Weli waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa waxaan arkay iyo waxaad aragtay. Waxaan arkay Illa giringiri caashaqa, Giraangirayaashu waa kuwo inta badan wakhtigooda ku lumiya tamartooda, waana kuwo u baahan in wax walba iyaga loo qabto, mana daneeyaan wanaaga, laakiinse, waxay rumeysan yihiin in dhibka ku haysta aad ku xaliso dhibaatooyinkooda, marka aad shaqo u abuurto si ay u kobciyaan noloshoodanna, haddana waxa aad arkaysaa ka hor inta aanay hawluhu dhaqaaqin inay kaaga baah yihiin iyagoo fuushan kaariyoonihii ay ku shaqeynayeen in aad ku riixdo. Dadka hab-dhaqanka Xamasta lihi (Kaneecada) waa daneystayaal aan wax tar u lahayn nolosha aadamaha dib u dhac mooyaanne, waa kuwo had iyo goor xiiseeya inay ka nuugaan dhiiga waxyaabaha wanaagsan ee waxtarka u leh caafimaadka nolosha aadamaha, isla-markaana ay ugu beddelaan sun, marka hareerahaaga ay ka qaadayaan heesaha ay kugu amaanayaanna, waa marka ay doonayaan dhiiggaaga inay j...
Ma'ihi qof dhaleecaynaya xirfadda duuliyayaasha wada gaadiidka hawada sare aada, laakiinse, haddana waxa jira ujeeddooyin kuu sameynaya ujeeddooyin kale oo macno badan leh, waxaan ka hadlayaa xilliyo aan nafteyda u baqay oo aan moodayey in aan cirka ka soo dhacayo, laakiinse, kama hadlayo xilliga uu fulaygu ka shakiyo diyaaradda uu saaran yahay, tiiyoo aanay jirin cilad farsamo oo ku timid diyaaradda. Waxa xusuus gaar ah igu beertay xilligii iigu horeysay ee aan ku socdaalo mid ka mid ah gaadiidka rakaabka ee hawada sare haada oo ku socotay caasimadda London, markii aan imid gegada diyaaraduhu ka haadaan ee Red sea inteanational airport, waxa nalagu war-geliyey in dib u dhac ku yimid diyaaraddii aanu raaci lahayn, sababo jiray awgeed oo ahayd cilad farsamo oo ku timid taangiga diyaaradda shiidaalka oo liigayey. Saacaddo kooban ka dib, duuliyaha oo aan ogeyn xadiga shiidaalka ku jira diyaaradda ayuu go'aansaday in uu duuliyo diyaaraddii aan ku qornaa, aniguna waxaan u qaatay in ...
Dad badan waxay ku oddorosaan oo ay u haystaan inay tahay fikirka madax-madax-bannaanida Afrika, dad aad u faraxsan oo lulaya calamo cusub oo ay ugu dabaaldegayaan dhalashada cusub ee qarannimada dalkooda, calamadii guumeysiga oo hoos loo dhigayo iyo dhalashada calan cusub oo la saarayo, laakiinse, arrintu sidaas maaha, waxa jira Sagaal Dal oo ka duwan oo ka mid ah Dalalka Afrika. Dhamaantood sagaalkaa Dal, haddana, way ku kala duwan yihiin xuska dabaaldega madax-bannaanida qarannimadooda, taasoo ka turjumaysa waayo-aragnimo dheer iyo sooyaal taariikheed oo mid waliba gaar uu u leeyahay. Dalalka qaarkood sooyaalkoodii taariikheed waa xaalad aad u adag oo aad u xannuun badan, qaarna waxay madax-bannaanidu u timaaddaa bulsho uu ku dhacay dhaawac qaran, iyadoo waliba ay u sii dheer tahay in qaar ka mid ah dalalkaasi ay la kulmaan in madax-bannaanidoodu ay tahay mid aan dhameys tirneyn ama laga dhigo mid lagu muransan yahay, taasoo ka dhigaysa maalinka madax-bannaanidoodu in ay ka si...
Comments
Post a Comment
Mahadsanid