Thursday, December 28, 2017

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka Q/1-aad

Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)                 Q/1-aad 


Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.

Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka  bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha.

Haddaba, waxa aynu malle aadame ku male’awaalno, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2018-ka, waxaanay odhan jireen, Dadka ku xeelka-dheer leh, cilmiga odoroska xidigaha “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin,”

Moorada Sannadkan 2018-ka wuxuu ku beegmay Moorada Nayruus Isniineed oo loo nisbeeyo astaanta 4-aad ee burjiga Sardaan, godadka dayaxu uu marana waxa ku leedahay Naaf-cade, Naaf-madoobe iyo Koxdin tar, waana xilliga kala wareega gu’ga iyo xaggaaga, waa burji Maa’I ah, waana dhadig maalinle laba habeenle ah, qabow badan iyo qoyaan badan buu leeyahay, waanu toosan yahay, jihadiisuna waa waqooyi galbeed.

Waxaana lala xidhiidhiyaa dhinaca dabeecaddaha nafsaaniga ee u janjeedha qiiradda waayihii la soo dhaafay, qoyska iyo dareenka hooyooyinkuba waxay u baahdaan mashaariic ay horumariyaan oo ka baxsan dunida, kuna noolaadaan nolol qaniya iyo xiiso badan oo xad-dhaaf ah, taasoo ku keeni karta dhinaca awoodaha ammaanka baqdin iyo khatar, waa inaad tustaa wajiga dhabta ah ee dadku kaa aaminsan yihiin, waxa kaliyaata ee loo baahan yahay waa in si fiican loola qabsado qiirooyinkii la soo dhaafay.

Dhinaca siyaasadda: waxa laga saadaalin jiray in la arko isbedelo siyaasadeed oo ay fuliyaan xukuumaduhu, dad badanina waxay dareemi doonaan baqdin ku saabsan mustaqbalkooda nolloleed, haddii ay noqon lahayd dhinaca jinsiyadda, daryeel caafimaad, shaqooyinka iyo  bixinta-deynta heshiisyadda sharci ee faa’idooyinka macaashka guryaha, waxaana laga fillaa qaab-dhismeedka hay'adaha dawladaha iyo nidaamka xukumaddaha in ay illaaliyaan dadka muwaadiniinta ee ku tiirsan gudashada waajibaadyada ay ku daryeelayso dowladdoodu in ay noqdaan kuwo ay ku dhacdo shaqo la’aan baahsan oo waxyeellooyin gaadhsiiya hab-nolloleedkooda.

Waxa la gaadhay wakhtiigii xisbiyada mucaaridku u tilmaami lahaayeen xukuumadda wixii khaldan si loo saxo,  kuna wada shaqeeyaan nidaamka sharci ee u dajisan xukuumaddaha, maaha khalad ama sax  jaceylka dhex-maridoona xisbiyadda iyo xornimadda, wakhtigan dowladaha dareenkoodu maaha kuwo xasiloon, waxaana haboon in la sii wado- dadaalada loogu jiro in kor loogu qaado horumarka, laakiise, marka ay ka soo hor-jeedsadaan go’aanadaasi garabyada kale, waxaynu haysanaa guul lagu sii wado mideynta fikradaha kala duwan, waxaynu leenahay awood heerkeedu aad u sareeyo marka ay nidaamka isbadalayaa uu billaabmo.

Waa in ay ku yaraadaan dadka rayidka ahi marka la sameynayo go’aan qaadashada maamul daadajinta awooddaha xukuumadaha, inkastoo ay qayb laxaad leh ka qaataan hawlaha horumarka, cadaaladu markay gaadho heerka ugu sareeya ee ay xoogeysato waxay saameyn ku yeelanaysaa dhinaca awoodaha xukuumaddaha, sidoo kale, wuxuu saameyn ku yeelanayaa dadka raadinaya jagooyinka hoggaaminta iyo kuwa sheeganaya awoodda xukuumadaha. Runtana Allaa Og..

Dadku waxay ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah: Waxa lala xidhiidhiyaa khatarta dib ugu noqoshada fikradaha kacdoonka iyo furnaanshaha maskaxeed ee bulshada laga tirtiray 50-sannadood ka hor, waxaanay u muuqataa in dib loogu noqonayo Sannadkii 1950-kii, taasoo qaar ka mid ah dabeecadaha fikradaha siyaasaddeed ee humaagga ka soo noqdaa uu ka tarjumayo qallafsanaanta, cabsida, illaalinta dhaqanka iyo nacaybka (cabsida aajnabiga).

Bulshadu badankoodu waxay noqdaan kuwo qiimeynaya oo kuwada faraxsan isku duubnida lawada gaadhay, marka dib loo milicsado mugdigii ka turjumayey wakhtigii dagaalkii labaad ee aduunka, daacadnimo la’aantii,…………….

La soco........ 

Saturday, December 2, 2017

MARADA CAS IYO LO'DA ISBAANISHKA

 

Lo’da Isbaanishku xaqiiqdii maaha kuwo neceb, kana xanaaqa marada cas ama midabka casaanka ah, sababtoo ah, Lo’da isbaanishku waxay leeyihiin laba indhood, kuwaasoo unnugyada ay ka sameysan yihiina Afka-qalaad loogu yeedho ,“Rods and Cones.

Kaasoo Unuga Rods’ka badanaaba ay masuuliyadiisu tahay dhinaca awood arraga inuu ku arki karo iftiinka iyo gudcurkaba, halka Unuga Cones’ka la yidhaahdaa uu awood u leeyahay inuu arki karo midabada kale ee ay ka mid yihiin Huruudda iyo Cagaarka.

Laakiinse, haddana waxa ay rumeysan yihiin dad badan oo ku kala nool daafaha aduunku, in Lo’da Spainishku ka xanaaqaan midabka cas, iyagoo arrintaas u nisbeeyey marka ay indhaheenu arkaan midabka cas, markiiba waxay maskaxdeenu ka bixisaa jawaabo kala gadisan iyo sawiro kala duwan,  sida,:-

Gubashada, waxa calaamad u ah midabka cas qalabka lagula tacaalo dabka in lagu damiyo, Dhiiga oo midabkiisu yahay casaan iyo Xannaaqa, taasoo, marka uu qofku cadhaysan yahay ay indhuhu casaadaan.

Mar la sameeyey cilmi baadhis qaadatay muddo dheer, ayaa lagu ogaaday xaqiiqada dhabta ahi inay tahay, in aanay Dibida Isbaanishku arkin midabka cas, isla markaana aanay ka xannaaqin, oo aaney necbeyn midabkaasi, balse, uu yahay xannaaqaasi mid ka dhashay oo kaliya, carrinta la carriyo.

Wednesday, November 8, 2017

Codbixiyuhu Waa Siyaasiga Maqla Weedhaha Dhiifta Badan Iyo Weedhaha Dheefta Leh.

Hoggaamintu waa farshaxan-dhigaya waxa aynu doonayno in sida saxda ah ee ku haboon la innoogu qabto, mana’aha wax la taaban karo, balse, waa mid wax laga barrankaro, sidaa awgeed ayeynu  Dimuquraaddiyada uga soo qaadanay habka loogu tartamo siyaasadda awoodda talada dalka, dadkuna ay ku doortaan hoggaamiyihii ku hoggaamin lahaa nidaamka siyaasaddeed ee u dejisan dalkeena, iyadoo loo maraayo  awooddaa siyaasaddeed  iyo nidaamkaa siyaasadeed ee la doortay uu ku baddelo xukuumadda hab-doorasho oo xor iyo xalaal ah.

Waxa maanta Aduunka ka jira Madaxweyneyaal amma hoggaamiyayaal badan, balse aad bay u yar yihiin inta hoggaamiye ahi, inkastoo haddana lagu tilmaamo dhabbadii guusha ay ku gaadheen hoggaamiyeyaashii soo maray dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ay ahaayeen kuwo dadkooda u muujinayey qadarin, iyagoo tusayey halka loo socdo ee bar-tilmaameedku uu ahaa, xeel-dheeri, xullasho sare, oo aan waligood is dhiibin, korna u hadla,  taasi maaha macnaheedu, lamana odhan karo haddii uu soo jeediyo khudbad ay dadku wada jeclaystaan ammaba kawada qoslisa.

Laakiinse, waxa ay ahaayeen kuwo qeexayey maxsuulka oo aan sifeyneyn, isla markaana innoogaga tagayey dadkeena iyo dalkeena jamhuuriyadda Somaliland oo horumarsan, taasinay waxay noqotay dhaxalkii ay inoogaga tageen Hoggaamiyayaashii Toganaa ee soo maray mansabka Madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

May ahayn kuwo dadku ay ku raacayeen cunfi, qabiil, magac, balse waxa ay ahaayeen kuwo laga dheehan karayey inay lahaayeen, isku kalsooni, daacadnimo, run-sheegnimo, hawl-karnimo, indheer-garadnimo, waayo-arragnimo xirfaddeed, Xeeladdeed, Xikmaddeed, Aqoon, Dhaqan iyo Diin,  kuwaasoo, had iyo jeer ka fikiraayey inay inoo abuuraan rajooyinkii guusha aynu ku gaadhi lahayn, iyagoo hagaajinaya horumarkeena, waxay awood innoo siiyeen fursaddo xirfaddeed oo aynu ku soo hooyney hadafkii aynu hiigsanaynay ee aynu aaminsaneyn.
`
Waxa kale oo ay aaminsanaayeen haddii wax la qabto inay ka sii fiicnaan doonto wixii hore loo sii qabtay, diyaarna u ahaa inay haggaajiyaan war-biximaha had iyo goor ku soo noqnoqonayey, inta badan  dareensanaa oo maskaxda ku hayey muddadii koobneyd ee ay xilka hayeen marka ay dhamaato muddo-xilleedkoodaasina,  ixtiraamayey innay si xaq ah ugaga deggaan xilkii loo igmaday, iyagoo u  hoggaasanaa sharciga , isla markaana  abuurayey hoggaamiye wanaagsan.

Halka hoggaamiyayaasha tabana inta badan lagu tilmaamo innay maskaxdooda ku jirto,  sidii  ay dadka kale ugaga helli lahaayeen war-bixino dantooda  ah,  isla markaana, war-bixintaas gaarka u ahi war-celintoodu ugu war-wareegi lahayd dadka kale, amaba khiyaameynayey saaxiibaddood oo tuurayey, amaba ku abuurayey niyad jab iyo innay abuurayey dad raacsan oo kaliya.

Dhinaca kale, marka aynu eegno hab-dhaqanka awoodeed iyo dabeecada wanaagsan waxa ay  qayb ka tahay hoggaaminta wanaagsan, sababtoo ah, koritaanka dabeecaddeed ee aadamuhu waxay qaadataa muddo-dheer, inkastoo aan la garan Karin qiyaasta saxda ah ee ay hore-umarto, haddana, waxa lagu qiimeeyaa akhlaaqda iyo anshaxa guud ee uu qofku u muujiyo dadka kale, taasoo innagu abuurta innaynu sawiran karno waxa ku sugan maskaxaha murrashaxiinta u tartameysa hoggaaminta talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxay noqon karaan hab-dhaqanada awooda aadamaha ee aqoonteeda wax-barasho aadka u sareysaa kuwo awood leh ama daciif ah, kuwo wanaagsan amaba xun, laguna qiimeyn karo qofka leh hab-dhaqan awoodeed ee haddana ay dabeecadiisu wanaagsan tahay innuu yahay hoggaamiye wanaagsan oo dadkiisa iyo dalkiisaba ku hagi kara mustaqbalka waxay aaminsan yihiin, inkastoo tamarta dabeecadu ka timaado maskaxda, tamarta hab-dhaqankana ay ka timaado dareenka wanaagsan.

Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland waa ka qayb farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, wax qabad toosan iyo caqli wax-ku-ool ah, habka barshada, baadhida, tijaabinta, u  kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee ka jira dunida.

Inkastoo, haddana siyaasaadda loola jeedo dhinaca awooddaha iyo ujeeddada nolosha dadweynaha ama nidaamka  ujeeddada ururrada, taasoo tilmaamaysa  arragtida maamulka  xisbiyadda siyaasaddeed ay isku maamulaan ama ay ugu  hoggaasanaadaan siyaasadda maamulka dowladda,  marna, ay tahay   go’aan ama hadal ujeedo leh,  sida; siyaasadda dadka, ururrada,  kooxo, tiro qawaaniin ah oo lagu xisaabtamo amaba ay  tahay  mabda’a hanuuniya go'aannada.

Laakiinse, Fahamka ama marka loo isticmaalo  sifo ka duwan sifaha aynu kor ku soo sheegnay, sida maanta innooga muuqata qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda ee ku loolamaya tartanka doorashada madaxweynaha, waa Siyaasadd Taban, waana farshaxan illaaq ah, danno loo eekaysiiyey in lagu tartamaayo mabaadi iyo hoggaamin, taasoo loogaga faa’ideysanaayo danno gaar ah, danaha-caamka ah ee guud.

Waxa iyana sidoo kale barbar socda Siyaasadda Togan,   Siyaasiyiin  ama Wasiiro,  kuwaasoo  ah  siyaasiga haysta xafiiska guud ee  ugu mudan Qaran- dowladeed,  ama sarkaal loo qaabeeyey arrimaha muwaadiniinta loo carbiyey cilmiga siyaasadda, kuna  shaqeeya xirfadda maareynta arrimaha muwaadiniinta, kuwaasooy noqda  siyaasiyiin Togan oo ka fikira jiilka soo socda, ama Siyaasiyiin Taban oo had iyo goor ka fikira doorashadda soo socota oo kaliya, sida ay maanta innoogu muuqato wasiiro badan oo qaarkoodna shaqada laga caydhiyey sababa jiray awgeed, kuwo kale oo is casilayna ay ku biirayey xisbiyadda mucaaridka ah, oo haddana ku soo noqonayey xisbiga muxaafidka.

Xisbiyada  siyaasaddeed ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, waa kooxo nidaamsan oo isku duuban, kana mid ah dadweynaha, kuwaasoo leh fikir iyo ujeeddo isku mid ah oo qaabeysan, waxaanay u diyaarsan yihiin sidii murrashax ay dadweynuhu soo doorteen uu ugu guulaysan lahaa awooda talada dalka, inkastoo xisbiyadda qaarkood ay ku mashquulaan kooxo danno gaara leh oo dhaq-dhaqaajiya bulshada, isla-markaana  jeclaysta innay awoodda siyaasaddeed ee dalka kula wareegaan hab doorasho ama hab kacdoon, laakiinse, haddana xisbiyada qaarkood ma jeclaystaan kooxahahaasi danaha  gaarka ah leh,  sababtoo ah, waxay ka lumiyaan ujeedada illaalinta awoodda qaran iyo xakameynta geedi socodka siyaasadda guud ee u dajisan Dastuurka iyo habka sharcigu u siiyey qaab-dhismeedkooda shaqo.

Siyaasiyiinta xisbiyada qaarkood waxay u haystaan siyaasaddu in ay tahay farshaxan qabow oo lagaga urursanaayo tijaarta kharashka tar-tanka ollolaha, codkana  dadka saboolka ah, qaarna waxay  u haystaan hab lagu  day-dayo xanuunka, inkastoo ay helli ogyihiin ha jirto ama yaanay jirinbee.

