Saturday, September 24, 2016

Boqorkii Sideedaad

                                                                                                       24/September/2016


Hooyaddii waxa ay ka soo jeeday dhalasho ahaan dadka Giriisiga (Greece) ee ku nool dalka Giriiga, waxaanu ku dhashay dalka Kanada, laakiinse, dhalasho ahaan waxa uu ka soo jeeday dadka Jerokee (Cherokee) ee ku nool dalka Jarmalka.


Waxaanu ka mid noqday Boqoraddii hore ee ka soo taliyey dalka Kanada (Canada), Boqorku waxa uu had iyo jeer dadkiisa kala hadli jiray goob fagaare ah oo aad u qurux badnayd kuna beernaayeen dhir iyo doog qurux-badan oo si fiican loo illaaliyey,  isla- wakhtigaas, khudbadihii halkaasi uu ka  jeedin jiray waxa ay ahaayeen murti iyo hadalo aadd u qiimo badnaa, laakiinse, haddana marka hadaladiisa ay wax ka qorayaan wariyayaasha iyo Qorayaasha reer Kanada, waxa ay ugu yeedhi jireen Boqorkii Sideedaad.

Taasoo ku abuurtay Boqorka in uu ka cadhoodo oo aanu raali ka noqon in loogu yeedho magac bixintaa loogu magac daray Boqorka sideedaad, waxaanay arrintaasi noqotay murankii ugu mudada dheeraa ee in badan soo jiitamayey, haddana wali taagnaa, marka la barbar dhigo Boqoraddii ka horeeyey.

Boqorku waxa uu ahaa hal-abuur  indheer-arrag, kaasoo qoray buuggaag badan oo ay ku duugnaayeen, Taariikheed nololeedkiisii, Gabayo, Dhacdooyin  iyo Sheekooyin gaagaaban, inkastoo uu lahaa laba sinjiyadood oo leh hal-dhaqan oo kaliya, laakiinse, haddana dhamaantood waxa laga dhan-dhansanayey labadiisa-hide ee uu ka soo jeeday.

Waxaanu ahaa indheer-garad fahamsanaa khatarta ay leedahay qoraaladda la xidhiidha mawduucyadda takooridda, sidoo kalena, waxa uu juhdi iyo dadaal badan galiyey faalooyin lagu duubay cajaladdo ku saabsanaa dadka Ameerikanka ah ee  Hooyooyinkood ay ka soo jeedaan sinjiyaddaha kale

Boqorku isagoo ka biyo diidsanaa dhalan rogga ku iminayey dhinaca sinjiyaddaha, waxa uu qaaday wakhtigaasi talaabo weyn oo uu u isticmaalay  awood ciidan oo dhinaca xuduudaha ah, waxaanu xilalkii ay hayeen ka qaaday dhamaan masuuliyiintii lahaa Labada-sinjiyadood, taasoo uu ku suureeyey in ay hallis ku ahayd nidaamka geedi socodka dalkiisa, sababtoo ah buu yidhi:-  Waa lagu soo dhex-mari karaa, taasina waa mid hallis ku ah jiritaanka qarannimadeena.

Waxaanu soo saaray sawiro muujinayey cadeymo badan iyo kuwo kale oo si far-shaxanimo leh oo ay ku dheehan tahay waayo-arragnimo, loogu xar-dhay Hooyo iyo wiilkeedii oo difaacaysa  aqoosiga dhiiga ay ka soo jeedo assalkeedii hore, taasoo lagu qabtay iyadoo socota dhulka lama degaanka ah ee u dhexeeya Kanada iyo Ameerika.

Haddaba, marka aynu eegno shaqsiyaadka u dhashay dalka Somaliland, laakiinse, haddana sita sinjiyaddaha kale, waa sida dhiig isku mulaaqmay oo kale, inkastoo ay jiraan dad aad u badan oo dhaqankoodu iyo diintooduba aanay is badelin qurba joogeena iyo kuwa haddeer tahriibka ku galay wadamada Aduunkaba, laakiinse, haddana, waxa hubaal ah in ay jiraan Lab iyo Dhadig, haba-yaraadaane ay guursadeen sinjiyaddo kale, halka kuwo kalena  ay ku dhaqan-doorsoomeen dhaqamadda kale duwan ee ka jira daafaha dunida.

Maaha tani mid ina tusinaysa  ama aynu ula jeedno sinjiyadda iyo dhiigaga isku mulaaqmay oo kaliye, laakiinse, waxa suura-gal ah in ay dhacdo wakhtiga fooda inagu soo haya, dadka ka imanaya qurbaha ee u dhashay dalkeena ee danaynaya in ay ka qayb-qaataan tartanka doorashada gollaha wakiiladda Somaliland, sannadaha soo socda aan loo warhaynin dhaqanadooda iyo diimaha ay haystaan midnaba, sababtoo ah, waxa ay u isitcmaali doonaan in ay lacag kaga iibsadaan dadka codadkooda iyo ta xisbiga ay musharaxa ka noqonayaanba,  si ay ugu guuleystaan  tartanka doorashada gollaha wakiiladda Somaliland.

Waxa kale oo ay taageero ka helli karaan deegaanada ay ka soo jeedaan beelahoodu, kuwaasoo  aan u lahayn wax-aqoon ah shaqsiyaadka ay codka siin doonaan waxa uu noqon doono, markaa, waxa muhiim ah inta la ogaan lahaa wakhti danbe oo xeedho iyo fandhaalba kala dhaceen, in aad la iska hubiyo dhamaan shaqsiyaada qurba jooga ah ee u tartamaya musharaxnimada xil-dhibaanadda gollaha wakiiladda iyo xil-dhibaanda gollaha deegaanka doorashooyinka soo socda ee ka qab-soomi doona Somaliland, haddii uu Alle ina gaadhsiiyo.

Ka sokow taasi, waxa iyana barbar socotay kuwo kale oo ku soo guryo noqday iyagoo qaba hamuun masseyr-xilleed ay ku doonayeen in ay xil ka qabtaan dalka Somaliland, ka dibna, loo dhiibay xilal  aanay waayo-arragnimo hore iyo aqoon badan u lahayn, nidaamka dowladnimo,  kuwaasoo wiiqay oo curyaamiyey dhamaan nidaamkii iyo habkii dowladnimo ee ka jiray Gollaha Fullinta iyo Gollaha Sharci Dajintaba.

Haddaba, miyaanay la gudbooneyn kuwa sinjiyadda kaliyaata haystaa, innay fiiro-dheer u yeeshaan arrimahan ka socda xayndaabka gayigan ay ku xeeran yihiin, kaasoo u baahan  halgan dheer iyo sharciyaddii lagu xakameyn lahaa arrimahaas oo dhan.

Maxamed Faarax Qoti
  


Tuesday, September 6, 2016

Anniga Iyo Cimiladdii Ayaa Heshiin Waayey

 

                                                                                                                 6th /September/2016


Xeel-dheere ku takhakhusay dhinaca cilmiga barashada saadaasha hawadda ee loo yaqaano Meteorological, kaasoo ka shaqeyn jiray wakaaladda sahaminta cimiladda hawadda, ayaa ka fadhiistay shaqadii uu ka hayey wakaaladdaasi, ka dib, markii muddo dhowr-billood ah ay soo food saartay in ay kala duwanaadeen cimiladdii iyo war-biximihii uu kaga faaloon jiray saadaasha hawadda maalmaha soo socda, taasoo sababtay in khal-khal iyo jahwareer weyni ku abuurmo  dhamaan bulshadii ku noolleyd degaanaddii uu ka soo jeeday Khabiirkaas.

Sidaa darteed  muddo yar ka diba,  waxa uu go’aansaday in uu iskaga tago shaqadii uu ka hayey wakaaladda cimiladda saadaasha hawadda, taasoo, mar wax laga weydiiyey, sababihii ku kalifay shaqo ka tagidiisa, khabiirkaasi waxa uu kaga jawaabay:-  “ Anniga Iyo Cimiladdii ayaa heshiin waayey ”.

Haddaba, marka aynu eegno hab-dhaqanku waxa uu ka shaqeysiiyaa go’aan qaadashadda maskaxaha Aadamaha, haddana way ku kala aragti duwan yihiin indheer-garadka iyo indha-kugaraadluhu, waayo,  waxa aad arkeysaa, suldaankii iyo dhaqankii oo heshiin waayey, wadaadadii iyo wacdigii siyaasadda oo heshiin waayey,  gudoomiye xisbi iyo musharixiisii oo heshiin waayey, wasiiro iyo nidaamkii siyaasaddeed ee ay ku haggi lahaayeen hiigsigii lagu gaadhi lahaa himiladda oo heshiin waayey, Indhdeer-garadkii iyo Indhakugaraadlihii oo heshiin waayey.

Marka aynu ka nimaadno arrimahaas oo dhan, waxa aynu leenahay hindise iyo awoodda ka jawaabta marka ay wax dhacaan, waxaana suura-gal ah, in aynu noqon karno kuwo ay ka hooseyso heerka lagu qiimeeyo qiyaasta cabbirka dareenka aadamaha.

Dhinaca maareynta suuggaanta erayaddana, waxa lagu macneeyaa Indheer-garadku in uu yahay, hindisaha oo kaliya, laakiinse, marka taasi laga yimaado, waxa lagu lamaaneeyaa kartida awooddaha ay leeyihiin aadamuhu, sababtoo ah, maadaama aynu nahay kuwo uu xil ka wada-saaran yahay dhamaan nolosheena.

Sida la wadda-aqoon sanyahay waa wax dabiiciya  Indheer-garadnimadu, waxaana lagu tilmaamaa  in ay leeyihiin dadka indheer-garadka ahi karti awoodeed oo aad u sareysa, mana’aha kuwo ka indha’la  xaaladdaha hab-dhaqan  iyo xaaladdaha duruufeed ee ku gadaaman gayiga ay ku nool-yihiin, waxaana gun-dhig u ah, oo lagu qiimeeyaa hab-dhaqanadooda ayaa ah, kuwo soo saara doorashooyin miyir-qaba, in ka badan kuwa ay soo saaraan shardiyaddu, taasoo uu gun-dhig u yahay dareenku.

Haddiiba ay nolosheennu la shaqeynayso hadba xaaladda aynu ku suganahay, innagoo haysana  go’aan qaadashadda miyir-qabka, ama fullin la’aanta arrimaha qaar ee inta badan lagu tixgalinaayo sababo jira awgeed, miyeynaan odhan karrin, taasi waxa dooran lahaa in awood lagu siiyo, kuwa doonaya innay inna xakameeyaan.
  
Dadka indheergaradka ahi waxa ay leeyihiin awood gaar u ah oo ay ku xanbaaraan  cimiladda,  ha noqoto cimiladdaasi mid rooban ama ha ahaato mid iffaysa oo aan iyagga isbaddel ku sameyneyn, waxaana kuwaasi lagu qiimeeyaa inay yihiin haggayaal, laakiinse, haddiise lagu qiimeeyo shaqo wanaagsan iyo wax soo saar tayo leh, taasi, maaha mid ka shaqeysiisa cimiladda, sababtoo ah,  cimiladdu wax-bay haggtaa ee lama haggo.

Halka ay dadka indha-kugaraadlaha ahi ay soo gaadhsiiyaan dhibaatooyin iyo wax-yeelooyin deegaanadda ay ku nool-yihiin bulshaddoodu, marka ay cimiladda bulshadu ay si fiican u daaweyso dadkiisana, waxa ay dareemaan caafimaad, marka ay dadkiisu waayaana, waxa ay noqdaan  kuwo difaaca, sidoo kalena waxa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa dhisa niyadda xayn-daabka ku wareegsan hab-dhaqanka nollosha dadka kale,  isla-markaana, waxa ay ka xakameeyaan dhinaca baahiyaha awooddaha ay dadku ka  liitaan.

Awoodda  rabitaanka degdega ah  ee hooseeysa, waxa lagu sifeeyaa in ay tahay sida cabbirka maayaddaha badda oo kale, taasoo lagu qiimeeyo nuxurka shaqsiga indheer-garadka ah inay yihiiin, kuwa ay haggaan  fikraddaha qiimahoodu aadka u sareeyo ee sida fiican loogaga taxadiray, isla-markaana,  leh xullasho sarre oo aad u qiimo badan iyo dhex-dhexaadnimo, halka, dadka indha-kugaraadlaha ahina ay haggto hawadooda oo kaliya, amaba ha noqoto xaaladdaha duruufeed ee ku xeerran deegaanadooda.

Laakiinse, marka aynu sameynayno kala doorashadda, waxa aynu noqonaa indha-kugaraadlayaal, kuwaasoo intooda badan wax-yeelooyin  soo gaadhsiiyaan qaab-dhismeedka deegaankooda, haddii ay cimiladdu u wanaagsan tahay, waxa ay dareemaan wanaag, hadday xun-tahayna,  waxa ay wax-yeeleeyaan arragtida iyo habka fullinta-hawlaha ay u socdaan.

Haddaba, akhriste sideebaynu ka fahmi karnaa Hoggaamiyaha Indheer-garadka ah iyo Hoggaamiyaha Indha-kugaraadlaha ah.?


Qoraa/Maxamed Faarax Qoti

Thursday, September 1, 2016

Sheeko Gaaban: Tuuggii Daacadda ahaa

                                                                                                                                                                 Date: 1st /September/2016


Boqorkii ugu xikmadda badnaa Boqoradii ka soo taliyey aduunka qarnigii 18-aad ee aynu soo dhaafnay, inkastoo boqorkaasi uu lahaa xikmaddo wanaagsan, haddana  waxa caado u ahaan jirtay isagoo is qarinaaya, uu soo dhego-dhegeeyo wararka la isla dhex-marayo ee ka jira goobaha bulshada caasimadda ku nooli ay ku kulmaan, bal si uu u ogaado xantiisa.


Waxa uu inta badan jeclaa, kuna taami jiray, wax ka ogaanshaha  fikraddaha  ay dadkiisu  ka aaminsan yihiin xukunkiisa iyo qaabka uu ugu talliyo bulshada, taasoo ahayd dariiqa kaliyaata ee ka caawin jirtay dib u sixidda khaladdaadka xukumaddiisu ay sameyso.

Boqorku waxa uu aaminsanaa in ay ahaato Boqortooyo ku dhisan xukun caadil ah iyo  maamul wanaag, oo ay sinnaan iyo caddaalad  xeer u tahay, in taasi lagu gaadhi karro guusha himiladda la hiigsanayo, isla-markaana ay bulshadiisu noqon doonto bulsho caafimaad qabta oo ka fayow dhamaan xanuunnadda  xassadka iyo xiqdiga, oo ay xeer u tahay isjeclaysi iyo isku tudhid.

Wakhtiga uu ninkaasi Boqorka ahi tallin jiray,  waxa caasimadda ku noollaa, Nin tuug ah oo Affar tuug oo ay saaxiib ahaayeen nidar ugu marray in aanu waligii been sheegi doonin inta ka hadhay cimrigiisa, habeen habeenada ka mid ah, waxa ay shantii tuug  qorsheysteen in ay dhacaan  dahab ku jiray sanduuqa keydka maalliyadda Boqortooyadda.

Goor caweys ahayd ayey ku kulmeen barxad banaan oo dhanka  galbeed kaga toosnayd boqortooyadda, shantii tuug iyo Boqorkii oo isna ku guda jiray hawshiisii kormeerka ahayd ee uu xanta ku dhageysan jiray, salaan ka dibna, waxa uu  Boqorku  ku yidhi;-  Waa kuwama?.

Tuugii daacadda ahaa, ayaa ugu jawaabay;- waxaanu nahay tuug, taasoo Boqorka ku noqotay fajac iyo amakaag, waxaanu mar-labaad weydiiyey, ;-  Xageebaad ku socoteen? .

Waxaanu doonaynaa in aanu soo dhacno dahabka ku jira sanduuqa keydka maalliyadda ee Boqortooyadda, ayuu ugu jawaabay:- Tuugii daacadda ahaa.
Boqorku, waxoogaa ayuu ka fikiray, oo  maskaxdiisu is weydiinaysay, in ninkani uu u eegyahay, oo uu noqon karo shaqsi naxariis leh oo wanaagsan,  waayo, marnaba  lagama yaabo, in erayaddan oo kale uu ka soo yeedho tuugta dhabta ah, waxaanu markiiba go’aansaday, oo uu yidhi;-  Anniguba waxaan ahay tuug xariif ah, ee inna mariya si wada jir ah aynu u soo dhacno dahabkaas.

Markii ay gaadheen, kadinkii hore ee dayrka Boqortooyadda, ciidankii illaaladda ayaa joojiyey,  oo ku yidhi, ;-  Waa kuwama,? Tuugii daacadda ahaa ayaa ugu  jawaanbay;-  Waxaanu nahay Tuugg.

Illaaladdii waxa ay maskaxdoodu is weydiisay, in aanay  ahayn kuwani Tuugg,  waayo, suuro-gal maaha, horena ummay dhicin, in niman tuug ah oo doonaaya in ay wax dhacaan ay u soo mari-lahaayeen dariiqan oo kale, sidoo kalena,  may-sheegteen tuugonimadda, laakiinse, waxa laga yaabaa, in ay dadkani ay yihiin qaar war-bixino u sida Boqortooyadda.

Markii ay dhaafeen illaaladda, waxa ay  weydiiyey mid ka mid ahaa illaaladdii ku sugnayd guddaha Boqortooyadda,  furre ka mid ah furrayaasha kadinka xafiisyadda, gacantaana laga galiyey furayaashaas.

Ka dib, waxa ay nimmankii tuugta ahaa oo uu Boqorkiina la socdo ay jabiyeen qasnadii ay ku jireen10-dhagax oo dahab ah, waxaanay ka qaateen 6-dhagax oo ka mid ahaa 10-kii dhagax ee dahabka ahaa, dabadeedna, sideedii bay u xidheen qasnaddii, isla-markaana, waxa ay ka baxeen xaruntii boqortooyadda, iaydoo ninkii Boqorka ahaana u raacay gurigii ay seexanayeen shanta Tuug, isagoo markii danbana ku soo laabtay hoygiisii uu seexan lahaa.

Markii ay soo baxday libidhadu, Taliyihii illaaladdii Boqortooyadda ayaa sameeyey  baadhid ku taxa-luqday,  inuu ogaado kuwa ay ahaayeen, wasiiraddii soo galay madax-tooyadda xallay, markii uu ku guuleysan waayey, waxa uu ku qancay in ay arrintaasi ay ahayd arrin khiyaamo ahayd, waxaanu go’aansaday in uu war-bixintaasi u gudbiyo Boqorka.

Isla-wakhtigaasi, waxa uu Boqorku ammar ku siiyey Dhuwan, oo ahaa wasiirkiisa maaliyadda in uu soo hello waxa ay nimankaasi ay ka qaateen Boqortooyadda, wasiirku waxa uu baadhis ku sameeyey qasnaddii kaydka maaliyadda  oo ay ku jireen 10-ban dhagax oo dahab ah, waxaanu ugu tagay 4-dhagax oo kaliya, ka dib,  markii uu ku soo noqday boqorka, waxa uu u sheegay in la qaatay 10-kii dhaqax ee dahabka ahaa ee ku jiray qasnadda kaydka maalliyadda, isagoo isla-markaas qorshaystay in uu isagunna inta ku hadhay qasnadda kala baxo oo uu qaato, markii uu la baxay 4-tii dhagaxna, waxa uu dhigtay gurrigiisii.

Inkastoo, Boqorku uu ammar ku siiyey wasiirka in uu soo hello shaqsiyaaddkii fuliyey xaddida dahabka kaydka maalliyadda boqortooyadda ku jiray, may suuro-galin in wasiirku ku guuleysto arrintaasi.

Muddo ka dib, waxa uu Boqorku uu iclaamiyey, kuna sheegay shir jaraa’id,  shaqsiyaadkii xadday dahabkii ku jiray qasnadda kaydka maalliyadda ay iska soo xaadiriyaan boqortooyadda barritoole saacaddu marka ay tahay 12:00 Duhurnimo.
Wakhtigii ay ballanku ahaa, ayuu u yimid Tuugii daacadda ahaa, Boqorkii oo la shiraya Gollihii wasiirada oo badnaa kuwo leh hab-dhaqanka musuqmaasuqa ee khiyaamadda badan,  waxaanu boqorku ku yidhi Ninkii Tuuga ahaa;- waxaynu ahayn Lix-tuug oo halkan u yimid in ay xaddaan wax la xafiday”  markaas waxaan ku weydiiyey, Imisa dhagax oo dahab ah ayaad qaadatay?  waxaanu ugu jawaabay Tuugii daacadda ahaa , mudane:-  waxaanu qaadanay Lix-dhagax,  ka dibna Boqorku waxa uu ku yidhi;-  wasiirkiisii maalliyadda ee la odhan jiray, Dhuwad,  halkee bay mareen 4-tii dhagax ee dahabka ahaa?


Waxaanu kaga jawaabay wasiirku su’aashaasi;-” Mudane,  Tuugani waa beenaale, haddaba, maadaama uu ogaa Boqorku oo uu la socday shanta tuug, waa uu ogaa intii ay qaateen,  waxaanu ciidankii illaaladiisa amar ku siiyey in hadda la soo baadho gurriga uu degan yahay wasiirka maalliyaddu, markii lagu sameeyey baadhitaan qaatay dhowr saacadood ayaa lagu guulaystay in laga  hello 4-tii dhagax ee dahabka ahaa gurigii uu deganaa wasiirka maalliyaddu,  taasoo wasiirka ku keentay in uu ku dhaco  qalbi gariir.

Boqorku waxa uu ku yidhi;- “ Addigu waxa aad tahay tuuga dhabta ah, laakiin, tuugani runtii waa daacad, waxaanu ku baaqay, in uu tuuga daacadda ah iyo Dhuwanba uu ku ridi doono jeel gaboobay.

Isagoo haddalkiisii sii wata,  waxa uu yidhi;-  Dadka ku nool, nollol leh akhlaaq iyo daacadnimo, waxa ay Alle agtiisa ka helli doonaan abaal marrin-weyn, kuwa khiyaamadda badan iyo hawl-wadeenadda khiyaamadda badan ee sida Dhuwan oo kalena, waxa ay Alle agtiisa ka yihiin kuwo khasaaray.


Maxamed Faarax Qoti