Cabdikariim Cali Ayaanle oo aan wax ka qoray xaaladdiisa nololeed ee uu ku sugnaa iyo duruufo adag ee hadheeyey noloshiisa hilaadii 16 bishan April sannadkan 2025-ka, ayaa illo xoggogaal ahi ii sheegeen in ehelkiisii ay xidheen. Halganka waayaha nolosha turunturo lagama waayo, waana muhiim in aad damqato, una muujiso naxariis, oo aad la dareen noqoto qofka waayuhu uu ku adkaado, haddii ay noqon lahayd murugo, cadho ama niyad jab. Isla markaanna aad qoraal ku baahiso mareegaha wararka, adigoo dareenkiisa dajinaya oo u raadinaya sidii uu u heli lahaa taageero dhaqaale iyo daryeel wanaagsan oo uu ku noolaado, ka dibna, wax lagala qabto hawsha uu is leeyahay waad ku nafisaysaa. Cabdikariin muu ahayn qof maskaxda ka jiran oo qaba xannuunka waalida, waxa uu ahaa qof caafimaad qaba, laakiinse, waayuhu uu hadheeyey, taasina waxay u baahnayd in uu helo dejin iyo daryeel uu ku noolaado, nasiib darro'se, maanta in ay ehelkoodu u arkaan in magacoodii iyo sumcaddoodii uu wax u dhimay,...
Wersidaheena Nayruuska saadaasha xidigiska ee sannadlaha ah ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradii 11-aad ee aan qoro. Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana, Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska i...
Ma'ihi qof dhaleecaynaya xirfadda duuliyayaasha wada gaadiidka hawada sare aada, laakiinse, haddana waxa jira ujeeddooyin kuu sameynaya ujeeddooyin kale oo macno badan leh, waxaan ka hadlayaa xilliyo aan nafteyda u baqay oo aan moodayey in aan cirka ka soo dhacayo, laakiinse, kama hadlayo xilliga uu fulaygu ka shakiyo diyaaradda uu saaran yahay, tiiyoo aanay jirin cilad farsamo oo ku timid diyaaradda. Waxa xusuus gaar ah igu beertay xilligii iigu horeysay ee aan ku socdaalo mid ka mid ah gaadiidka rakaabka ee hawada sare haada oo ku socotay caasimadda London, markii aan imid gegada diyaaraduhu ka haadaan ee Red sea inteanational airport, waxa nalagu war-geliyey in dib u dhac ku yimid diyaaraddii aanu raaci lahayn, sababo jiray awgeed oo ahayd cilad farsamo oo ku timid taangiga diyaaradda shiidaalka oo liigayey. Saacaddo kooban ka dib, duuliyaha oo aan ogeyn xadiga shiidaalka ku jira diyaaradda ayuu go'aansaday in uu duuliyo diyaaraddii aan ku qornaa, aniguna waxaan u qaatay in ...
Comments
Post a Comment
Mahadsanid