Ruwaayaddii Ilmadii yaxaaska

 


Siyaasiga Taban wuxuu rumeysan yahay in aan la bilaabi karin ruwaayadda, haddiiba aanu isagu goob joog ka ahayn fagaaraha bandhiga ruwaayadda, isagoo awood xirfaddeed, faham iyo garasho taama ah u lahayn dulucda ruwaayadda, haddana, wuxuu faraha la galaa hawlo aan isaga khuseyn, isagoo iska dhigaya kii hagaajinayey goobta lagu qabanayo fagaaraha bandhig-fanneedka ruwaayadda.

Siyaasiga toggan ee jilaaya ruwaayadda maadda iyo qosolka badan, marka uu fahmo in laga dhabqinayo habka iyo hannaanka toolmoon ee ay u socoto ruwaayaddu, Jilaagaasi wuxuu ugu jawaabaa siyaasiga taban ee ruwaayadda dhabqinaya, badheedh, xinniinyo yeelo, u sheeg dadweynaha inaad ka soo hor-jeedo ruwaayaddan dadweynuhu daawanayaan. 

Dadweynuhu waxay hore u soo daawadeen ruwaayaddo badan oo lahaa qosol iyo maad badan, waxay ka war'hayaan, in Aragtida quman ee jihada hilinka siyaasaddeed ee Somaliland uu ka gudbay siyaasaddii ku saleysneyd yowyowtanka iyo fikradaha madhan ee lala yaacayo, waxay og'soon yihiin in uu u beryay waa cusub iyo hilin toosan, kaasoo ku wajahan xoojinta qaranimada dalkooda, kobcinta dhaqaalaha, adkeynta dhidibada xiddidada dimuquraadiyadda iyo xidhiidhada iskaashi ee dalalka aduunka.

Waxay fahamsan yihiin in ay heleen aqoonsi rasmiya iyo in ay u hirgashay xidhiidh iskaashi oo aad muhiim ugu ah qarankooda, kaasoo Aragtida jihada hilinka siyaasaddeed ee arrimaha dibedda Somaliland uu si weyn ugu tiirsannaan doono, dhawaaqii taariikhiga ahaa ee dowladda Israa'iil ku aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ka dhigaysa Somaliland in si toos ah ula yeelanayso xidhiidh iskaashi dalalka waaweyn ee caalamka, iyadoo laga duulayo danaha Qaranka, sida Difaaca madaxbannaanida qaranka, taasoo aan lagu xidhayn go'aamada siyaasaddeed ee danaha dalalka kale, balse, lagu saleyn doono aqoon iyo illaalinta shacabka Somaliland.

Dadweynuhu waxay caan ku yihiin daawashada ruwaayaddaha ku dhisan nidaamka dimuquraadiyadda iyo xoojinta dhaqan siyaasaddeed ku dhisan aragti, wada-tashi iyo qorshe fog oo ka baxsan xilliyada ololaha doorashada lagu jiro iyo in 

Xisbiyadoodu ay ku dhisan yihiin habka kala-guurka hoggaamineed kaasoo ah mid nabdoon iyo in Xisbiyadoodu soo saaraan jiilal cusub oo noqda hoggaamiyayaasha mustaqbalka.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Comments

Popular posts from this blog

Dadku noocyo badanaa

Nayruuska sannadka cusub 2026

Xoriyaddu waxay ku timaadaa dhiiga geesiga, madax-bannaaniduna....