Ma'ogolin Xadhiga Daba-galiska ah

 


Awrka hayinka ah wuxuu adkeysi iyo dulqaad u leeyahay rarka xajmiga culus ee gurada laga saaro Awrka gurgurshaaga ah ama ratiga, rarkaas wuxuu u baahdaa hab-farshaxannimo oo ay ku ladhan yihiin aqoon iyo xisaab sugan, waa siday ay awowyaasheen ugaga fikiri jireen culeyska, isu dheelitirka rarka iyo ilaalinta xooluhu si ay ugu adkeystaan xilliga lagu jiro hayaanka dheer ee geedi-socodka baadiyaha, taasi waxay ka turjumaysaa dulqaadka, isku-tashiga iyo adkaysiga ay bulshada Somaliland u lahaan jireen xaaladaha adag ee ku saabsan noloshood iyo waayahooda nololeed.

Haddaba inagoo taas ku dabaqayna maanta wacyiga iyo xaaladda taagan, ma,ogolin xadhigaa daba-galiska, waxaannu ku diida ahay, waxaynu ka ogolaanay inay inagu xidhaan xadhig- hogaan ah oo ay inagu hogaamiyaan, haddana, waxaynu ka ogolaanay xadhigii faruur xidhka inay inagu xidhaan, waxaynu ka ogolaanay tu'intii iyo duu inay inagu yudhaahdaan, markaasaynu maqalnay, waynu maqalnay, waynu u soo joogsanay, waynu u hogaansanay oo aynu u fadhiisanay.

Waxaynu ka o'golaanay heeryadii in ay dusha inaga saaraan, karbaashkii kabaddii, qobtolkii iyo abjadkii, 

Markaasaynu haddana ka ogolaanay heensaraarkii inay dusha inaga saaraan, kabaaladii, dhigihii, loolkii iyo in ay inagu jiidaan xadhigii bayda ahaa, haddana waxaaynu ka ogolaanay suraddii in ay dusha inaga saaraan, cawsaskii, aloolkii, haamihii iyo saababkii, haddana waxaynu ka ogolaanay in ay inagu jiidaan xadhigii caynka iyo xadhigii surad-rarka.

Ka dib, waxaaynu ka o'golaanay in ay dusha inaga saaraan gibishii, haddana waxaynu ka ogolaanay in ay inagu jiidaan xadhig-gibilka, laakiinse, marnaba lagama yaabo in aynu ka ogolaano xadhiga daba-galiska ah.

Ereybixinta qormadeenan iyo habraacayada rarka awrka waxay ka turjumaysaa dedaalka aynu ku bedbaadinayo erayada iyo hiddaha, si aanay uga tirtirmin maanka dhalinyarada jiilka cusub ee soo koraya iyo in aynu heeryada iska tuurno.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Comments

Popular posts from this blog

Dadku noocyo badanaa

Nayruuska sannadka cusub 2026

Xoriyaddu waxay ku timaadaa dhiiga geesiga, madax-bannaaniduna....