Badweynta siyaasadda, dumuquraadiyadda, xisbiyadda,  gabi-dhaclaynta dadka xanbaarsan siyaasadda togan iyo ta taban,  Inkastoo aynaan ku soo koobi karin qormo keliya, waxaan maxsuulka qormadaydan ku iftiimin lahaa waa sida dadka qaar ay aaminsan yihiin, in siyaasigu  uu yahay  Dadka (cod-bixiyaha), sababtoo ah waa kuwo arka dhamaadka kaaha ka iffaya hogga, waanay u soo baxaan iyagoo  dooranaya Hoggaamiye Togan, murrashaxiinta saddexda xisbi siyaasaddeed ee ugu tartamaya innay hoggaamiyaan talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Inkastoo dadka qaarkoodna ay ku qiimeeyaan weedhihii dhiifta badnaa, halka, kuwo kalena weedhihii dheefta lahaa ee ka socday hareeraha xayn-daabka ay ku xeersanaayeen soona gaadhayey qaybta keydka xog-ururineed ee maskaxaha Dhageystayaasha, Daawadayaasha, Akhristayaasha iyo Qorayaasha, kuwaasoo kaga fal-celiya innay u noqdaan gaadh iyo gabood,  halka kuwo kalena ay u soo qaataan tusaale iyo masaal.




Maxamed Faarax Qoti

Saturday, August 5, 2017

WANKII LA LUMAY BARAARKA

Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsan nahay dhaqaalahooda,  caanahooda, haragooda iyo hilibkoodaba.

Xoolo-dhaqatadu iyagoo ka duulaaya kala duwanaanshaha hab-nololeedka iyo meertada nolosha xoolaha nool ayey ku sargooyeen habkii ay u maareeyn lahaayeen xoolaha ay dhaqdaan, inkastoo, haddana iduhu gaar ahaan wanka qoodha ahi uu ka duwan yahay baar-qabka  ama qoodha xoolaha kale.

Haddana, dhinaca taranka xoolo-dhaqatadu wanka sumalka ah kuma daraan laxaha, waanay u kal-tiriyaan habeenka sumalka laxaha ay ku sii daynayaan,  marka uu rimiyo’na way ka soocaan wanka qoodha ah (Sumalka),  waxaanay ku daraan baraarka iyagoo ka taxadiraaya si aanay u dhicin oo aanu u rimin laxahii seegay iyo sabeenaha hanaqaaday.

Sidaas bay dadka aqoonta u leh cilmiga saadaalinta gedgedoonka cimilada iyo guurguurka xidiguhu ugu mooreyn jireen, si aanay ugu beegmin naylaha dhalanayaa xili abaareed, isla-markaana, ay ugu beegi jireen inay nayluhu dhashaan xiliga curashada gu’ga ka dib, 25-caano maal dhulkii oo rooban oo baad iyo biyo’ba leh, maadaama Laxuhu ilmaha ku qaadaan caloosha 147- habeen illaa iyo 150-habeen, halkaas ayey xoolo-dhaqatadu kaga go’aan qaadan jireen geedi-socodka noloshooda la xidhiidha hayaanka iyo isbedelka cimilada (roobka, abaaraha iyo dabaylaha).

Waxa dhacda inta badan marka sumalka lagu daro baraarka ee ay kambal daaqayaan inuu  uriyo ido meel fog daaqaya oo uu sanka la raaco jihadii ay ka xigeen, isla-markaana, sida uu isku leeyahay gaadh buu la fogaadaa baraarkii yar yaraa,  marka danbena, wuu ku soo guryo noqon kari waayaa oo uu sumalkii ku lumiyaa  baraarkii,  laakiise, xoolo-dhaqatadu iyagoo dhowraya qiimaha iyo sharafka magaca sumalka oo u xil-qarinaaya Wankii lumiyey Baraarka,  ayey u yidhaahdaan, “Wankii la lumay Baraarka”

Marka aynu eegno nidaamkan dimuquraaadiyada ee ku dhisan xisbiyada ka jira maanta Dalka Jamhuuriyada Somaliland, waxa jira inay ku kala duwan yihiin dhinaca afkaarta iyo mabaadiida ay aaminsan yihiin, haddana waxa jira xubno siyaasiyiin ah oo dhaqanno xun ku soo kordhiyey nidaamkii siyaasadda, kuwaas oo markii loo diiday inay ka mid noqdaan xubinnimada xisbul-xaakimka talada dalka haya ee KULMIYE, shaqsiyaad daba-dhilif u ahaa taliskii Siyaad Barre oo aan ka maydhanin nijaastii Faqashta ay maanta dhagahayagu maqlayaan iyagoo hawada marinaaya dhawaaqyo codod xanaf leh oo been abuur ah iyo fikrado madhan oo aan ku dhisnayn cilmi iyo caqliyadtoona oo ay ku bar-tilmaameedsanayaan madaxda sare ee xisbiga KULMIYE, gaar ahaan Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbigaas,  Mudane, Muuse Biixi oo aanay gaadhi karin taariikhdiisa iyo hamigiisa uu ku doonayo inuu ugu tartamo doorasho xor ah oo xalaal ah, kursiga ugu sareeya ee talada dalka Jamhuuriyada Somaliland.

Xisbiyada mucaaridka ah ee soo dhaweeyey kuwa sharka badan, sharka ay beerayaan ayey midhahooda goosan doonaan xisbiyadii ay gaashaanka iyo gaboodka ka dhiganayeen, waxaanu noqon doonaa hogaamiyaha xisbiga raalida ka noqday Wankii Lumiyey Baraarka”, ee noqon maayo “Wankii la Lumay Baraarka”


Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Saturday, July 29, 2017

Muuse Ma Boorbaa Mise Waa Dhiin?


SHEEKO GAABAN: 

Boor iyo Dhiin



Waagii hore waxa la odhan jiray Lo’jirku wuu ka xadaarisanaa Geel-jiraha iyo Adhi jirka, wakhtigaas  waxa  arrintaas loo sababayn jiray dhinaca garnaqsiga, garraha  iyo wada-xaajoodka, taasoo ay ku dabaqi jireen marka ay cid wax iska soo galaan, ka hor inta aanay u tegin ayey wax iska weydiin jireen, oo ay odhan jireen, waar horta Ninku ma’Boor baa mise waa Dhiin?

Haddaba, labadan calaamadood, waa laba calaamadood oo ay leeyihiin Lo’da “Dab-joogta ah” ee la dhaqdaa, mid waliba waxa ay leedahay  dabeecad iyo hab-nololeed u gaar ah, waxaana la odhan jiray, Saca Boorka ah waa neef geesa gaagaaban oo saan quruxsan,  dhogor yar, midabkiisuna waa boor, cimri dherer, dherer xoogan, dareen xoogan, taran badan, cag weyn, socod badan, fahmo badan, orod dheer, calool yar, naaso yar, naas jilicsan, caano yar, caano macaan oo nafaqo badan, xigisin dhow,  gorof lagad yar, codka “ ololkiisu” waa dhawaaq dhuuban oo aan xabeeb lahayn,  baadina ma’noqdo,  oogada sare ee korkiisu waa mid adkaysi badan u leh kulka qoraxda, qabowga, barafka, roobka , usha lagu dhufto, waxa kale oo adkaysi badan u leeyahay baadka iyo biyo la’aanta wakhtiyada  jiilaalku dheeraado ee ay abaaruhu dhacaan, ,waa mid iska celin kara dhamaan habar dugaag oo dhan.

Halka saca dhiinka ahna  lagu tilmaamo, neef geesa dhaadheer oo saan fool-xun leh, dhogor badan, oo midabkiisu casaanka yahay, cag yar, taran yar, socod yar, calool wayn, oo aan ordi karin, dherer gaaban, fahmo gaaban, dareen yar, cimri gaaban, naaso-waaweyn, naaso adag, caano badan oo nafaqo yar, caano qadhaadh, xigsin fog, gorof-lagad badan, baadidiisu badan tahay, codka “ ololkiisuna” waa dhawaaq cod weyn  oo xabeeb leh,   kor nugul oo aan u adkaysan karin usha lagu dhufto, kulka qorada, qabowga, roobka, barafka,  isla-markaana  u nugul baadka iyo biyo la’aanta wakhtiyada  jiilaalku dheeraado ee ay abaaruhu dhacaan,  baqdin badan, dugaagana aan iska celin karin.

Waxaan dhibic ka mid ah sheekadan u dhaafi lahaa  dadweynaha inta badan xiiseeya akhriska iyo qoraalada, su’aasha jawaabtan ah,  gaar-ahaan Lo’jirka maanta, Waar Muuse ma’Boorbaa mise waa Dhiin?  

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

Monday, July 24, 2017

Haddii Calafku Kugu Dhaco u Badalo Midho Macaan…”

Sheeko Gaaban:- Saddexdii Beerwale.



Beeruhu waa jiritaanka aassaasska noloshada aadamaha, xoolaha iyo xayaawanada, wax-beeristuna waa habka abuurida, taranka, korintaanka, xanaaneynta  iyo soo saarida dhirta laga helo cuntada, daawada, dharka iyo hoyga ay ku tiirsan tahay nolosha dadku.

Wakhti hore waxa jiray nin beeralay ah oo ku noolaa Tuulo yar oo aan aad uga fogayn caasimada dalka Jamhuuriyada Somaliland,   inkastoo ninkaasi uu ahaa nin karti iyo dadaal badan dhinaca tacabka beeraha, haddana waxa uu ahaa nin aan daryeeli jirin beertii uu tacabka galiyey, waxaana beertaas cuni jiray shimbiraha, cayayaanadaa, xamaaratada  iyo xayawaanada kale.


Xillli ka mida ah xilliyada, waxa dalaga beertii uu ku tabcay ka soo go’day midho aad u tiro yaraa oo aanay ka muuqan dadaalkii badnaa ee ay galiyeen qoyskiisu, ka dibna, waxa uu abaal marin ugaga dhigay inuu ku wareejiyo wiil uu dhalay oo uu aad u jeclaa oo ku dhashay beer-falida.

Wiilkaas waxa uu aad u jeclaa yaanbada dhulka lagu qodo, dhisitaanka kanaalada waraabka beeraha, barashada hanaanka cimilada iyo barashada cilmiga bacriminta, in ka badan intaas oo dhan waxa uu ka sii jeclaa midhaha ka soo’go beeraheena ee aynu beerano, waanu cuni jiray, waxaanu ahaa khabiir dhinaca cilmiga beeraha ah aad ugu xeel-dheeraa.
Markii uu bilaabay qorshayaal uu ku horumarin lahaa tayada iyo tirada beertaas, waxa ka hor-yimid caqabad weyn, taasoo ahayd,  in beertii uu falan lahaa oo dhameyd cabirkeedu 21-qoodi ay hoy u noqotay dhamaan waxa bahal beerka ku siqa oo dhan ee loo yaqaano xamaaratada iyo duur-jog kale, ka dib, waxa uu go’aan ku gaadhay inuu beerta dhexdeeda ka sameeyo qiyaas dhan 1-qoodi  shabagyo koob-kooban ah oo aad u qurux badnaa, waxaanu ku  ku soo ururiyey dhamaan wixii bahal ku noolaa beertaas oo uu miciyihiina uu ka guray,  halka uu 9-kii qoodi ee kale uu ka beeray midho la goosto.

Waxa kale oo uu culays ku saaray naftiisa inuu maalinkiina uu ka shaqeeyo, habeenkiina dhex-seexdo beerta, taasina waxa ay ku keentay inuu u kaco wax kasta oo dhulka ku soo dhaca, waxa uu ahaa nin naftiisu tababaran tahay oo maalintii hal-wakhti wax cuni jiray oo aanay ka muuqan daal jidheed iyo maskaxeedba.

Muddo yar ka dib, waxa ay beertiisii noqotay beerta xayawaanka ee loo soo dalxiis tago, waxaana ka soo gali jiray dakhli aad u badnaa marka loo eego wakhtigaas, isla-wakhtigaasna,  waxa inta badan soo booqan jiray beeralayda kale si ay uga bartaan farsamooyinka cusub ee galayda, hadhuudhka, khudaarta, da’deeda,  kaydinteeda, tumideeda iyo sida midhaha looga saarayo, sida ay taariikhdu sheegtay, mar ay wax ka weydiiyeen beeralaydaas, sida uu ku gaadhay inay beertiisu noqoto beer loo soo daawasho tago, waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi:, haddii uu calafku kugu dhaco u badalo midho macaan oo aad goosato.

Nin ay jaar ahaayeen oo tuuladaas degenaa, ayaa waxa uu ahaa nin xoog ah, jidhkiisuna uu xoog yahay, guushiisuna ay xoog tahay, hamigiisu  uu ahaa inta badan xoog, oo guusha haadana lahaa, oo tacab badan beer uu lahaa galiyey si uu uga helo  wax-soosaar iyo faa’iido badan, isla-markaana, ahmiyadiisa koowaad waxa ay ahayd, siduu wiilkaas ugula tartami lahaa gobolka ay degenaayeen, waxa kale oo uu dadaal badan galiyey sidii uu wax ugaga baran lahaa nidaamka iyo xirafaha gaarka ee uu isticmaalayo wiilkaas.

Xilli ka mid ahaa xilli- wakhtiyeedkii abuurka la bilaabi lahaa, waxa uu dadaal badan galiyey inuu dhamaan cayayaanka dhirta ee ku noolaa beeraha deegaanka uu degenaa ku soo ururiyo beertii uu falan lahaa, isla-markaana ay u noqoto beer loo soo daawasho tago, taasoo uu ugu magac daray beertii cayayaanka, sidaas baanay ku ba’day beertiisaasi oo aanu waxbaba ka dheefin.

Ninka saddexaadna waxa uu ka mid ahaa beeralaydii degenayn tuuladaas, waxaana lagu tilmaami jiray inuu ahaa nin aad dadaal badan oo tacab badan galin jiray beer uu lahaa oo uu beeran jiray, laakiise, ay beertiisaasi ay ka ba’day dhowr jeer oo uu beeray, inkastoo ay gacan qabteen beeralaydii kale ee ay isku deegaanka ahaayeen, haddana muu noqon mid wax ka bartay habka kobaca beeraha, laakiinse, mar uu isku dayey inuu wax ka badalo damaciisa, isagoo wax ka bartay wiilkii beeralayda ahaa, ayuu   go’aan ku gaadhay in uu naftiisa culays ku saaro inuu ka shaqeeyo beertiisa maalintii,  habeenkiina dhex-seexdo, taasoo ku keentay inuu u kaco wax kasta oo dhulka ku soo dhaca, waxaanu wax cuni jiray maalinkii afar-wakhti, marka intaas oo dhan laga yimaado, haddana waxa lagu tilmaami jiray in aanu ahayn nin u tababaran dhinaca shaqada iyo cilmiga beer-faloshada.

Laakiinse, waxa uu wax ka bartay maamul daadajin shaqada, isla-markaana ay keeno xanuunada raxo la’aan ee sababa daalka maskaxda iyo jidhka, si uu xanuunkaas ugaga badbaado waxa uu sameeyey shaqaale xirfad iyo aqoon u lahaa habka beerista midhaha beeraha.

Markii la gaadhay wakhtigii la shiniyeyn lahaa beertii oo aad u qurux badanayd ayey lexo jeclo qabatay, waxaanu go’aan ku gaadhay inuu kala diro shaqaalihii xirfada iyo aqoonta u lahaa habka beer-falashada, ka dibna, abuurkii ugu horeeyey shinidaas waxa uu u istcimaalay midho khaayisay oo yaalay hoygii uu ku noolaa, sidaas baanay beertiisii mar-saddexaad ku ba’day.


Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Sunday, July 23, 2017

Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.


 Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadka oo sita warqad cad oo ay kuwada sawiran yihiin isaga iyo Madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane,  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Anagoo wadasheekaysanayna ayuu igu yidhi: - Nelson Mandela intii aanu madax-weynaha ka noqon dalka koonfur Afrika ee uu xabsiga ku jiray, waxa la xidhnaa wiil dhalin yaro ah oo u adeegi jiray, waxaanu ku odhan jiray  wiilkaasi marka uu u adeegayo adigu waxa aad tahay madax-weynahayga, ka dibna, waxa uu ka dalbaday inuu u saxeexo warqad uu ku soo dhaafo qasriga madaxtooyada, marka uu Madax-weynaha ka noqdo Nelson Mandela Dalka Koonfur Afrika.


Waxaanu Odaygaasi ka mid ahaa ragii ka soo qayb qaatay hal-gankii dheeraa ee Jab-hadii Dhaq-dhaqaaqii Waddaniga Soomaaliyeed ee “SNM”  kula soo noqotay Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.


Muddo dheer ka dib, Markii Nelson Mandela madax-weyne ka noqday Dalka Koonfur Afrika, ayuu wiilkii yaraa oo noqday isaguna nin weyn uu warqadii ugu dhiibay mid ka mid ahaa shaqaalaha madaxtooyada Madax-weynaha.
Isla-markii warqadaasi ay gaadhay ee uu akhriyey Nelson Mandela, aad buu u ilmeeyey, waxaanu yidhi:- Waa Saaxiibkaygii Jeelka.

Waxa aan ka dareemay inuu wax hibanaayo, waxaan uga sheekeeyey laba arrimood oo mid ay ahayd, mar uu ka hadlaayey “Alle ha u naxariistee ”Madax-weynihii hore Jamhuuriyadda Somaliland ” Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, in aanay jiri karin maanta wax la barbar dhigi karo, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadda ah Madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla-markaana  isagoo ka hadlaaya qiimaha iyo milgaha uu leeyahay, waxa uu yidhi:  qoodh maaha nimaan SNM ahayni, cid garab istaagi kartaana ma jirto, maantana hadduu I barbar fadhiyo, isagaa iga mudan, isagaa dalkan u soo dhintay.
Ta Labaadna waxa ay ahayd hadal uu ku yidhi mar ay wadasheekaysteen “Alle ha u naxariistee” Marxuun,  Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Madax-weynaha hadda talada haya Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu yidhi:-  Mar aanu wadasheekaysanay waxa uu igu yidhi:- Igama maqna suuradii ragii aan jihaadka u diray ee aan ka soo noqonin, wallee meel ay ku aasan yihiin aanan ogayn,  intooda badan, wajigoodii qalbigayguu ku jiraa, (Ku sawiran yahay) oo habeenkii baan ku riyoodaa raga aan diray kala maqanahan.

Isla-markiiba waxa aan arkay Odaygii aan u sheekeynaayey oo indhihiisii ilmo ka tibiqlaynayso, waxaanu igu yidhi,:-  Walaahi waa runtii.
Aniguna waxaan aad uga jidhiidhicooday indhihii hibashada iyo xusuusta la ilmeeyey.

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti



Thursday, April 27, 2017

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Q/ 8-aad)”


Xikmad soomaalidu ku maahmaahdo ayaa tidhaahda “Inta guudka lihi amaano dumar ma gasho”, taas oo macneheedu yahay sida dhaqanku yahay inta guudka leh xaaskaaga laguuguma dhiibi karo, haddii xaaskaaga oo dud-mo kaaga maqnayd la soo celiyo laguuguma dhiibi karo gabadhaada kale ee aad qabto, waxa kale oo ka mid ah inta guudka leh, Faraska, sababtoo ah, Faraska dumarku ma layl-yaan, mana fuulaan, kuma dagaalamaan, sidaa darteed baa loo yidhaahdaa” Senguhu ma’gallo amaano dumar”

Inkastoo aynaa qormo kaliya ku soo koobi karin odhaahyada, murtida iyo maahmaahyada garta dhaqanku leedahay, haddana, kuwa garta loo isticmaalo waxa ka mid ah sidan:-


1.       Laba garamay iyo laba gantamay (isdilay) galladi kama dhaxayso.
2.       Marka indho gar lihi ooyaan, indho gar lehna maxaad mooday.
3.       Madax aaddan lahayn miyirkiisa la isma saaro.
4.       Meesha aad nin ka qaadanayso, nin baad kaga tegaysaa.
5.       Gari laba nin kama wada qosliso
6.       Gar waa loo wada islaam.
7.       Garawshiinyo waa geel siin.
8.       Gartaada debeddaa lagu soo akhristaa.
9.       Gaalka dil, gartiisana sii.
10.   Gartu soddog iyo seedi midna ma taqaan ee allay taqaan.
11.   Garna garteedaa lagu doonaa, Mandheerna garkeedaa lagu doonaa.
12.   Garta sheeg baa laygu yidhi ee ku dirir layma odhan.
13.   Taasi waa gar, dawse ma aha.
14.   Gar eexo, gacan gudhan iyo gudoon jilicsan rag looguma talin karo.
15.   Ergo wixii la farona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa.
16.   Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan ku jirrin ayey soo gelinaysaa.
17.   Waayeelku hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa.
18.   Waayeel ha gurrinee, wax aqoon gura.
19.   Rag in loo abaal-guddo iyo in laga aarsado ka fara badan.
20.   Rag ballan baa xidha, naagana meher baa xidha.
21.   Doqoni seeftii caro loogu riday sed-bursiinyo ma moodo..
22.   Xadhig habeenimo iyo xaajo guntan mid walba ninkii xidhay baa fura.
23.   Hadal nin kaa ka xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado.
24.   Hadal xigaal iyo hilib idaad-ba qabawgaa lagaga dhergaa
25.   Hadal kun isku ogtahay kow ma odhan-waayo.
26.   Nin aan garaw baranini, garna ma barran.
27.   Nin gar yidhi ma tacadiyin.
28.   Nin aan khatalmin xaal ma qabto.
29.   Nin wiil lihi xeer ma duraanto.
30.   Ninkii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho.
31.   Nin markhaati been ah kuu furay muraadkaagana ku gaadhay, isna waxa uu yahay ogaatay.
32.   Markhaati waa dhaar nin lihi diiday.
33.   Wixii aan markhaati lahayni raajacsan.
34.   Walaalkaa magtana ka bixi, markhaatigana ku fur.
35.   Belaayo hor la qabto ayey leedahay, daba la qabtose ma laha.
36.   Gardaro garab og iyo gaajo guri og midna looma taag helo.
37.   Haddii ay qooni timaado, qunjuraafo hadhan.
38.   Hashaada waa laga tagaa, halkaagase lagama tago.
39.   Aniguun baa aakhiradayda seegaye,  aar walaal noqon-waa.
40.   Awr xamilkii waa qaadaa, xadhig qaloocanse ma qaado.
41.   Tolkaa dhiig waa loo soo duwaa, dhaarse looma soo duwo.
42.   Halka dhiig lagu daadiyo, xab ayaa lagu daadiyaa.
43.   Meeshii xoolo mareen baa xeer maray.
44.   Farasaw kadlahaaga iyo kudladaada isla sug.
45.   Colaadi wiil bay dishaa ee wiil ma dhasho.
46.   Caduur wali dhowdhowdu uma dhacsana.
47.   Farro-aan dufan lahayn wax ma duugaan.
48.   Hubsiimo hal baa la siistaa.
49.   Hadal iyo hilbaba kala qallan.
50.   Lafahana gur, xaragona haka tegin.
51.   Dhac guudkii lagama hadlo.
52.   Xadhko geel ma wada xidhaan.
53.   Tolkaa eex laguma dilo
54.   Boqolle boqol baa lagu doonaa.
55.   Raq-ba waa ku rageed.
56.   May tidhi waa kayd rag.
57.   Qosol hiilimaad noqoy,.
58.   Haddii aad aragto nin calooshu ka soo dhacday oo uu ku soo ergoodo, ha garsiin ilaa aad kii kalena aragto waaba intaasuu go’aye.
59.   Waxay kuugu darran tahay marka qofka aad wax la doonaysaa kula garran-waayo, qofka aad wax ka doonaysaana uu kugu garto.
60.   Saddex baan maarradooda la helin, Min-weyn reer mulkiday, Mari Idaad (laxo madax madow oo (Doog) wayday iyo muduci markhaati waayey.
61.   Saddex waa gar, saddexna waa gardaro, saddexna waa galabsi. ,  “Reerku ha guuro waa gar, Sahan la’aan inuu guuraana waa gardarro,  Guri xun inuu degaana waa galabsigeed, In tolkaa wax ku siiyaa waa gar, Nin bakhayl ah barina waa gardarro, Inuu ku qadiyaana waa galabsigeed,  Gabadh halagu weydiisto waa gar, Gayaankeed inaad u diidaana waa gardarro, Inay kugu guumowdaana waa galabsigeed”


Dhinaca suugaantana gabayada. heesaha eek u soo aroora garaha waxa iyana ka mid ah sida:  “Guddi murrantay waayeel garramay xaajo lagu guulay, ay guud cadiye feemiyeen odaya loo gaatay, nin waliba gankiisiyo markuu giijo madaxiisa, gaagaabsayaa iyo badheedh geesi hadal-yaaba go’aankii la wada raaci jiray gocanayaa mooyi,” Cali Jaamac Haabiil.

“Raguna guudka waysaga egyahay, guulla kala roone gembi warranka, gaashaanka ficil goray dagaalkeeda, guddi murranka waayeel garamay xaajo lagu guulay, gacanta iyo gasiin laga baxshiyo guriga hayntiisa, ma gud-boona geesiga hantiyo gocorka caayaaye,” Salaan Carabey.

“Guddi murantay goolaaftankaan laga gungaadhayne, hadaad gedagedays aragto waa gob iyo caadkeede, guntu hadalka waa kala baqdaa geesi xoola lehe”, Gaagaale.

‘Arrin dhacay gobaysane hadii oday ka maahmaaho, afar goor hadii uu jifida rayska ka aroorsho, aqoon gaabka iyo liidku waa ku af-dhalaalaane, isha uma marmaro maatadiyo uur timoolaha’e,” Xasan Madoobe.

“Gole miiggan geed sheeggan iyo garrangar muumaysan, gud-ban iyo shir laba geesa iyo guurti kala soorta, garta laba mudaacaley hadloo dhaabad ba’an geysta, maahmaahyo wada guuna iyo gabayo raacraacay, shan godoo murtidu leedahay iyo gororka suugaanta, geda hadalka loo hoga-geshiyo marrin gobaadeedka,” Hadraawi.


Qoraa/:  Maxamed Faarax Qoti


(Xigahso:  Cabdisalaan Maxamed Xirsi “Caara-dhuub”
dhaqanyahan ku xeel-dheer dhinaca suugaanta gabayada.)