Tuesday, January 14, 2025

Warsidaha Nayruuska xidigiska ee sannadkan 2025-ka ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradiisii 13-aad.


 Warsidaha Nayruuska  xidigiska ee sannadkan 2025-ka ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradiisii 13-aad.


Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.

Haddana Aadamuhuna ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka ku soo foolka leh, waxaannay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga foodda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, umana fiirsadaan dhibta ku jirta ogaanshahaas, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

Balse, ku dhaqanka saadaasha xiddiguhu waa mid ku saleysan qaab-nololleedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaanna arrimaha guur-guurka xidigaha wax laga weydiin jiray dad khibrad gaar-ah u leh oo  ku falanqeeya isbeddelka cimiladda, hawada, bad-maaxidda iyo dowladdaha.

Sidaa awgeed  baynu male Aadame ku male’awaali doonaa Oddoroska aayaha curashada gu'an cusub ee 2025-ka, waxaanna la odhan jiray, “Waxaannu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin, markaa sannadkan maalinka uu ku curtay waa maalin Arbacaad oo Hawaa’I ah,  waxa la odhan jiray waxay u wanaagsan tahay  arrimaha isgaadhsiinta, hal-abuurka, bogsashadda, murtida, arrimaha sharciga, habaarka, cilmi-dhagoolka, waxbarashada.  dalxiiska, fikirka,  la tacaalida walaalaha iyo caafimaadka.

Curashada Sannadkan cusub Dayaxu wuxuu ahaa Bil-saddex, waxa la odhan jiray Bil-saddex reerkaagana way kaa kaxaysaa, reer kalena kuma gaadhsiiso, balse, dhinaca xiddigiska waxa la fillan jiray filasho wacan, waxaanna dhici jiray iska hor-imaadyo la iskaga soo hor-jeeddo ujeeddooyin badan, dunidana waxa ka dhici jiray kacdoomo waaweyn, waxaanna la arki jiray riyooyin ujeeddooyin badan leh, qorshayaal marka la tijaabiyo wajiyadoodu ay yihiin kuwo xaqiiqo ah, waxa kale oo lala kulmi jiray cadaadis badan oo keena guusha, kaasoo jabiya wax-kasta oo  caqabad ku ahaa, dariiqa kaliyaata ee ugu fiicanni waa in aynu la qabsanaa arrimahaas oo dhan, waxa kale oo lala xidhiidhin jiray cadhada-dhow, himiladda, dhiiranaanta, socodka, hadhka, kibirka, xaqa, gefka degdega ah, caaqillada iyo ciidamada.

Dhanka kale, waxa la odhan jiray daaqad baa u furanta fursad kasta oo ay tahay in talaabo laga qaado,  la dhameystiro wax-qabadkii soo socday, waxna laga barto ruwaayaddaha ku hoos jira, wer-wer la’aanta doorashooyinka labka iyo dhadiga, waxa lagama maar-maan ah in la xalliyo wixii keenaya khilaafaadka iyo maseyrka.

Moorada Sannadkan cusub ee 2025-ka wuxuu ku beegmay Moorada Nayruus Arbacaad, waxa loo nisbeeyo astaanta habar-adhi, godadka dayaxu uu maro wuxuu ku leeyahay  faruur iyo faruur jid-kabaal, waa burji arliya ah, waana dhadig, habeen sabtibuu leeyahay, waa qabow engagan, jihadiisu waa waqooy iyo koonfur.

Sannadkan cusub waxa la arki jiray dhul-gariir, dab qabsada keymaha duur-joogta, xannuunada ku dhaca hab-dhiska dareen-wadayaasha, cudurrada ku dhaca sambabada,  cuduradda faafa ee ku dhaca sambabada, sida, oof-wareenka ama caabuqii covid-19-ka  oo kale, Runtana Allaa Og.

Somaliland aqoonsiga halka uu Alle kaga beegaba waxa la odhan jiray sannadkan waa xilli u wanaagsan aqoonsi buuxa in la siiyo wadamada buuxiyey shuruudihii Dowladnimo, una wanaagsan is-barashada, adkaysiga, murtida iyo dareenka, waxaanna la arki jiray horumar badan, khiyaamo badan, isbeddello qaabaysan, masuuliyad, macangagnimo, caddaalad, hal-abuurnimo, dheelitir, iftiin-wanaagsan, mudaharaadyo dhaca, helitaanka guusha, cabsida oo fogaata, niyad-jabka oo fogaada iyo abuuritaanka rabshadaha.


Isbeddel kasta oo cusub waxa la arki jiray iftiin iyo mugdi, dadka waxa ku dhici jiray niyad-jab keena iska hor-imaadyo u dhexeeya dadka kala aaminsan fikradaha kala duwan, waa lama huraan in aynu aragno khilaaf u dhexeeya kuwii hore iyo kuwa cusub, khilaaf u dhexeeya xorriyadda hadalka iyo xakameynta xoriyadda hadalka, khilaaf u dhexeeya Xisbiyadda siyaasadda, khilaaf u dhexeeya sharciga dowladda iyo dowlad la'aanta, ugu dambeynta waxa guuleysan doona iftiinka.

Dhinaca Hoggaamiyayaasha aduunka waxa la odhan jiray 20-ka sanno ee soo socda waxay awooddooda u isticmaali doonaan in ay ku wareejiyaan awooddo badan dadweynaha, ha noqoto mid toos ah ama mid dadban, balse, awooddahaasi waxay si qunyar-qunyar ah loogu wareejinayaa dadka, inkastoo ay jiraan xeerrar adag ama dedaalo liddi ku ah arrimahaas oo dhan, haddana waa wax la arki doono, waxa muhiim ah in la'kala garto runta iyo beenta, arrimahan isku dhafan ayaa ku jira dibnaha hoggaamiyayaasha Dowladdaha, shirkaddaha iyo warbaahinta madaxabannaan. Runtana Alaa og.

Dhinaca Dowladduhu waa inay soo dedejiyaan jaangoynta jihada qorshayaasha la hiigsannayo sannadkan cusub ee 2025-ka, sababtoo ah waxa jira dhur-sugid badan oo ku saabsan isbeddelka kobaca dhaqaalaha, dabeylahan isbeddel ee socdaa, waxay soo-dedejinayaan helitaanka taageero badan oo ujeeddooyin fiican leh, kuwaasoo la jaan-qaadi karaya tamarta, dhinaca awooddaha Dowladuhuna waxay horseedaan hal-abuur-ganacsi, isgaadhsiinta, isku socodka bulshada, isdhaafsiga fikraddaha, badeecaddaha iyo adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha.

Sannadkan waa xilligii la fududeyn lahaa, la dardar galin lahaa, la dhimi lahaa ama  la iska deyn lahaa waxyaabaha aan loo baahneyn, waxa la kala-diri doonaa qaab-dhismeedyadii soo jireenka ahaa, waxaanna dib u qaabeyn lagu sameynayaa nidaamkii hore oo lagu beddelayo hab-cusub oo ka duwan kuwii hore oo ku habboon baahida nololleed ee bulshada, muuqaalkan Isbeddel ayaa muujinaya muuqaal xag-jirnimo ah, waxaannay dadku nolol-maalmeedkooda ku saarayaan laxan cusub.

Isbeddelkan kala-guur ayaa inoo muujinaya wax badan oo la aasay in dib loo soo faqayo, kaasoo diiradda saaraya xoojinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka caafimaadka dadka jiran, waxa soo bixi doonna sinnaan la'aantii shaqaalaha caafimaadka iyo nidaamka daryeelka caafimaadka ee muddada dheer soo jiitamayey..

Dhanka horumarka maaha in aynu nidhaahno horumar lama sameyn doono sannadkan, sababtoo ah miyir-qabkii iyo dhaqdhaqaaqii wadajirka ahaa ayaa inoo keeni doona
wax-tar badan oo ku wajahan awooddihii dhaqaalaha bulshada ee hoos u dhacu ku yimid, waxa loo baahan yahay hoggaamiye adag oo ka taliya halkii loo jiheyn lahaa.

Isbeddelkan qotodiisu-dheer tahay waxa udub dhexaad u ah oo uu inooga baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo geesinimo leh, awoodda dadweynuhu waxay keenayaan helitaanka fursado is-maamul oo ay kaga maarmaan ku tiirsannaanta taageerada Dowladdaha shisheeye iyo hay'addaha caalamiga ah ee ku hawlan abuuritaanka sharciyo cadaaladdeed.

Waxaynu soo aragnay burburkii ku yimid xishoodka, xeerrarka, dhaqankii, sharcigii dowladdaha, iskaashigii iyo garsoorkii, dadku waxay awooddoodii sharci u isticmaaleen gacmahooga, inkastoo Hoggaamiyeyaasha  awooddaha badan lihi waxay isku dayi doonaan  inay soo roggaan awooddo ay ku xakameynayaan, laakiinse, kuma guuleysan doonaan.

Waxaynu hore u soo aragnay kaligii taliyihii Suuriya oo ka cararay dalkiisa, dadka reer Kuuriyada Koonfureed oo ku gacan saydhay dedaalkii hoggaamiyahoodu ku soo rogay sharciga dagaalka, Xisbi mucaarida oo ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, doorashadaas oo si nabad-galyo ah xilkii loogula kala wareegay, isla markaana,  tusaale iyo masaal u noqotay dunnida inteeda kale,  iska  caabintan ayaa ah mid ka sii socon-doonta dhamaan adduunka oo dhan.

Marka aynu ka nimaadno farsamada Kacdoonnada siyaasadeed ee dhici doona, haddana, waxa barbar socda horumarka tignoolajiyada, iftiinka hawada ku jira ee ka imanaya jibabka maqaarka hoostiisa la galiyo, taararka, qalabka macmalka ah ee qabta hawlaha gaarka ah, sida maydhida gaadiidka, dharka, karinta cuntada, bangiyada iyo lacag bixinta.

Waxa sidoo kale la fillan jiray Dawladdo- badani in ay burburaan, maalmihii aynu soo dhaafnay waxa cod kalsooni leh lagu riday Ra’iisal Wasaaraha Faransiiska, waxa kale oo kalsoonidii lagala noqday Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka, isbeddelladan heerkoodu kala duwan yahay ayaa noqonnaya kuwo leh kicin iyo hal-abuur ay sabab u tahay fannaaniinta guud ee buruujta hawada iyo dabka.

Waxyaabaha ugu xiisaha badan ee sannadkan cusub la arki doono waxa ka mid ah iyadoo wax la iska weydiinayo xoggo-dhab ah, isla markaana laga wada-hadli doono heshiisyaddii la isku afgartay,  Dastuurka, Jiritaanka dimoqraadiyadda iyo Xisbiyadda Siyaasadda oo sida ay hadda u taagan yihiin ay ka muuqato inay ku dheggan yihiin arrimo kale oo fikraddeed, arrimahaas ayaa wax badan la iska weydiin doonaa.

Dabayaaqaddii sannadkii dhamaaday waxa xiddigihii aynu naqaanay ku soo biiray laba xiddigood oo aad u ifaya, xiddigahaas oo mid ka mid ahi ay udhaxeysay Dayaxa iyo Qoraxda, mida kale ay inooga muuqatay jihadda koonfur galbeed, xiddigahaas waxa la arkaa hal-mar 80-kii sannadoodba, waxaannay sameeyaan laba Qarax oo kala duwan, lamana garan karo xilliga ay ku aadan yihiin qaraxyadaasi, kuwaas oo sii qarxiya dhamaan xiddigaha dhintay ee ku shaqlan cirka, haddii uu dhaco mid kamid ah qaraxaasi waxa la la odhan jiray dunnida waxa ka dhaca masiibooyin dabiiciya, Runtana Allaa Og.

Sannadkan cusub ee 2025-ka, Dayuxu wuxuu ku curtay burji arliyo'ah ee mooradda baciidka, waxa la odhan jiray haddii habeenkaas dayaxu uu joogo Burji Arliya ah, qabow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin, waxa kale oo loo eegi jiray xaaladaha khuseeya leyliga nafta,  nidaamka iyo in la gaadhayo himiladda shaqooyinka la hiigsanayo midho dhalkooda, waxa muhiim ah in aad loogaga taxadiro wixii ka dhalan kara awooddaha aynu u arragno in aanay wanaagsaneyn ee keeni kara nidaam-xumada, dareenka shaqaalaha dowladdu way awood badan yihiin, waa in la isticmaala feejignaan badan, yaan lagu tacadiyin xuquuqda shaqaalenimo, marka ganacsatada si ixtiraam leh loogu yeedhaayo qaarkood in ay ka qeyb qaataan bedbaadada qaranka,  ganacsatadu ma’laha hadalkoodu raxmad badan.

La arkee in dib u habeyn balaadhan lagu sameynayo cashuuraha, qiyamka qoyska, socdaalka, madaxbannaanida iyo heerarka kala duwan ee xadeynta dawladdaha muranku ka taagan yahay, waxaanna suuro-gal ah in la sameeyo wixii ku saabsan arrimahaas oo dhan labada sanno ee soo socota ama tobanka Sanno ee socda. Runtana Allaa og.

Waxa kale oo intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu fadhiyey, sannadkan dayaxu wuxuu fadhiyey burji hawaa’iga ah ee Dalow, waxaanna la odhan jiray dabeylaha, shimbiraha iyo ayaxuba way bataan, dhinaca awooddaha suldaamada dhaqanku awood ma'yeeshaan, ganacsiga iyo kalluunkuna way yaraadaan, waxa kale oo la odhan jiray burjigan wuxuu ku farxaa qaabka bani’aadanimada, siyaasadda, sahaminta shiidaalka dhulka, seerayaasha, duur-joogta, qorayaasha, cilmi dhagoolka iyo in talaabo laga qaado wax-barashada, Runtana Allaa Og.


Doctor Philosopher, PH, Asteologiest, Author,  MFQoti

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid