Dhacdo
Hooyaday waxay xabsiga ku jirtaa muddo lix-sanno ah, iyadoo lagu eedeeyey dilkii aabahay, illaa iyo hadda qofna muu rumaysnayn in aanay waxba galabsan.
Shan daqiiqo ka hor dilkii Aabahay, walaalkayga iga yar ayaa ku tiirsaday, "Ha ii ooyin," hooyaday ayaa ku tidhi, iyadoo gacmaheeda lagu xidhay katiinad, balse, codkeedu wuxuu ahaa mid ay ka muuqdo degganaansho, Todoba iyo toban jir baan ahaa markii xukunkeeda lagu dhawaaqay.
Aabahay meydkiisa ayaa laga helay jikada gurigayaga, isagoo ay jidhkiisa ku yaalo hal-mindi ah oo lagu dhuftay, hubkii lagu dilay Aabahay oo dhiig leh ayaa laga helay sariirta hooyaday ay ku jiiftay hoosteeda, mindidaas faraheedii ayaa ku yaalay oo laga helay, maradii ay xidhnayd dhiig baa ku yaalay, waa wax iska cad, waligay kor umaan odhan hooyaday ayaa falkaa samaysay, haddana, anigoo rumeysan taas,, ayaa Hooyaday Caroline Hayes waraaq iiga soo dirtay xabsiga, fariintaas oo ahayd maan sameyn hooyo danbigaas, waligayna yeeli maayo in aan aabbahaa dilay, hooyo i' rumayso."
Laakiinse, waxaan garan waayey si aan ugu jawaabo, anigoo aan ka war-hayn ayey nagu soo dedegtay maalinkii daleldelaadu, waxa naloo oggolaaday booqashadii ugu dambaysay in aanu la kulanno.
Walaalkayga iga yar ee Ethan wuxuu jiray siddeed sanno, Hooyaday way jilba joogsatay markii aanu xabsiga ku booqanay, waxay u eekayd qof caato ah oo tabar yar, balse indhaheedu sidii bay ahaayeen. "Waan ka xumahay ma heli doono inaan ku daawado adigoo sii koraya," ayay si hoose ugu tidhi Ethan.
Dabadeed, waan ku dhawaaday si aan u soo qabto Ethan, wuxuu ku yidhi: "Hooyo, Waan ogahay cidda kuu qarisay mindida sariirtaada hoosteeda." Wax walba waan ogahay, Hooyaday way sii socotay, ka hor intaanan si buuxda u fahmin, waardiyihii ayaa nagu soo dhawaaday, waxaannu ku yidhi, Maxaad tidhi?" Ethan wuxuu bilaabay oohin.
Waxaannu yidhi, waan arkayey isaga, .habeenkaas hooyo ma'ahayn, Hawadu waxay isu rogtay hawo-qabow.
Waardiyihii ayaa markiiba gacanta kor u taagay. "Jooji warkaas." Kaligay qolka lamaan joogin, Adeerkey—Victor Hayes oo ahaa Aabbahay walaalkii oo ka yar ayaa noo yimid "si uu u sii macsalaameeyo Aabahay."
Laakiinse, wejigiisa waxaan ka dareemay in aanu sidiisii hore ahayn, Wuxuu dib u qaadayey talaabo aad yar ah, isagoo ku sii jeeda dhinaca albaabka kadinka, Ethan isagoo gacantiisa ruxaya ayuu si toos ah u tilmaamay.
Qeybtii 2-aad, Ethan, waxa la geeyey qolka baadhitaanka, waxaannu qalin beensal ku sawiray waraaq, sawir-gacmeed muujinaya Victor oo xidhan shaadh madow iyo koofiyad cad, oo wata gaadhi noociisu yahay SUV madow, oo uu la joogo Aabihii.
Wuxuu soo saaray cajalado maqal ah, mid ka mid ah maqalkaas ayaa u muuqda hanjabaad ka dhan ah Aabihii, .
Xeer-ilaaliyihii ayaa shiday cajalad uu ku duuban yahay odkii Aabihii oo uu nuqullo ka mid ah uu kula hadlayo Victor, Berritoole waxaan aadayaa Waaxda Arrimaha Gudaha (Internal Affairs).
Victor ayaa ugu jawaabaya cod hooseeya, isagoo xanaaqsan “ma'ogid cidda aad wax u qabanayso, adigaan wax kula qabanayaa, dukaankaygii ayaad isticmaashay. Dukaankaas waad lumin lahayd aniga la’aantay, qoyskaygii ayaad arrintan soo gelisay.”
Ethan ayaa yidhi, Aabahay ayaa yidhi, Haddii ay wax igu dhacaan, Helen way ogtahay, ka dibna, Hooyaday ayaa si hoos ah u tidhi, Laakiinse ma'ogi halka ay waraaquhu yaalaan.
Ka dib, Arrintaas dhan aan u qaado waan garan waayey, xeer-ilaaliyihii ayaa soo saaray dhamaan caddeymihii dhabta ahaa, hubka lagu dilay in laga helay sariirta ay hooyadii ku jiiftay hoosteeda, maryaheeda oo dhiig lahaa, faraheeda oo laga helay, mindidii oo laga helay gacanteeda, dhibcihii dhiig ahaa ee muujinayey, sida uu weerarku u dhacay, tilmaamihii qofka weerarka geystay inuu taagnaa iyo in kale,
Cadeymihii xilliga aminta uu geeriyooday, wareysiyadii lala yeeshay deriskooda iyo qof kasta oo lagu tuhmi karayey, diiwaanada tellephonada dhibanaha..Xeer-illaaliyihii ayaa dhankiisa midig jaleecay, intaas ka dib maxaa dhacay...
Dhibic ka mid ah sheekadan waxaan u dhaafayaa akhristayaasha sharafta mudan, Ethan miyey bedbaaday hooyadii mise waa la deldelay.
Qoraa Maxamed Faarax Qoti
Qoraa Maxamed Faarax Qoti


Comments
Post a Comment
Mahadsanid