Somaliland: Cilmi Falagga Iyo Ged-gedoonka Raad-raaca Taariikhda Dunida.
26th/June/2015
Eebaa iska leh xukunka kownkan iyo maamulkiisa, ged-gedoonka dunida wuxuu ku yimaadaa qadarkiisa, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Alle, cidina lama wadaagto.
Haddana aadamuhu
ma daayo waxa ka sheega saadaasha mustaqbalka iyo wax iska- weydiinta raad-raaca taariikheed, taasoo ay ka dhaxlaan
duruus iyo waayo-aragnimo ay ugaga faa’iideystaan, iyagoo ku dabbaqaya hadba
xaaladda taagan iyo ayaamaha ku soo foodda leh.
Haddaynu
dib-u-halacsano raad-raacii taariikheed ee horaantii qarnigii 17-aad ee aynu
soo dhaafnay, sida la aaminsan yahay Somaliland waxay ahayd Dal ku fiican
dhinaca Istiraatajiyada ee isku xidha bada-cas iyo bad-weynta Hindiya.
Sannadkii 1711-kii,
waxa bada-cas ee Somaliland soo
gaadhay markab ka mid ahaa maraakiibtii ciidamada
dagaal ee dalka Spain, kaasoo uu hogaaminayey
Mr. Captain Bito.
Muddo yar ka diba,
markabkaasi markii uu ku soo dhawaaday
bariga xeebaha dalka Somaliland, isla-wakhtigaasi, waxay shir la yeesheen
maamulkii iyo odoy- dhaqameedyadii
deegaamadaasi oo ay ka codsadeen in la siiyo ogolaansho ay ku degaan bariga xeebaha Somaliland,
laakiinse codsigaasi kamay ogolaanin ee ahaa degsiimada bariga xeebaha, balse
waxa kaliyaata ee ay u ogolaadeen joogitaanka
bada oo qudha inay ku eekaadaan, oo aanay u soo gudbin barriga xeebaha badda ee
Somaliland.
Mudo dheer ka dib
hogaamiyihii markabkaasi wuxuu amar ku
siiyey koox ka mid ah saraakiishiisii ka hooseysay, in deg-deg loo gaadhsiiyo raashin,
lana soo qiimeeyo xaaladda nololeed ee ay ku jiraan
dadka ku nool deegaamada u dhow-dhow
barriga xeebaha badda .
Qiimeyntaas ka
dib, waxay kala kulmeen arrin ku noqotay fajac iyo amakaag, markii ay maqleen hees ay ku luuqeynayeen caruurtii
ku noolayd deegaamadaasi, taasoo
ahayd, ( Kumbulooy, kumbulaalo
cadooy, xabag geed ka baxda, billo-billo
koosaar, ta u dheer ku jaroo ku jiqsii, biitooy laabo).
Marka aynu eegno
erayga kalmadda Kumbulo, waxa la odhan
jiray ciidamdii dagaalka ee dalka Spain, taasoo macno ahaan noqonaysay hees
caruureedkaasi, Kumbulooy, Kumbulaalo
cadooy, “Ciidankii cadaanka
ahaayow” xabagta geedka ka baxda,
Billo-billo koosaar, “ Billo-billo “ Waa
kalmad dhaj ah oo macnaheedu yahay raashin,
Bito “ waa magaca hogaamiyihii ciidankaasi watay ” guud ahaan, weedha hees caruureedkaasi oo
ahayd “Ciidankii cadaanka ahaayow, xabagta geedaha ka baxda ayaanu iska cuni
doonaa koosaarowe, raashinkoodan ma rabno “ku jaroo ku jiqsii” biitooy iska laabo” .
Heestan waxay
xanbaarsaneyd gudbin-fariimeed oo ka turjumaysay fikirka iyo rabitaankooda ay
ugu gudbinayeen ciidamdii dagaalka ee uu hogaaminayey Mr. Captain bito, oo dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Spain.
Markii uu ka
dhageysanaayey Saraakiishiisa, war-bixintii lagu qiimeynaayey u kuur-galida
xaaladda nololeed ee ka jiray
deegaamadaasi, sidoo kale, waxay war-bixintaasi ku ladheen Hees caruureedkii ay ka soo maqleen caruurtii
ku noolayd deegamadii ay soo arkeen,
heestaasi oo ahayd ( Kumbulooy, kumbulaalo cadooy, xabag geed ka baxda, billo-billo koosaar, ta
u dheer ku jaroo ku jiqsii, biitooy laabo)
Ka dib markii ay
dhameys tireen war-bixintaasi, Mr.
Captain Bito, wuxuu yidhi”- Maaha
arrintani wax-sahlan oo la dhayalsan karro, maadaamaba ay ku abuureen
caruurahoodii, isla-markaana wuxuu
go’aansaday inuu ka baxo xuduudka
bada cas ay ku leedahay Somaliland, taasaana sabab u ahayd in ka baxaan
bada-cas ee Somaliland, ciidamadii spanishka ee kumbulo oo wakhtigaasi ku jiray
baadi-goobka, helitaanka wadamo ay guumeystaan.
Waxa kale oo ay
ahaayeen sababihii ku dhiirigaliyey gumeystayaashii reer yurub inay qabsadaan wadamada
Africa, intooda badan furitaankii marinkii kanaal Suweys ee sanadkii 1869-kii.
Qarnigii
18-aad inkastoo ay ku kala duwanaayeen dhinaca
aragtida, fikir iyo nidaamka qorshahooda siyaasadeed quwadihii tartanka ugu
jiray kala qaysashada wadamada aduunka, waxaanay aaminsanaayeen laba hab oo
kala ahaa, hab guumaysiga ah “ Colony” ( xukunka iyo maamulka dal oo si toos ah
uu u xukumo dal-kale) iyo nidaamkii
siyaasadeed ee maxmiyada ahaa “Protectorate ( ku heshiinta illaalinta dal iyo
ka xakameynta wadamada kale inta ay soo korayaan ), British protectorate of Somaliland waxay ka mid ahayd 7-dii dal ee maxmiyada
u ahaa boqortooyadii ingriiska, sannadihii 1841-1960-kii. waxa kale oo ay ahaayeen dalalkii boqortooyadii ingiriisku sida tooska ah u xukumaysay 22-dal.
Qarnigii 19-aad
ged-gedoonkii dunida iyo dabeylihii
xornimo doonka ee socday sannadkii 1960-kii, waxay ka mid noqotay British
Protectorate of Somaliland 22-kii Dal ee xornimadoodii iyo
madax-banaanidoodii ka qaatay boqortooyadii
Ingiriiska , wadamadaas oo kala ahaa:- Cameroon, Togo, Somaliland British protectorate, Madafascara , Mali Federation, Union Senegal, French Sudan, Congo, Somalia,
Republic Dahomey, Niger, Upper Volta(Burkina faso) Chad, Central Africa
Republic, Congo Brazzavilla, Cyprus, Gabon, Nigeria, Mauritania, Islamabad,
Benin, I very cost.
ka
dib markii ay ka qaadataya xornimadeeda dowladii Somaliland ee maxmiyada u
ahayd boqortooyadii Ingiriiska (British Protectorate of Somaliland) , waxay qaadatay magaca Jamhuuriyadda
Somaliland ( Republic of Somaliland) balse,
mudo yar ka diba, waxay mar-labaad la’mid noqotay 12-kii
Dal ee isla wakhtigaasi ku
dhawaaqay inay sameysteen hab-wadaag
dowladeed oo mideysan, waxaana gun-dhig
u ahaa dhinaca, dhaqanka, diinta, iyo
luuqada ay wadaagaan, dalalkaasoo ahaa ”-
“Mali federation, French Sudan, Union Senegal, Republic of Somaliland,
Somalia, Republic Dahomey, benin, Republic of upper volta, Upper Volta, Burkina faso, Niger, Congo brazafil iyo Democracy Republic of
Congo.
Markii ay dhex-mareen dhibaatooyin
hor-lihi dowladii la odhan jiray Katanga
ee dalka Congo, waxa madax-banaanideedii ka qaadatay dowladii
Democracy Republic of Congo, waxa iyaguna Xiisad xoogani ka
bilaabmatay xidhiidhkoodii iyo
midowgoodi, dowladihii Mali
federation, Union Senegal iyo French
Sudan, isla markaana waxa ka go’day French Sudan, taasoo qaadatay madax-banaanideedii, lana baxday Jamhuuriyadda Sudan “Republic of Sudan”, haddana waxa
ku kala noqday israacii iyo wada-jirkii, taasoo mid waliba geesteeda u
qaadatay madax-banaanideedii Mali
federation iyo Union Senegal, waxa
iyaguna midowgaasi ku kala noqday
Republic Dahomey iyo benin oo markii hore la baxay Republic of Upper
Volta, isla wakhtigaasi waxa iyaguna ku kala noqday midowgoodii, oo
qaatay gooni isku-taag iyo
madax-banaanidoodii, Burkina faso iyo Niger oo la isku odhan jiray Upper Volta.
Dowladii Jamhuuiryada Somaliland “Republic of
Somaliland” ayaa hormood ka noqotay
raadinta midnimada ka dhalata shantii Soomaaliyeed, ee ay ka mid ahaayeen
Somalida waqooyi barri ee dalka kenia, Somalida degan gobolka galbeedka
Itoobiya, Koonfurta Somaliya, Jamhuuriyadda Jabuuti, iyo Jamhuuriyadda
Somaliland, si loo hello midnimadii
shantii soomaaliyeed, waxay
Jamhuuriyadda Somaliland horseed ka noqtay midowgii koonfurta Somaliya ee
Talyaanigu guumaysan jiray, kuwaasoo la baxay Jamhuuriyadda Somaliya “Somali
Republic”, oo wada jiray mudo
9-Sannadood ah, ka dibna, waxa iqlaab
militariy ku qabsaday ciidamadii
taliskii Maxamed Siyaad
Barre, ka dibna, in ka badan
10-Sannadood oo ahaa halgankii hubeysnaa ee ay hogaaminayeen xoogagii jabhadii SNM,
ku xoreeyeen la soo noqoshada xornimada madax-banaanida Jamhuuriyadda
Somaliland ku dhawaaqeen 18-kii May
Sannadkii 1991-kii, waxaanay haddana
isla-sannadkaasi la dhalatay 23-kii Dal ee qaatay madax-banaanida, kuwaasoo kala ahaa:- Republic of Somaliland, Goargia, Croatians,
Solvenia, Ukraine, Belarus, Balte state of Estonia, Latvia, Lithuania, Maldove
, Kyrgyztan, Uzbakistan, Macedonia, Tajikistan, Armenia, Turkmenistan, South
Ossetia, Slovenia, Verkhovna roda, Ukraine, Albania, Azerbaijan, Kazakhstan,
In ka badan 10-Sannadood oo ahaa halgankii
hubeysnaa ee ay hogaaminayeen xooggagii
jabhadii SNM, ku xoreeyeen la soo
noqoshada xornimadda madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay ku dhawaaqeen 18-kii May Sannadkii 1991-kii, waxaanay haddana isla-sannadkaasi la dhalatay
23-kii Dal ee qaatay madax-banaanida, kuwaasoo kala ahaa:- Republic of Somaliland, Goargia, Croatians,
Solvenia, Ukraine, Belarus, Balte state of Estonia, Latvia, Lithuania, Maldove
, Kyrgyztan, Uzbakistan, Macedonia, Tajikistan, Armenia, Turkmenistan, South
Ossetia, Slovenia, Verkhovna roda, Ukraine, Albania, Azerbaijan, Kazakhstan.
Inkastoo 22- dal oo ka mid ahaa 23-kaa dal la aqoonsaday, halka
jamhuuriyaddda Somaliland oo hadda u dabaal-degaysa sannad-guuradeedii 25-aad
ee ka soo wareegtay la noqoshadii madax-banaanideedii aan la aqoonsan.
Haddii aynu eegno aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee la xidhiidha
dhinaca cilmi falagga, Somaliland uma
baahna aqoonsiy ay aqoonsadaan dalal shisheeye ama ay ku dhawaaqaan inay
aqoonsan yihiin, sababtoo ah waxa la aqoonsadaa dal ka go’ay dalka, laakiin,
jamhuuriyadda Somaliland waa dal aduunkoo dhami uu aqoonsan yahay inuu ahaa dal
xornimadiisii iyo madax-banaanidiisii ka qaatay maxmiyadii boqortooyadii
Ingiriiska, ka dibna la soo noqday madax-banaanidiisii, markaa umaba baahna
aqoonsi uu ka sugu dalalka aduunka, sababtoo ah dal laba jeer lama wada-aqoonsado,
ee horaa Somaliland loo aqoonsaday, balse arrinka kaliyaata ee la gudbooni uu
yahay in Somaliland saaxiibo badan ku yeelato waddamada caalamka. Runtana Allaa
Og.
Somaliland waa dalka kaliyaata ee dadka ku nooli ay yihiin hal-qoys oo
isku diin ah, isku-dhaqan ah, isku-luuqad ah, isku-sinji ah, isku-isir wadaaga
marka loo eego dunida inteeda kale.
Sababaha dhalliya kala go’ida, ka go’ida, iyo kala noqoshada dal, waxa lagu
tilmaamaa dhinaca diinta, dhaqanka, luuqada, jinsiga iyo isirka, kamay fogeyn sababihii
ku keenay in dalka Bakistan ka
go’o dalka Hindiya.
Dadka Hindida waxay intoo badan caabudi jiray Lo’da, halka ay
dadka reer Bakistaana ay dhaqan jireen, isla markaana hilibkoodana cuni jiray, kadibna
waxay arrintaasi ku keentay isku
dhac colaadeed iyo inay dagaalo dhexmaraan Hindidii iyo Bakistaaniyiinta wada degenayd dalka hindiya, waxaanay u arkayeen Hindidu in maalin kasta mid ka mid ah
IIlaahyadoodii la gowraco, isla-markaana ay cunaan hilibkooda dadka reer Bakistan.
Haddaba marka aynu eegno koonfurta Soomaaliya ee la baxday dowladda
Federalka Soomaaliya waxa u sabab ah inay yeeshaan 8-deed madax-weyne oo ka kala taliya sida, Ximan iyo
Xeeb, Galmudug, Xamar, Galbeedka Xamar, Putland, Kismaayo, Ehlusunna-wajamaaca
iyo Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo leh 238 wasiir iyo in ka badan 400 oo
xildhibaan.
Waxaana lagu qiyaasaa inay ku nool in ka badan 10-qoomiyadood oo ku kala
duwan dhinaca dhaqanka, diinta, luuqada, sinjiyadda, isirka ay ka soo kala
jeedaan, waxaana lagu sheegaa in lagaga
hadlo in ka badan 10-luuqadood oo kala ah, sida:-
Af-Bajuuni oo ah luuqad u dhow afka Sawaaxiliga oo ay ku hadlaan dadka bajuuniga ah ee degan Jubbada Hoose ee koonfurta
Soomaaliya iyo Waqooyiga dalka Kenya, dhalasho ahaan ka soo jeeda TUUNI
oo ka mid ah qabiilada la yidhaahdo, Digil iyo Midhifle.
Magacyad deegaamada ay degen yihiina waxa lagu tilmaamaa inay yihii
Af-baajuuni sida:- Sanguuni, Kibsuuma,
Kumbareera, Af-midow turdhi, Kismaayo oo macno ahaan noqonaysa (KISIMA “Ceel” Yoo “ Dheer “).
Af-Banaadiri waa luuqad ay ku hadlaan dadka banaadiriga ee degan
koonfurta Soomaaliya iyo woqooyiga dalka Kenya, kana soo jeedaan Afrika iyo beershiya (Iran) in kastoo ay la baxaan ragoodu magacayada
sida: Iikar,Yaamad, Macaloo,
Muriidi, Amoo Shee-mat , Sheenyaalo , Baaboo, Siidoo, halka dumarkooduna ay la
baxaan sida:- Maanfaay, Baa’iishe,
Daadooy, Biibi, baa’ita, haameey, Abaasti, Daadooy, Roonooy, Baabinti, IWM,
dhanka maahmaahyada waxa ka mid ah sida:- Dadayasho doorabo ka uurowti, Erbet aruurti misaar, Tukulush timir gaaree
waayi xaraar dhahyi, La faltee la
beeqtee ka roon.
Af-Baraawe waa luuqad
af-sawaaxiliga u dhow oo ay ku hadlaan reer baraawe iyo
banaadirugu , oo asal ahaan lagu sheego inay ka soo jeedaan boortaqiiska.
Af-Dabarre ama Af-Ciroole oo ah luuqad u dhow Af-maay
taasi oo ay ku hadlaan Dabarlaha iyo
Ciroolaha dega gobolka bay, Jubada dhexe iyo koonfurta
Soomaaliya
Af-Garre waxa lagu
tilmaamaa inay u dhow-dahay luuqada af-baayga oo ay ku hadlaan garraha degan shabeelada
hoose ee koonfurta Soomaaliya,
Af-jiido waa luuqad ay ku
hadlaan jiidaha degan shabeelada hoose , bay iyo jubada dhexe ee koonfurta
Soomaaliya
Af-tuuni waa luuqad ay ku
hadlaan Tuuniga degan shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe ee koo furta
soomaaliya.
Af-maay waa luuqad ay ku
hadlaan Maay-maayga degan koonfurta Soomaaliya, erayada luuqadaas waxa ka mid
ah:- matha dhuura”
madax-xanuun” qaathasha “ guurka, Kood “qosol” birooyma “gudniinka “
hangfar”dabeel” owaraad “Xalay” surung “istaag”
nyaanyuur, “ bisada” maanya “bada”
mid ka mid ah gabayadooda oo dhigan sidan : Aaw Rewinoow ul malaag
ing fuully, eleeng liing fiiriya arryng luku sughaaw, eretybyho ky eediyoony ly
etheegsythaw, umyty liing eleeyo ilkoo liing edaayaw, Allyma ay kiingly
moqyng, Unugi af gaapyno owaadjkey
yeraathy, aathisba ilduufase iyow hang towaane.
Af-Gosha
waa
luuqad ay ku hadlaan Jareer, Gosha or Mushunguli degan Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Koonfurta somaliya waxaana la
yidhaa Somali bantu, iyo Af-Somaliga oo ay yar yihiin dadka ku hadla koonfurta soomaaliya.
Dhinaca
cilmi falagga waxay xidhiidh la wadaagaan Yementa iyo koonfurta Soomaaliya , laakiinse,
waxay Yamentu kaga duwan tahay koonfurta
Soomaaliya waa dad leh dhaqan qudha oo soo jireen ah, sidaa daraadeed waxay ku
suntan dhiig iyo colaad aan dhammaanayn koonfurta Soomaaliya, lagama yaabo inay
sii kala qayb-qayb santo doonto abidkeed. Runta Allaa Og
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid