Nabi Shuceyb

 Nabi Shucayb (CS) waxaa loo diray qoomkii reer Maduuna (Madyan) oo ku noolaa deegaanka degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, kuwaasoo loo yaqaanay dadkii Keynta, ama dadkii Ayga (Asxaabul-Aykah), waa dadkii ku noolaa dhulkii qanniga ku ahaa dhirta, Ayga iyo keynta dabiiciga ah ee ku teedsanaa buuraha dhereran ee Golis, Guban iyo Oogada Jamhuuriyada Somaliland.


Nabi Shucayb wuxuu ahaa Nabigii 12-aad ee lagu soo dejiyo waxyiga, waxaannu ka soo jeeday faracii Nabi Ibraahim (cs), inkastoo Quraanka Kariimka ah lagu xusay 11-jeer, haddana, wuxuu ku magac dheeraa Af-hayeenkii Anbiyada, waxaannu dedaal naxariis ku dheehan tahay iyo joogteyn juhdi badan galiyey, sidii uu u tirtiri lahaa musuq-maasuqa, sanab caabudka, iyo dhaqamada ganacsi ee aan daacadda ahayn.

Nabi Shuceyb wuxuu baaqiisii ugu horeeyey u jeediyey dadka reer Medyan, isagoo faahfaahin dheer ka bixiyay, si caddaalad ah inay dadka ula dhaqmaan, si sax ahna Alle u caabudaan, waxaannu ku booriyey inay iska joojiyaan miisaanka khiyaamada ee macaamiishooda ay ka dhimayaan cabbirka miisaanka iyo in gibilka dadka socotada ka qaadi jireen joojiyaan, oo ay nabad-galiyaan.


Wada-hadalladii dhexmaray Nabi Shucayb iyo dadkiisii ​​madax-adkaa, waxay noqdeen kuwo ku jees-jeesay, waliba ugu hanjabay inay dhagax ku dili doonaan, Nabi Shuceyb ugu danbeyntii markii ay maqli waayeen fariintiisii wuxuu Alle ka beryey roob dab ah oo cirka kaga yimaada asxaabtii keynta, si ay ugu cadaato in fariinta digniinntiisu ay run tahay, tixraac suurada acraaf, tirsigeeda aayada (85-93), Hud (84-95), Shucra (176-91)

Tixraac, sheekooyin taabud ah oo aan sheeko baraley ahayn, khiyaamaddii jooggagii subag ahaa ee lagu tijaabin jiray go'a, markay xoolo dhaqatadu u iib keento suuqa ganacsiga dhoofka berbera, Allow maan jabo iyo raadadkaas oo wali hadda inaga sii muuqda.


Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Comments

Popular posts from this blog

Dadku noocyo badanaa

Nayruuska sannadka cusub 2026

Xoriyaddu waxay ku timaadaa dhiiga geesiga, madax-bannaaniduna....