Wali waxaynu ku jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa mulkiilihii makhaayaddii hilibka bisadaha ee Juba jawaan, mulkiilahan oo ahaan jiray wasiir hore oo noqday xubin ka mid ah xildhibaanada golaha wakiiladda ee dalka Siira laanka.
Wasiirkan oo yara saranseeray ayaa la kulmay goob kayuu loogu jiro oo lagu iibiyo shawaarmada iyo cuntooyinka fudud, waxaannu tamaniyay oo uu furtay meherad lagu iibiyo cuntooyinka fudud oo uu ku sameyn jiray hilibka bisaddaha muddo 6-sannadood ahayd.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Oday waayeel ahi ku soo maray makhaayadda, waxaannu ku yidhi, sacaada wasiir Allaa xaal og, taasoo ahayd weedh uu hal-hays u lahaan jiray odaygaas, balse, wasiirku wuxuu u qaatay in uu xogogaal u yahay hawlaha shaqo ee uu ku foogan yahay.
Isla markiiba inta uu gaar ula faqay ayuu waxoogaa lacag ah u dhiibay oo uu ku yidhi, Allaa xaal og yaan mar danbe afkaaga laga maqlin, waayahay buu yidhi Odaygii, laakiinse, arrinkii halkii kamuu soo qaadinne, maalinkii labaad ee uu soo booqday ayuu ku yidhi haddana, sacaada wasiir Allaa xaal og, maalinkaana waxoogaa lacag ah ayuu siiyey, waxaannu go'aansaday marka saddexaad in uu dillo, waanu dilay maalinkii saddexaad waxaannu ku aasay gurigiisa deyr ku dhex yaalay.
Goobtii uu ku aasay Odayga waxa ka soo baxay geed canbe-laf ah, geedkii degdeg buu u koray wuxuuna dhalay canbe kaliya oo xajmigiisu aad u weynaa, waxaannay arrintaasi dadkii deegaanka ku noolaa ku abuurtay fajac iyo amakaag, geedkan xabadda canbaha ee kaliya dhalay.
Maalmo yar ka dib, warkaas wuxuu gaadhay boqorkii xukumayey dalkaas, wuxuuna dalbaday in loo soo iibiyo canbahaas mucjisada ah, markii loo keenay ayuu hor-dhigay golihiisa wasiirada, inagaga akhriya ayuu ka hor intii aan la kala goyn, ka dibna, waa la qalay canbihii waxaanna loogu tagay laftii canbaha ahayd oo uu ku qoran yahay, Allaa xaal og.
Boqorkii yaab, waxaannu amar ku bixiyey in loogu yeedho wasiirkaa xil-dhibaanka noqday ee geedkan canbaha ah beeray, markii loo keenay boqorka, wuxuu weydiiyey, bal ka waran, Allaa xaal og, wasiirkii xil-dhibaanka noqday oo anfariirsan ayaa ugu hal celiyey, Boqor adigana sheekadanni miyey ku soo gaadhay, isagoo u qaatay in boqorku ka war helay hawlaha shaqo ee uu qaban jiray, waxaannu halkaas ka bilaabay xogwaran ku saabsan sababalihii ku kalifay in uu furto Juba jawaan iyo sababihii uu ku dilay Odaygii Allaa xaal og hal-hayska u lahaan jiray.
Sida aanu ka soo xigannay mareegta wararka ee gibilnews, waxa lagu sheegay, in uu yidhi wasiirkaasi, dadku kamay warqabin in Juba jawaan aan ku iibin jiray hilibka bisaddaha, muddadii aan ku jiray ganacsigaasna waxaan ka helay dakhli gaadhaya lacag dhan 235,000 oo dollarka mareynkanka ah, waxaannu intaas ku daray in uu jiro suuq wanaagsan oo si qarsoodi ah lagaga iibsan jiray hargaha bisaddaha uu gowraco, haragiiba waxa laga siisan jiray qiimo dhan $4.95 oo dollar.
Isla xilligaas waxa kaawaanka hilibka bisaddaha ee uu ka dhex sameystay gurigiisa loogu tagay, 415-bisadood oo nool, 85-harag iyo 23-kiiloo oo ahaa hilib bisaddeed oo ku jiray talaagad.
Qoraa Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid