Wednesday, February 5, 2025

Qalbi Gudhan Miyaa Qosol Lagu Godlaa


Shaqaalaha Dowladdu waa asadka kaliyaata ee umaddi ku faanto waanna salaanka lagu gaadho midho-dhalka himilada iyo horumarka dhaqaalaha dowladdaha, shaqaalaha dowladda waxa ku baxay tacab badan iyo wakhti dheer, sidii kor loogu qaadilahaa aqoontooda waayo-aragnimo iyo awooddooda xirfaddeed.

Laakiinse, mar kasta oo uu yimaado maamul cusub, waxay wax ka beddelaan nidaamkii iyo tixraacyadii hore ee soo jireenka ahaa iyagoo dib u yegleela shaqaale cusub iyo nidaam cusub oo bar billow ah, waxaannay taasi ku keentaa in uu dib u dhac ku yimaado hannaanka geedi socodka nidaamka dowladnimo.

Masuuliyiinta aqoonta dheer lihi waxa ay isticmaalaan hab raaca lagu qiimeeyo shaqaalaha dowladdaha wax-qabadkooga shaqo, aqoontooda iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin dhinaca, siyaasaddaha, nidaamka iyo xeerarka u dejisan dawladdooda, ka midho dhalinta hatafka la hiigsanayo, awooddooda hoggaamineed, u heelannaanta adeegyada dadweynaha, kobcinta xidhiidhka iskaashi, isku-xidhka daneeyayaasha, dadweynaha iyo madaxda sare.

Ama dhanka awooddooda farsamo ee shaqaalaha dawladdu ay ka liitaan, sida, go'aan qaadashada, la socodka xaaladdaha adag, maareynta wakhtiga, soo bandhigidda aragtiyaha kala duwan, hirgalinta qorshayaasha siyaasadda, wadashaqeynta xidhiidhka hay'adaha, horumarinta xirfadda shaqada dawladda, baadhitaanada dhaleecaymaha iyo aragtiyaha xun ee ay dadweynuhu ka haystaan dowladdooda.

Marka qiimeyntaas la sameeyo, haddii ay awooddooda farsamo aad u liidato, waxa badh laga dhimaa xamilka culeyska shaqo ee ay hayaan ama waxa lagu sidkaa la taliyayaal ama waxa la kabaa xirfaddooda aqooneed, laakiinse, laguma beddelo shaqaale kale oo cusub, sida had iyo goor ka dhici jirtay xilliyadda kala guurka ee ay isbeddelaan maamullada siyaasaddeed, waxaannay arrintaasi ay wiiqdaa, halkii bar-tilmaameedka u ahayd hoggaamiyaha talada dalka haya. 




































Shahaadooyin


MFQoti.

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid