Kolayba run Nin sheegay godob waa u halise, waagii uu ku guuleystay doorashadii Jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxaan ka mid ahaa xil-sugayaashii Teeyadda badan iibsaday ee maalinkii oo dhanna aan iska saari jirin, mararka qaarkoodna habeenkii ku seexan jiray teyga.
Markii ay gaadhay in uu Madaxweynuhu soo dhiso xukuumaddiisa, waxaan maalin walba iskaga eegi jiray hormooyinka xilalka uu soo magacaabo Madaxweynuhu, nasiib darro'se, markaan magacayga ka waayo, waan yara xannaaqi jiray.
Waliba, waxa Intaas ii sii dheerayd oo iigaga sii darneyd, Niman gurabaaslayaal ahaan jiray ayaa iga toocsan jiray, kuwaasoo igu odhan jiray, Maxamed maantana kumaba jirtid magacaabistii Madaxweynuhu uu soo saaraye waa sidee, illeyn show ismaba ogiye, haddana, xannaaq yar baa igala.
Markii Madaxweynuhu uu dhameys tiray xil-magacaabistii xukuumaddiisa, haddan, wuxuu Illaahay ii soo diray Niman farsamo yaqaanniin ahaa oo isla markiiba ii tiriyey hees daawo ii noqotay, heestaas oo laxankeeddii iyo codkeediiba wadatay, ayaan maalin maalmaha ka mid ah ugu imid Nimankaa Farsamo yaqaanniinta ahaa oo cod aad u cuddoon ku luuqeynaya heestii ay ii tiriyeen. Bal waa tanne dhageysi wacan.
Waxaan tiriyey heesaha
Saarleyda loo tumo
Tubta waxaan ku soo riday
Kumanyaalo kaa teggay
Waxaan teeyo iibsaday
Iyosuudhadh la ii tolay
Anigoon ku tallo-galin
Waligay inaan tago
Wixii aan tog iyo dhagax
Tafay buuro dhaadheer
Tabca iyo ka baxay daw
Sidii aad u teggi lahayd
Taashkiyo kursiga dheer
Waxaan tacab u soo maray
Markaad gaadhay taadii
Haddaan xil la ii tirin
Sow la iguma tacadiyin
"Haddii aan xil loo tirin
Sow laguma tacadiyin."
Magaalooyinkaan tegay
Iyotuullo waxaan maray
Gaadhiga taraarsanni
Wuxuu tiiro illa koray
Ama taayir ii baxay
Anoo tiigso idhi meel
Muxuu turusku ii go'ay
Dhul aan laydhku wali tegin
Anoon haysan taar
Iyotellekaska laga baxay
Sidii aad u teggi lahayd
Taashkiyo kursiga dheer
Waxaan tacab u soo maray
Markaad gaadhay taadii
Haddaan xil la ii tirin
Sow layguma tacadiyin
Haddii aan xil loo tirin
Sow laguma tacadiyin
Heestaas ayaa iga jabisay ladhkii iyo xumaddii badneyd ee ay igu keentay doonistaydii xilleed, balse, dharaarahan waa wax lala yaabo in dheggahayagu maqlaan erayo xannaf leh oo ka soo yeedhaya qaar ka mid ah xil-sugayaasha Xisbiga Talada haya maanta, kuwaasoo ay ku dhacday xumaddii igu dhacday waagaas, nasiib darro'se aan wali hellin daawadii ku habooneyd iyo farsamo yaqaannadii ihelay oo kale.
Qoraa MFQoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid