Markii uu waagu baryey ee aan soo
toosay aroornimadaas ayey indhahaygu halacsadeen war farxad leh oo lagu
daabacay dusha sare ee bogga ugu horeeya wargeyska la yidhaahdo Dawan, caddadka tirsigiisii 33470, oo ku
taariikhaysnaa, 9-kii- April-2018-kii,
Markii aan wada akhriyey warkii ku
qornaa wargeyskaasi oo nuxurkiisu ahaa digniin loo diray gaadiidka booyadaha ee
biyaha ka dhaamiya meelaha dooxyada ah ama biyo-fadhiisimaha ah aan
caafimaadkoodu fiicnayn, ayaan yara showray, ka dibna, waxa aan jaleecay wiil
dhallinyaro ah oo ka qallin-jabiyey kulliyadda
culuunta caafimaadka oo ku fadhiyey kursi hareertayda yaalay, waxaanan ku idhi;
“Haddii aad xogogaal u noqon lahayd wax badan oo aan xogogaal u ahay ama aad akhiriyi
lahayd warka lagu daabacay maanta wargeyska Dawan, sidaas umaad xiirateen ee waad murugoon lahayd.”
Run ahaantii,
markasta oo aan arko dad badan oo uu ku dhacay xannuunka kansarka ama wax yeelo
ka soo gaadhay hab-dhiska xididada Neerfaha, beer-xannuunka, dhicinta iyo dumar
badan oo ka cabanaya hab-dhiska taranka oo daawo u doonanaya dalka dibadiisa,
waxa aan xasuustaa muddo haatan laga
joogo afar sannadood ayaanu cabsi weyn ka qabnay inay soo qaadeen roobabkii
da’ayey sunta hadhaadiga ah ee ku keydsaneyd xeradii la dagaalanka Ayaxa, soona
gaadheen dooxa caasimadda Hargeysa ee
dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Ka dib, markii
aanu wargalinay, waxa ka hawlgalay Wasaaradda Beeraha oo kaashanaysay Hay’adda FAO iyo Hay’adda Blacksmith in la
soo mariyo mashruuc ay maalgalinaysay Midowga Yurub, kaasoo lagu rarayey,
laguna nadiifinayey sunta hadhaadiga ah ee ku keydsan xerada sunta Ayaxa iyo in
baadhitaano lagu sameeyo heerka ay gaadhsiisan tahay sunta ku jirta ciidda iyo
biyaha dooxa Hargeysa.
Suntan cayayaan dillaha ee loo yaqaano Dichlorodiphenyltrichloroethane
(DDT) ayaa ah mid qaabkeedu yahay dux u kala
gooshi karta masaafad aad u dheer oo lakabka sare ee ciidda ah, taasoo khatar weyn ku keeni karta deegaanka, xoolaha iyo noolasha
aadamaha, ayaan haba-yaraatee waxba ka fulin wax ka qabashadeeda.
Sannad ka dib, adhi badan ayaa ku sumoobay biyo ay siday
booyad ka soo dhaamisay dooxa Hargeysa, ka dib markii la waraabiyey adhigaas,
iyadoo ay halkaas ku bakhtiyeen adhi tiradoodu dhan tahay 116-neef oo iskugu
jira riyo iyo ido, arrintaas oo ka dhacday degaan u dhow duleedka Halleeya ee
bariga Hargeysa, taasoo waliba ay booyadaasi dhinaca kaga xardhaneyd qoraal ah “Lama
cabbi karo biyahan, waxana loogu talogalay dhismayaasha oo qudha.”
Haddaba, maadaama
assaasska kowaad ee nolosha aadamaha uu yahay biyaha, isla markaana boqolkiiba
shan iyo sodon 35% ay hellaan cabitaanka biyaha qasabada ee nadiifta ah, halka, boqolkiiba shan iyo lixdan 65% ay hellaan
biyaha booyadaha ee laga soo dhaamiyo ceelasha Dararweyne qoysaska degan
caasimadda Hargeysa, waxa aynu halis ugu jirnaa waxyeelada suntaas ama hadhaaga
kimikalka warshadaha iyo saxarada lagu daadiyo dooxa Naasa-hablood haddii ay
gaadhaan ceelashaas.
Run ahaantii
waa mid lagu diirsaday dhawaaqan iyo baaqyada isdaba jooga ah ee xambaarsan naxariista
ee ka soo yeedhaya mid ka mid ah Golaha Wasiirrada xukuumadda Jamhuuriyadda
Somaliland, kaasoo ah Wasiirka Horumarinta Biyaha Md. Saleebaan Cali Koore oo
ah masuul leh waayo-aragnimo dheer oo ay ka muuqato indheer-garadnimo ay ku
dheehan tahay xeel-dheer xil-kasnimo iyo xogogaalnimo uu u leeyahay
hab-nololeedka degaanka bulshada reer Somaliland.
Wasiirku
isagoo ka duulaya hiigsiga lagu gaadhayo himilada iyo siyaasadda lagu horumarinayo
biyaha sidii ay u helilahaayeen biyo nadiif ah oo ku filan dhammaan bulshada
reer Somaliland, ayuu ku dhiirigaliyey maalqabeenadu inay ka qaybqaataan dedaalada
ay xukuumaddu ugu jirto sameynta biyo xidheeno iyo dhaamam lagu qabanayo biyaha
roobka ee qulqulaya dooxyada xili-roobaadyada, kana faa’iideystaan, bulshadana ay
ugaga faa’iideeyaan.
Waxa kaloo uu Wasiirka Horumarinta Biyuhu soo
saaray baaq wareegto ah oo lagu ilaalinayo fayo-qabka ceelasha booyaduhu biyaha
uga soo dhaamiyaan bulshada, maadaama ay jiraan booyado biyaha ka soo dhaamiya
meelo aan ku habbooneyn, taasoo xili-roobaadyada
bulshada ku keeni kara dhibaato caafimaad-darro magaalooyinka Jamhuuriyadda
Somaliland, halka uu sidoo kale digiin u
diray booyadaha lagu qabto inay biyo ka soo dhaamiyeen meelo biyo-fadhiisimo ah
oo aan saxadoodu fiicnayn.
Maxamed
Faarax Qoti