Tuesday, March 28, 2023

Sheeko kale: Doraad waad arrin xumeyd...

Sheeko kale: Doraad waad arrin xumeyd, shalayna waad ayaan xumeyd, maantana waad arag xuntahay.

Sheekaba sheeko ayey keentaaye, nolosha miyiga ee reer guuraanimadu waa halkii ay ka soo aasaasantay nolosheenu, waa hore oo la soo dhaafay, Odey reer miyi ah ayaa cadho laba geedi kaga soo guuray reero uu la degenaa oo yaalay degel barwaaqo ah, nin caaqil ah oo aad u garaad wacan ayaa aad u abhiyey oo ku yidhi, waar balaayo kac oo guursay ku tidhaa ama kacoo guur, reerka ha rarine iska joog, mida kale sahan la'aan lama guuro ee ha guurin, oo reerka iyo caruurta ha u loogin bahalka ee nala joog hanaga guurinne, wuu ka diiday talladii caaqilkaas, waannu guuray oo wuxuu reerkiisii dejiyey guri-cas laga guuray oo ku yaalay keyn cidlo ah.

Markii uu reerkii dejiyey ayuu waxoogaa ood ah u soo guray oo uu ku weegaaray xeradii adhiga, illayn waa oday soo daalay oo laba caano-maal geeddi ku soo jiraye wuu iska seexday, maalinkii danbe isagoo dulleedka reerka geed ku yaalay hoostiisa doonyeystay, oo yara laama-doodsan, ayaa Ninkii Caaqika ahaa oo aan weli ka quusan ayaa ka daba yimid, oo meel gaaban mudh kaga soo yidhi Odaygii oo geedkii hoos laama-doodsan.

Ka dib, markii ay is bariidiyeen ee ay aad isku xaal wareysteen, ayuu haddana abhiyey oo uu ku yidhi, ergaan ahay maanta ee iga aqbal oo reerka aan kula raro, waannu ka diiday mar labaad.

Ninkii Caaqilka ahaa ayaa ku yidhi; waar nin yahow haddaad ergadiina aad iga diiday, goobtan waxa ay leedahay Libaax dad-qaad ah ee reerka aad uga ood, weliba mus-danbeedka guriga xoog isaga adkee, Odaygii reer miyiga ahaa wuu iska dhayalsaday hadalkii caaqilka, waanu iska seexday markii qoraxdu libidhay.

Habeenimadii reerkiisii buu Libaax u soo dhacay, waxaannu haf la yidhi wiil yar oo odaygu uu dhalay, markii uu maqlay wiilkii yaraa qeyladiisii, ayuu ku soo ambabaray oo intuu waran qaatay daba rooray Libaaxii dad-qaadka ahaa, nasiib darro'se, wuu gaadhi waayey, waanu iskaga soo noqday. 

Subaxnimadii danbe ayuu dib ugu soo guuray deegaankiisii, isagoo aad u murugaysan oo diif iyo diihaal badanna ay ka muuqato, waxaannu u yimid Ninkii Caaqilka ahaa, waxaannu uga sheekeeyey rafaadkii iyo dhibtii uu la soo kulmay, isla markaana uu wiilkiisii uu ku waayey, oo uu xalay inta Libaax u soo dhacay, oo mid ka mid ah ubadkiisa kii uu ugu jeclaa uu la tagay Libaaxii. 

Ninkii Caaqilka ahaa oo aan ku wiirsaneyn, ayaa ugu hal celliyey, Nin yahow Doraad waad arrin xumeyd, Shaleyna waad ayaan xumeyd xumeyd, Maantana waad arag xuntahay.

Qoraa, Maxamed Faarax Qoti

Thursday, March 16, 2023

Neefsasho wadajirta

Neefsasho wadajirta aynu


ku gaadhno  yoolka Dowladda Hoose 

Hoggaamiyayaasha Dowladdaha waxa  udub dhexaad u ah  tayo'da wanaagsan ee ay leeyihiin dowladdaha hoose, taasoo waxtarkooda  lagu qiimeeyo hab-raacyaddan kala duwan, sida,  tallo-wadaagga, isla-xisaabtanka,  hufnaanta,  kartida, ku dhaqanka xeerarka iyo qaynuunka. 

Haddaba, Duqa Caasimadda Hargeysa  ee Dowladda Hoose mudane, Cabdikariin Axmed Mooge wuxuu ku yimid codka dadweynaha ku nool Gobolka Maroodijeex, waxaanna loo aqoonsan yahay  in uu yahay hoggaamiyaha arrimaha bulshada ee ku yimid codkii ugu badnaa ee ay ku soo doorteen bulshadiisu,  maayarku kuma shaqeeyo qolo, qolo,  qabiil, umana shaqeeyo qolo gaar ah ama dannihiisa gaarka ah, balse waxa uu u tafaxaydan yahay  danaha bulshadii soo dooratay in uu horumariyo,  waxaannu door muhiima ka qaataa  horumarinta wadajirka bulshada deegaankan kuwada nool, wacyi galinta bulshada, kor u qaadida iskaashiga daneeyayaasha,  waxaannu mas'uul ka yahay aragtida xeeladdeed  iyo hilaadinta qorshaha dawladda hoose uu gaadhsiiyo himiladda ay hiigsanayaan bulshada deegaanku,  hubinta hab-dhaqanada wanaagsan ee bulshada dhexdeeda, arrimaha hawlgelinta, kormeeridda shaqada ay qabanayaan shaqaalaha  dowladda hoose. isku xidhka dadweynaha iyo dawladda hoose. 

Inkastoo Duqa Caasimadda Hargeysa uu yahay xubin ka mid ah gollaha deegaanka,  isla markaana ah Gudoomiyaha Maareynta Kooxaha Masiibooyinka Deegaanka, ahna  afhayeenka golaha deegaanka, oo matala aragtida ku wajahan mudnaanta gollaha deegaanka dowladda hoose, balse, waxa muhiim ah in aynu ku qiimeyno, in si hufan loo maareeyey waqtiga, tamarta, kheyraadka iyo in go'aan qaadashadiisu  ku dhisan tahay fikir cadaalad ah. 

Waxaan kula tallin lahaa daneeyayaasha burburka arrimaha bulshada deegaanka Gobolka Maroodijeex, aynu aamusnaan kugaadhno himiladda ay bulshadu hiigsanayso.

Wednesday, March 15, 2023

Magacyadii hore


Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii halaasiga ahaa, murtidii iyo aqoon korodhsigeenii, maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa n magac bixinta loo eego dhinacyo badan, sida,  xilliga, maalinka iyo moorada uu dhashay ilmuhu, astaanta uu leeyahay ilmaha dhashay, habeenka uu dhashay ilmuhu, godka dayaxu fadhiyey, ulashadiisa, quruxdiisa iyo midabkiisa.


Wiilka dhasha habeenka godka dayuxu fadhiyo Agaali waranlay, waxa loo bixiyaa col-ujoog, markuu dayaxu la fadhiyo dirirkana ama lagu jiro xaalad dagaalna waxa loo bixiyaa Dirir, wiilka dhasha  dayaxa oo  fadhiyo Koxdin cawo,  waxa loo bixiyaa Cawaale, ama ayaanle, Inantana Cawo ama Ayaan, Hodan, Sareedo, ama Hibaaq, ama  Doobiro.

Wiilka dhasha libidhadu inta aanay soo bixin waxa loo bixiyaa waaberi,  waasuge,waa-dhowr, halka Inanta dhalata labada fiidyo cawl ka hore'na  waxa loo bixiyaa illeyska falaadhaha ka horeeya qoraxda,  Kaaha ama Iftin,  wiilka dhasha xilliga cimiladu kulushahayna waxa loo bixiyaa suudi ama Xagaa ama kaliil haddii ay rooban tahayna Rooble, haddii roobku biyo dhigana Gabax ama Xareed.

Haddii reerku guurayana oo uu wiil dhashana waxa loo bixiyaa Nageeye, Inanta dhalatana Nagaad, marka reeku geeddi dheer uu ku jiro wiilka dhasha waxa loo bixiyaa Geedi ama Hayaan ama Kaynaan, goor habeenimo ah oo la guurayo wiilka dhasha waxa loo bixiyaa Guurre, labada fiidyo cawl ka danbe wiilka dhashana Gabal, inantana habeenkaa dhalatana Galabo.

Wiilka dhasha maalin Jimcaad waxa loo bixiyaa Jimcaale, Inanta dhalata maalin Isniina waxa loo bixiyaa Isniino, Axaddana Axado.

Marka labada waalid ay is'hayaan ee uu  dhex maro xurguf ama xafiiltan midba midka kale uu ku diidan yahay, wiilka  xilligaas dhasha waxa loo bixiyaa Colaad, haddii gar lagu jirana Guddi.

Wiilka yar ee naaska hooyaddii aan laga gudhin ee wali jaqa waxa loo bixiyaa Caanonuug, ka aan jiqina Caaganne, halka wiilka yar ee gaaxda naaska hooyadii jaqay ee ay ku dhalmo deysana, Gaaxnuug ama Goofaadhi, wiilka ishinkiisa dhaafana waxa loo bixiyaa dubad, haddii hooyadu muddo dhali weydo, ka dibna uu wiil u calool galo markuu dhasho ayaa loo bixiyaa Raage,  halka Inantana loo bixiyo Daaha, taas oo ah Qof la sugayey oo la raagsaday.

Inanta kulansata qurux, wanaag iyo garasha dheerna waxa loo bixiyaa Baxsan, Jamaad, Indho-deeq, Saxarla, Baar, Maandeeq, Haweeya, Midhifla, Xadiyo, Saluugla, Cawrala, ama Dahabo taasoo ah Shimbir yar oo garbaha ka madow, baalashana ka dahabiya, caddadhuuni, ama Siraad, Dhool oo ah fooda sare ee fadka daruurta cad ee hooraysa, wiilashana waxa loo bixiyaa Maydhane, Qorane, Xalane, Miigane ama Hufane,.

