Sunday, February 7, 2021

Waa taariikhdii loo soo maray Codeyntii Dastuurka Qaranka jamhuuriyadda Somaliland

 
Waa dhacdo taariikhiya oo uu ku baahiyey bartiisa muuqaal araga ,id ka mid ah mareegaha muuqaal araga ee magaciisa la yidhaahdo Saxartire.news, taariikhdaas oo ahayd wakhtigii lagu jiray codeyntii Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taariikhdu markay ahayd 30-kii bishii shanaad ee sannadkii 2001

 

Askarigii Jeclaaday Wasiiraddii Uu Illaaliyaha u Ahaa


Askari Illaalo u ahaa wasiirad  ka  mid ahayd Gollihii wasiiradda xukumaddii  ex,ex, oo qabay  gabadh u dhashay afar wiil iyo shan hablood,  askarigaas oo muddo dheer illaalo u ahaan jiray wasiiraddaas ayaa markii danbe ku eegay ill kalgacal leh, askarigan waxa uu had iyo jeer fuuli jiray kurrsiga hore ee gaadhiga wasiiradda, isla markaana waxa uu muraayadda hore ee gaadhiga ka daawan jiray  kursiga danbe ee ay saaarneyd wasiiraddu, taasoo wasiiradduna ay u arki jirtay had iyo goor nin feejigan oo illaalinaya, lana socda dhaq-dhaqaaqeeda iyo dareenkeeda.

Wasiiraddu waxay ahayd shaqsiyad qalbi furn oo aad u naxariis badaneyd, isla markaana askarigan waxay ka dhigatay gacan yare u adeega, waanay caawin jirtay oo way guneyn jirtay, waxaanay la socotay duruufaha nolloleed ee ku gadaamnaa qoyskiisa wakhtigaas.

Maalin maalmaha ka mid ah waxa uu u waraaq ku qoray qoraal si farshaxannimo leh loo agaasimay, qoraalkaas oo ka turjumaayey qaabkii uu u halleelay jaceylka ku  baahay dhamaan xididdada dhiiga waraabiya ee jidhkiisa, warqaddaas oo uu dul-dhigay  miiska ay ku quraacan jirtay wasiiraddu.

Aroornimadii markii ay soo toostay wasiiraddaas ee ay u diyaar garowday in ay quraacato ayey isha ku dhufatay warqaddan dul taala miiska dushiisa, ka dibna, way soo qaaday warqaddii, waanay akhriday wasiiraddu, warqadaas waxa ku qornaa hab-qoraaleedkan hoos ku qoran.

Gacalliso,  Muddo haatan laga joogo lix-sanno iyo waxoogaa ayaan la aamusnaa kal-gacal laabtayda miranaayey, waaxaan garan la’aa habkii aan kuugu soo gudbin lahaa muxubadan sida hirarka maayada badda igu soo mirkacaysay, nasiib wanaag waxaan maanta nasiib u yeeshay in aan ku dhiirado waraaqdan dhanbaalsidaha ee xanbaarsan, hannashadaada, jamashadaada, hillowgaaga, ka mabsuudiddaada, taasoo muxibaddaada jaceyl, ii miirtaayoo, igu meeraacdoo, igu meerisee, mudeecoo irmaan, maati loo lisaa, illamaheeda baxee, maaqaar loo baxshaa, muska loo dhigaa, sanka loo marshaa, anna midabsameey, wasiiraddaha dhamaan, taan ka miidhayeey, jaceylbaa Imudoo, mudka iyo wadnaha, maxastii dhigtee, marwo maad illa jihayn, muxubada jaceyl.

Wasiiraddu waxay ahayd shaqsiyad aad u taxadir badan oo qun yar socod ahayd, oo fahmo badan, markii ay dhameysay akhriskii qoraalka ku qornaa warqaddaas, waxay qaadatay dareen go’aan oo ah in aanay cunnin quraacdii loogu tallo-galay ee dul saarneyd miiska dushiisa, waanay kacday iyadoo gacanta ku sidata warqaddii loo soo qoray, waxaanay ku riday shandad gacmeed ay qaadan jirtay, ka dibna, waxay isku diyaarisay sidii ay u gudan lahayd hawl-maalmeedkeedii shaqo ee loo igmaday.

Markii ay ka soo baxday guriga ee ay soo gaadhay gaadhigii gaarka u ahaa ee ay ku shaqo tagi jirtay ee ay iska furtay daaqada danbe ee fuushay kursiga danbe ee gaadhiga, askarigii illaalada u ahaana uu fuulay kursiga hore, markii gaadhigii uu dhaqaaqay ee aanu gaadhin xafiiskii shaqada, ayuu askarigii weydiiyey wasiiradda su’aal hayd, “ Sacaada wasiir ma’aragtay, oo ma’akhriday  warqaddii fariinta ahayd ee dul taalay miiskaaga.

Wasiiraddu waxay ugu jawaabtay;- Haa waan akhriyey, waxay ahayd fariin aad qaali u ahayd, laakiinse, wakhtigan waxa aynu ku jirnaa halgan siyaasaddeed, marka uu inaga dhamaado halgankaas siyaasaddeed, ayeynu u guda gali doonaa hawshaa kale, kolayba xagayga way ka waari doontaaye.

Markii ay gaadhay wasiiraddu xafiiskii ay u shaqo tagi jirtay ee ay dhameystirtay hawlihii shaqo ee sugayey, waxay u yeedhatay gaadhi kale oo u qaada taliska guud ee ciidanka illaalada nabad-galyada, wasiiraddu waxay kulan gaar ah la yeelatay taliyaha ciidanka nabad-galyada, iyadoo u dhiibtay dhambalkii xanbarsanaa fariintii jaceylk ahayd, waxaanay ku tidhi;-  Taliye waxaan doonayaa in aad baadhitaan ku sameysaan cida adeegsanaysa  askarigan waraaqda ii soo qoray, waxaad iigu soo dirteen in uu sugo amnigayga, laakiinse, hadda nabad-glyadaydiibaaba halis ku jirta, waxaan kaa codsanayaabay tidhi, in arrintan sida ugu dhakhsaha badan ugu sameysaan baadhitaan weyn.

Wakhtigaas markii ay ka soo wareegtay muddo laba caano-maal ah, goor ammintu ahayd caweys danbe, jawiga cirkuna huwanaa ceeryaan oo ay dhado ka soo tibiqlaynayso saqafyada guryaha dushooda, dayaxuna uu yahay dayax-saddex iyo tobnaad, askarigaas oo ay ka muuqatay farxad iyo rayrayn aanu saadaalin Karin waxa ay ku danbeyn doonto, waxa u soo daatay habeenimadaas ciida
mada ku booda dalayadaha ee sida gaarka ah loogu tababaray wax ka qabashada arimaha argagaxisada, kuwaasoo gacanta ku dhigay askarigaas.

Ka dib, waxa soo baxday wasiiraddii waxaanay tidhi- maxaa dhacay ee askarigii illaalada ii ahaa loo qabanayaa, taliyihii ciidankaas watay ayaa ugu jawaabay,”- Arintan waa amar xaga sare nagaga yimid, adigana labadan askari ayaa nabad-galyadaada sugaya oo aanu kuu reebaynaa, kumay qancin intaas, waxa ay la hadashay taliyaha guud ee ciidamada nabad-galyada oo ay weydiisay sababta keentay in la qabto askarigii illaalada u ahaa, taliyuhu waxa uu ugu jawaabay:- Baadhitaanbaa soo galay oo waanu baadhaynaa arimo ku saabsan dhinaca nabad-galyada.

Askarigii waxa loo taxaabay xabsi ku yaala taliska guud oo uu ku jiray muddo saddex-bilood ah, muddadaas, waxa uu isweydiinaayey, maxa la igu soo xidhay?.

Waxa kale oo qalbigiisa ka dhex-guuxayey oo war-war iyo walaac badan ku reebay jaceylkii uu u qabay wasiiraddaas oo aan haba-yaraatee aan ka soo garab wareegin muddadii uu xidhnaa, inkastoo haddana  ka warhaysay xaaladdiisa, markii uu ku jiray xabsigaas muddo saddex-billood ah, ayaa laga soo saaray xabsiga oo la hor keenay xafiiska taliyaha ciidanka nabad-galayada, taliyuhu waxa uu weydiiyey su’aal ahayd bal waran, askarigii waxa uu ku jawaabay su’aal ahayd, taliye maxaa la igu soo xidhay?

Taliyihii waxa uu soo saaray warqaddii dhambaal sidaha ahayd ee uu qoray askarigaas, waxaanu ku yidhi:- Warqad sow adigu maad qorin? Askarigiibaa markiiba dhidid waaweyn ka soo boodeen wajigiisa oo naxdina ay ka muuqato, waxaanu yidhi:- Haa, anigaa qoray, taliyihii ayaa weydiiyey su’aal ahayd:- Yaa ku isticmaalayey, anagu waxaanu kuu dirnay in aad sugto nabad-galyadeeda ee kuumaanaanu dirin hawlahan kale ee aad gacmahaaga ku gashay, waxaana socota baadhitaan lagu ogaanayo cida kaa danbeysa ee ku adeegsanaysay, waxaana lagu celiyey xabsiga kaasoo ku jiray muddo saddex-billood, ka dibna, waa la iska sii daayey, sidaas baanu ku qaadhay jaceylkii ku dhacay askarigaas.

 

Qoraa Dr. Maxamed Faarax Qoti