababta ay astaan ugu noqotay Jamhuuriyadda ugu faca-weyn Afrika ee ka go'day kafaala qaadkii ururkii guumeysiga ee Mareykanka (ACS), madax-bannaanidoodu may ahayn mid ka timid guumaystihii reer Yurub, balse, waxay ku timid dejintii  adoonsigii xorta ahaa ee mareykanka, taasoo ah maalinta ay xusaan Madax-bannaanida qarannimada dalka Laybeeriya.

Somaliland: 18-kii Bishii May sannadkii 1991-kii ayaa lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland inay kala noqotay madax-bannaanideedii Soomaaliya.

Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland oo hore loo odhan jiray British Protectorate of Somaliland oo ka mid ahayd dalalka aan waligood la guumeysan, balse, ka mid ahayd 7-dii dal ee maxmiyada u ahaa boqortooyadii Ingriiska sannadihii 1841-1960-kii.

Markii ay bilaabmeen dabeylihii xornimo doonka ee ka socday dunida sannadkii 1960-kii, waxay ka mid noqotay 22-kii dal ee xornimadoodii iyo madax-banaanidoodii ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska, 26-kii bishii Juun sannadkii 1960-kii, taasoo ah maalinka xuska madax-bannaanida ay Ingiriiska ka qaadatay Dowladda Jamhuuiryada Somaliland “Republic of Somaliland.

Sannadkii 1960-kii bishii July 1-deedii waxay la midowday koonfurta Soomaaliya ee Talyaanigu guumaysan jiray, kuwaasoo la baxay Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaannay wada jireen muddo 9-sannadood ahayd, ka dib, markii xukunkii rayidka ay af-gambiyeen ciidamadii militariga ee taliskii  Maxamed Siyaad Barre.

In ka badan 10-sannadood ayuu socday halgankii hubeysnaa ee ay hoggaaminayeen xooggagii  jabhadii SNM, halgankaas oo lagu xoreeyey la soo noqoshada madax-banaannida Jamhuuriyadda Somaliland, laguna dhawaaqay,18-kii bishii May Sannadkii 1991-kii, taasoo ah maalinka xuska la soo noqoshada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, maalinkan ayaa ah maalin aad loo weyneeyo, iyadoo lagu xuso dhoola-tus aad u balaadha iyo sharafta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland waa dowlad ay aqoonsan yihiin 39-dal oo ka mid ah aduunka, marka laga reebo ururka Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah, balse, muwaadiniinteeda waxay u tahay xus macno weyn ugu fadhiya, xataa haddii dunida oo dhami diido inay aqoonsato dawladnimadoodan 34-jirsatay.

Rwanda iyo South Africa waxa ay xooga saaraan in ay u taagan tahay xuska maalinka xoriyadda iyo cadaaladda.

Ruwanda: Dalka Ruwaanda uma xusaan si xamaasad leh maalinka dabbaal-degga xorriyaddooda 1-da bisha Julaay ee sannadka 1962-kii, Ruwanda waxay madax-bannaanidooda ka qaadatay Biljam, ka dib, waxay arrintaasi  sababtay xasillooni darro iyo xiisad qowmiyadeed oo ka bilaabmatay dalkooda.

Balse,  waxa ay xoogga saaraan Xuska Maalinta Xorriyadda (Kwibohora) ee 4-ta bisha Julaay ee sannadkii 1994-kii, taasoo ah xuska maalinta loogu magacdaray guushii Jabhaddii Waddaniga ahayd iyo dhammaadka xasuuqii Ruwaanda, waana Maalinta astaan ​​u ah dib-u-heshiisiinta, dib u dhiska iyo midnimada qaranka Dalka Ruwanda, taasaa ka dhigtay sooyaal taariikheed oo aad uga qiimo badan madax--bannaanida hore ee Ruwaanda.

Saxaraha Galbeed: Jamhuuriyadda Dumuquraadiga Carabta ee Saxaraha Galbeed ee Sahrawi (SADR) waxay ku dhawaaqeen madax-bannaanidoodii 27-kii bishii Feberwery, sannadkii 1976-kii,  ka dib, markii ay ka baxday Spain.

Dalka Marooko ayaa maamula dhulka intiisa badan, madax-bannaanida Saxaraha Galbeed ayaa weli ah mid ka mid ah murannada ugu dheer dalalka Afrika. Maalintan Xoriyadda waa mid aad loogu weyneeyo dibad-baxyi iyo  Qadiyada Sahraawi, iyagoo aan wax aqoonsi ah aan ka helin beesha caalamka intooda badan.

Koonfurta Suudaan: Koonfurta Dalka Suudaan ayaa noqotay dalka ugu cusub Adduunka ee qaatay madax-bannaanidooda Dalka Suudaan 9-kii bishii Julaay sannadkii 2011-kii, ka dib, markii ay soo galeen dagaal colaaddeed oo qaatay muddo tobannaan sanno ahayd,  maalinta dabbaal-degga madax-bannaanida ayaa si rasmiya loo baajiyay ka dib, markay keentay xasillooni darro-siyaasadeed, dagaal sokeeye iyo qalalaase dhaqaale awgood.

Madax-bannaanid dalka koonfurta Suudaan wali dadkeeda waxay naawilayaan nabadii iyo barwaaqadii, taasoo ah xus xannuun xusuus badan leh oo aan illaa hadda aan la fulin himilooyinkii ay naawilayeen.

Xornimadu waxay ku timaadaa dhiiga geesiga, Madax-bannaanidu waa habka lahaanshaha  nolol awooddeed oo uu ku noolaan karo Dal, iyagoo aan la kaalmeyn ama aanay saameyn kale ku yeelanni dalal shisheeye.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Comments

Popular posts from this blog

Muwaadinkii soo bandhigay baahidiisa ee xadhiga loogu beddelay Somaliland.

Nayruuska saadaasha sannadka cusub 2023

Duuliyayaashii hore iyo Duuliyaha Maanta