Dhinaca midabka wiilka dhasha ee midabkiisu basaliga xiga'na waxa loo bixiyaa Xoosh, Cadaawe, Cawl, mar kale  Cawl waxa loogu magac daraa cawlka lab, Wiilka ku dhasha midabka bunniga ah waxa loo bixiyaa Gadiid, Sugulle, Meygaag, Quulle, Haybe, Geydhe, Inantana Yusur ama Jinow

Inanta dhalata ee loo bixiyo Hibo waxa loola jeedaa  deeq aan dan gaar ah laga lahayn oo cid la siiyo, Deeqana waa wax aan deyn ahayn oo aad u baahnayd oo lagu siiyo, Inanta aan la qawadinna ee dhalatana waxa loo bixiyaa saluugla, Ceebla inkastoo ay tahay eray af-carabiya oo macnaheedu yahay bayuurla, Cosobna waxa loogu magac daray meel naqeedii aan wali la daaqin, halka Ruunna ay tahay meel deegaan ku haboon.

Fillashada wiilka dhashaa in uu noqon doono wiil aad u aqoon badan  ama fahmo badan oo wanaagsanna waxa  loo bixiyaa Buuni, Samatar, Samotalis, Samakaab, Shar-ma'arke, Inantana waxa loo bixiyaa Samawada, Qumman,  Dhuuxo.

Wiilka miisaankiisu hooseeyo ee soo dhasha loo bixiyo Dogox, weyd, inantana waxa loo bixiyaa gaasira, Wiilka dhasha ee farxadda iyo qosolka isku darana waxa loo bixiyaa Bulxan, wiilka dhasha ee nugulna, Cabanne, ka qeylada iyo oohinta  badanna Qowdhan, ka cadhada badanna Cartan, Marka reerka wiil ka baxo ee wiil kale u soo kordhan waxa loo bixiyaa Cawil,

Dhinaca sumadda ama astaanta wiilka ku dhasha bar ku taala jidhkiisa meel ka mid ah, waxa loo bixiyaa Barre, Beyle, Inantana Barlay, wiilka ku dhasha  buro ku taalla wejigiisa ama jidhkiisa kalena Buraale,  wiilka ku soo dhasha xaad badan oo ku taala jidhkiisana waxa loo bixiyaa xaad, Inantana Xaadsan,  haddii timahiisu dib u faydan yihiina Xeyd, wiilka dhasha isaga oo mandheertu ku maran tahay Shaqalle, Inantana Shaqlan....la soco

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Sunday, March 12, 2023

Sheeko kale


 SHEEKO KALE:  sheekadeenii ahayd waa hore oo aynu soo dhaafnay ayaa Nin Alle (SW) uu siiyey oori wacan, taran iyo taran xoolaad oo reer miyi ah, uu habeen habeenada ka mid ah isagoo hurda, ayuu dhurwaa u soo dhacay xeradii xooluhu ugu jireen, isla markiiba, waxa uu qoorta kala bixiyey wan shilis oo daylnaa, Ninkii reer miyaga markii uu maqlay sanqadha iyo diditaankii xoolaha ayuu degdeg hurdadii uga soo kacay, waxaannu soo aaday kadinkii xeradii xoolaha, markii uu dhowr midh oo oodii kadinka afsaarka u ahayd qaaday, ayuu dhurwaagii oodii dhacamada ahayd ee markii hore uu ka soo dhacay iska shubay. 

Ninkii inan la yaalka ahaa, markii uu xeradii soo dhex galay, waxa uu arkay wankii xoolaha ugu shislaa oo rafanaya, oo naftu ka sii baxayso, waxaannu is yidhi, neefkan ku soo gaadhi maysid nafta inta aad madiisha u soo sido, waxaannu go'aansaday in uu hurdadiisii iskaga noqdo, waannu ka baxay xeradii xoolaha, isagoo aad ugu adkeeyey oodii afsaarka u ahayd kadinka xerada. 

Wax yar ka dib, Ninkii reer miyiga ahaa Sodohdii oo maqlaysay sanqadha ayaa dibadda u soo baxday, waxaannay u soo kicitintay dhinaca xerada xooluhu ku xareysan yihiin, waxaanay iska gurtay oodii afsaarka xerada u ahayd, markii ay soo dhex gashay xeradii waxay aragtay neef gaylaama, si degdeg ah ayey dib ugu soo noqotay gurigii, waxaanay soo qaadatay madiil oo ay ku gowracday neefkii. 

Markii waagu uu beryey ee xoolihii foofeen, ayuu soo toosay gadh-wadeenkii reerku, waxaannay ishiisu halacsatay, neefkii xalay dhurwaagu dilay oo Sodohdii inta ay gowracday oo geed ku dhex yaalay reerka gudihiisa sudhay ay haraga ka saarayso. 

Talaa ku caddaatay, haddii uu gabadhiisa u sheego arrintaas, wuu garanayaa jawaabta kaga imanaysa, ma hooyaday baa bakhtiga qalata, haddii iska aamusana, iyaduna waa dhibaato hor leh, umana adkaysan karayo in uu bakhtigaa cuno. 

Haddaba, waxaan dhibic ka mid ah sheekadan u dhaafayaa dadweynaha, sideebaa xal loogu helli lahaa dhacdadan? 

Jawaabta suaashaasi waxay ahayd, markii uu soo toosay ee uu arkay neefkii oo geed halkanna ka soo daldalan oo sodohdii haraga ka saarayso, ayuu orod maciinsaday, waxaannu u tagay nin sheekh ah, oo ay aad iskugu dhawaayeen, waanu u waramay, waxaannu ku yidhi: sheekh gurigiibaan ku noqonayaaye, markaan kadinka maraayo, ayaan ogaan isku tuurayaaye, waxaan odhanayaa sheekh hebel ii doona, markaad idul timaaddo ee aad quraanka igu akhrido, waxaad tidhaahdaa, ma jiraa wan deylan oo bahal qanniinay, Haa marka lagu yidhaahdo, waxaad tidhaahdaa, wanka badhida madow leh ee xoolaha ku jira, waa in si degdeg ah loo qalaa, laguna beddelaa wanka daylan, lagana illaaliyaa duggaagoo dhan in aanay cunnin, isla markaana, waa in god lagu ridaa, ka dibna, lagu aasaa. 

Ninkiibaa is tuuray markii reerka yimid, buuq iyo sawaxan baa oogsaday, sheekhiibaa loogu yeedhay oo intii ay isku ogaayeen halkii mariyey, Sodohdii markiiba waxay go'aansatay in ay talaabadaa sheekhu sheegay fuliso, wankii badhida madoobaa ayaa la gowracay oo halkii la sudhay wankii daylnaa uu ka soo laalaaday, ninkii oo dhididsan illeyn waa nin orod dheer soo galaye, ayaa soo kacay, markii neefkii kale la qalay. 

Sidaas buu xal ugu hellay ninkii reer miyiga ahaa.

Gorgorka

Wali waxa aynu ku guda jirnaa sawirkeenii sannadlaha ahaa, Sawirka Maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Dagaalka Gorgorka iyo Maska, Gorgorku kulama dagaalamo Maska dhulka guudkiisa, laakiinse, Gorgorku marka uu la haado maska hawada sare ee dheeliga tiran ee xaaladduna ay isku beddesho dagaalka cirka, marka uu ku sugan yahay hawada sare ee dheeliga tiran Masku ma'laha adkaysi awooddeed oo uu ku sii dagaalamo, waxaannu dareemaa Tamar la'aan iyo habacsannaan badan. 

Markii lagaga adkaaday Dagaalkii Siyaasadda Arrimaha Dibedda ayey u soo rareen Dagaalkii Siyaasaddii Gudaha iyagoo waliba adeegsanaya maaweelliyayaal ah Hiddiwaallayaal iyo Gurabaaslayaal cadheysan oo loo soo xanbaariyey xumbo. 

Haddaba, siyaasadda dagaalka gudaha ee la soo waaridday waa inaad u rarto dhinaca ruuxda, sababtoo ah caddowgaaga lagulama dagaallamo aagga ay ku raaxaysanayaan, laakiinse waxa muhiim ah in aad dagaalka u beddesho jiho kale, sida Gorgorka oo kale adigoo cibaadaysanaya, waxa aad gaadhi doontaa libta guusha aad hiigsannayso.

Degmadii Milk well ee xasaradda badneyd

Sheeko kale:  Oo aad u xiiso badan: 

Wali waxa aynu ku jirnaa sawirkeenii sannadkii la soo dhaafay, sawirka maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Degmo ka tirsaneyd magaalo madaxda caasimadda Rooma ee Dalka Talyaaniga, Degmadaas oo la odhan jiray milk well District, inkastoo dadka reer Rooma ay lahaayeen qawaaniin cuddoon, xeegaan iyo xeerar dhaqan oo ay ku kala saari jireen marka ay degenaansho la’aani ku timaado wada-noolaanshaha dadka reer Rooma.

Arrintaas oo tusaale iyo masaal loogu soo qaato habkii ay ku xalliyeen dhibaatooyinkii inta badan ka dhex alloosnaa Degmo milk well ee magaalada Rooma, taasoo ay degenaayeen dad xasarad badnaa oo la iska illaalin jiray, oo lakala illaalin jiray, lagana illaalin jiray dhibkoodu in uu gaadho bulshadii ku noolayd Caasimadda Rooma, iyaga laftigoodana waxa laga illaalin jiray in dhib ka soo gaadho bulshada inteeda kale ee ay wada degenaayeen.

Arrintaas waxa ay saameyn weyn ku yeelatay dhinaca  nabadda iyo degennaanshaha Caasimadda Rooma, isla markaana,  masuuliyiinta xukumadda reer rooma waxa ay in badan ka fikirayeen sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatadan muddada dheer soo jiitamaysay.

Muddo dheer  ka dib, waxa kulan  wada-xaajood ah iskugu yimid, aqoon yahanno, xeel-dheerayaal, xidaariyiin iyo wadaadadii diinta Kiristaanka ee dalka Rooma.

Gebogabadii shirkaas midho dhalkiisii waxa ka soo baxay in go’aan lagu gaadhay in la fuliyo fikir uu soo jeediyey, Xidaari ku takhakhusay cilmiga barashada dabiibka cudurada nafsaaniga ah, oo ku taliyey, in hal habeen oo kaliya la’wada mariyo rinji basaliya dhamaan guryaha ay degen yihiin dadkaas.

Boqorkii reer Rooma waxa uu ku dhaqaaqay qorshahaas sidii loo gudo gali lahaa fulinteeda, ka dib, markii  habeen kaliyaata lagu dhameystiray hawshaas ee uu waagu baryey soona tooseen aroornimadaas dadkii ku noolaa Degmadaas, waxa uu indhahoodu qabtay midab basali ah oo aad u qurux badnaa, oo la mariyey dhamaan guryaha ay degen yihiin, arrintaas oo ku dhalisay inay la ashqaraaraan, iyagoo isweydiinaya, sidii ay suuro-gal ku noqotay in hal habeen oo kaliya lagu dhameystiro hawshan, waliba si  san-qadh la’aan ah loogu mariyo rinji basaliya boqolaal kun oo guri? laakiinse, fikirkaas waxa uu dabiib u noqday xal u hellida dhibaatadii muddada dheer soo jiitamayey.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

CARABKA IYO FALKA

Wali waxa aynu ku guda jirnaa sawirkeenii sannadlaha ahaa sawirka maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Carabka iyo Falka, Kuwa isku sheega in ay yihiin Wariyayaal balse isku beddelay hidiwaalayaal dadka beenta ku maaweelinaya, madax-dhaqameeddada isku beddelay gurabaaslayaasha cadhaysan ee ku hadla hadallada aan murti badan xanbaarsanayn, Garaadlaawayaasha, Siyaasiyiinta ku hadla hadallada af-waajiga ah, Dhamaan Qorayaasha Qora afka Soomaaliga ee curyaamiyey dedaaladda loogu jiro horumarka arrimaha bulshada Somaliland.

Runtii shaki kuma jiro in aynu wax kasta garanayno, laakiinse waxa hubaal ah in aynaan wax-badan ka fahamsanayn wixii aynu garanaynay, marka aynu ka nimaadno falka aan wanaagsanayn ee uu sameeyo xubnaha Jidhka Aadamaha, haddana carabku waa shayga kaliya ee aynu kaga bedbaadi karayno cadaabka Alle “SWT” .

Carabku waxa uu xidhiidh toos ah la leeyahay, kuna xidhan yahay Maanka (qalbiga) aadamaha, kaasoo dhawaaqa dawanka codka dhiilada leh ee aan fiicnayn ee uu sameynayo carabku, sida, xanta, cayda, kaftanka, isku diridda, beenta, tabinta haddalada habowga, warqaadidda, hadalka badan iyo hadallada habowga ah, kuwa turxaanta leh, kuwa faafiya cudurada faafa ee la kala qaado, kuwa hagaasiya koboca xidhiidhka iskaashiga wadanoolaansha bulshada dhexdeeda, kuwa xanafta leh ee bulshada ku abuura naxliga iyo xiqdi in lagu naar muto.

Dadka aaminsan fikraddaha caqli galka ah ee ujeedadoodu wanaagsan tahay, waxa ka sii fiican dadka anshaxa iyo akhlaaqda leh, sababtoo ah, hadallada runta ah, wax-tar leh ee wacani waxay kobciyaan wanaajinta iskaashiga xidhiidhka bulshada iyo qalbiyadda aadamaha, dhawaaqa dawanka codka farxad leh ee wanaagsan, sida, akhriska quraanka, aqoonta iyo aamuskuba in ay yihiin uu daawada Maan-madoobaadka (qalbi-madoobaadka) kaasoo ifiya maan Aadamaha.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Murti carbeed...

 Murti Carbeed baa tidhaahda “ An-naasu calaa diiniy muluukihim” taasoo macno ahaan noqonaysa,  dadku waxa ay haystaan diinta madaxdoodu ay haysato. Hogaamiyuhu marka uu jecel yahay wanaaga, isaguna wuu wanaagsan yahay,  dadkuna way isku wada-eekaysiiyaan, balse, marka la ogyahay in uu xiiseynayo xumaanta, boobka, dhaca, dilka, iyo tumashada, dadkuna waxa ay is odhanayaan xagan buu jecel yahaye bal isku eekaysiiya, oo dhinaca xun ayey u kacaan.

Haddiise qofka xun xumaan loogu jawaabayo, qofka wanaagsana wanaag loogu jawaabayo, dadku waxa ay door-bidayaan in ay wanaagsanaadaan, kii wanaagsanaana waxa uu ku sii  dhiiranayaa inuu wanaagsii sii laban-laabo, isla-markaana umadiina ay wada-wanaagsanaato.

Thursday, March 2, 2023

Dalka ugu faca-weyn Adduunka. Q/5-aad


19. Somaliland: Taariikhyahannadu waxay xusaan in lala xidhiidhiyo inay tahay Jamhuuriyadda Somaliland, halkii ay ka soo unkatay ilbaxnimadii hore iyo ganacisgii hore ee adduunka.

Isla markaana bulshadii hore ee ku noolaydna qaarkood ay u haajireen Levant oo ah gobolka xeebta dhereran ee ku yaala bariga badda Mediterranka ee ka soo bilaabmata waqooyiga Siiriya iyo Koonfurta Masar oo ah halka kala qeybisa dadyowga kala duwan iyo dhaqannadii soo jireenka ahaa.

Somaliland waxa ay ku taallaan gacanka geeska Afrika, waxay xuduud la leedahay xeebta koonfureed gacanka cadmeed, waqooyi galbeedna waxa ay xuduud la leedahay Dalka Jabuuti, dhinaca Koonfureed iyo Galbeedkana waxa ay xuduud la leedahay Dalka Itoobiya, dalka Soomaaliyana Bariga, Somaliland dadkanku nooli waxa ay rumeysan yihiin Diinta Islaamka, waa dad isku af ah, isku diin ah, isku dhaqanka ah. 

Qarnigii 18-aad illaa iyo Qarnigii 19-aad badhtamihiisii waxa ay maxmiyad u ahayd dalka Ingiriiska, ka dib markii xornimadda ka qaaday sannadkii 1960-kii waxay la midowday Koonfurta Soomaaliya, ka dib dagaal qaatay sannado badan ayey mar labaad la soo noqotay madaxbannaanideedii 1991-kii. Inkastoo ay naafeeyeen dagaalo sokeeye, dagaalkii ay kula soo noqotay madaxbannaanideeda.

Haddana, si kastaba ha ahaatee, cilmi-baadhisyo qoto dheer oo lagu sameeyey, kaasoo qaatay wakhti badan ayaa lagu muujiyey in dadkanni yihiin (Indigenous) dadka Somaliland in ay ka soo jeedaan asalkii hore, arrintan waxa ay ka dhigan tahay in dadka asalka ahi ee Reer Somaliland soo jireen ugu yaraan muddo haatan laga joogo 7000-kun oo sannadood ka hor.

Helitaanka sawirro qadiimiya iyo far-qoraalladii hore oo lagu xardhay dhagaxaan ayaa caddayn u ah in Somaliland ka mid tahay dalalka ugu faca weyn adduunka. 

Sawiradani waxay muujinayaan noloshii dadkii hore ee gobolkan degenaa, kuwaasoo jiray illaa iyo 5000-kun oo sannadood, run ahaantii, qaar ka mid ah farshaxannadii ugu horreeyay ee fanka dhagaxa ah ee qaaradda Afrika ayaa leh sawir-gacmeedyo badan oo qallafsan oo madow oo haddana ifaya oo ah xayawaan iyo aadame....La soco... 

Q.MF.Qoti

Wednesday, March 1, 2023

Dalka ugu faca-weyn Adduunka Q. 4-aad


 16. Ireland: Jamhuuriyadda Eerland waxa naafeeyey qulqulkii dadkii u soo dhoofi jiray, dagaalo sokeeye, dagaaladii diinta Kiristaanka, kii midowga iyo madaxbannnaanida. 

Dadka Ayrishku waa ilbaxnimadii hore ee adduunka, nolosha dadka Ayrishku waxa ay ku tiirsanaayeen beeraha, waxaana lagu qiyaasaa jiritaankooda illaa iyo in ka badan 10,000- oo sannadood ka hor.

17. Faransiiska: Dalka Faransiisku waxa uu soo jiray in ka badan 1000-kun sannadood, waxaannu caan ku yahay dhacdooyinkii ugu caansanaa sooyaalkii taariikheed ee reer Yurub, sida, Kacaankii Faransiiska ee sannadkii 1789-kii, Dagaalkii Napoleonka iyo duulaankii Jarmalka ee sannadkii 1914 illaa iyo sannadkii 1940-kii.

Billowgii aasaaska dowladda Faransiiska waxay ka dhalatay xoojinta awoodda iyo ballaadhinta dhulka iyadoo loo marayo dagaal in lala galo boqorradii Ingiriiska iyo Habsburgs.

Dadka ku nool fransiiska waxa lagu qiimeeyaa dhinaca diimaha in boqolkiiba konton (50%) ay haystaan mad-habta Catholicism iyo Protestantism ee diinta Kiristaanka, halka boqolkiiba afarna 4% ay yihiin Islam, halka dhaqanka diinta buddhismkana ay haystaan boqolkiiba laba 2%.

18. Mongolia: Waxa ay dhinaca waqooyi xad kala leedahay Ruusha, dhinaca Koonfureedna Dalka Jayna, taariikhdu markay ahayd sannadkii 1206-dii dowladdii Mongolian Empire kuwo ku hadla afka mongolianka iyo qabiilada Turkiga ah. 

Dalkan mongolia dadka ku nool boqolkiiba kow iyo konton dhibic todoba 51.7% waxa ay rumeysan yihiin dhaqanka Buddhism, boqolkiiba afartan dhibic lixna 40.6% waa bilaa diin, boqolkiiba saddex dhibic labana 3.2% waa Islaam.....La soco....

Q.MFQoti

Dalka ugu faca-weyn Dunnida. Q.3-aad


10. Georgia: Jeerjiyada cusub waa halkay ka soo unkatay soo saarista khamriga, waxaad ku arkaysaa jalxaddihii hore ee la isticmaali jiray ku dhawaad 8,000 oo sannadood ka hore.

Dadka reer Jeerjiya intooda badan waxa ay haystaan mad-habta Orthodox ee diinta Kiristaanka, halka qeyb kalena ay haystaan diinta Muslimka.

11. Sudan: Jamhuuriyadda Dalka Suudaan waxa hore u soo xukumi jiray boqortooyadii Karma taariikhdu markay ahayd 2,500 -illaa iyo 1,500 oo sannadood CH, nolosha dadka reer suudaan waxa ay ku tiirsan yihiin labanka, ugaadhsiga, kaluumaysiga, beerista heeda iyo dhaqashada xoolaha, intooda badan waa Muslim, marka laga reebo inta haysata diinta Kiristaanka.

Sida la xaqiijiyey waa dad ka soo barakacay lama degaanka saxaraha, markay dalka suudaan yimaadeena waxa ay noqdeen beeralay.

12. Itoobiya : Jiritaanka Dalka Itoobiya waxa lagu qiyaasaa ku dhawaad 2,000-sannadood CH.

Dadka ku nool dalka Itoobiya waxa lagu qiyaasaa 80-qoomiyaddood, waxaannay boqolkiiba saddex iyo afartan (43.8%) haystaan mad-habta Orthodoxy ee diinta Kiristaanka, boqolkiiba laba iyo labaatan dhibic sideedna (22.8%) waxa ay rumeysan yihiin P'ent'ay mad-habta diinta Kiristaanka Protestant, boqolkiiba kow iyo sodon dhibic saddexna (31.3%) ay yihiin Islam, halka inta kale ee soo hadhayna ay rumeysan yihiin dhaqankooda.

Waa dalka ugu faca-weyn dhinaca madaxbannaanida dalalka Afrika, sidoo kale'na waa dalka ugu da'da weyn Adduunka, dhinaca dowladdnimada, waxa kale oo lagu tilmaamaa in aan waligeed la guumeysan ,marka laga reebo muddo koobaneyd oo talyaanigu qabsaday sannadihii 1936-kii ilaa iyo sannadkii 1941-kii.

Waxa kale oo lagu qiyaasaa jiritaanka dalka Itoobiya ku dhawaad 150- kun illaa iyo 200-kun oo sannadood. 


13. Greece: Nolosha Dadka ku nool dalka Giriisivwaxa ay ku tiirsan yihiin dhinaca midhaha ka soo go'a beeraha ay fashaan, waxaannay rumeysan yihiin boqolkiiba sagaashan iyo kow mad-habta Orthodox ee diinta Kiristaanka, Dalka Greece waa dalkii ugu horeeyey ee ay ka hirgashay nidaamka dimuquraadiga taariikhdu markay ahayd sannadkii 508--dii.

14. Afgaanistan: Raadraaca sooyaalka taariikeed ee dadka reer Afgaanistaan noloshooda waxa lagu qiyaasaa ku dhawaad 50,000- kun oo sannadood, waana dad ku tiirsan dhinaca nolosha beeraha, waana Muslim.

15. Jabaan: waxa lagu qiyaasaa jiritaankeeda ku dhawaad 2,600- oo sannadood, .waxaanay haystaan dhaqanka iyo hiddaha Buddhismka.....La soco...

#Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

Dalka ugu faca-weyn Adduunka Q/2-aad

5. Armaaniya: Sooyaalka Taariikheed ee raadraaca Armaaniya ayaa lagu qiyaasaa jiritaankeeda muddo 3,500- oo sannadood.

Nidaam dowliya oo ka hirgala Dalka Armaaniy waxa ugu horeeyey qarnigii lixaad, inkastoo gobolkan la aaasaasay taariikhdu markay ahayd 782-kii, haddana waxa lagu tilmaamaa in uu wakhtigaas lahaa awood aad u xoogan iyo nidaam dowladdeed, Armaaniya waxa ay ka soo bilaabmataa badda madow, badda Caspianka iyo Mediterranean illaa iyo harada Urmia ee dalka Iiraan. 

Armeniyiintii waxa ay ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee qaata diinta Kiristaanka oo wakhtigaas ahayd diin dawladeed taariikhdu markay ahayd sannadkii 301-dii Ilaa iyo hadda, waxa ay weli ku dheggan yihiin Kaniisadda Rasushii Armaaniya, waana Kiniisadda ugu faca-weyn Adduunka.

6. Kuuriya: Jasiiradda Kuuriya waxay ka kooban tahay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Shacabka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed, dadka ku nool waxa ay aaminsan yihiin qaarkood diintii Nabi Muxamed (scw) halka qaar kale'na ay rumeysan yihiin diintii Nabi Ciise, kuwo kalena waxa ay rumeysan yihiin dhaqanka Buddhism iyo Confucianism.

Guud ahaan Dalka Kuuriya waxa uu leeyahay sooyaal taariikheed oo lagu qiyaaso 5,000-kun oo sannadood, 

Waagii hore waxa loo yaqaanay Gojoseon laga soo bilaabo taariikhdu markay ahayd sannadkii 2333 illaa iyo sannadkii 108-dii CH, Kuuriya waxa ay ahayd waddankii ugu horreeyay ee hindisa nooca daabacaadda biraha dhaqaaqa, daahfurkan hindisahan waxa uu wax weyn ka beddelay isgaadhsiinta Adduunka.

Sidooo kale, hal-abuurrada dalka kuuriya waxay door muhiim ah ka soo qaateen horumarinta dhaqaalaha adduunka, taariikhdu markay ahayd sannadkii 37-kii CDillaa iyo sannadki 668-kii CD.

Boqortooyadii Goguryeo ayaa ka mid ka mid ahayd dawladdihii ugu awoodda badnaa Bariga Aasiya.


7. Tiongkok : China waxa ay ahayd ilbaxnimaddii hore sannadkii 1700-1046 CD

8. Hindiya: Inkastoo dadka reer Hindiya ay aaminsan yihiin Diinta Kiristaanka, Diinta Islaamka, dhaqanka Budhaha, Jainism, iyo Sikhism.

Haddana ilbaxnimadii hore ee dalka Hindiya waxa loo yaqaanay dooxadii ilbaxnimada Dadka iduuska, (Indus Valley Civilization') ama (Harapan Civilization).

Haddana, Inkastoo la rumeysan yahay in dooxada ilbaxnimada Dadka iduuska la odhan jiray ' Meluhha' sannadkii 3300- illaa iyo sannadkii 1300 CD, sidoo kale waxa la rumeysan yahay in dhaqaalaha, dhaqanka iyo ilbaxnimaddii magaalooyinka Hindiya, waxa ay horumareen muddo haatan laga joogo 5,500-sannadood ka hor.

9. Israa'iil: Waxay ku taal inta u dhaxaysa badda Mediteerinka iyo badda cas, jiritaanka Israa'iil waxa uu soo maray waayo badan sida ilbaxnimaddii hore ee birta iyo dhagaxa, waxaanna maamuli jiray Dowladdii Roman Empire sannadihii 62-kii illaa iyo sannadkii 634-kii.

Dadka Israaiiliyiintu waxa ay aaminsan yihiin intooda badan Judaism oo ah diintii Nabi Ibraahim, Iyo Nabi Daa'uud, halka boqolkiiba siddeed iyo tabanna (18.1%) ay yihiin Muslim, boqolkiiba hal dhibic sagaalna waa christian 1.9%, halka hal dhibic lixna ay aaminsan yihiin diintii Nabi Ismaaciil 1.6%.

Waxa kale oo la rumeysan yahay in qabiilka israaiiliyiintu ka soo barakaceen Afrika......La soco....

Q/Mohamed Farah Qoti

Dalka Ugu Faca-weyn Adduunka.


Weli waxa aynu ku guda jirnaa Sheekooyinkeenii halaasiga ahaa, Murtideenii iyo Aqoon-korodhsigeenii, waxa aynu maanta ku soo qaadan doonaa 20-ka dal ee ugu faca-weyn Adduunka.

Inkastoo ay jiraan magaalooyin soo if baxay iyo kuwo siqiiray, oo aan hayn raadraacood taariikheed, haddana, si kastaba ha'noqotee, waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa 20-ka dal ee ugu faca-weyn, dhinaca ilbaxnimaddii hore ee Adduunka.

1. Dalka Iiraan waxa uu ka mid ahaa Beershiya Qarnigii 20-aad, illaa iyo haddana waa dalka ugu faca-weyn dhinaca Ilbaxnimada Adduunka.

Dabayaaqadii sannadkii 1501-dii ayaa Dalka Iiraan lagaga dhawaaqay dowlad madaxbannaan oo hoos timaadda boqortooyadii Safawiidka oo ahayd boqortooyo shiico ah oo ka talinaysay ilaa iyo sannadkii 1979-kii, taasaana sabab u ahayd in loogu yeedho dalka ugu faca- weyn Adduunka.

2. Masar: Dalka Masar ayaa lagu qiyaasaa in ay soo jirtay illaa iyo ​​30- qarni, baadhitaano lagu sameeyey sannaddadii ugu danbeeyey ayaa lagu ogaaday magaalo ka mid ahayd magaalooyinkii hore, war-bixintan cusub ee soo if baxday ayaa la rumeysan yahay in ay jirtay magaaladan cusub ee la yidhaahdo Sohag ku dhawaad 7,000 oo sanno, waxaanna dib u soo laabanaysa taariikhdii hore ee faraaciyiinta taasoo hadda laga joogo ku dhawaad 5,000 oo sanno.


3. Suuriya : Dalka Suuriya waxa uu ku yaalaa galbeedka qaaradda Aasiya, dhinaca xukunka waxa iskaga danbeeyey dhowr boqortooyo oo kala duwanaa, inkastoo dadka suuriyaanka ahi ay islaam yihiin boqolkiiba todoba iyo sideetan (87%), boqolkiiba-tobanna (10%) ay haystaan diinta kiristaanka, halka boqolkiiba saddexna (3%) ay rumeysan yihiin diintii nabi Ismaaciil.

Baadhitaanno lagu sameeyey hadhaaga lafaha qalfoofyadii dadkii hore, ayaa lagu ogaaday raadraacii taariikheed ee soo jirtay muddo lagu qiyaasay 700,000 oo kun oo sanno. 

Mar kale oo Baadhitaan labaad lagu sameeyey raadraaca taariikheed oo qaatay muddada dheer ayaa daaha laga feyday jiritaanka Magaalada Elba, magaaladan oo ka mid ahayd magaalooyinkii guumeystayaashii hore, waxaanna la rumeysan yahay in ay soo jirtay ku dhawaad 3000-ku oo sanno.

4. Fiidnaam : Jiritaanka taariikhda Vietnam waxaa lagu qiyaasaa illaa iyo 20,000-kun oo sanno, sannadkii 1965-kii ayaa baadhitaano lagu sameeyey hadhaagii lafihii hore ayaa lagu ogaaday in ay ka mid tahay wadamadii hore, inkastoo bulshada reer Fiidnaam ay ku tiirsan yihiin midhaha ka soo baxa beerha la fashion, haddana dadkaasi waxa ay aaminsan yihiin dhinaca diimaha dhaqanka ah ee Budhaha Confucianism and Taoism.... La soco...