MAXAA KA DHEXEEYA FALLAGA IYO ASTAAMAHA XISBIYADA?
26th/July/2015
Waxa
jiray astaamo ay kaga soocnaay
een urruraddii ku soo bixi waayey tartanka doorashooyinkii
dalka ka qabsoomay, saddexda xisbi qaran
ee UCID, WADDANI iyo Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, Taasoo ahayd
dhinaca astaamaha saddexda
xisbi ay la waddaagaan astaanta guud ee
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa
is diiwaan galiyey 23-urur siyaasadeed, waxaana ka qayb-qaatay tartanka doorashooyinka gollaha
deegaanka 18- urur siyaasadeed, waxa hadhay 9-urur siyaasadeed, dhamaantood waxay lahaayeen Magac,
Calan, astaan u gaar ah, ujeedo, Barnaamij siyaasadeed iyo Gudoomiye.
Magacyada
urur-siyaasadeedyadaa, waxaynu ka
xasuusan karnaa , urur-siyaasadeedka UDUB, KULMIYE,UCID. WADDAN, DALSAN, RAYS, UMAD, XAQSOOR,
Nasiye, UDHIS, NUUR, JAMHUURIGA, Gobonimo, DAMAL, SSC, NDP, BADBAADO, UMADA,
Horyaal ,Xisbulah ,IBD, ILAYS, IFTIN, inkastoo aynaan halkan kusoo wada koobi
karrin dhamaan calamada iyo astaamaha ururadaasi ay lahaayeen, waxaynu sidaas ku
eegi doonaa Magaca, Calanka, Astaanta,Ujeedada,
Barnaamijka iyo Gadhwadeenka
ururadu, haddii aanay hal-macno ah oo kaliya oo isku mida aanay
sameynnayn, waxa inta badan lala xidhiidhiyaa, taasi inay tahay sababta
keenta guul-darrada.
Laakiin marka ay iswaafaqaan
Magaca, Calanka iyo Astaanta urur siyaasadeedkaasi, ee haddana lala akhriyo barnaamijka
iyo ujeedada ururkaasi inuu ka turjumayo magaca, calanka, iyo astaanta ururkaas,
ka dibna waxa lala eegaa sifaha uu leeyahay gadhwadeenka urur siyaasadeedkaasi,hadday
noqon lahayd dhinaca aqoonta,
hab-dhaqanka, dabeecada, iyo inuu yahay
mid wax laga baran karro oo ah hogaamiye, oo waliba ay is waafaqsan yihiin astaanta
iyo barnaamijka ururka siyaasadeedka uu hogaaminayo.
urur-siyaasadeedadii
hadhay ka sokow sidaas waxaynu ku qiimeyn doonaa saddexda xisbi qaran ee hadda
jira ee UCID, WADDANI, KULMIYE,
Xisbiga CADAALADA IYO DARYEELKA ee
(UCID) waxa la aassaasay 18-kii
bishii siddeedaad ee sannadkii 2001-dii,
waana xisbi siyaasiya oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan
dimuqraadiyadda ee aan ka hor imanayn
shareecada islaamka.
Iswaafajinta
ujeedada Astaanta iyo magaca xisbiga “UCID” oo ka kooban 4-xaraf kaasoo
u taagan Cadaalad:- oo loola jeedo ama tilmaamaya nidaam
sharci oo ujeedadiisu tahay Illaalinta xuquuqda iyo ciqaabaha khaldama iyadoo
loo marayo maamul cadaalada oo saxa sharciga dalka, halka Daryeelkuna:- uu yahay
taageero siinta dadka hawl-gabka, Naafada iyo dadka saboolka ah,
sida;- Raashin, Hoy, Kharashka dawooyinka,
waxa kaloo lagu tilmaamaa qaran
faraxsan oo leh caafimaad qab iyo Guul dhamaystiran.
Calanka;- xisbiga midabkiisu waa doogo
oo dhexda ay kaga xardhan yahay magaca xisbiga Cadaalada iyo daryeelka oo loo
soo gaabiyey “ UCID” kuna qoran khad
cad, Midabkan doogada ah: waxa loo
nisbeeyaa dhinaca cilmi falaga inuu ku
leeyahay burji Qiirada iyo curinta ee Naariga ah, kaasoo lala xidhiidhiyo sida amarka, amaanka, taranka, wada noolaanshaha,
nafoqeyn, daaweyn, jaceylka caruurta , u adeegista jiilka soo socda, kobcinta
iyo koritaanka xusuusta garaadka maskaxda.
Burjigan
dadka dhasha waxa lagu tilmaamaa inay
yihiin kuwo ku wanaagsan Illaalinta, ururinta, faanka, xanaaneynta, khayaaliga,
dabacsanaanta, axmaqnimada, hunguriga, isbedbedala, wax da’da, muxtaram la’aan,
naxariista, xasaasi ah, caadifadda, waxa kale oo lagu tilmaamaa inay yihiin
kuwo ka shiidaal qaata hooyooyinkood iyo
inay yihiin kuwo ku dhagsan oo qabiili
ah.
Astaanta xisbigu:
waa midab dooga oo dusha sare kaga qoran tahay Laa Ilaaha ila Laah oo af-carabi
ah, oo dhexdiisuna uu ku yaalo miisaan leh laba-kafadood iyo Wan cad oo madax
madow, waxa kale oo ku qoran magaca xisbiga oo af-soomaaali ah.
Laa Ilaaha illa Laah, oo ah macno ahaan ah, Illaah ma jiro, Alle Mooyaane, kalmadaas oo ka mid ah rukunka ugu horeeya
rukumada islaamka, taasoo ah rumaynta Eebe (SCW) , inkastoo aanay ku lamaanayn
nabigeena suuban ee Nabi Muxamed (CSW) .
Miisaankani;
- waa
qalab la’soo laalaadiyo oo leh laba kafadood oo wax lagu miisaamo loona isticmaalo ganacsiga maceeshadaha la kala iibsanayo ee u baahan miisaan, marna
waxa loo isticmaalaa sawir ahaan, dhinaca maxkamadaha taasoo loola jeedo xukun
cadaalad ah oo dadka u kala xaqqaada oo aan lahayn eex umaduna ay u siman
tahay, marna waxa lagu sifeeya maalinta qiyaamaha in qofkasta la eegidoono
miisaankiisa khayr iyo shar uu sameeyey intuu uu ifka ku noolaa, marna waxa
lagu sheegaa in calaamad ay u tahay burjiga miisaanka dhinaca falaga kaasoo
lagu tilmaamo inuu yahay burjiga hawlaha ganacsiga iyo Guurka, “ inkastoo Burjigan Xisbiga
Waddani ay ka wadaagaan Dhinaca Midabka
” haddana wuxuu leeyahay isku kalsooni badan, dhinaca heshiisyada axdiyadda iyo Arrimaha la macaamilka
xidhiindhada diblomaasiyadeed noockasta, aqoona u leh ama yaqaana cadawyada, waxa kale oo inta badan lagu
tilmaamaa inuu leeyahay tayo soojiidasho xubnaha la rafiiqa.
Inkastoo
lala xidhiidhiyo dadka dhasha burjigan ay yihiin kuwo u fudud socdaalka oo ku faraxsan xidhiidhada, nabada, cadaalad maskaxeed, waana kuwo hadhis badan,
waana kuwa had iyo jeer ka fikira oo jecel nolosha, una xiisooda ammaanka shucuurta, laakiin waa kuwo horyaal ka noqda markay
dhibaatadu timaado, oo aan lahayn
go’aan awoodeed oo dhameystiran inay ka qaataan dhinaca amarka.
Waa
wan madax madow oo lab ah, waxaanu
xanbaarsan yahay mucjisooyin aad u fara badan oo aynaan halkan ku soo
koobin Karin, Runtana Allaa Og
Xisbi siyaasadeedka WADDANI :- waxa la aassaasay 6-dii bishii 10-aad sannadkii 2011-kii, waana xisbi
siyaasiya oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda ee
aan ka hor imanayn shareecada islaamka.
Iswaafajinta
ujeedada Astaanta iyo magaca xisbigan
oo ka kooban 7-ba xaraf, Calanka xisbiga midabkiisu waa Liimi, kaasoo dhexda kaga xardhan yahay WADDANI
oo ku qoran khad madow, Midabka
liimiga ah;- waxa lagu sifeeyaa inuu yahay faraxsanaan, sababtoo ah waxa ku jira midabka huruuda ee
farxada, isla markaana waxa lagu tilmaamaa xamaasada, danaynta, riyaaqaya,
hal-abuurka, guusha iyo kicinta, waana shaqsiyaad diiran oo jecel inay soo
jiitaan dareenka dadka, Midabka Liinta waxay maskaxda siisaa firfircooni,hawo,
iyo inay cariso kicinta doonista cuntada, iyo cunida cunto caafimaad qabta,
inkastoo
burjigan lala xidhiidhiyo burjiga Guurka iyo Hawlaha Ganacsiga ayaa ah mid leh kalsooni,
dhinaca Heshiisyada, axdiyadda iyo Arrimaha la macaamilka xidhiindhada noockasta
oo diblomaasiyadeed, waxa kale oo uu aqoon u leeyahay baa la yidhaahdaa cadawkasta, inta badan waxa lagu
tilmaamaa inuu leeyahay tayo soojiidasho xubnaha la rafiiqa.
inkastoo
lala xidhiidhiyo dadka burjigan dhashaa ay yihiin kuwo si fudud u socdaala, oo
ku farxa xidhiidhada dhinaca nabada, oo
leh cadaalad maskaxeed, oo hadhis badan, had iyo jeer ka fikirsan jaceylka nolosha,
xiiseeyana shucuurta ammaanka, inkastoo ay horyaal ka noqdaan marka ay dhibaato
timaado, balse aan lahayn go’aan awoodeed oo dhameystiran inay ka
qaataan dhinaca amarka.
Astaanta xisbiga waa Galaydh
(Baas) oo ku-taagan caleen qoyan oo cagaar ah oo hareeraha laga xardhay, waa
shinbir weyn oo cawlan, kaasoo leh laba baad oo ay ku xardhan yihiin barbar
badow iyo caddaan ahi, waana lab inkastoo labada jinsiba ay daryeelaan
caruurtooda, waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay shinbiraha ugu cimriga dheer, waxa kale oo cabirka
dhererka garbihiisa lagu qiyaaso 5.6 illaa inta u dhaxaysa 6 feet, halka
culayskiisana lagu qiyaaso inuu yahay 3.5
illaa 5.2 pounds (1.6 2.4 kg), wuxuu leeyahay laba lugood oo leh cidiyo dhaadheer oo uu ku ugaadhsado noocyadda kala
duwan ee cayayaanka, xamaaratada, baraarka, bakaylaha, sakaarada IWM. kala
duwanaanshaha doonista socdaalkiisa kasokow waa mid haajira haddii uu waayo cunto
ku filan, laakiin Galaydhkani wuxuu ku
taagan yahay caleen qoyan oo cagaaran taasina waxay kuu xaqiijinaysaa inuu
helayo cunto ku filan oo ku noolaado.
.
Xisbiga Nabada, Midnimada iyo Horumarka
(KULMIYE) waxa
la aassaasay bishii May sannadkii 2002-dii, waana
xisbi siyaasiya oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda
aan ka hor imanayn shareecada islaamka.
Iswaafajinta
ujeedada Astaanta iyo magaca xisbiga
kaasoo ka kooban 7-da xaraf, una taagan, Nabad:-
oo ah aassaaska iftiinka nolosha
aadamaha, Midnimona:- ay tahay israac ama dad isku ujeedo ah oo samir
badan, kuwaas oo galay heshiis laba dhinac ah oo ka kooban
Towfiiq iyo wada noolaansho, waxa kale oo lagu tilmaamaa inay ka turjumayso, in
la gaadhay wakhti loo tafo-xaytay hiigsi wax-qabad, marna waxa lala
xidhiidhiyaa inay qayb ka tahay
suugaanta farshaxanku kusoo saaro
shaqo wanaaga, iyo ta saddexaad oo ah Horumar:- tani maaha koboca
dhaqaalaha oo qudha, laakiin waa hab koobaya baahiyaha sida caafimaadka,
nafaqada, waxbarashada, wadooyinka, laydhka, biyaha, nadiifinta deegaanka,
waana mid siinaysa dadka soboolka ah nolol wanaagsan oo ay ku noolaadaan.
Xisbiga KULMIYE ;- wuxuu
leeyahay astaan u gaar ah, kana kooban laba-gacmood oo Lab ah, oo isa
salaamaya, labada gacmood mid ka mid ahi waxay xidhan tahay suudh cad, taasoo
ka turjumaysa heshiis nabadeed iyo
aaminsanaanta muhiimiyadda ay leedahay isbedelka toggani, Gacanta labaad ee xidhan
suudhka madowna:- waxa ay ka turjumaysaa heshiis wada shaqayneed, waxa kale oo dusha
kaga xardhan magaca xisbiga “KULMIYE” oo
dusha ay kaga wareegsan tahay goobo u eeg qaab ukumeed oo khad madow ku qoran.
Calanka;- xisbiga Kulmiye waa afar gees u qeybsan laba
qaybood oo saddex xagal ah, kaasoo tilmaamaya, curin qorshayaal wax-ku’ool ah iyo
midnimo, waxa kale oo uu leeyahay Laba
midab;- Midabka sare ee doogada ahi,
waxa lala xidhiidhiyaa dhinaca cilmi falaga inuu ku leeyahay burjiga Qiirada
iyo curinta, kaasoo ah burji Naari’ga ee Naaf,
waxaana loo nisbeeyaa dhinaca Amarka, Amaanka, Taranka, Wada-
noolaanshaha, Nafoqeyn, Daaweyn, u adeegista jiilka soo socda, Jaceylka
caruurta, kobcinta iyo koritaanka xusuusta garaadka maskaxda.
inkastoo burjigan dadka dhasha lagu tilmaamo inay yihiin kuwo axmaqiin ah, oo
wax da’da, kuna wanaagsan Illaalinta, ururinta, faanka, xanaaneynta,
khayaaliga, dabacsanaanta, hunguriga, isbedbedala, muxtaram la’aan, naxariista,
xasaasi ah, caadifada, waxa kale oo lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo ka shiidaal
qaata hooyooyinkood, iyo inay yihiin kuwo ku dhagsan oo qabiili ah.
Midabka hoose ee huruudda ahina:-
waxa lagu sheegaa inuu fulkiga ku leeyahay burjiga hawaa’iga ee lamaanaha ah,
waxaanu leeyahay iftiinka qorraxda, farxadda, tamarta, cisiga iyo
sharafka, dhinaca arrimaha bulshada waxa
lala xidhiidhiyaa inuu ku leeyahay soo jiidasho badan iyo firfircooni
maskaxeed, laakiin haddii midabkaasi uu ku bato ardayda wuxuu ku keenaa cadho,
inkastoo caruurtuna ay ka ooydo.
Burjigan
waxa lala xidhiidhiyaa inuu leeyahay maskax dabacsan, sidoo kalena waxa lagu
tiriryaa inuu leeyahay Xirfado badan leh, diimaha, codkarka, isbedelka,
feejignaanta, isyeelyeelka, toosnaanta, xidhiidhka jacelyka, caqligalka,
dhageysiga, guuritaanka-ku ba’an, dhimirka-kadiska ah, ururinta, la qabsan og
xaalada xusub, ka qayb qaadashada marin habaabinta, ciyaarta tartarnka, oo aan
gaban. Runtana Allaa Og
dhamaan
astaamahan xisbiyada waxaan kala soo dhex baxay mareegaha ay lee
yihiin, wixii khalad ahna la iima raaco
Q/R; Dr. Maxamed Faarax Qoti
Astrologiest
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid