Saturday, July 13, 2013



Xafladii daahfurka Buugga Dhaxalkii-Gobonimadda

Xafladii daahfurka buuga
Hargeysa-(Berberanews)–Buug laga qoray Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo magciisa la yidhaa DHAXALKII GOBONIMADA, ayaa lagu daah-furay magaalada Hargeysa.

Munaasibad ballaadhan oo uu maalgeliyey Wargeyska Jamhuuriya oo lagu qabtay shalay huteelka Imperial ee caasimadda, taas oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin iyo marwooyin ay ka mid yihiin Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyaha Guddiga Joogtada Golaha Guurtida Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamuud Barre Axmed (Garaad), murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale, Maareeyaha Jamhuuriya Media Group Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil, xildhibaanno iyo marti sharaf kale oo badan,  buuggan oo ay ku xardhanaayeen dhamaan khudbadihii, waraysiyadii, qoraalladii iyo hadalladii ugu muhiimsanaa ee uu warbaahinta ka jeediyey Marxuum Cigaal intii uu xilka hayey 1993kii ilaa 2002.


Qoraaga buugga Mr. Maxamed Faarax Qoti oo ugu horreyn halkaas hadal ka jeediyey, ayaa u mahad celiyey guud ahaan cid kasta oo ka taageertay hirgelinta buuggan oo uu ugu horreysay Wargeyska Jamhuuriya oo xafladda ka taageeray, iyo Maareeyahay Shirkada  Sagal Jet Mr. Cabdi Yuusuf Aar oo ka bixisay daabacaada 200 nuqul oo uu soo saaray, Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo bixiyey magaca buugga iyo dadka taageerada dhiirigelinta ah siiyey oo uu ka mid yahay Boobe Yuusuf Ducaale.




Mr. Maxamed waxa uu ka warramay sheeko dheer oo uu sheegay inay sabab u noqotay inuu buuggan ka qoro Marxuum Cigaal, kadib markii uu waxyaabo mucjisoon ah ka arkay nin uu sannadkii 1989-kii kula kulmay degaanka Dabayl-weyne ee ku yaal dhulka Soomaalida Itoobiya, xilligaas oo uu socday dagaalladii u dhexeeyey ciidammadii Siyaad Barre iyo jabhaddii SNM, balse uu u sheegay in dagaalku qaadan doono muddo saddex sanno ah, SNM samayn doonto Jamhuuriyadda la yidhaa Somaliland oo ay saddex sanno xukumi doonaan, kadibna uu dalka qabsan doono nin la yidhaa Maxamed oo sagaal sanno talada hayn doona. Waxaannu sheegay in markii waxyaabihii uu ninkii u sheegay ay sidoodii noqdeen uu go’aansaday inuu dhuuxo, isla markaana ururiyo hadallada Marxuum Cigaal.






Maareeyaha Jamhuuriya Media Group Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo hadal ka jeediyey madasha ayaa ku ammaanay qoraaga dadaalka uu sameeyey oo ku ururiyey hadalladii Marxuum Cigaal oo xogta ugu badan Wargeyska Jamhuuriya u fududeeyey, waxaannu soo jeediyey in lagu taageero buugga oo laga iibsado.



“Marxuum Cigaal taariikhdiisii maaha mid halkan lagu soo koobi karo, laakiin astaamihii uu lahaa waxa ka mid ahaa wuxuu ahaa siyaasi dhab ah oo xilli adag oo Somaliland u baahnayd soo taliyey, wuxuu nin ku dhac leh, go’aan qaadasho leh, runta aan ka gabban,” ayuu yidhi Mr. Mustafe Sacad.







Qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale oo isna munaasibaddaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay fudud tahay sida madax-weyne loo noqdaa, laahiinse wey adag tahay sida hogaamiye loo noqdaa, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu lahaa haybad hoggaamiyenimo ay adag tahay in lagu arko siyaasiyiinteena, waxaannu yidhi, “Cigaal wuxuu ahaa hoggaamiye Soomaaliyeed oo aragti ka lahaa Geeska Afrika, aragti ka lahaa Soomaali, intii dambena aragti ka lahaa Somaliland, taasina ay keentay seeska dawladeed aynu ku fadhino inuu qofkii dhisay ahaa. Marxuum Cigaal waxaynu ku xasuusanaynaa in aannu adduunyo dan ka lahayn, dadkii uu ka dhintay Marwadiisii Kaltuun baa u dambaysay oo iyaduna guri kiro ah ayey ku jirtaa, tusaale fiican buu ahaa.”

Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in qorida buug tahay hawl aad u adag oo in lagu hambalyeey uu mudan yahay Maxamed Faarax. Waxa kale oo ka sheekeeyey sheeko xiiso badan oo uu dalka kala kulmay sannadkii 1997-kii oo dibadda ka soo noqday, taas oo ku saabsanayd muran ka taagnaa wargeyska Jamhuuriya wuxuu isticmaalaa internetka iyo Madaxweyne Cigaal oo yidhi ma isticmaali karaan, kadibna uu isagu (Jamaal) caddeeyey inuu wararkii wargeyska oo ku jira Internetka ku soo akhristay dalka Indonisia.

 “Sannadkii 1999-kii mar uu Maraykanka yimid waxaannu u qabanqaabinay inuu la kulmo xildhibaannada madowga ah ee aqalka Wakiillada (Congress-ka) oo xidhiidh waraaqo ah ayaa mar walba na dhexmarayey, markii aannu diyaargaraynay, markaa anigu xilligaa waxaan ka shaqaynayey jasiirad ku taal Karabiyaanka oo la yidhaa Trinidad and Tobago, laakiin Cigaal markaanu farriimaha is waydaarsanaynay wuxuu moodayey in aan Maraykanka joogay, markii kulankii dhacay ayaan telefoon u soo diray oo markaasu igu yidhi waar xaggeed ka dhacday, markaasaan ku idhi Madaxweyne anigu jasiiradaasi ayaan ka shaqeeyaa oo aan deganahay, waa qofkii ugu horreeyey ee Soomaali aan arko ee garta caasimadda waddankaasi oo wuxuu igu yidhi ma Port of Spain baad joogtaa, runtii aad baan ula yaabay waayo qof Soomaali ah oo igu yidhaa dalkaasi halkuu ku yaal mooyee maan arag cid caasimadeeda garata Cigaal ka hor,” ayuu yidhi Mr. Jamaal.

Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo isna sifaynayey shakhsiyaddii Cigaal waxa uu yidhi, “Sharafkii sii waxa ka mid ahaa daarihii aabihii uga dhintay ee fooqaqa Hargeysa ahaa dawladnimada doonisteedii ayuu u wada iibiyey, kuwii Burco ku yaalay weli dun-dumadii ayey yihiin oo muu odhan daaro ayaan ka samaysanayaa, wuxuu ahaa nin ummadda isku wada, wuxuu ahaa nin akhlaaq leh oo aan burin ballanka uu galo, qabiil kuma shaqayn jirin ee qoomiyad ayuu ku shaqayn jiray.”

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamuud Barre Axmed (Garaad) isagoo ka waramaya aqoontii uu kala kulmay tan iyo intii Somaliland lagu dhawaaqay oo ay marar badan isku dhawaayeen, shirarkii dib-u-heshiisiintana ay ka wada qaybgaleen,.taariikhdiisii iyo qiimihii uu lahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Wasiir Garaad wuxuu ku gacanta ku hayey isla wakhtigaas  khudbad qoraal ah oo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ka jeediyey Khayriyadda kadib markii isaga iyo xubnihii wehelinayey Ingiriiska ka soo qaadeen xornimadii Somaliland.

Ugu dambayntii Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee xukuumaddii UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo munaasibaddaasi soo xidhay, ayaa sheegay in buuggan Dhaxalkii Gobonimada uu bilow u yahay taariikh aan cidi qorin muddo 53 sannadood ah oo la xidhiidha sababtii Somaliland ula midowday Soomaaliya iyo wixii ka dambeeyeyba.

“Cigaal markii uu talada hayey Golihii Wakiillada oo aan markaa ka mid ahaa waanu ku marnayn oo waxaannu gaadhsiinay in aannu nidhaa wuxuu inagu wadaa Koonfur kadibna waa kii 1998-kii iscasilay ee laga diiday, wuxuu maalintaa nagu yidhi labadii gole ee Baarlamanka ayaa waddanka ku celin kara Koonfur ee anigu keliday kuma celin karo, laakiin waxaan idiin sheegayaa hore umaan qaadan baasaboor ajaanib ah weliba anigoo og markii la i inqilaabay oo boqorka Dubai igu yidhi qaado baasaboor oo halkan iska deg waa lagu xidha’yaaye ayaan diiday si waddankayga la iigu xidho, balse haddii idinku (Baarlamankii Somaliland) garataan in Somaliland lagu celiyo Koonfur maanta ayaan qaadanayaa baasaboor ajaanib ah oo aan baxayaa, halkaasi ayuu ka taagnaa qadiyadda madaxbannaanida Somaliland,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Waxa kale oo xafladdaasi daah-furka buugga Dhaxalkii Gobonimada ka hadlay Abwaannada Axmed Saleebaan Bidde iyo Nimco Gabaydo, kuwaas oo iyaguna soo bandhigay dhacdooyin dhexmaray iyaga iyo Marxuum Cigaal iyo weliba taariikhdiisii, waxaanay Alle uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo

Maareeyaha Jamhuuriya Media Group Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo hadal ka jeediyey madasha ayaa ku ammaanay qoraaga dadaalka uu sameeyey oo ku ururiyey hadalladii Marxuum Cigaal oo xogta ugu badan Wargeyska Jamhuuriya u fududeeyey, waxaannu soo jeediyey in lagu taageero buugga oo laga iibsado.
“Marxuum Cigaal taariikhdiisii maaha mid halkan lagu soo koobi karo, laakiin astaamihii uu lahaa waxa ka mid ahaa wuxuu ahaa siyaasi dhab ah oo xilli adag oo Somaliland u baahnayd soo taliyey, wuxuu nin ku dhac leh, go’aan qaadasho leh, runta aan ka gabban,” ayuu yidhi Mr. Mustafe Sacad.
Qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale oo isna munaasibaddaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu lahaa haybad hoggaamiyenimo ay adag tahay in lagu arko siyaasiyiinteena, waxaannu yidhi, “Cigaal wuxuu ahaa hoggaamiye Soomaaliyeed oo aragti ka lahaa Geeska Afrika, aragti ka lahaa Soomaali, intii dambena aragti ka lahaa Somaliland, taasina ay keentay seeska dawladeed aynu ku fadhino inuu qofkii dhisay ahaa. Marxuum Cigaal waxaynu ku xasuusanaynaa in aannu adduunyo dan ka lahayn, dadkii uu ka dhintay Marwadiisii Kaltuun baa u dambaysay oo iyaduna guri kiro ah ayey ku jirtaa, tusaale fiican buu ahaa.”
Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in qorida buug tahay hawl aad u adag oo in lagu hambalyeey uu mudan yahay Maxamed Faarax. Waxa kale oo ka sheekeeyey sheeko xiiso badan oo uu dalka kala kulmay sannadkii 1997-kii oo dibadda ka soo noqday, taas oo ku saabsanayd muran ka taagnaa wargeyska Jamhuuriya wuxuu isticmaalaa internetka iyo Madaxweyne Cigaal oo yidhi ma isticmaali karaan, kadibna uu isagu (Jamaal) caddeeyey inuu wararkii wargeyska oo ku jira Internetka ku soo akhristay dalka Indonisia.

