Saturday, January 23, 2021

Qaadigii Geel-qaadka Ahaa (Xukun Qar-qoosh)


Sheeko Kale:-

Gabadhbaa u soo dacwootay qaadi geel-qaad xiddaari ahaa oo ka shaqeyn jiray maxkamada rafcaanka ee degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, taariikhdu markay ahayd 1958-dii.

Dacwootadaas ayaa u soo dacwootay maxkamada iyadoo ku soo eedaysay in uu damaaiyey nin ay isku deegan ahaayeen, ka dib markii maxkamadu furtay dhageysiga gal-dacwadeedkii dacwootada, waxay tidhi:- Anigoo baadidoona oo ka imid meel u dhaw tuulada dharkeyngeeyo, waxa iga soo hor baxay ninkan oo soo socda waddadii aan maraayey, isla markiiba waan naxay, Qaadigii baa yidhi;- Raganimmo.

Dacwootadii iyadoo dacwaddeedii sii wadata waxay tidhi;- Waddadii ayaan uga leexday anigoo talaabada hoosta ka xadaaya, isaguna xagii aan u weecday ayuu u soo cago- duwaday, waxaana igu abuurrantay dareen cabsi leh, Qaadigii baa yidhi;- Raganimmo.

Wali iyadoo Dacwootadii ku guda jirta duriddeedii ayey tidhi;- Waxoogaa ka dib, markii uu isoo gaadhay ayuu sida shabeelka igu soo booday, waan iska caabiyey oo aan iska caabiyey, oo aan la dagaalamay, wuu iga xoog roonaaday, beerkaanu igaga degay, Qaadigiibaa yidhi;- Raganimmo.

Waxay tidhi;- Inta aan lugaha isku martay ayaan bahal qaylo ah kaga kacay, Qaadigii geel-qaadka ahaa baa yidhi;-  Waar bal eega gardaradaas.

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

 

 

 

 

 

 

 

Thursday, January 21, 2021

Tuuggii Caaqilka Ahaa



Sheeko Kale:-

Dadku waxay leeyihiin awoodda garashada hal-abuurnimada ama wax hillaadisa, ama waxay leeyihiin awood ay kaga jawaabaan marka ay xaalad adagi soo wajahdo, awoodaasi waxay noqon kartaa mid aad u sareysa ama ka hooseysa heerka lagu qiimeeyo dareenka Aadamaha.

Tuuggii Caaqilka ahaa ayaa u soo geed-fadhiistay gabadh gayaankiisa ah oo og in lagu xanto in uu tuug yahay, laakiinse, isagu muu ogayn in ay og’tahay, inkastoo, iyada laftigeedu ay taqaanay gacan dhaafka, haddana, isagu muu ogeyn in ay taqaano gacan-dhaafka, iyaduna way ogeyd in aanu ogeyn

Maalin maalmaha ka mid ah oo ay amintu ahayd aroor hore oo saygeeduna ku maqnaa shaqadiisii, waxay aragtay adhi ahmin ah oo loo sii iibgaynayo saylada xoolaha lagu kala iibsado oo hor maraaya gurigii ay deganeyd afadaas, waxay ka soo dhufatay neef, waanay gowracday, ka dibna, way karisay.

Saygeedii markii uu soo qado doontay ee uu yimid gurigiisii, waxa uu ku arkay casuumad si fiican loo agaasimay, waxaanu yidhi:- “  Afadaydiiyeey maanta ma nibiribaa kuu soo caaryey, xageebaad nimcadan ka keentay.’

Afadiisii baa ugu jawaabtay;- “ Waxaan is idhi waa intaasuu soo saranseeraaye, Adhi ahmin ah oo ina hormaraayey oo lagu sii waday saylada xoolaha ayaan ka soo dhuftay neefkan shillis.

Tuuggii Caaqilka ahaa baa yidhi:- “Walaahi waxa maanta ii muuqata in aynu isku raagayno”

 

 

Tuesday, January 5, 2021

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-ka Q/4-aad

Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)    

Dhinaca saadaasha waxa gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha  uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2021-ka,  sababaha keenay isbadellada qulqulka tamarta billowga meerayaasha sannadkan 2021-ka ,   waxaana la odhan jiray waxa ku yimaada isbadelo badan dhinaca heerka nolosha, horumarka iyo kobaca dhaqaalaha, waxaana la dareemi doonaa farxad, marka la sahamiyo fikraddaha cusub iyo qaababka hal-abuurka nolosha dadka.

 

Marka la gaadho xilliga Jiilaalka Bisha Aamin la’a 20-keeda sannadkan 2021-ka- Meeraha Raage oo ay wada xidhiidhi doonan maalinta caleemo saarka meeraha Mariikh, waxaa la filan jiray in la soo bandhigo isbadel nolloleed oo lama fillaan ah. 

 Waxa kale oo Meeraha Raage saddex xagal kula kulmi doonaa meeraha Cir-jiidh, waxa la odhan jiray waxa dhici jiray kacdoon dadweyne oo wata rabshado ka dhacaan waddooyinka, isla markaana ciidamada difaca qaranka ayaa loo adeegsan doonaa in ay soo faro-galiyaan xasilloonida degganaanshaha, xilligan waa wakhti ay aad u firfircoon yihiin dadka wadaniyiinta ah, fadlan muwaadin aynu u ducayno sidii aynu nabad-galyo ugga samato bixin lahayn dadka aayeelka ah. Runtana Allaa Og.

 

Bisha Daallalo-13-keeda-Sannadka 2021-ka- Meeraha mariikh ee ku jira moorada dibiga wxa uu la kulmi doonaa Meeraha Jilboole eek u jira moorada dalow, waxa la dohan jiray waxa haboon in wax kata hoos loo dhigo ee khuseeya xilalkii hore iyo rayiga, waxaana muhiim ah in laga diyaar-garoobo dib u dhaca mashaariicda horumarineed.

Bisha Daallalo-17-keeda- Sannadka 2021-ka-Meeraha cir-jiidh ee ku jira moorada dalow ayaa saddex xgal kula kulmi doona meeaha Raage ee ku jira moorada dibiga waxa la odhan jiray waxa dhaca isbedel cusub oo deg-deg ah.

Bisha Daallalo-20-keeda-Sannadka 2021-ka- Meeraha mariikh eek u jira moorada waxa uu xidhiidh dhex maridoonaa Meeraha Raage eek u jira Moorada Dibiga, waxa la filan jiray in falaagadu muujiso tamar badan.

Bisha Daallalo, 30-keeda- Sannadka 2021-ka -  Meeraha Libdhe oo saddex angal ku gali doona moorada dalow, waxa la odhan jiray waa wakhti wa la iska weydiiyo, lana saxo fikradaha cusub, isla markaana la qiyaaso fikradaha cusub ee lidiga ku ah dhaqankii hore.

Bisha Diraaceed-13-keeda- Sannadka 2021-ka,  -Meeraha mushtar marka uu la kulmo moorada xuuska , waxa la filan jiray in ay adkaato hellitaanka kaluunka badda.

Bisha Dirir-cawleed-26-keeda-Sannadka 2021-ka,  - Marka Dayax uu buuxsamo waxa la filan dayax madoobaad, waxaana laga arki doona waqooyiga iyo koonfurta dalka mareynkanka, Aasiya iyo  Australia.

Bisha Dirir-sagaalood-10-keeda-Sannadka 2021-ka- Bilowga billashada dayaxa cusub, waxa dhici jiray Dayax madoobaad, waxaana la arki doonaa waqooyiga Ameerika, Turub, Aasiya iyo waqooyi gabeed ee Afrika, waxaana la odhan jiray waa in xukumadduhu maskaxda ku hayaan u diyaar-garowga xasilooni darrada.

Bisha Dirir-sagaalood-14-keeda Sannadka 2021-ka,  - Meeraha jilboole eek u jira moorada dalow ee ay ku saddex angal kula kulmi doonaa Meeraha Raage eek u jira Moorada Dibiga, waxa la odhan jiray waxa ku dhaca dowladaha fowdo dhaqaale.

Bisha Waran-weer- 26-keeda- Sannadka 2021-ka, - Meeraha Libdhe eek u jira moorada miisaanka waxa uu isku dayi doonaa in ka shaqeeyo xallinta ismaandhaafkii ku yimid xidhiidhkii cilaaqaadka.

Bisha Deyr-halalood- 19-keea- Sannadka 2021-ka,- Waxa la filan jiray qayb ka mid ah Dayax- madoobaad, waxaana laga arki doonaa waqooyiga iyo koonfurta Ameerika, yurub, Aasiyaiyo Ustareeliya, waxaana la odhan jiray waa wakhtigii la xallin lahaa wax kastoo dhacay.

Bisha Dambar-same-4-teeda-Sannadka 2021-ka, -Waxa ala filan jiray Qorax-madoobaad, waxaana la odhan jiray wa wakhigii rajada wanaagsan la filan jiray. Runtana Allaa Og.

  

Maxamed Faarax Qoti

Dr. Astrologiest, PH.  PM. Philolasopher and Author.

 

Monday, January 4, 2021

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-kaQ/3-aad

Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)    

 

Dhinaca shaqada waxa loo nisbeeyaa howlgalka ku khaas ah: Inay ku jihaadaan naftooda oo ku  xidhan  dadka kale siiya diirimaad iyo in ay ku raaxeystaan nollosha.

Xirfadaha:- Xirfadaha waxa lala xidhiidhiyaa quruxda, warshadaha,  dharka lagu raaxaysto, abuurid farshaxannimada, xirfadda dawanka qoob-ka ciyarka, garsoornimadda iyo dhex-dhexaadiyayaasha.

Oogada jidhka aadamahana wuxuu ku leeyahay:-  Kkalyaha iyo kaadi haysta,

Cudurada:- Caabuqa canbaarta, cudurrada maqaarka , kalyaha, kaadi haysta, sonkorowga  iyo xannuunada xididdada.

Xayawaanka:- Mulaca iyo xamaaratada.

Midabkana wuxuu ku leeyahay:- Midabka buluuga ama casaanka aan aadka u iftiimeyn)  basaliga, doogada.

Macdantana:- Dhagaxaanta birta ah,  safeeriga, cusbadda, macdanta dareeraha ah, meerkuriga, ciida.

Dhagaxana:- Wuxuu kuleeyahay dhagaxaanta opal, tanzanites, emerald, diamond, birta, copper.

Mandaqadana wuxuu ku leeyahay wadamada:- Dalalka Japan, Australia, Tibet, China

Cuntadana:- Khudaarta, cuntada tufaaxa, baradhada, canabka, digirta. waxa ugu fiican in la cunno cuntooyinka faa'iidada leh, khudaarta cagaaran ee tayaddoodu wanaagsan tahay, Geedahana: Dhirta  udgoon, Hadhuudh,Beenyada,  Lowska, Ubaxa ka baxa dooxyada, ubaxa midabada badan, dacarta,  gaar ahaana kuwa buluuga iyo huruuda. Allahayow nooga dhig sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan. Runtana Allaa Og.

 

Nayruuska Sannadkan 2021-ka- Wuxuu ku curtay maalin Jimcaad oo Arliyo ah, waana maalinta Lixaad ee           todobaadka, waxa la odhan jiray waa maalin u fiican in lagaga  faa'iideysto wixii ku lug leh jaceylka, saaxiibtinimada, kalgacalka, wada noollaanshaha, dib u heshiisiinta, quruxda, is-dhexgalka bulshada, lacagta, farshaxanka, quruxinta shaqada.

 Sannadkan Cusub ee 2021-ka:-  Dayaxu wuxuu ku curtay burjiga Naariga ah ee leebka iyo qaansada, waxaana la odhan jiray haddii habeenkaas dayaxu uu joogo Burji Naariya, waxa loo eegi jiray xaaladdaha khuseysaa dhinaca  taariikhaha ku suntan diimaha wakhtiga dayaxu ku jiro burjigan, waxaana la odhan jiray waxa dhaca waxyaabo badan oo kala duwanaansho ah,  isbiimeynta, faallooyinka daacadnimada ah, fikraddaha arragtidoodu wanaagsan waxa suuro-gal ah in la in la iska fududeyso, markaa waxa muhiim ah in loo isticmaalo taxadir marka la qorsheynaayo mashaariicda cusub,  dabeecadaha isbedbedalaya waxa laga yaabaa innay wax badani wanaagsanaadaan ama ay noqodaan wax aan la rumeysan Karin,  waxa kale oo intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu fadhiyey,.

 Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 20201-ka,  Dayaxu wuxuu fadhiyey burji Naariya ee asadka, waxay xeel-dheerayaashii hore ku sheegi jireen:- haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji  Naariya waxa dhici jiray shido badan, dagaalo badan, dabaylo badan, cuduro,  gaajo badan, dhimasho badan, madax iyo mijoba, uurayda oo ku daasha kulayka cadceeda, , shisheeyaha oo soo bata,  madax-wareer, diraa-diraalaha iyo socdaalka oo bata.  Allahayow nooga dhig sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan.

 

Habeenka curashada sannadkan dayaxu waxa uu ahaa todobaadkii saddexaad:- waxa la odhan jiray waa xilli qabow,  waxaana la odhan jiray waxa faafa caadooyinka xunxun, la qabsiga waxyaabaha  xun-xun, waxaana la xidhiidhiyaa in uu burbur ku yimaadaa waxyaabihii qadiimiga ahaa, waxa la qabtaana waa cabir-ciqaabeed, ciqaabaha, sii deynta, dib u eegista, wadanoolaanshuhuna wuu xumaadaa,  waana xilli-dareen aad u badan loo yeesho, lana qeexo wax kasta.

Dhanka wanaagsan:- Shaqadii la qabtay, tii socotay in la isku dubarido, beertihii soo baxay in la baaqbaaqo, laguna sameeyo dib u  cusboonaysiin, ama dib loo eego si loo saxo wixii khaldamay.

Hawlaha:- Waa xilligii lagu sameyn lahaa  dib u eegis wixii hore ee khaldamay, lana xaliyo murannadii hore ee taagnaa,  dibna la hagaajiyo waxa la falaayo,  billowga xilligan waxa uu qayb ka yahay la qabsiga caadeysiga xun-xun  ee aan loo baahnayn, furniinka, walaaca, daaweynta, dhaleeceynta aan loo baahnayn,  xaaladdaha aan loo baahnayn, go'aan qaadashada, dareenka kicinta leh, ka hortagida sameynta waxyaabaha aan la rabin iyo qabashada fikraddaha ku saabsan dariiqooyinkii gaboobay.

Hiigsiga:- Billowga shaqada waxa haboon in laga hortago wax kasta oo caqabad ku ah iqabsoomida hawlaha shaqo ee la hiigsanaayo,  waa in Alle (SW) loogu mahadnaqaa inoo fududeeyey in aynu gaadhno hadafyadda la xidhiidhay kobaca dhirta ka baxday dalaga beerihii aynu falanay..

Dadka habeenkaas dhasha:- Waxa la odhan jiray, waxay noqdaan kuwo fahmada gaaban, fikir wanaagsan, oo aan isku kalsooneyn, hal-abuur ah, qunyar socod ah oo aan feejigneyn, xamaasada badan oo isbiimeeya, aqoon yahanno, dhanka wanaagsan wax ku qiimeeya   iyo xeelad-laaweyaal. Runtana Allaa Og.

 

 

Maxamed Faarax Qoti

Dr. Astrologiest, PH.  PM. Philosopher and Author.

Sunday, January 3, 2021

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-ka Q-2-aad


Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)    


Nollosha Dadku waxay ku sugan yihiin:-  Dhinaca nolosha waxa la wajihi doonaa kala doorashada wajiyada cusub, wajiyadii hore iyo hal-abuurnimada, haddaba waxa isweydiin muddan, in aynu isweydiino waa xagee jihada saxda ah ee aynu u soconaa, xageebaynu taaganahay iyo xageebaynu ka nimid ? .

 

Waxa la dareemi doona dhinaca aqoonta in jahligii hore uu ka daran yahay jahliga maanta jira, waa jahli sita waraaqo shahaadooyin ah oo aanay waxbaba  ugaga hooseyn oo aan waxtar lahayn, haddana waxay isku haystaan kuwo cilmi iyo aqoon leh. Runtana Allaa Og.

 

Dhinaca Dhaqaalaha:-  Maaliyadda iyo dhaqaalaha suuqyadu  waxa ku iman doona khaladaad badan, waxaana fuuli doona culays macquul ah, halka qaybaha qaarkood sida, maalgashiguna uu kor u kobci doono,  waxa kale oo goobo badan isku badeli doonaan dhismayaal dhaadheer,  wadooyinka hareerahooduna  waxay isku badeli doonaan goob lagu cunteeyo, goobaha wax lagu kaydiyo iyo dukaamada suuqyada ee wax laga iibsado (shoping malls) waxay isku badeli doonaan hoy. 

 Ganacsiga barwaaqo sooranka ah waxaa ka mid noqon doona sida, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, maraakiibta iyo gaadiidka, waxaana taageero badan hello-doona,  baabuurta duulaysa  ee mustaqbalka dhaw,  qalabka lagu nadiifiyo tamarta hawada, biyaha, qalabka caafimadka ee curiya hawada qaadashada macmalka ah, qalabka wax lagu kulayliyo, qaboojiyayaasha, isgaadhsiinta, qalabka madadaaladda, qalabka sirdoonka iyo qalabka fududeeya dib u hagaajinta dabeecadda deegaanka, sida, dib u beerista , si kastaba ha noqotee, dadku waxay raadinayaan habkii ay ku gaadhi lahaayeen isku filnaasho buuxda, madaxbanaani iyo nolol wnaagsan.

 

Waxa kale oo loo eegaa dhinaca wada-noolaanshaha, xeeladdaha, , raadinta dheelitirka, qiyaasta, xaaladdaha dareen quruxoon iyo xuubka hawada. Runtana Allaa Og.

 

Faraxa Dayaxa Burjigan waxa loo eegi jiray Afartan waji ee kala ah:-

Wajiga Koowaad- Dheel-dheelka, maaweellada, farshaxanka, quruxda, jacaylka, guurka, qoysnimada, haweenimadda, dharka dumarka, dhaqanka soo jireenka ah, rayraynta, riyaaqa, faraxa,  galmada, lacagta, dawanka qoob ka ciyaarka, wadanoolaanshaha, xidhiidhka isdhexgalka bulshada, xarumaha bulshada, quruxda labiska, haweenka, iskaashiga, ansaarta, kaftanka, xumaanta, qoysnimada, caddaaladda, shaashaarida, naxaastsa, baahida, daadka iyo qoolleyda.

Wajiga Labaad :-  Ciidammada, hiliblayaasha, budhcad badeedka, dagaalka, dilka, dhiigga, muranka, tamarta, gaadiidka,  farsamo-yaqaanada dhismayaasha, halyeeyga, maamulka sare, maldahaada, hamadda, taranka, madadaalada,  cayaaraha, qalliinka, tubaakada, toonta, fooxa, qoryaha, cuduradda, caabuqa, birta, mindiyaha, qufulada, qalabka wax lagu kuleyliyo, tuubooyinka qasabadaha,  qalabka lagu jaro timaha

Wajiga Saddexaadna:-  Cilmiga Beeraha, cilmiga raadraaca isirka, xasiloonida, maamulka,amarka,miinooyinka, dhimashada, caqabadaha, qirashada xadeysan, xakameynta nafta, waayo-araga, nashqadaha, lafaha, xoolaha,saanta xoolaha, adeegga arrimaha bulshada, sandaladda, wakhtiga gabal-dhaca, xiliga da’da aabaha, taariikhda, dhaqanka,  dhulka hoostiisa, carmasha,  xakamaynta nafta.

Wajiga Afaraadna :- Jacayl, hamiga, awood, gubasho, carruurta, liinta, lacagta birta ah, dastuurka, geesinimada, hal-abuurka, sharafta, maroorsiga, boqorada, tamarta, bixinta, xogta wararka, aabaha, oo ololaysay, dab, khamaarka, deeqsinimada, dahabka, kibirkam caafimaadka, maamuus oo, kulul, ninkeeda, aqoonsiga, qofnimada, , wax-yaabaha la isku qurxiyo, farxada, qosolka, nolosha, iftiinka, iyo libaaxa, magnanimity, nasabka fiican, faanka, oranji, hamiha, daayeerro, buuqa, caannimadda, wanaaga, awood, iyo kibirka, iyo barwaaqo, himiladda,, qoyska boqortooyada , xog la’aanta, lafdhabarta, ruuxda xooga, madaxa, koboca, diirranaan iyo dardaaranka.

 

Dadku waxay ku sugan yihiin wakhtigan jooga:- Dadku waxay noqdan wakhtigan kuwo caadifadaysan oo soo jiidasho badan, hawl-kar ah, daacada ah, waayo-arag ah garta goyn yaqaan, gudoon jilicsan, fahmo yar, dareen gaaban, firfircoon, dulqaad leh,  qunyar socd ah, haasaawe badan,  af-gaaban, degan, akhlaaq leh, ,tixgalin badan,  hal-adeyg leh,  aqoon xarago badan oo jecel dharka qurxoon.

Dhinaca Awoodaha wuxuu si gaara u khuseeyaa:   Curint xidhiidhka iskaashiga iyo heshiisyadda.

Arrimaha Gaarka ahna:- In aanu daryeelku noqonin lacag laa'aan,  ficil celinta shisheeyuhu waxay yeelataa saameyn, sidaa darted, waxa suuro-gal ah in aanay qaarkood qaadanin waxaan ahayn awood ka xoog-weyn.

Wuxuu jecel yahay: Nabadda, fahamka, bogaadinta, akhlaaqda wanaagsan, dhawaaqa dawanka dananka leh, qoob ka ciyaarka, codadka u gaar ah shimbiraha, milicsiga muraayaddaha, dhadhanka wanaagsan, is sharraxida,, taxadirka, macmacaanka, madadaaladda iyo codkarnimada.

Wuxuu neceb yahay:-  Qiimaha guusha,  waxshinimada, dhaqanka xun, rabshadaha, waayida booska.. Runtana Allaa Og…….La soco………….

 

Maxamed Faarax Qoti

Dr. Astrologiest, PH.  PM. Philosopher and Author.

Saturday, January 2, 2021

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-ka


Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)    

 Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.

Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

Balse, ku dhaqanka saadaasha xidiggaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka  bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha.

Haddaba, waxa aynu malle Aadame ku male’awaalno, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2021-ka, Dadka ku xeelka-dheer leh cilmiga odoroska xidigaha waxay odhan jireen “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin, markaa Moorada Sannadkan 2021-ka wuxuu ku beegmay Moorada Nayruus Jimcaad oo loo nisbeeyo astaanta toddobaad ee  burjiga miisaanka ee ku aadan muddada u dhaxaysa 23/9-22/10,  godadka dayaxu  maro ku leedahay  Garbo, Bayaxow iyo Godan, waana xilliga kala wareega xagaaga iyo Deyrta,  waa lab Hawaa’iya, oo maalinle ah,  jihadiisu waa waqooyi, wuxuu leeyahay kulayl iyo qoyaan badan.

Dhinaca Siyaasadda Aduunka Gaar ahaan Somaliland:- Waxay dad badan isweydiinayaan natiijada ka dhalan doonta doorashooyinka gollaha wakiilada iyo gollaha deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkan 2021-ka,  waxa laga yaabaa in shaqsiyaadka ugu codk badan  murasharaxiinta tartamaysa xubnaha labada golle ay la kumi doonaan billowga ugu horeeya caqab, ama horjoogsi,.waxaana laga yaabaa in aanay dhameysan doonin muddo xilloodkooda, waxa kale oo la filan jiray dadaka cod-bixiyayaasha ay yaraan doonto tiradoodu, taasoo ay sababi doonto qaabkii loo soo xushay murasharaxiinta u tartameysa xubnaha gollaha wakiiladda iyo gollaha deegaanka,  doorasho qabyaaladeysan oo ku saleysneyd qabiil, qabiil la tartamaya, isla markaana aan lagu dhaqmin hab-raacayaddii loo dajiyey xisbiyadda ee lagu qiimeyn jiray xulashada murasharaxiinta uga tartamaysa gollaha wakiilada iyo gollaha deegaanka, waana sababaha keenidoona in niyad jab ku yimaado codbixiyayaasha, ha loo duceeyo wadanoollaanshaha iyo nabada marka loo dareero coddeynta.

Sidoo kale, waxa sii jiitami doona loollanka siyaasadeed ka dhex-aloosmaya fikradaha muxaafidiinta iyo kuwa  aaminsan fikradaha mucaaridka,  illaa iyo inta laga gaadhayo isku-tanaasul ka yimaada labada dhinac fikradaha ay kala aaminsan yihiin, dimuquraadiyadda iyo sinaantu waxay noqon doontaa mid dheelitiran oo adag, inkastoo mararka qaarkood  ay yeelan doonaan awooddo qarsoon oo ay ujeedooyinkoodu aanay wanaagsaneyn, waxaana loo adeegsan doonaa maskaxaha dadweynaha nidaamkii lagu xakameyn lahaa hadafkaas, waxaana guulaysan doona cadaaladda.

Guud ahaan, waxaynu haysanaa xulashooyin badan oo aynu ku kala dooran karayno sidii aynu u badeli lahayn isbadeladii dhacay sannadihii aynu soo dhaafnay, sidoo kalena, curinta cusub ee hal-abuurka, balanka iyo isku tanaasulku wuu ka fiicnaan doonaan sannadihii aynu soo dhaafnay, waa haddii si buuxda loo xoojiyo isku duubnida ruuxiga  iyo dabeecada ruuxiga ah, waxa kale oo la dareemi doonaa farxad badan, waa haddii diirada la saaro illaha walxaha maadiga ah ee dhinaca abniga, waxa muhiim ah in aad looga feejignado walxaha maadiga ah ee loo isticmaalo qaraxyada.

Xaqiiqdii waxa si adag loo qaban doonaa fikradaha ku dhisan dimuquraadiyadda, waxaana muhiim ah in si miyir-qab ah looga feejignaado, isla markaana diirada la saaro dhex-dhexaadnimada, waa in la horumariyaa qaab-dhismeedka ugu wanaagsan awooddaha maskaxaha iyo dareennada Aadamaha, wax muhiim ah in la illaaliyo wararka iskhilaafsan ee u qulqulaya sida mowjadaha.

Dhinaca Dowladdaha:- Waxa hoos u dhigay saameyntii ay keeni lahayd kacdoonadii iyo dhaqdhaqaaqyadii xooggagii xagjirnimada ahaa ee ka dhalan lahaa dunida sannadkii 2020-ka, cawaaqibkii ka dhashay cudurkii Jiqlaha ee loo yaqaano “Covid 19 “  ee ku faafay dunida.

 

Dowladdaha adduunka waxay gali doonaan hal-gan ku saabsan qaab-dhismeedka dowladdihii hore iyo kuwa cusub, waxaana laga cabsi qabaa in ay dowladdo badan ku dhacaan dowlad la’aan, waxaana la dareemi doonaa dib u hagaajinta sinaanta jinsiyaddaha, cadaaladda, wadajirka,  wadaagidda xoggaha, dhaqaalaha iyo wanaaga, waxaana loo guuri doonaa sidii si hufan oo daacadnimo ku dheehan tahay loo daahfuri lahaa xaqiiqooyinka himmilada la hiigsanaayo, waxa kale oo uu noqon doonaa hab-nolloleedku bulshadu mid fudud, sidaa awgeed, waa in aynu iska dhaafnaa nidaamka macmalka ah, habraacyada macmalka ah, agabka iyo farsamooyinkii la soo dhaafay ee loo isticmaalo xawaaraha isgaadhsiinta, socdaalka, waxbarashada iyo waayo-arragnimada.

 

Himmilada ay hiigsanayaan Madaxweynayaasha, waxa wiiqi doona hawlihii lagu horumarin lahaa adeegyada bulshada la xiaabtan la’aanta iyo masuuliyiinta ku yimid cugashada madaxweynaha oo aan ahayn mid leh qiimeyn iyo xulasho sare. Runtana Allaa Og…….La soco …………….

 

Maxamed Faarax Qoti

Dr. Astrologiest, PH.  PM. Philosopher and Author.