Khuburada ku xeelka dheer cilmiga barashada caafimadku waxay sheegaan, in marka ay dhimato maskaxadu uu
qofku geeriyoodo, iyadoo ay inoo muuqato kumanaan kun oo qof oo maskaxdoodii dhimatay (Death brain), haddana
nool oo uu sii shaqeynaayo wadnahoodu iyo kumanaan kun oo kale oo wadnahoodu joojiyey
shaqadii uu qabanaayey oo sidaasi ku geeriyooday, taasi waxay inoo cadeynaysaa
in aanay wax-aqoon ah u lahayn khuburada ku xeelka dheer cilmiga barashada
caafimaadka wadnuhu.
Haddaba, waxa isweydiin mudan, muxuu Alle (SW) kala hadlaa
Muruqan-Yar?
Waa muruq-yar oo leh sharaf
iyo qurux, waxaana quruxdaasi lagu
tilmaamaa, fudeydka, rayraynta, raaxada,
farxadda iyo deganaashaha laga dareemo
marka uu qofku sameeyo samo-falka, laakiinse,
waxa murugo badan iyo degenaansho la’aan ku keena shaydaanka iyo falka –xun ee uu qofku sameeyo,
waxaana ku dhaca oo xannuun ku keena labada xannuun ee la yidhaahdo, shakiga
iyo laba-wajiileynta.
Muruqan-yar
waxa la yidhaahdaa Wadne, Alle’na (SW) waa Qalbi-jire, Qalbiguna waa kalmed
af-caribaya oo macnaheedu uu yahay wadnaha,
wadnuhuna waxa uu leeyahay meel
lagu keydiyo araga, maqalka iyo hadalka,
Damiirkuna waa fu’aadka, Fu’aadkuna waa kalmed af-carabiya oo macnihiisu noqonayo, marka uu wadnuhu sameeynayo
dareennada, farxada, warwarka, walaaca, hamada, buuqa, cadhada, murugada iyo
qiirada, rumeyntuna waa iimaanka, laabtuna waa sedriga, sedriguna waa kalmad
af-carabiya oo macnihiisu noqonayo laabta, waa kadinka ay ka soo baxaan araga,
maqalka, hadalka, halkaas oo uu kaga faaideysto sheydaanku.
“Indhaha qalbigaa ka eegmo fog, oo waxaanay arkeyn buu
ogaadaa, “ Midhiihii Erayaddii Dhakhtar Carabayto”
Muruqan yar waxa lagu qiyaasaa celcelis ahaan cabir miisaanka
culeyskiisu gaadhayo 310-garaam oo culeys ah, waxa ku yaala qolkiisa midig ee ugu sareeya unug yar oo ah dareen dabka-dhaliya, kaasoo
sameeya garaaca uu ku shaqeeyo wadnuhu ee
afka qalaad loogu yeedho sinus node (pacemaker), waxaana lagu qiyaasa in uu halkii daqiiqaba
sameeyo garaac gaadhay 60-illaa iyo
100-jeer dadka waaweyn, marka
uu joojiyo garaaca wadnuhu, waxa dhamaan jidhka intiisa kale laga dareemaa qabow aad u badan, taasina waxay ina tusinaysaa
in uu u xil-saaran yahay sameynta kulka
uu u baahan yahay jidhku aadamuhu.
Wadnuhu waa muquq-yar oo sameynaya dhaqdhaqaaq iyo dhawaaq codeed
oo ay ku duuban erayada dhawaaqa baniaadamka oo afka qalaad loo yaqaano “Human Voice”
codkaas oo wadajiraa marka uu ka soo baxo ee uu soo gaadho laabta, waxa
sii qaybiya hawada uu soo saaro sambabadu, waxa kale oo lagu qeexaa in uu leeyahay habka
koritaanka aqoonta, dareenka, hamiga, Hamada, fahamka ,fikirka,
xisaabtanka, jiheynta, go’aan
qaadashada iyo ha’yadda
sirdoonka ee afka-qalaad loogu yeedho Cardio
centric oo ku yaala wadnaha badhtankiisa.
Wadnuhu waxa uu leeyahay dareen afka-qalaad
loogu yeedho “Heart Nervous System” kaasoo fariimo u dira maskaxda, waxaanu sii
daaya dheecaacanka jaceylka loo yaqaan “love hormone”
ee afka-qalaad loogu yeedho “ Oxytocin”, dheecaankaaasi maaha mid ahmiyad gaar ah u leh jaceylka oo kaliya,
laakiinse, waxa kale oo lala xidhiidhiyaa
in uu ahmiyad weyn u leeyahay xiisaha, dareenka, waxa barashada,
waayo-aragnimada, daaweynta dhaawac’yada, keydka xussuusta, awooda dareenka
fahanka iyo habdhaqanka dabeecada bulshada ,
gaar ahaan, hooyooyinka nuujinaya iyo kuwo uurka leh.
Wadnuhu waa muruqa ku sii daaya dhiiga
halbowlayaasha dhiiga xanbaara hawada,
dheecaamada, macdamaha, sida Tamarta
“carbohydrates” nafaqada “ proteins”
Fiitamiinada iyo macdamaha kale ee loogu
tallo-galay unugyada jidhku ay ku noolyihiin, waxaanu sii qaadaa walxo khashin ah isagoo ka
saara jidhka, waxaanu illaaliyaa heer-kulka
iyo dheelitirka xajmiga awooda biyaha uu qaadanaayo maqaarka jidhku.
Jinkuna waxa uu raacaa dhiiga wadnaha, waxaan
xusuustaa wakhti laga joogo ku dhawaad 13-sannadood ka hor, mar la iigu yeedhay
gabadh uu jin-galay, si aan ugu xidho dawada
dareeaha macdanta ee loo yaqaano Dextrose 5%
oo loogu soo daray millan dawo dareere ah oo uu soo siiyey mid ka mid
ahaa culimada cudurada nafsaaniga ah dabiibaa.
Markii aan ku muday irbadii xididkii gacanta ee aan
ku furay dawadii dareeraha ahayd, waxaan arkay dhiig kor u sii raacaya tuunbadii
dheerayd oo gaadhay badhtamaha laga xakameeyo hakinta iyo socodsiinta caagada
dawada dareeraha ahi ku jirtay.
Isla-markaana, waxaan isku dayey
in aan joojiyo dareerihii, oo aan ka saaro irbadii ku jirtay xididka, waxaan ka
sii daayey dhiigii kor u raacay tuunbadaas, waxaan mar-labaad isku dayey, in
aanirbadii raaciyo xididka gacanteeda kale, waxaan mar-labaad arkay dhiigii oo
kor u raacaya tuunbadii ku xidhnayd Sayloonka,
waanan ka xidhay, irbadiina
waxaan ka saaray xididkii, anigoo haddana, ka sii daayey dhiigii raacay tuunbada,
ka dib, waxaan weydiiyey su’aal qof ka mid ahaa qoyskii gabadha, waxaanu ku
idhi “ Ma jirtaa wax kale oo uu sheekhu
yidhi”, ha’loo raaciyo dawadan marka
lagu mudaayo, waxay iigu jawaabtay “
Alla waxaan kaa illownay cajalad quraanka oo uu sheekhu yidhi ha’loo shido
marka dawada lagu mudaayo”
Ka dib, markii lagu riday cajaladdii
quraanka ahayd cod-baahiyihii uu
dhawaaqay, ayaan xididkii ku muday irbadii ee aan ku furay dareerihii daawada
ahayd, si fiican buu u qaaday daawadii
dareeraha ahayd xididkii dhiigii wadnaha gabadhii aan ku xidhayey daawada .
Tixraac: Quraanka
Kariimka ah suuradaha iyo aayaadaha:- {Suratul Al- Baqra: 2: 7, Al-Baqra: 2: 10, Al-Baqra: 2: 74, Al- Baqra:
2: 225, Al- Cimraan: 3: 156,
Al-maa’ida: 5:52, Al-maa’ida: 5:41, Al-xaj : Al-acraf: 7: 100, Al-acraf: 7: 179, Al-Anfaal: 8: 2, Al-Anfaal:
8: 10-11, Al-Anfaal:8:63, Towba: 9:77, Towba: 9:45, Towba: 9:93, Al-racda:
13:28, Al-xaj:22: 46, Al-xaj:22: 32,
Al-xaj :22: 53, Al-Shuucraa:26:88-89, Al- Fatxi: 29: 4, Surah Al-Axsaab:33:26,
Xujraat:49:3,, Qaaf: 50:37, Al-Hijra:59:9-10, Taqaabuun: 64:11, Al- Isra: 111:
36, }
W/Q: Maxamed
Faarax Qoti