Monday, April 8, 2019

Qowsaarku ha’jiro Geelliisee, Yaanu kaga tagin Dhoobiga.


 07th –Murch-2019


Somaliland waa dad hodan ku ahaa hiddo samida dhaqankeenii suubanaa  ee miyiga iyo reer guuraanimada, waxaana laf-dhabar u ahayd dhinaca jiritaanka aassaasska nolosheena oo ay ku tiirsaneyd, wax-beerista oo ahayd habka wax-soo saarka dhirta aynu ka helno cuntada iyo dhaqashada xoolaha nool.
Xoolo-dhaqatadu iyagoo ka duulaaya kala duwanaanshaha hab-nololeedka iyo meertada nolosha, ayey ku sargooyeen habkii ay ku maareeyn lahaayeen xoolaha ay dhaqdaan, waxaanay ka soo baxeen xoola-jirku dugsiyadii ugu horeeyey ee ka hir-galay dalkeena.

Dugsiyadaas waxa lagu baran jiray, sahaminta,  hillaadinta, kaydinta, beerista, dhaqanka, dhaanka, illaalinta, lisida, aroorinta iyo waraabinta xoolaha, dhinaca farsamadana, waxa lagu baran jiray sameynta qabaalka, mooyaha, kalaxa, fandhaalka, udbaha, dhigaha, loolka, koorta iyo waranka, halka dhadiguna ka baran jireen farsamada sameynta  dhismaha aqalka, soohida xadhkaha, dhigaha, loolka, qobtolka, heeryada, cawska iyo kabeda, haddana, intaas oo kaliya kumay koobnayn wax-barashadoodu, balse, waxa kale oo lagu tababari jiray  labka, fardo-fuulka, dabaasha, dhaqanka  iyo hab-dhaqanka uu leeyahay gadh-wadeenka reerku.

Dhinaca kale, waxay xoolo-dhaqatadu u kala saari jireen xoolo-jirka,  laba nin oo mid ka mid ah la odhan jiray   Qowsaar,  kaasoo ahaa ninka geela ka adag, xergeyntooda, illaalintooda, oodidooda, waraabintooda, aroorintooda, foofintooda, maalidooda, daajintooda, caraabintooda, daaweyntooda, baadidoonkooda iyo u kuurgalidooda hadba xaaladdaha ay ku sugan yihiin xooluhu.


Halka ninka kalena la odhan jiray Daba-dhoon, kaasoo ahaa kurayga caawiya qowsaarka, waxaanu ahaa kuray ka adag geela marmaristooda, maraq u feedhistooda, godolkooda, horistooda, nirgaha ka guristooda iyo ka celintooda, sidoo kalena,  marka uu Qowsaarku muraad yeesho, waxa uu xoolaha kaga tagi jiray Daba-dhoonka,  laakiinse, Daba-dhoonku muu wada fulin jirin hawlahaa shaqo ee loo igmaday.
Hadaba,  marka labadaa nin midnaba aanu reerku lahayn,  gadhwadeenka reerku waxa uu xoolaha u raadin jiray Dhoobi, kaasoo ah ninka geela jira ee ku lacag qaata xergeyntooda, illaalintooda, hillaadintooda, sahamintooda, foofintooda, maalidooda, daajintooda, caraabintooda, daaweyntooda, baadidoonkooda, oodidooda, marmaristooda, maraq u feedhistooda, godolkooda, horistooda, aroorintooda iyo  waraabintooda, balse, lagama yaabo in dhoobigaasi u daryeelo xoolaha  sidii ay u daryeeli jireen Qowsaarka iyo Daba-dhoonadu, sababtoo ah,  Dhoobiga waxa la yidhaahdaa xooluhu maaha xoolihiisii,  lexo-jeclo’na kama hayso xoolaha.
Marka aynu ka nimaadno arimahaas oo odhan, ee aynu eegno  maanta nidaamka dimuquraaadiyada ku dhisan ee ka jirta dunida,  waxa inooga dhex muuqanaya in ay jiraan waxyaabo badan oo ay ku kala  duwan yihiin dhinaca, xeeladaha siyaasadeed, afkaarta iyo mabaadiida ay aaminsan yihiin, haddana, wax kale oo taasi barbar socota oo ku lamaan,  in wadamada hore’umaray (Qawsaarada) ee bixiya deeqaha iyo dhaqaalaha maalgashi ee loogu hore’umarinaayo khayraadka dabiiciga ee ay leeyihiin wadamada soo korayaa (dabadhoonada),  wadamada hore’umaray (Qowsaarada) dhaqaalaha maal-gashiga ee ay bixinyaan waxa  ay u sii  wakiishaan  wadamada kale (dhoobiyada), waana ta sababtay  hoos u dhaca kobaca dhaqaalaha lagu hore’umarinayo wadamada soo koraya.


Gebo-gabadii qormadaydan waxaan ku soo gunaanadayaa, Jamhuuriyadda Somaliland uma baahna Dhoobiga Geel-jiraha ah (Wadamada kale), Laakiinse, waxay u baahan tahay in Qawsaaradu (Wadama Maal-gashigu) ay geellooda jirtaan, haddii kale’se, waa in ay Somaliland ka noqoto daba-dhoon.

 

Qoraa/: Maxamed Faarax Qoti

Friday, April 5, 2019

Ma Sheekhaan Sheekhii ahayn Mise Tufkaan Tufkii ahayn?

Waxa jiray sheekh tuf lahaa, kaasoo dadka buka marka loo geeyo si uu u soo dabiibo ama ugu soo tufo dabiibkiisa ay ka soo noqon jireen iyagoo caafimaad qaba oo ku soo bogsaday tufkiisii uu ku dabiibay  sheekhu.
Ninkii Sheekha ahaa jiray, ayey tiisii noqotay oo geeriyooday waqti dambe, kadibna wiil uu dhalay oo intii uu noolaa uu baray cilmiga tufka, kaasoo muddo dheer ka soo hoos shaqayn jiray  aabbihii, ayaa la wareegay shaqadii uu aabbihii dadka buka ku dabiibi jiray.

Bulshadii ku nooleyd deegaankaasi, marka ay xaalad caafimaad-darro ku timaado qof ka mid ah qoysaskooda, waxay dabiib uga raadin jireen wiilkii uu dhalay sheekhii tufka lahaa,  laakiinse, marka loo geeyo qofka buka kamuu soo noqon jirin isagoo caafimaad qaba, balse, waxa ku sii kordhi jiray xannuunkii uu qabay ee la doonayey in laga soo dabiibo.

Ka dib, markii dadka bukaan ah ee loo geyn jiray ay ku bogsan waayeen dabiikiisii wiilka uu dhalay sheekhu, waxay arintaas ku noqotay, wax ay aad u la yaabeen bulshadii deegaankaas degenayd, waxaanay isweydiiyeen  su’aal ahayd,  Waar ma sheekha ayaan sheekhii ahayn, mise tufkaan tufkii ahayn?

Waxaanay isku dayeen sidii ay u ogaan lahaayeen wiilka uu dhalay sheekhu in uu akhriyayo dabiibka cilmigii uu lahaa ee uu akhriyi jiray sheekhii tufka lahaa ee dhalay wiilka, arintaas  markii ay u kuurgaleen waxay ogaadeen in wiilku akhriyo cilmigii uu aabbihii wax ku dabiibi jiray.

Ka dibna, waxay yidhaahdeen, tufku waa tufkii, laakiinse, sheekha ayaan ahayn sheekhii.

.Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti