Wednesday, September 30, 2015

Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Maroodijeex Oo Gaadiidka Booyadaha Ku war-galinaysa Mar-labaad Inay Samaystaan Astaan Lagu Garto Hadba Waxa Ay Siddaan


Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Maroodijeex Oo Gaadiidka Booyaddaha Ku war-galisay Mar-labaad Inay Samaystaan Astaan Lagu Garto Hadba Waxa Ay Siddaan.

Hargeysa (Ramaas) Aug 10,2012 – Wasaarada Caafimaadka Gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa Mulkiilayaasha iyo Dirawalada Booyadaha kala duwan ee ka kala shaqeeya biyaha la cabbo, shidaalka iyo kuwo qaada biyaha guryaha lagu dhiso inay samaystaan calaamado lagu garan karo waxa ay siddo.

Wasaarada caafimaadka ee Gobolka Maroodijeex waxay sheegtay in loo baahan yahay in booyadaha biyaha Cabitaanka dhaamiyaa aanay biyo ka soo qaadi Karin ceelasha biyaha ee aan nadiifta ahayn, sida ceelka Daami I.W.M. ee Magaaladda Hargeysa, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in la sameeyo calaamado muujinaya hadba booyada Magaaladda dhex maraysaa waxa ay siddo, si looga taxadaro dhibaato caafimaad daro oo soo waajahda xaafadaha aanay gaadhin Qasabadaha Biyuhu.

Qoraal kooban oo Caawa ka soo baxay xafiiska Madaxa Caafimaadka Guud ee Gobolka Maroodi-jeex ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Faarax uu soo gaadhsiiyey Ramaas ayuu ku yidhi sidan “Waxaanu Ogeysiineynaa dhammaan Mulkiilayaasha leh booyadaha qaada shiidaalka iyo kuwa dhaamiya Biyaha inay astaan gaara ah ay u sameeytaan Gaadiidkooda , sabatoo ah , anagoo ka duulayna siyaasada wasaarada caafimaadka ee xakamaynta cudurada shubanka ee ku dhaca carruurta, kaasoo sababi kara ilaa heer dhimasho ay ka mid tahay asbaabaha ugu waaweyn ee keeni kara inay ka mid tahay Booyadaha qaada shiidaalka ama Booyad ka soo dhaamisay ceel biyoodyada ka xayiran in cabitaan loo isticmaalo, inay haddana qaadaan biyihii la cabayey, taasina ay keeni karto khatar caafimaad, si haddaba looga hortago inaanay dhicin xaalad caafimaad daro, waxaanu u soo jeedinaynaa dhammaan gaadiidlayda nooca qaada Shiidaalka iyo Biyaha inay astaan u sameeyaan nooca ay ugu talagaleen inay ka ganacsadaan, sidoo kale waxaanu ka codsanaynaa dhaqan galinteeda wasaarada hawlaha guud Guryeynta iyo Gaadiidka , Ciidanka nabad-galyada wadooyinka .
fiiro gaar ah: astaantaas oo ah sidan hoos ku qoran.

1. Booyadaha qaada Shiidaalka waa inay lahaadaan Astaanta Midabka Huruuda
2. Booyadaha qaada Biyaha la cabayo waa inay ku qoraan Dheega Booyada qoraal ah (BIYO CABITAAN)
3.Booyadaha qaada Biyaha Dhismaha waa inay ku qoraan Dheega Booyada, qoraal ah (BIYAHA DHISKA)
Tani waxay noo sahlaysaa in booyad ay ku qoran tahay (Biyo Cabitaan) aanay ka dhaamin Karin Ceel-biyoodyada ` wasakhaysan ama shiidaalka ”