Oday waayeella oo horjooge tuulo ka ahaa jiray waaggii uu socday dagaalkii u dhexeeyey Dowladdii Siyaad Barre iyo Jabhaddii SNM, waxa uu ku riyooday ciidamadii Siyaad Barre oo soo weeraray tuuladan uu degen yahay, balse, isaga iyo dhowr qoys ay ka bedbaadeen, dadka intii kale ay ciidamdaasi ay laayeen.
Wuxuu go'aansaday inuu isugu yeedho saddex faaliye oo tuulada degenaa si uu wax uga weydiiyo maalmahan ku soo foolka leh waxa ay riman yihiin, waxaannu ku yidhi, "Ninka ii sheega waxa ku soo maqan dharaarahan tuulada ee ka dhici doonna, waxaan siinayaa mood iyo nool midka uu jecel yahay, faaliyayaashii mid ka mid ahaa ayaa markiiba dhigay faalkii oo wuu bixi waayey, saddex jeer markuu u bixi waayey ayuu yidhi, maanta waa Arbaca oo iima qaalibna oo hadh baa iga saaran.
Faaliyihii labaad ayaa dhigay oo wuxuu sheegay in Gu'gan bishay uu abaar noqon doono, muhiimna ay tahay in la keydsado wixii gacmaha ku jira, inkastoo tuuladan uu ka dhici doonna Alle bari weyn oo meel kasta la iska iman doono ducadaas Alla bariga ah.
Faalihii saddexaad oo ahaa Nin aad u faan badan oo dhowr jeerna wuxuu sheegay la arkay oo ay u rumoobeen, markii uu faalkii uu dhigay, ee uu dhigay ayuu yidhi, kolayba jawaabtayda xamili maysaane, xilliganni waa xilli colaaddeed, markaa Nin walowba warankaaga afayso, gaashaankaagana adkayso, magaaladan dhiig badan baa ku daadanaya ee maatida iyo caruurta iyo wixii aan socon karaynba laba geedi ha loo raro oo halaga guuro tuulada, isagiibaa dadkii tuulada kanhoreeyey oo ka guuray oo duuda galay.
Laakiinse, dadkii tuulada deggenaa dheg jalaq u may siin oo way iska deggenaayeen tuuladii, Ninkii faaliyaha ahaa markuu dhowr caanno-maal uu soo jeedaaliyaba dhinaca tuulada oo uu hadba dadka socotada ah ee ka imanaya tuulada uu warsado in lagu nabad qabay tuuladii iyo kale.
Maalinkii danbe ayaa Nin socoto ahi oo ka yimid tuuladii uu soo maray, waxaannu u sheegay in tuuladii lagu nabad qabay, Dadkii tuulada deggenaa iyo dad kale oo ka kala yumid tuulada nawaaxidkeeda ay xoolo badan ku qaleen oo Alle bariya tuulada dhexdeedii.
Ninkii faaliyaha ahaa ayaa u soo kicitimay tuuladii maalinkii xigayba, waxaannu yimid tuuladii oo nabad ah oo weli hawshii Alle barigu ay socoto, ka dib, wuxuu soo galay goob lagu qaxweeyo oo uu fadhiyo faaliyihii labaad, faaliyihii labaad ayaa aad u qoslay oo ku yidhi, Keysow cilmigan faalka aad baad u taqaanaa, laakiinse, aqoontaadu weli ma'gaadhsiisna inay kala saarto dhiiga dadka iyo ka xoolaha.
Qoraa MFQoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid