Xaaboolihii Dhakhtarka Noqday (The firewood collector, who became a doctor)
Nin xaaboole ahaan jiray oo dhawaaqa codka shimbiraha ka faashan jiray, ayaa maalin maalmaha ka mid ah isagoo xaabaysanaya maqlay dhawaaq ciy shimbiro saarnaa dhirtii ka ag'dhawayd goobtii uu xaabada ka guranayey, shimbirahaas oo codad kala jaada oo cudoon ku luuqeynaya, sida, Odayga idaha caanaha uga'lis, ma'oodweynaad ka timid, Ido waa dawo, ido waa dawo, naagaa u diiday, naagaa u diiday, soo daf, soo daf, qaw haan qaw haan qaw, qaw haan qaw haan qaw iyo widhidhii, widhidhii, ka dibna, inta uu aad u qoslay, ayuu fahmay widhidhii, widhidhiidaas danbe in suuqa xaabadu maanta uu yahay widhidhii, widhidhii, ka dibna xaabo badan ayuu u iib geeyey, si fiicannna waa looga iibsaday.
Maalinkii labaad xaaboolihii oo ku luuqeynaaya midhaha heestan macaan ee tidhaahda, Shimbir yahay lalaysaa, Adna laydha guudkaad leexaysanaysaa, Ragna laba diblaa geed, Gudub loogu loodshoo, Luguhuu Ka xidhan yahay, Sida aad u looshiyo, Liirtaanyadaan qabo, Laba kala fog weeyee, Lurka weli ma'kulanteen, Mise laaca ubaxiyo, Maad dhaafin laamaha”
Illeyn show heeskan xaabooluhu ku luuqeynaayo, waxa la jiibinayey shimbir jimbidh yar, oo leh baalal qurxoon, dhoor iyo Af-dhuuban, shimbirkii hal mar ayuu ku dhawaaqay ciy qaabkeedu uu ahaa saddexlay, saddex dhac ah"Guu guu guu," illeyn waa sababta Soomaalidu ula baxday magaca Guuguulaha.
Haddaba Inta aynaan u guda galin sheekadeenan xiisaha iyo xamaasadda wadata, aynu dib u yara halacsano dhaqannadii sooyaalkii taariikheed ee jiray qarniyadii la soo dhaafay, aqoontii durugtay ee caadada ay u lahaan jireen dadkeenii hore, kuwaasoo u arkaayey in Shimbiruhu yihiin farriin sideyaal xambaarsan aqoon qoto dheer oo ku saabsan nolosha maaddiga ah, shimbiro guul wata, kuwo khayr qaba, kuwo dhiilo xanbaarsan, kuwo kuu digaya, kuwo ku hagaya, kuwa saadaal wacan iyo kuwo saadaal gurracan.
Waxay rumeysnaayeen in Shibirka habeenkii duula ee loo yaqaanno Guumeysta iyo Tukuhu ay yihiin dhambaal sidayaasha geerida, waa haddiiba guriga dushiisa ay soo dul fadhiistaan, ka dibna ay ciyaan, halka shimbir malabka ama mariskuna ay wataan wargalin ku saabsan goob cadow yuururo ama goob malab uu tibiqlaynaayo, halka Shimbka fiintuna uu ka ooyo ama uu ka ciyo Roobka soo socda, Colka soo duulaya iyo Mugdiga soo galaya (Habeenka Gudcurkiisa).
Inkastoo Guuguulaha saadaal wanaagsan laga fisho, Nabadda, sahaminta iyo barwaaqada, haddana, Ninkii Xaaboolaha ahaa wuxuu fahmay dhawaaqii ciyda Guuguulaha, isagoo u fahmayey in uu leeyahay, Dad ladnaan ma'xejiyo, ka dib, xaaboolhii ayaa ugu hal celiyey, midhaha heeskan cudoon, Hud-hudkii ilduufee, Eedeeyey Nebi Saleebaan, Saw ma odhan illaalaan Ku maqnaa ayaamahan, Anna saw ammaanada, Iga maqan eegi maayo" ii sheeg annigaa ladnaanta xejinayee.
Guuguulihii ayaa ugu hal celiyey Inanta uu dhalay Boqorku, geedkaas ayaa daawo u ah, waxa jirtay Inan muddo dheer bukaan ahayd oo uu dhalay Boqorkii waagaas xukumi jiray dalkii uu ku noolaa xaaboolahaasi, waxaannu Boqorku ku baaqay Ninka daweeya Inantiisa bukaanka ah in uu u guurin doono, isla markaana uu ku xooleyn doono.
Xaaboolihii ayaa Boqorkii u keenay geedkii daawada ahaa, Inantii markii geedkii loo mariyey ayey ku bogsatay, waxaannu Boqorkii u guuriyey Xaaboolihii, waxaannu ku ydhi, Qasrigaas adigaa iska leh, laakiinse, qolkaa ha furin ee iska illaali, haddii aad dalbato in laguu furro ogow wixii halkaas kaaga soo baxa inaad mudan doonto.
Muddo dheer wuxuu adkeytaba, wuxuu jeclaystay in uu ogaado waxa qolkaas ku jira, wuxuunna xaaboolihii dhakhtarka noqday ka codsaday afadiisii in uu ogaado qolkaa xidhan waxa ku jira, markii qolkii loo furay wuxuu ugu tegay maryihii uu xidhnaa waagii uu xaabada guri jiray ee laga beddelay, waxaanna lagu yidhi, intan aad xidhan tahayna halkan ku bixi, maryahaagii horena waa kuwanne xidho, qasrigana dhaaf.
Xaabooolihii dhakhtarka noqday, isagoo shaqadiisii hore ku noqday oo xaabaysanaya, ayuu maqlay Shibirkii Guuguulaha oo leh, Dad ladnaan ma'xejiyo, inta uu joogsaday, ayuu yidhi, waa runtaa Anigaaba xejin waayey.
Qoraa Maxamed Faarax Qot

Comments
Post a Comment
Mahadsanid