“Sannadkii 1999-kii mar uu Maraykanka yimid waxaannu u qabanqaabinay inuu la kulmo xildhibaannada madowga ah ee aqalka Wakiillada (Congress-ka) oo xidhiidh waraaqo ah ayaa mar walba na dhexmarayey, markii aannu diyaargaraynay, markaa anigu xilligaa waxaan ka shaqaynayey jasiirad ku taal Karabiyaanka oo la yidhaa Trinidad and Tobago, laakiin Cigaal markaanu farriimaha is waydaarsanaynay wuxuu moodayey in aan Maraykanka joogay, markii kulankii dhacay ayaan telefoon u soo diray oo markaasu igu yidhi waar xaggeed ka dhacday, markaasaan ku idhi Madaxweyne anigu jasiiradaasi ayaan ka shaqeeyaa oo aan deganahay, waa qofkii ugu horreeyey ee Soomaali aan arko ee garta caasimadda waddankaasi oo wuxuu igu yidhi ma Port of Spain baad joogtaa, runtii aad baan ula yaabay waayo qof Soomaali ah oo igu yidhaa dalkaasi halkuu ku yaal mooyee maan arag cid caasimadeeda garata Cigaal ka hor,” ayuu yidhi Mr. Jamaal.


Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo isna sifaynayey shakhsiyaddii Cigaal waxa uu yidhi, “Sharafkii sii waxa ka mid ahaa daarihii aabihii uga dhintay ee fooqaqa Hargeysa ahaa dawladnimada doonisteedii ayuu u wada iibiyey, kuwii Burco ku yaalay weli dun-dumadii ayey yihiin oo muu odhan daaro ayaan ka samaysanayaa, wuxuu ahaa nin ummadda isku wada, wuxuu ahaa nin akhlaaq leh oo aan burin ballanka uu galo, qabiil kuma shaqayn jirin ee qoomiyad ayuu ku shaqayn jiray.”


Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamuud Barre Axmed (Garaad) isagoo ka waramaya aqoontii uu kala kulmay tan iyo intii Somaliland lagu dhawaaqay oo ay marar badan isku dhawaayeen, shirarkii dib-u-heshiisiintana ay ka wada qaybgaleen,.taariikhdiisii iyo qiimihii uu lahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Wasiir Garaad wuxuu ku gacanta ku hayey isla wakhtigaas khudbad qoraal ah oo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ka jeediyey Khayriyadda kadib markii isaga iyo xubnihii wehelinayey Ingiriiska ka soo qaadeen xornimadii Somaliland. 


Ugu dambayntii Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee xukuumaddii UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo munaasibaddaasi soo xidhay, ayaa sheegay in buuggan Dhaxalkii Gobonimada uu bilow u yahay taariikh aan cidi qorin muddo 53 sannadood ah oo la xidhiidha sababtii Somaliland ula midowday Soomaaliya iyo wixii ka dambeeyeyba.




“Cigaal markii uu talada hayey Golihii Wakiillada oo aan markaa ka mid ahaa waanu ku marnayn oo waxaannu gaadhsiinay in aannu nidhaa wuxuu inagu wadaa Koonfur kadibna waa kii 1998-kii iscasilay ee laga diiday, wuxuu maalintaa nagu yidhi labadii gole ee Baarlamanka ayaa waddanka ku celin kara Koonfur ee anigu keliday kuma celin karo, laakiin waxaan idiin sheegayaa hore umaan qaadan baasaboor ajaanib ah weliba anigoo og markii la i inqilaabay oo boqorka Dubai igu yidhi qaado baasaboor oo halkan iska deg waa lagu xidhayaaye ayaan diiday si waddankayga la iigu xidho, balse haddii idinku (Baarlamankii Somaliland) garataan in Somaliland lagu celiyo Koonfur maanta ayaan qaadanayaa baasaboor ajaanib ah oo aan baxayaa, halkaasi ayuu ka taagnaa qadiyadda madaxbannaanida Somaliland,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.






Waxa kale oo xafladdaasi daah-furka buugga Dhaxalkii Gobonimada ka hadlay Abwaannada Axmed Saleebaan Bidde iyo Nimco Gabayo, kuwaas oo iyaguna soo bandhigay dhacdooyin dhexmaray iyaga iyo Marxuum Cigaal iyo weliba taariikhdiisii, waxaanay Alle uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo