Mulacii liqay subxaanyada
Waa wax aad loola yaabo dharaarahan in aynu maqalno sheekadan aadka u xiisaha badan, waxay ahayd Xilli ay amintu ku beegnayd gabal dhac gol-cas, qoraxdu liiqa sii dhigaysay, jawiga cirkuna uu huwannaa daruuro riman iyo kuwo irmaan, oo ay dhacaysay yalalaxo khafiifa, neecow qabow oo xanbaarsanayd saxan-saxo udgoon oo uu socday duleedka caasimadda Hargeysa ayuu maqlay dhawaaq wadareed-shimbiro ah oo mashxaradaya oo geed fuushan, wuxuu u soo cago-duwaday dhankii uu ka maqlayey codka shimbiraha, wuxuu arkay mulac iyo subxaanyo is dilaya, mulacu inta uu hunguriga ka qaniinay subxaanyadii ayuu dabada ku martay geed yar, si aanay subxaanyadu ula cararin, waa dagaal kala bedbaadin tooduna ay ahayd mid aad u khatar badan.
Mustafe kamuu tegin oo iskamuu dhaafin, wuxuu is yidhi kala bedbaadi oo kala qabo, ka dibna, aad u garnaqdid, wuxuu soo qaatay ul-dheer oo uu ku kala fur-furo mulaca iyo subxaanyada, wuxuu galiyey tacab badan ugu danbeyntiina wuu ku guulaystay in mulicii uu sii daayo subxaanyadii, haddana waxay noqotay naxdin in uu mid garab-siiyey,
Mulicii wuxuu isku dayey in uu orod cagaha wax ka dayo, isagoo gabood ka dhigtay in uu huluusho mus u dhawaa goobta uu dagaal ku dhex maray, subxaanyadii oo isha ku haysay dhanka uu u dhaqaaqo ayaa markiiba ka daba xamaartay jihadii mulacu uu u cararay, wuxuuna ku gaadhay muskii uu galay mulacii, ka dibna, subxaanyadii ayaa afka gashatay mulaciii, nasiib darro'se, mustafe waxba kamuu qaban karayn xaaladaas markaas taagneyd oo waxay noqotay xaalad ka baxsan awooddiisa.
Habeenkii danbe, goor caweysnimo ah isagoo ku sugnaa hudheel lagu caweeyo, ayey u soo gashay gabadh aad u qurux badan oo laafyoonaysa,, oo uduga ka soo kamkamayey uu saaqay dareenka dad badan oo hudheelkaas ku sugnaa, waxaanay cod aad u dabacsan ku tidhi, mustafow waxa ii kaa oo diray Aabahay Boqor Yeelow, oo igu yidhi, waxaad ku tidhaahdaa, habeen danbe abaaro 8:00 ayaanu kuu iman doonaa, Aniga iyo ciidankaygu, wuxuu kaa doonayaa in uu kaala xaajaado, Inantiisii aad u loogtay cadowga ee ay subxaanyadu liqday.
Mustafe werwer iyo walaacbaa naftiisii hadhèeyey oo habeennimadii laba indhood iskumuu keenin, wuxuu ka fikirayey xaajadan cusub wuxuu kala kulmi doono iyo siduu u maareyn lahaa, markii uu waagu baryey isagoo wajigiisu uu ka muuqdo murugo badan, wuxuu raadsasay cid uu arrinkan wax kala qabata oo uu la wadaago, wuxuu u tegay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga mucaaridka ee Kaah iyo madax-dhaqameedyadii ka soo jeeday beeshiisa, qofna kumuu dhiiran in uu garab istaago oo u raaco goobta garnaqsiga ee ay ku balansanaaayeen Boqor Yeelow, balse, waxay kula taliyeen in uu dalka iskaga baxo, haddana wuxuu is yidhi gadhba gadhbaa la tusaaye Boqor buurmadow buu tegay oo uu is yidhi isagaa jinka afyaqaane ha ku raaco, buur-madow arrinkaas wuu is diidsiiyey in uu raaco, waannu ka baqay arrinkaas in uu dhex galo.
Mustafe wuxuu qaxoonti muddo dheer ku ahaa dalka Ingiriiska, isla maalinkiiba wuxuu go'aansaday in uu u gudbo dalka Itoobiya, isla markaana, halkaas uu ka sii anbabaxo illaa iyo dalka Ingiriiska.......intaas ka dib, maxaa dhacay? Boqor Yeelow iyo Mustafe arrinkoodu muxuu ku danbeyn doonaa, dhibic ka mid ah sheekadan waxaan u dhaafayaa akhristayaasha sharafta mudan in ay ka faalood Boqor Yeelow iyo Mustafe wixii kala gaadhay....
Qoraa maxamed Faarax Qoti


Comments
Post a Comment
Mahadsanid