Anigoo taydiiba la yaaban, ayaan la kulmay hal abuurkii curiyey heesihii ay ka midka ahaayeen Dhulka soco in kugu filan, bulshooy soo bixi cashuurta iyo heestii qaranka ee caanka ahayd, Qaranka dhidibada ragbaa u dhigoo, u shubay dhiigoo nabadda dhaliyee.
Cabdikariin Cali Ayaanle wuxuu ku dhashay magaalada Burco hilaaddii 1986-kii, halkaas oo uu ku soo barbaaray caruurnimadiisii, kuna soo dhameystay dugsigiisii wax barasho, ka dib, waxa uu waxbarasho jaamacadeed u tegay dalka Itoobiya, isagoo soo bartay habka maareynta iyo xisaabaadka.
Cabdikariin waxa uu shaqo ka helay shirkadda Dahabshiil oo uu la soo shaqeynaayey muddo laba sanno ahayd, markii uu ka tegey shaqadaas waxa uu shaqo kale ka helay Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, muddo yar ka dib, waa làga eryey shaqadaas, marka aynu eegno aduunyadda inteeda kale waxa ay dedaal iyo juhdi badan galiyaan oo ay ku tabcaan, oo ay dhisaan, oo ay daryeelaan, oo la maal-galiyaa baniaadamka.
Cabdikariin waa wiil dhalin yaro ah oo aqoon iyo waayo-aragnimo badan leh, oo degen oo qun yar socod ah oo af-gaaban, oo aan waxbaba ku weydiineyn, haddana isaga oo ay ka muuqato ishiisa, waanna Aabo dhalay Afar wiil, oo markii shaqada laga caydhiyey ee waayuhuna uu ku adkaaday ayuu ka burburay qoyskiisii uu muddada dheer uu ku soo tabcaayey.
Cabdikariin maanta cid lama noola waxa uu quutaa maalinkii hal-xilli waa haddii uu hellee, habeenkiina waxa uu u hoydaa gego cidlo ah oo dhaxanta iyo roobkuba uu ku hello, waana geedaha waaweyn ee ku agyaala agagaarka Dooxa Xaraf ee Galbeedka kaga beegan Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Author. Mohamed Farah Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid