Sunday, July 24, 2016

Maareynta Xallinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka.


                                                                                                   Date: 23rd/ July/ 2016

Fursad marka loo geeyo khatar wadarteedu waa khilaaf, waxaana aad u adkaata sidii loo arki lahaa muuqaalka fursaddaas, balse, waxa muuqata khatarta oo kaliya.

Khilaafku waxa uu ku lug yeeshaa geeddi-socodka nabadda iyo wada-noolaanshaha degenaanshaha bulshada, sababaha keena isku-dhaca amma khilaafka waxaana lagu tilmaama mid halgameed, mid siyaasadeed, mid jinsiyadeed, mid shaqsiyadeed, mid shaqo, mid mucaaridnimo, mid iska caabineed, mid dhaqaale,  ama ha noqoto fikrado bilaa ujeedo ah, muranno khiyaali ah oo si ula-kac ah la iskaga soo horjeedo,  amaba kuwo ka dhasha qeexitaanka qiimeynta nidaamyada,  tartamo faragalineed oo lagu wiiqayo qorshayaasha sidii ay dannahooda ugu heli laahaayeen,  

Dhammaan arrimahaasi waxa ay ka mid yihiin xaaladdaha khilaafku leeyahay, ha noqoto, kuwo laga gaadhay guul oo ku dhammaada heshiis amma kuwo sii daba-dheeraada oo qaarkood ay sababaan rabshaddo iyo qaab-dirireed, taasina waxa ay ku xidhan tahay oo kaliya haddba natiijadeeda ka soo baxda qaabka loo maro Maareynta Xallinta Khilaafaadka Isku-dhaca iyo Wada-xaajoodka.

Beri hore oo aynu soo dhaafnay, waxa jiray Boqor ka mid ahaa Boqorradii hore ee ka soo talin jiray dalka Koongo (Congo) ee qaaradda Afrika, Boqorkaas oo ku riyoon jiray dadkiisa oo cabbaya biyo macaan oo nadiif ah, wakhtigaas dadka reer Koongo’na waxay biyaha ka cabbi jireen Wabiyada Ubangi–Uele iyo Kasai, kuwaasoo ahaa biyo aan nadiif ahayn oo wasakhaysan, waxaanay dadka reer Koongo ka qaadi jireen cabbida biyahaa wasakhaysan cuduradda ay ka midka ahaayeen, sida” Shubanka, (Diarrhea) Shuban biyoodka (Cholera), Beer-xannuunka (Hepatitis), Dabaysha (Poliomylitis) Yellow fever iyo Ebolaha, cuduradaas oo sababi jiray in ay u dhintaan dad badan oo reer Koongo ah.

Sahamin qaadatay wakhti dheer ayaa lagu guuleystay in la hello soo saarista ceel-biyood leh biyo macaan oo nadiif ah, muddo hal sanno ah ka dib, waxa la ogaaday in aanay isticmaalin cabitaanka ceelkii biyaha macaanaa bulshadii ku nooleyd degaankaas, isla markaana, ay weli isticmaalaan  cabbitaanka biyihii wabiyada ee wasakhaysnaa,  arintaas oo boqorka ku abuurtay wer-wer iyo walaac badan.

Hasa yeeshee, waxa uu u magacaabay guddi farsamo oo qiimeyn ku soo sameysa daraasado iyo cilmi baadhis lagu ogaanayo sababta keentay in aanay dadku ka cabin ceelkan biyihiisu nadiifta yahaya ee loo soo saaray,  muddo gaaban ka dib, waxa la soo saaray war-biximo ku saabsanaa natiijaddii ka soo baxday qiimeyntii iyo xog-ururintii ay soo sammeeyeen guddidaas.

War-bixintaas oo ahayd In boqolkiiba sagaashan iyo sideed, dhibic sagaal (98.9% ) dadkii la wareystay ay  ku sababeeyeen goobta uu ku yaalo ceelka biyaha nadiifta ahi, oo u dhaweyd beer uu deggenaa Boqorkaas, ka dib, markii la weydiiyey dhibta ku jirta dhawaanshahaasina, waxay ku sababeeyeen in ay  caado iyo dhaqanba u leeyihiin  xammoshada Boqorradooda, waxaanay yidhaahdeen,  “ Maadaama uu ceelkaasi u dhaw yahay beerta uu deggan yahay Boqorku, waxaannu is nidhi Inta uu xanntiina maqli lahaa Boqorku, ma’laha waxa ka qurux badan idinkoo kala fogaada xammashadiina, taasina, waa ta gun-dhiga u ahayd sababihii nagu kalifay in aannu ka cabbi weyno ceelkaas biyaha macaan leh ee nadiifta ah.

Markii Boqorku uu dhegaystay warbixintii guddida iyo nuxurkii ay xanbaarsanayd, waxa uu gaadhay go’aan uu ku soo saarayo qarraarro kala duwanaa oo u qornaa sidan,  “ In maanta laga billaabo, qofkasta oo muwaadin ah oo dhashay dalka Koongo uu xaq u leeyahay oo uu xamman karro Boqoraddooda,  isla markaana, aanay noqon doonin xanntaasi mid fal-danbiyeed ah oo lagu ciqaabo muwaadiniinta dadka reer Koongo.”

Waxa uu go’aankaasi xal u noqday soo af-jarida khilaafkii muddada dheer soo jiitamayey ee ay dadka reer Koongo ku diidanaayeen in ay ka cabbaan ceelkii Biyaha macaanaa ee boqorkoodu ku riyoon jiray.  (F.G- Akhriste, maaha arintani mid aynu ku jideynayno in ay tahay xantu tahay wax fiican, laakiinse, waa dhacdo ka mid ahayd dhacdooyinka ka dhacay dunida.)

Laakiinse, ka hor inta aynaan u guda-gallin xallinta khilaafaadka, waxa haboon in aynu ka fikirno su’aalo badan oo isweydiintoodu u baahan tahay jawaabo, taasoo aynu u kala saari doono laba weji oo kala ah;

1. Wejiga hore: Waxa uu gaar u yahay in shaqsi kastaaba uu isweydiiyo su’aalahan u baahan jawaabaha, kuwaasoo ah; waa maxay danta kuugu jirtaa? Maxaad u qabanaysaa khilaafkan? Maxay u baahan tahay hawshan qabashadeedu? Maxaad adigu u baahan tahay? Waa intee rajada iyo cabsida aad ka qabtaa ee khusaysa arrintan? waa qaabkee heshiiska aad u baahan tahay in la gaadhno?

2. Wejiga labaad: Waxa uu gaar u yahay kuwa kaa soo horjeeda inaad iska weydiiso su’aalahan oo u baahan inaad hesho jawaabahooda, kuwaasoo kala ah; waa maxay danta ay ka leeyihiin kuwa kaa soo horjeedaa? Haddii aad tahay kabihii aad ku soconaysay, sidee ayaad u dhowri kartaa khilaafaadkooda? Maxay doonayaan in ay qabtaan? Maxay u baahan yihiin in loo qabto? Waa maxay rajada iyo cabsidooda ee khuseeya arrintan?

Dhammaan isweydiinta su’aalahani waa kuwo si sahlan innooga caawinaya fahamka sababaha dhaliyey waxa uu yahay khilaafka iyo in aynu xidhiidh la sameyno kuwa kaa soo horjeeda, innagoo raacayna qarraarada suuro-galka ah ee ka soo baxay maanka Aadamaha, ka dibna, aynu doorano xalka ugu wanaagsan, inagoo u isticmaalayna gacan-saddexaad oo dhex-dhexaadisa, isla markaana, aynu  sameyno baadhid iyo qiimeyn.

Marka aynu ka nimaadno arrimahaas oo dhan, haddana, waxa haboon in la raaco tallaabooyinkii loo mari jirnay wada-xaajoodka iyo xallinta khilaafaadka ee aynu hore ugu gaadhay guulaha, sida:- Wadahadalka, dhegeysiga fikradaha iska soo horjeeda, lagana hadlo taada ee aan laga hadal kuwa kaasoo horjeeda tooda, iyadoo si niyad ah lagaga hadlayo, isla markaana, la noqdo dhegaystayaal wanaagsan, oo aan la isku dayin in xukun la gaadho, balse, la muujiyo dabacsanaan, loona ogolaado qof kasta oo doonaya inuu ka qaybgalo xalinta khilaafkaas, la iska illaaliyo weydiimaha su’aalaha amma sidoo kale in xog la idinka helo, waxa kale oo muhiim ah in la isku dayo in la weyneeyo oo aan la yareysanin kuwa kaa soo horjeeda, ka dibna, la raadiyo in xalku ku dhammaado guul iyo ballanqaad.

Gaba-gabada qormadaydan waxa ay tahay in aynu ka haddalno waxa aynu doonayno waxa uu yahay, inta aynu ka haddli lahayn waxa aynu diidanahay.

Maxamed Faarax Qoti