Dr. Philosopher, Author Mohamed Farah Qoti

Wednesday, March 12, 2025

Gorgorka


Gorgorku markuu gaboobo waxa uu noqdaa mid awoodiisa duulimaad ay aad u hooseyso, sidaa darteed wuxuu dul fadhiistaa buuraha aadka u dhaadheer, Inta uu halkaas ku sugan yahay, wuxuu rifaa oo iska hoodhiyaa baalashiisa ku yaala jidhkiisa, waxaannu afkiisa iyo cidiyihiisa ku jejebiyaa dhagaxyada waaweyn ee dul saaran buuraha dhaadheer, waa hab naf hurid ah oo dhiig bax ah oo xanuun badan leh, meeshan uu ku dhuumanayo ayuu iska joogaa muddo dheer inta ay u soo baxayaan baalal cusub, af-cusub iyo ciddiyo cusub, ka dibna, waxa uu ka soo baxaa isagoo dhogor dhacsaday oo si qumaatiya u duuli karaya, taas macnaheedu waxa weeyaan in aynu iska dhaafno dhaqannadii hore si kasta oo ay u adag tahay, waa in la iska daayo waxyaabaha culayska inagu haya ama aan wax qiimo ah ku soo kordhinayn nolosheena.

Gorgorku ma'cunno bakhtiga ee waxa uu cunnaa shaygu inta uu noolyahay, taas macnaheedu waxa weeyaan, ha isku halaynin guushii shalay aad gaadhay, laakiinse, isha ku hay waxa cusub ee ku horyaala.


Gorgorku wuxuu ku haadaa jooga aad u sareeye ee dhundhunka hawada sare, keligii baanu haadaa ee lamana duulo tukaha ama shimbiraha kale, taas macnaheedu waxa weeyaan in aynu ka fogaanno dadka garaadkoodu hooseeyo ee ina dejinayaa.

Gorgorku wuxuu leeyahay aragti fog, waxaannu wood u leeyahay in uu wax ka arki karo masaafad aad u durugsan, markuu la helo ee uu diirada saarana wax kasta oo caqabad ku ah oo ka horyimaada ma'leexiyaan hadafkiisaas illaa uu ka sal-gaadhayo, waa marka uu u ugaadhsanayee, taas macnaheedu waxa weeyaan in aynu lahaano aragti aad u durugsan oo wax kasta oo caqabad ku ah jabin karta oo ka guuleysan karaysa.

Gorgorku wuxuu aad u jecel yahay dabeylaha wata duufaannada, marka ay isku yimaadaan daruuruhu wuxuu dareemaa reynreyn iyo raaxo badan, waxaannu adeegsadaa dabaylaha wata duufaanada kuwaasoo kor u qaada oo gaadhsiiya daruuraha dushooda, isagoo baalashiisuna ay u nasanayaan, halka, dhammaan shimbiraha kalena ay ku dhuumanayaan laamaha iyo caleemaha geedaha, taas macnaheedu waxa weeyaan guuleystayaashu kama baqaan caqabadaha ee way ku raaxaystaan, waxaannay ku gaadhaan meel aad u durugsan.


Qoraa MFQoti

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid