Umaan holannin in aan qalinka u qaato ka qorista mid ka mid ah culimaddii ugu waaweyneyd dalka Jamhuuriyadda Somaliland.Balse, waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago qiso kooban oo aan idiinka soo garoocay mid ka mid ah ehelkiisii Sheek Cusmaan Nuur oo ahaa sheekhal beledkii magaalada burco ee Gobolka Togdheer.
Sheekh Cusmaan Nuur wuxuu tamaniyey dhisitaanka Masjid Jaamaca weyn ee Burco, isagoo u diray farsamayaqaan ku xeel-dhismayaasha in uu soo qiimeeyo lacagta ku baxaysa dhismaha Masaajidka oo waagaas cariish ahaa hilaaddii 1919-kii.
Farsamayaqaankaasi wuxuu ku soo qiimeeyey lacag gaadhaysay 4000- rubadood, waxaannu Sheekhu arrintaas ka jeediyey baaq uu kaga hadlayo qiimaha uu ku kacay dhismaha masaajidka iyo in qof waliba uu ka qeyb qaato tabaruca masaajidkan, baaqaas waxa uu gaadhay meel fog, waxaanna markiiba ka soo jawaabay DC-gii xukumayey magaalada Burco.
Waxaannu u soo dhiibay 4000-rubaddood Nin reer Burco ah si loogu dhiso masaajid Jaamacaas, markii Ninkii uu soo gaadhsiiyey bushaqaddii 4000-ku ee rubaddood, wuxuu sheekhu weydiiyey cidda u soo dhiibtay, waxaannu Ninkii lacagta siday u sheegay DC-ga magaalada Sheekhu wuxuu ku yidhi u celi lacagtiisaas.
Culimadii ka ag-dhaweyd Sheekha ayaa ku yidhi, Sheekh xilligan aynu ku jirno waad ogtahay waana kabo-qalad ee maxaad lacagta intaas leeg aad inoo dhaafisay maad Masaajidka inoogu dhistid.
Waxaannu Sheekh Cusmaan Nuur ugu hal- celiyey culimaddii ka ag'dhaweyd sababta uu ugu celiyey deeq lacagta ah ee DC-gu ku caawiyey dhismaha masaajidkan in ay ahay laba arrimood.
Waxaannu yidhi, Haddii deeqdan Lacagta ah aynu ku dhisi lahayn Masaajidkan, waxa uu qaadan lahaa Magaca masaajidka (DC-gaas oo ahaa sarkaal dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Ingiriiska ee xukumi jiray Gobolka Togdheer xilligii maxmiyaddii Ingiriiska, Somaliland protectorate)
Arrinta labaadna in ay tahay maadaama aynu kala haysano laba diimood, waxay noqon lahayd biriishkii la inoo soo mari lahaa, Sheeku waxa uu hadalkiisaas raaciyey oo yidhi, Inta aynaan salaada makhrib aynaan tukan ayuu inoo iman kii saxda ahaa.
(AHUN) Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa ganacsade weyn oo ka ganacsan jiray Hargaha oo ka yimid magaalada Oodweyne, ayaa tukaankii uu dhigan jiray Agabka uu dhoofiyo ayaa looga sheegay baaqaa Sheekh Cusmaan Nuur ee ahaa qaadhaanka lagu binnaynayo Masjid Jaamaca Burco.
Ibraahim wuxuu ku yidhi Ninkii Tukanka hayey, horta noolkii doonta ee aad ii haysay imisay ahayd, waxaannu ugu jawaabay 4200- oo rubaddood, wuxuu ku yidhi, 200-ee rubaddood ii hay 4000-kuna keen.
Salaaddii makhrib inta aanay gaadhin ayuu kula kulmay Sheekh Cusmaan Nuur Masaajidkii, waxaannu ku yidhi, imisa ayey ahayd lacagtii qaadhaanka ee aad ku yaboohday in ay dhisayso Masjid Jamaaca.
Waxaannu Sheekhu ku yidhi, waa 4000-kun oo rubaddood, ka dib, waxa uu u dhiibay bushqadii ay lacagtu ku jirtay, Sheekhu markuu tiriyey ee ay noqotay kharashkii galayey Masaajidka.
Waxa uu ku yidhi, Sowdigan wada-qaatay ducadii aanu ugu tallo-galnay dhamaan bulshada deegaankan ku nool, waxaannu intaas raaciyey, Hadda ku noqo gurigaagii waxa kuu dhalan doona wiil boqol nin ah oo umaddoo dhan anfaca.
Ibraahim isla habeenkaas waxa uu ku laabtay qoyskiisii, waxaanna u calool galay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, markii uu dhashay waxa magaca u bixiyey Sheekh Cusmaan Nuur.
Qoraa Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid