Posts

Wasiirkii xil-dhibaanka noqday

Image
Wali waxaynu ku jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa mulkiilihii makhaayaddii hilibka bisadaha ee Juba jawaan, mulkiilahan oo ahaan jiray wasiir hore oo noqday xubin ka mid ah xildhibaanada golaha wakiiladda ee dalka Siira laanka. Wasiirkan oo yara saranseeray ayaa la kulmay goob kayuu loogu jiro oo lagu iibiyo shawaarmada iyo cuntooyinka fudud, waxaannu tamaniyay oo uu furtay meherad lagu iibiyo cuntooyinka fudud oo uu ku sameyn jiray hilibka bisaddaha muddo 6-sannadood ahayd. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Oday waayeel ahi ku soo maray makhaayadda, waxaannu ku yidhi, sacaada wasiir Allaa xaal og, taasoo ahayd weedh uu hal-hays u lahaan jiray odaygaas, balse, wasiirku wuxuu u qaatay in uu xogogaal u yahay hawlaha shaqo ee uu ku foogan yahay. Isla markiiba inta uu gaar ula faqay ayuu waxoogaa lacag ah u dhiibay oo uu ku yidhi, Allaa xaal og yaan mar danbe afkaaga laga maqlin, waayahay buu yidhi Odaygii, laakiinse, arrinkii halkii kamuu soo qaadi...

Duuliyayaashii hore iyo Duuliyaha Maanta

Image
Ma'ihi qof dhaleecaynaya xirfadda duuliyayaasha wada gaadiidka hawada sare aada, laakiinse, haddana waxa jira ujeeddooyin kuu sameynaya ujeeddooyin kale oo macno badan leh, waxaan ka hadlayaa xilliyo aan nafteyda u baqay oo aan moodayey in aan cirka ka soo dhacayo, laakiinse, kama hadlayo xilliga uu fulaygu ka shakiyo diyaaradda uu saaran yahay, tiiyoo aanay jirin cilad farsamo oo ku timid diyaaradda. Waxa xusuus gaar ah igu beertay xilligii iigu horeysay ee aan ku socdaalo mid ka mid ah gaadiidka rakaabka ee hawada sare haada oo ku socotay caasimadda London, markii aan imid gegada diyaaraduhu ka haadaan ee Red sea inteanational airport, waxa nalagu war-geliyey in dib u dhac ku yimid diyaaraddii aanu raaci lahayn, sababo jiray awgeed oo ahayd cilad farsamo oo ku timid taangiga diyaaradda shiidaalka oo liigayey. Saacaddo kooban ka dib, duuliyaha oo aan ogeyn xadiga shiidaalka ku jira diyaaradda ayuu go'aansaday in uu duuliyo diyaaraddii aan ku qornaa, aniguna waxaan u qaatay in ...

Sheekh Cusmaan Nuur

Image
Umaan holannin in aan qalinka u qaato ka qorista mid ka mid ah culimaddii ugu waaweyneyd dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Balse, waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago qiso kooban oo aan idiinka soo garoocay mid ka mid ah ehelkiisii Sheek Cusmaan Nuur oo ahaa sheekhal beledkii magaalada burco ee Gobolka Togdheer. Sheekh Cusmaan Nuur wuxuu tamaniyey dhisitaanka Masjid Jaamaca weyn ee Burco, isagoo u diray farsamayaqaan ku xeel-dhismayaasha in uu soo qiimeeyo lacagta ku baxaysa dhismaha Masaajidka oo waagaas cariish ahaa hilaaddii 1919-kii. Farsamayaqaankaasi wuxuu ku soo qiimeeyey lacag gaadhaysay 4000- rubadood, waxaannu Sheekhu arrintaas ka jeediyey baaq uu kaga hadlayo qiimaha uu ku kacay dhismaha masaajidka iyo in qof waliba uu ka qeyb qaato tabaruca masaajidkan, baaqaas waxa uu gaadhay meel fog, waxaanna markiiba ka soo jawaabay DC-gii xukumayey magaalada Burco. Waxaannu u soo dhiibay 4000-rubaddood Nin reer Burco ah si loogu  dhiso masaajid Jaamacaas, markii Ninkii uu soo g...

Muwaadinkii soo bandhigay baahidiisa ee xadhiga loogu beddelay Somaliland.

Image
  Cabdikariim Cali Ayaanle oo aan wax ka qoray xaaladdiisa nololeed ee uu ku sugnaa iyo duruufo adag ee hadheeyey noloshiisa hilaadii 16 bishan April sannadkan 2025-ka, ayaa illo xoggogaal ahi ii sheegeen in ehelkiisii ay xidheen. Halganka waayaha nolosha turunturo lagama waayo, waana muhiim in aad damqato, una muujiso naxariis, oo aad la dareen noqoto qofka waayuhu uu ku adkaado, haddii ay noqon lahayd murugo, cadho ama niyad jab.  Isla markaanna aad qoraal ku baahiso mareegaha wararka, adigoo dareenkiisa dajinaya oo u raadinaya sidii uu u heli lahaa taageero dhaqaale iyo daryeel wanaagsan oo uu ku noolaado, ka dibna, wax lagala qabto hawsha uu is leeyahay waad ku nafisaysaa. Cabdikariin muu ahayn qof maskaxda ka jiran oo qaba xannuunka waalida, waxa uu ahaa qof caafimaad qaba, laakiinse, waayuhu uu hadheeyey, taasina waxay u baahnayd in uu helo dejin iyo daryeel uu ku noolaado, nasiib darro'se, maanta in ay ehelkoodu u arkaan in magacoodii iyo sumcaddoodii uu wax u dhimay,...

Qardhaastii weedhsame

Image
 Waxa la yidhi, Nimaad dhashay kuma dhalin, Ninbaa inan uu dhalay cagta laga gujiyey, wuxuu go’aan ku gaadhay in uu uga soo kitaab furo sheekh tuf-lahaa oo marka dadka buka loo geeyo ay ka soo noqon jireen iyagoo caafimaad qaba, markii loo geeyey sheekhii tufka lahaa ayaa u dhigay Qar-dhaas, qardhaastaas ayaa dabiib u noqotay Inantii uu dhalay Odaygaasi.. Markii ay ka soo wareegtay muddo dhowr bilood ah ayuu arkay Qardhaastii oo daaqadda qolkiisa ka soo laalaada, markiiba waxa uu sawirtay sirta ku duugan qardhaastan in uu ogaado, qardhaastiibuu furay waxaannu gudaheedii uu ugu tegay warqad dhamaanteed ay ku xardhan tahay weedh af-soomaali ah oo lagu qoray khad madow, taasoo ahayd, weedhsame, weedhsame, weedhsame, weedhsame. Odaygii oo aad u yaaban ayaa ku noqday sheelhii tufka lahaa, waxaannu markii ugu horeysay uu ku yidhi, Sheekh Inantii way caafimaaday, ujuuradaana waan kuu siday, oo waataas, balse, waxaad iga jaahil tirtaa, qardhaastii aad Inantayda aad u dhigtay markii ay ca...

Aduunyadu waayo badannaa

Image
 Anigoo taydiiba la yaaban, ayaan la kulmay hal abuurkii curiyey heesihii ay ka midka ahaayeen Dhulka soco in kugu filan, bulshooy soo bixi cashuurta iyo heestii qaranka ee caanka ahayd, Qaranka dhidibada ragbaa u dhigoo, u shubay dhiigoo nabadda dhaliyee. Cabdikariin Cali Ayaanle wuxuu ku dhashay magaalada Burco hilaaddii 1986-kii, halkaas oo uu ku soo barbaaray caruurnimadiisii, kuna soo dhameystay dugsigiisii wax barasho, ka dib, waxa uu waxbarasho jaamacadeed u tegay dalka Itoobiya, isagoo soo bartay habka maareynta iyo xisaabaadka. Cabdikariin waxa uu shaqo ka helay shirkadda Dahabshiil oo uu la soo shaqeynaayey muddo laba sanno ahayd, markii uu ka tegey shaqadaas waxa uu shaqo kale ka helay Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, muddo yar ka dib, waa làga eryey shaqadaas, marka aynu eegno aduunyadda inteeda kale waxa ay dedaal iyo juhdi badan galiyaan oo ay ku tabcaan, oo ay dhisaan, oo ay daryeelaan, oo la maal-galiyaa baniaadamka. Cabdikariin waa wii...

Xasan Sheekh oo la xaqiijiyey in uu qabo xannuunka (Anosognosia)

Image
  Philosopher u dhashay Dalka Mareykanka oo ku takhakhusay cilmga barashada nafsaaniga oo wareysi kooban oo weydiimo ah la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh,  oo xaqiijiyey in uu qabo  xannuunka loo yaqaano "Anosognosia,", Cudurkan faham-aqooneed la'aanta ah ayaa ah mid ku dhaca maanka, oo ay sababto niyad-jabka, waswaaska, werwerka, cuqdadda, muranka  iyo colaaddaha sii daba-dheeraada. Waxaan halkan idin kula wadaagayaa weydiimihii uu weydiiyey Dhakhtarku oo u dhacay sidan.  Dr:- Madaxweyne su'aal ma' ku weydiiyaa? Xasan:-  Waa maxay weydiintaasi. Dr:- Sideebaad qaboojiye aad ugu dhex ridi lahayd maroodi? Xasan:- Ma'garanayo. Dr:- Aad bay u fududdahay inta aad furto qaboojiyaha ayaad dhex dhigaysaa maroodiga. Xasan:- Waa sax. Dr:- Sideebaad qaboojiye aad ugu dhex ridi lahayd docmeer? Xasan:- Aad bay u fududdahay inta aan furo qaboojiyaha ayaan dhex dhigi lahaa docmeerka. Dr:- Maya maad garan, inta aad qaboojiyaha ka saarto ma...

Caqli yare caaqilka Cali Aw-muuse

Image
 Caaqilladii hore waxay ahaan jireen kuwo yaqaanay garta ay ka garnaqayaan nooca ay tahay iyo waxa ay ku dhamaanayso, haddii ay muslax tahay iyo haddii gar-cadaawe tahayba, waxaase jiray oo la odhan jiray Samatalis (Nin daacad ah) iyo Hadimo-talis (Nin aan daacad ahayn), taasoo ahayd laba calaamadood ee lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha galli jiray. Qofkuna waxa uu yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, waxa dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-caddaaladeed iyo gar-eexo, haddii qofka uu gardiid noqdo'na dhaqanka iyo xeerka ceebbay ku ahaan jirtay, haddii laga gar helo'na garawshiinyo ayuu ka bixin jiray, haddii kalese waxa ay ku noqon jirtay inuu qaato gun-nimo, laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qeyb ka ahayd hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadka reer Somaliland uu lahaan jiray. Caqli yare, garaad laawe Caaqil Cali Aw-muuse oo dhawaan isku caleemo saaray in uu yahay Caaqilka ju...

Gorgorka

Image
Gorgorku markuu gaboobo waxa uu noqdaa mid awoodiisa duulimaad ay aad u hooseyso, sidaa darteed wuxuu dul fadhiistaa buuraha aadka u dhaadheer, Inta uu halkaas ku sugan yahay, wuxuu rifaa oo iska hoodhiyaa baalashiisa ku yaala jidhkiisa, waxaannu afkiisa iyo cidiyihiisa ku jejebiyaa dhagaxyada waaweyn ee dul saaran buuraha dhaadheer, waa hab naf hurid ah oo dhiig bax ah oo xanuun badan leh, meeshan uu ku dhuumanayo ayuu iska joogaa muddo dheer inta ay u soo baxayaan baalal cusub, af-cusub iyo ciddiyo cusub, ka dibna, waxa uu ka soo baxaa isagoo dhogor dhacsaday oo si qumaatiya u duuli karaya, taas macnaheedu waxa weeyaan in aynu iska dhaafno dhaqannadii hore si kasta oo ay u adag tahay, waa in la iska daayo waxyaabaha culayska inagu haya ama aan wax qiimo ah ku soo kordhinayn nolosheena. Gorgorku ma'cunno bakhtiga ee waxa uu cunnaa shaygu inta uu noolyahay, taas macnaheedu waxa weeyaan, ha isku halaynin guushii shalay aad gaadhay, laakiinse, isha ku hay waxa cusub ee ku horyaala....

Qalbi Gudhan Miyaa Qosol Lagu Godlaa

Image
Shaqaalaha Dowladdu waa asadka kaliyaata ee umaddi ku faanto waanna salaanka lagu gaadho midho-dhalka himilada iyo horumarka dhaqaalaha dowladdaha, shaqaalaha dowladda waxa ku baxay tacab badan iyo wakhti dheer, sidii kor loogu qaadilahaa aqoontooda waayo-aragnimo iyo awooddooda xirfaddeed. Laakiinse, mar kasta oo uu yimaado maamul cusub, waxay wax ka beddelaan nidaamkii iyo tixraacyadii hore ee soo jireenka ahaa iyagoo dib u yegleela shaqaale cusub iyo nidaam cusub oo bar billow ah, waxaannay taasi ku keentaa in uu dib u dhac ku yimaado hannaanka geedi socodka nidaamka dowladnimo. Masuuliyiinta aqoonta dheer lihi waxa ay isticmaalaan hab raaca lagu qiimeeyo shaqaalaha dowladdaha wax-qabadkooga shaqo, aqoontooda iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin dhinaca, siyaasaddaha, nidaamka iyo xeerarka u dejisan dawladdooda, ka midho dhalinta hatafka la hiigsanayo, awooddooda hoggaamineed, u heelannaanta adeegyada dadweynaha, kobcinta xidhiidhka iskaashi, isku-xidhka daneeyayaasha, dadweynaha ...

Sheeko kale: Faaliyihii Fakaday.

Image
  Oday waayeella oo horjooge tuulo ka ahaa jiray waaggii uu socday dagaalkii u dhexeeyey Dowladdii Siyaad Barre iyo Jabhaddii SNM, waxa uu ku riyooday ciidamadii Siyaad Barre oo soo weeraray tuuladan uu degen yahay, balse, isaga iyo dhowr qoys ay ka bedbaadeen, dadka intii kale ay ciidamdaasi ay laayeen. Wuxuu go'aansaday inuu isugu yeedho saddex faaliye oo tuulada degenaa si uu wax uga weydiiyo maalmahan ku soo foolka leh waxa ay riman yihiin, waxaannu ku yidhi, "Ninka ii sheega waxa ku soo maqan dharaarahan tuulada ee ka dhici doonna, waxaan siinayaa mood iyo nool midka uu jecel yahay, faaliyayaashii mid ka mid ahaa ayaa markiiba dhigay faalkii oo wuu bixi waayey, saddex jeer markuu u bixi waayey ayuu yidhi, maanta waa Arbaca oo iima qaalibna oo hadh baa iga saaran. Faaliyihii labaad ayaa dhigay oo wuxuu sheegay in Gu'gan bishay uu abaar noqon doono, muhiimna ay tahay in la keydsado wixii gacmaha ku jira, inkastoo tuuladan uu ka dhici doonna Alle bari weyn oo meel kast...

Dayaxa

Image
 Mar aan xalay galin dhexaadkii u fiirsaday Dayaxa oo 17-jirsaday, waxa ku wareegsanaa giraan midabkeedu Akhtar yahay, waxa la fillan jiran nasiib-wacan, qabowga iyo barafka oo sii bata. MFQoti

Sheeko kale: Anba kula mid baan ahaye aamus.

Image
  Kolayba run Nin sheegay godob waa u halise, waagii uu ku guuleystay doorashadii Jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxaan ka mid ahaa xil-sugayaashii Teeyadda badan iibsaday ee maalinkii oo dhanna aan iska saari jirin, mararka qaarkoodna habeenkii ku seexan jiray teyga. Markii ay gaadhay in uu Madaxweynuhu soo dhiso xukuumaddiisa, waxaan maalin walba iskaga eegi jiray hormooyinka xilalka uu soo magacaabo Madaxweynuhu, nasiib darro'se, markaan magacayga ka waayo, waan yara xannaaqi jiray. Waliba, waxa Intaas ii sii dheerayd oo iigaga sii darneyd, Niman gurabaaslayaal ahaan jiray ayaa iga toocsan jiray, kuwaasoo igu odhan jiray, Maxamed maantana kumaba jirtid magacaabistii Madaxweynuhu uu soo saaraye waa sidee, illeyn show ismaba ogiye, haddana, xannaaq yar baa igala. Markii Madaxweynuhu uu dhameys tiray xil-magacaabistii xukuumaddiisa, haddan, wuxuu Illaahay ii soo diray Niman farsamo yaqaanniin ahaa oo isla markiiba ii tiriyey hees daawo ii no...

Warsidaha Nayruuska xidigiska ee sannadkan 2025-ka ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradiisii 13-aad.

Image
  Warsidaha Nayruuska  xidigiska ee sannadkan 2025-ka ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradiisii 13-aad. Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana A adamuhuna ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka ku soo foolka leh, waxaannay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga foodda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, umana fiirsadaan dhibta ku jirta ogaanshahaas, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, k u dhaqanka saadaasha xiddiguhu waa mid ku saleysan qaab-nololleedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaanna arrimaha guur-guurka xidigaha wax laga weydiin jiray dad khibrad gaar-ah u le...

Erey waa iga duco

Erey waa iga duco, Inteenan Face-buugga ku wada-jirta iyo intii dhashay iyo dhamaan umadda muslimiinta ah Illaahay dambigooda ah dhaafo, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu kii xaq leh-na siiyo xaqiisa, ninkii aan wax lahayna, aanu siin wax aanu lahayn oo aanu raacin xaq aanu lahayn. Erayna waa iga dardaaranoo Ninka ka hor-dhaca tirinta codka doorashooyinka wali laga dhur-sugayo ee Face-buuga ku soo qora tiro-male awaal ah ama suuqa ka tow-tow leeya, waxa la odhan jiray "Farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug", sabatoo ah, haddii aad baahiso hadal lagaaga toosan yahay odhaahdiis oo ay ahayd inay baahiso guddida doorashooyinka loo xil saaray , Somalidu waxay odhan jirtay "Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado". Eray waa digniin, Waxa la yidhi, Faataxada dabadeed lama hadlo, haddii la hadlona wax-san mooyee wax xun laguma hadlo. MFQoti 
 Doorashadii Way Kala Miirantay Xertu waxa ay ahayd dugsiyadii ugu horeeyay ee ka hirgala dalkeena ee lagu baran jiray Aqoonta Islaamka iyo afka Carabiga, xertu waxay ka dhex abuurantay nolosha miyiga ee reer guuraanimada, kolba halka ay u guuraan ayey iyaguna u guuri jireen, manaanay jirin meel u gaar ah oo ay degenaayeen, waxay ahaayeen kulliyad guuraysa oo dadka reer miyiga ah yar iyo weynba bari jiray, Quraanka, culluumta Islaamka iyo Afka-carabida. Sidoo kalena, waxa ay reer miyiga u maamuli jireen dhaxalka, guurka, aaska, casharinta xoolaha, sekada, ducada iyo nabadaynta, ka dibna, Reer miyiguna waxay abaalgud u siin jireen xoolo. Wakhti wakhtiyada ka mid ah, Xer guuraysa oo Sheekh wato ayaa deegaan barwaaqo ah oo beli weyn leh soo degtay, sheekhii ayaa ardaydii qaar u diray balaygii oo ku yidhi, “Biyo inooga soo dhaamiya.” Markii ay ardaydii baligii tageen, waxay arkeen dhaankii, Geelii, Lo'dii iyo Adhigii oo ku dhex jira baleygii oo ay ka cabayaan, oo xareeddiina ay dho...

DOQONKA

Image
Nin xidaariya baa la weydiiyey, Bal nooga waran Doqonka? Doqonku yaanu kula dhalannin buu yidhi, waxa lagu yidhi, bal hadduu kula dhalasho ka waran? ma'hadduu kula dhalasho meel kaa fog ha joogo, oo yaanu meel kuu dhow joogin, bal hadduu meel kuu dhow joogo ka waran baa la yidhi? ma'hadduu meel kuu dhow joogo, gacantaada ha u baahnaado buu yidhi, waxa lagu yidhi, bal hadduu gacantaada aanu u baahneyn ka waran? waar bal yaanu xoog-weyn lahaannin buu yidhi, waxa lagu yidhi, bal hadduu xoog-weyn leeyahay ka waran?  Ninkii xiddaariga ahaa baa yidhi, Ma'doqon kula dhalashay, oo meel kaa fog jirin, oo meel kuu dhow jooga, oo gacantaada u baahneyn, oo xoog weyn, bal yaanu shisheeye kaa jeclaannin buu yidhi, waxa lagu bal caaqillow hadduu shisheeye kaa jeclaado ka waran? Wuxuu yidhi ma'doqon shisheeye kaa jeclaaday wuu ku dilayaaye, inta aanu ku dilin dil ama la meerayso buu yidhi.