Shaxda


Ciyaaruhu waxay faaiido weyn u leeyihiin caafimaadka jidhka iyo caafimaadka maskaxda baniaadamka, Ciyaar dhaqameedka Shaxda, shantaradka iyo ciyaarta Jestu waxay u baahdaan maskax, fikir iyo xeelad ku fadhida xisaab qoto-dheer, waxaannay kobciyaan Maskaxda bani'aadamka, kuwaasoo kaalin weyn ka qaataan dhinaca, hagaajinta iyo horumarinta waxbarashada, xusuusta feejignaanta, kalsoonida, dhiiri-galinta, himmilada iyo go’aan qaadashada, kuwaasoo laga dhaxlo hab-dhaqannada wanaagsan, sida, habka-wada-shaqaynta, tix-galinta iyo dulqaadka, waxaannay yareeyaan walbahaarka iyo niyad-jabka.

Ciyaar dhaqameeddada kale ee cadaloolka, leelada, luufka, jagida, roodhi kowda, faadfaadka, riyo ka dhalista, jabadaanta, kubadda cagta, gacanta iyo Kolaygu, waxay faa’iido weyn u leeyihiin caafimaadka jidhka oo ka hela tamar, adkeysi, awood, dabacsanaan iyo hurdo fiican, waxaannay jidhka ka caawiyaan xubnaha hab-dhiska wareega dhiigga iyo hab-dhiska neefsashada, isla markaana waxay ka hortagaan cayilka.

Ciyaar dhaqameedka shaxdu waxay ka mid tahay ciyaarraha ugu faca-weyn ee laga dheelo gayiga Somaliland, ciyaatan oo ah fadhi- ciyaareed aaď u xiiso iyo xamaasad badan oo ku qotonta hab iyo hannaan toolmoon oo laga dheehan karayo inay ku duugan yihiin murti, xeelad iyo xirfad.


Ciyaarta shaxdu waxay u kala baxdaa laba qeybood oo la kala yidhaahdo, Shax-yar iyo Shax-weyn.



Shax-yartu waxay ka kooban tahay sagaal-god, waanna ciyaar loo qaabeeyey muuqaal hal-wareeg oo leh Lix-xariiqood oo la isku tidcay oo ka kooban saddex xariiqood oo gudban iyo saddex-xariiqood oo dhereran oo lagu xardho dhulka guudkiisa, ciyaartan ayaa ah ciyaar-caruureed ay caruurtu ciyaarto, waana halka ay ka soo unkatay Ciyaarta Shax-weynta ee dadka waayeelka ahi ay ciyaaraan, waxaanna la yidhaahdaa, shantarad wiilka ciyaaraa ma'tago ciyaarta shaxda.

Ciyaartan Shax-weynta ayaa ah ciyaar loo qaabeeyey muuqaal saddex-wareeg oo ka kooban Lix iyo toban xariiqood oo la isku tidcay xariiqaha dhereran iyo xariiqaha gudban oo lagu xardhay dhulka guudkiisa, taasop ay wada-dheela labka da'da dhexe iyo Odayaasha ruug cadaaga ah ee aqoonta dheer u leh degsiimada iyo xeeladda qaab-ciyaarreedka shaxda, waxaanna daawada dad badan oo kala taageera labada ciyaar-yahan ee ku loolamaya ciyaarta, kuwo ka illaaliya ilduufka ciyaar yahanka ay taageersan yihiin, kuwo wax ka barta habka loo dheelayo iyo garsoorayaal.

Ciyaata godadka shaxdu waxay ka kooban tahay tiro-siman oo tirsigeedu yahay 24-god, taasoo Labada ciyaar-yahan ee iska soo hor-jeedaa uu mid waliba degitaanka godadka u isticmaalo Laba iyo Toban dhagax oo yaryar oo isku midab ah, haddii ciyaartaas tahay wareegii labaad, waxa hor-degsiimada yeesha ciyaar yahanka libtu raacday, haddii ciyaartu cusub tahayna ciyaar yahanka shaxda jeexday baa hor-degga, kaasoo yidhaa, Shaxdaan jeexday waan degay, waanay kaa shisheysaa, halka ciyaar-yahanka kale’na uu deggo rukun uu ku jabiyo.

Labada ciyaar yahan markay dhameys-tiraan degsiimada godadka shaxda, waxa hor bilaaba hal-qaadka, ciyaar-yahanka ku guulaystay degsiimada in uu hello hab-dhaca saddex god oo siman, waxaannu hal-god ka qaada ciyaar-yahanka ka soo hor-jeeda, taasoo loogu yeedho, hal-qaad, halka, ciyaar-yahanka kalena uu qaado hal-god.

Marka ay bilaabmato dheeshu waxay u baahataa qorshe iyo xisaab qoto-dheer ka hor inta aan godka laga dhaqaajin dhagaxiisa, haddii ciyaar yahankaas ay isugu dhacdo in uu hello saddex god, inta uu saddex dhaco ayuu qaadaa mid ka mid ah godadka ciyaar-yahanka ka soo hor-jeeda, haddii kale'se, wuu jare-baxaa.

Godadka shaxda waxa loo kala saara laba-qeybood oo kala ah, Goray iyo Hog-dooro, halka, Godadka dhicitaanka shaxda ee mar kasta inta laga dhaco ee ciyaar yahanka kaa soo hor-jeeda shaxdiisa lagu jabsho, waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin, saddex god oo la kala yidhaa, Jare, Irmaan iyo Afarlay, Inkastoo haddana la yidhaa, Shaxdu waa ilduuf, dalabna waa Nin u ayaan roon

Sidoo kale, dhinaca degsiimadda godadka shaxda waxa lagu tilmaamaa in ay tahay farsamo- xeeladdaysan oo ay ku kala badiyaan labada ciyaar-yahan, kuwaasoo iskugu faana, degsiimada goddadka shaxda, kan baan deggay, kan baan door biday, kannina ii dooran ama afartaa hog-dooro iyo anaa helay afar goray leh, ama afartaa irmaan kama dhacdee jarre ma'uugaamay, ama irmaan baan ka daba riday, afar-layna ii dihin, qoor-labina ii dadban iyo sidoo kale, afarlay irmaan oodan bay ku afariirtaa, Labada ciyaar-yahan ee iska soo hor-jeedaa, haddii mid ka mid ahi uu hello saddexlay-gudban iyo Irmaan ama afarley-goray ah, waxa la yidhaahdaa wuu badiyey, haddii kale'se wuu iska jara-jaraystaa

Magacyada Godadka shaxda waxa ka mid ah marka ay isku dhacaan godadka degsiimada, sida, Jare, laba-jare, Af-yuub, cago-gaab, qoor-labiy dhan, mooye, qoor-labiy dhiman, irmaan, irmaan oodan, irmaan-dawdabi, lixlay, afarlay, afar-goray leh, dib-qalooc, af-jinac, gudub saynle, saddexlay-gudban, saddexlay-dhereran, afar-goray iyo irmaan, jabsan-lab iyo jabsan-dhadig.

Waxa kale oo labada ciyaar-yahan ee wada-dheelayaa ay isticmaalaan erayo ay ka mid yihiin, sida, jid, jare-bax, jare-qaad, jare-dhac, jare-celiye, taasoo ka mid ah dhinaca dhaqdhaqaaqa gidadka ciyaarta shaxda

Marka aynu ka nimaado xeeladda xirfadeysan ee ay leedahay shaxdu, haddana waxa ay ku soo gebo-gebawdaa saddex arrimood, mar ciyaaru waxay







noqotaa Jaari, taasoo ah ciyaar bar-bar dhac ah oo lagu celiyo, iyo Faanle, kaasoo ah ciyaar-yahan badiyey ee libtu raacdo, halka ciyaar-yahanka guul-darradu raacday loogu yeedho Faro-boodhle.
























Qoraa Maxamed Faarax Qoti






 

Comments

Popular posts from this blog

Dadku noocyo badanaa

Nayruuska sannadka cusub 2026

Xoriyaddu waxay ku timaadaa dhiiga geesiga, madax-bannaaniduna....