Saturday, February 27, 2016

Hab-Dhaqanka Iyo Dabeecada Hoggaaminta Wanaagsan



Hab-dhaqanka awoodeed iyo dabeecada wanaagsani waxay qayb ka tahay hoggaaminta wanaagsan.

 Inkastoo lagu tilmaamo in koritaanka dabeecadaha aadamuhu ay qaadato muddo dheer,  haddana, lama garan Karo qiyaasta saxda ah ee ay hore-umarto, waxa'se lagu qiimeeyaa akhlaaqda iyo anshaxa guud ee dadka kale loo muujo, waana ta innagu abuurta in aynu sawiran karno waxa ku sugan maskaxaha dadka kale, waxaanay tamarta dabeecadu ka timaadaa maskaxda, halka, tamarta hab-dhaqankuna ay ka timaado dareenka wanaagsan.

 Hab-dhaqanka aadamaha waxa lagu tilmaamaa in uu yahay waxbarasho aqooneed iyo xaqiiqooyinka laga dhaxlo waayo-aragnimada qofeed ee awoodeedu aadka u sareyso, waxaanay noqon karaan kuwo leh awood ama kuwo ay awoodoodu hooseyso, kuwo hab-dhaqankoodu uu san yahay ama uu xun yahay,  taasoo inta badan lagu sifeeyo qofka leh dhaqan awoodeed oo haddana dabeecadiisu ay wanaagsan tahay, waxa lagu qiimeeyaa in uu yahay hogaamiye wanaagsan oo dadkiisa iyo dalkiisaba ku hagi kara himiladda ay aaminsan yihiin.

 Haddaba annigoo hore u soo arkay masuuliyiin leh hab-dhaqanka Gang leaders-ka, kuwaasoo ahaa kuwo ka xakameeyey faa’iidada iyo wax-tarka ay shaqaalaha masuulka ka yihiin ay wada heli-laahaayeen, isla-markaana,  isticmaalayey cadaalad-darro iyo eex, mararka qaarkoodna waxa ay ahaayeen kuwo marka ay xafiisyada dhexdooda socdaan cabirayey qiyaasta xogta baahida shaqaalaha iyo dhinaca awoodaha ee ay ka liitaan, ka dibna u isticmaalayey qofnimadooda in ay ku gaadhaan siyaasadda ay lahaayeen, waxa kale oo ay ahaayeen qaar isha ku hayn jiray inta badan dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha in ka badan wixii soo gali-lahaa shaqaalaha iyo shaki ay kaga doonayeen soo dhawaansho shaqaalaha in ay kaga hellaan ixtiraam, noocaas oo  afka qalaad loogu yeedho  (Machiavellian Personality Disorders)

 Haddana waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo mid ka mid ah masuuliyiinta tallada dalka ka haysa oo lahaa sifaha hoggaaminta wanaagsan, waxaanu ahaa masuul ka koray Ruuxda, Qalbiga iyo Garaadkaba,  isla-markaana lahaa dhaqan iyo dabeecad wanaagsan, kana muuqatay hawl-karnimo, waxaanu lahaa qiyam diiniya,  ixtiraam, balan fiican, fahmo badan, oo waji furan oo aan lahayn qab iyo qabyaalad, masuulkaasi oo ahaa  Gudoomiyaha Hayadda Shaqaalaha Dowlada, Prof. Maxamed Mixile Boqore, waxaanan ka imid annigoo la dhacsan.

Waxa wanaagsanaan lahayd waa haddiiba ay masuuliyiinta xilalka dowlada hayaa ay wada noqon lahaayeen sida masuulkan aan kor ku soo xusay,  aynu if iyo aakhiraba najixi lahayn, waana masuul ku dayasho mudan.



Qoraa Dr. Maxamed Faarax Qoti

W, PH & Astrologist