Weli waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa waxaan arkay iyo waxaad aragtay.
Waxaan arkay Illa giringiri caashaqa, Giraangirayaashu waa kuwo inta badan wakhtigooda ku lumiya tamartooda, waana kuwo u baahan in wax walba iyaga loo qabto, mana daneeyaan wanaaga, laakiinse, waxay rumeysan yihiin in dhibka ku haysta aad ku xaliso dhibaatooyinkooda, marka aad shaqo u abuurto si ay u kobciyaan noloshoodanna, haddana waxa aad arkaysaa ka hor inta aanay hawluhu dhaqaaqin inay kaaga baah yihiin iyagoo fuushan kaariyoonihii ay ku shaqeynayeen in aad ku riixdo.
Dadka hab-dhaqanka Xamasta lihi (Kaneecada) waa daneystayaal aan wax tar u lahayn nolosha aadamaha dib u dhac mooyaanne, waa kuwo had iyo goor xiiseeya inay ka nuugaan dhiiga waxyaabaha wanaagsan ee waxtarka u leh caafimaadka nolosha aadamaha, isla-markaana ay ugu beddelaan sun, marka hareerahaaga ay ka qaadayaan heesaha ay kugu amaanayaanna, waa marka ay doonayaan dhiiggaaga inay jaqaan oo ay kuugu beddelaan sun aad ku dhimato.
Caawiyayaashuna inta badan waxay ku hawlan sidii ay u heli lahaayeen mahad-naq iyo amaan, waxaannay iska dhigaan rabigii quudinayey nolosha aadamaha, waxaannay jeclaystaan inay dadka xukumaan oo ay jaan-gooyaan jihooyinka noloshooda, mana jecla inaad ka xorowdo oo aad noqoto xidig-iftiimaya, balse, waxay jecel yihiin inaad hoos joogto waligaa oo aanad guuleysan, haddii aanad ka tashanna xidigaagu iftiimi-maayo.
Dadka hab-dhaqanka Yaxaas lihi, waa jilayaal aan lahayn wanaag ama ujeeddooyin cibaado leh oo loogu soo dhawaado, waxay raadiyaan oo ay ku mashquulaan dadka kale ceebahooda in ay wax ka ogaadaan, yaxaasku isma yeelyeelo, laakiinse, waa munaafiqiin.
Jirjiroolayaashu waa kuwo had iyo goor ku jira tartan caafimaad darro ah, waxay iska dhigayaan kuwa kula jira oo haddana aan ogoleyn in aad guulaysato, oo jecel guuldaradaada, waxay ka xumaadaan in nolosha qofka baniaadamka ahi uu gaadho horumar, xumaantoodaasi waa mid ujeedooyin badan wadata, waxaannay arrintaasi sababtaa in ay kula galaan tartan xaasidnimo ay ku jirto, kuwan midabada badan lihi ee marba halkay joogaan isku eekaysiiyaa waa saaxiibadaada kuu dhow ee aadka kuu taageersan, laakiinse aan u debaaldegi doonnin horumarkan aad gaadhay, waxaannay ku dedaalayaan in waxyeelooyin soo gaadhsiiyaan dedaalkaaga oo ay fashilin doonaan qorshayaashaada iyo riyooyinkaaga.
Dab-daacayaashu waa kuwo had iyo goor abuura dhibaatooyinka xalka u baahda, marka xalka la helana, waxay abuuraan kuwo kale oo hor leh oo waxyeelo soo gaadhsiiya dareenka rajada.
Cod-baahiyayaashuna waa kuwa ugu xun aadamaha, waxaanna qalbiyadooda ka buuxa xumaan, wasakh iyo naxli badan, waa kuwa xanbaara warka xun, waa sidayaal fidiya wararka qalbi jabka ku rida bulshada ee aan cibaadada lahayn, waa baayac-mushtarka qeybiya dhacdooyinka nasiib-darrada ah iyo horumar la'aanta, waad garanaysaa sida aan aniguba ugaranayo.
MFQoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid