Posts

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, saddex nin ayaa wada-lahaa goob cuntada bisil lagu iibiyo, saddexda Nin mid ka mid ah inta uu aroortii shaqada soo galo ayuu duhurkii ka rawixi jiray, midna fiidka ayuu ka riwixi jiray, ka saddexaadna habeenkii buu shaqeyn jiray, haddaba weydiinta hal-xidhaalahanni daaran tahay waxa weeye. Maalin maalmaha ka mid ah, markii uu soo shaqo tagay aroornimadii mid ka mid ahi saddexdii nin, ayaa maqalkii lacag ku jirtay inta uu in leeg ku daray ayuu kala baxay 20-shillin, kii labaadna markii uu yimid, ayuu maqalkii lacagtii ku jirtay inta uu in leeg uu ku daray, ayuu kala baxay 20-shillin, ninkii saddexaadna markii uu yimid shaqadii ayaa lacagtii maqalka ku jirtay uu in leeg ku daray, waxaannu maqalkii kala baxay 20-shillin, ka dibna, maqalkii waxa uu joqday faaruq, markaa imisay ahayd lacagta ku jiray maqalka??

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, haddaba, weydiintanni waxay daaran, Geed tufaax ah ayaa lagu yidhi waxa aad ka soo goosataa tiro midhaha tufaaxa ah ee ku yaala geedka, waxaanna kaa horeeya 7-ba webi, webi kasta oo aad ka talaabaysaana, waa in aad ku ridaa kala badh tirada tufaaxa aad geedka ka soo goosatay, isla markaana,  marka aad ka tallowdo webiga 7-baad, waa inay kuu soo hadhaa Hal tufaax ah. Weydiinteenu waxay daaran tahay, Waa imisa tirada tufaaxa aad ka soo goosatay Geedka??? Illaa iyo haddan qofna kumuu guuleysan tirada midhaha tufaaxa ah ee uu geedka ka soo goostay???

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, tiro shimbiro ah oo geed hoostii ka qadhaabsanaya ayey mid ka mid ah u duushay koox shimbiro ah oo ku laydh-sanaayey geedka guradiisa, waxaannay ku tidhi iska warama shimbirayahow 100-ka ahi, mid ka mid ah shimbirihii saarnaa geedka dushiisa, ayaa ku tidhi:  Anagu ma'nihin 100, laakiinse, intaanu nahay in leeg marka nalagu daro, ee badhkeed lagu daro, ee nuskeed lagu daro, ee kooxda geedka hoostiisa fadhida lagu daro, ee adiga lagugu daro ayaanu 100-nahay, waa imisa tirada shimbiraha dul-saarnaa geedka dushiisa iyo kuwa hoos fadhiyey geedka hoostiisa.??? Bye.M.F.Qoti

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, haddaba, weydiintanni waxay daaran tahay tirada goobada koowaad iyo ta labaad ee gudban marka la isku geeyo ina siisa wadarta 8, tirada goobada koowaad iyo ta saddexaadna ee dhereran tirada marka la isku geeyo ina siisa wadarta 9, tirada goobada labaad marka loo geeyo goobada afaraadna ee dhereran ina siisa wadarta 8, tirada goobada saddexaad marka loo geeyo goobada afaraad ee gudban ina siisa wadarta 9, waa imisa tirooyinkaasi ?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan!!

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, haddaba, weydiintanni waxay daaran tahay gabadha la furo waxa loo yaqaan Carmal, laakiinse, haddii Nin labaad uu guursado oo la furo iyo haddii Nin saddexaad uu guursado oo la furo maxaa loogu yeedhaa magac ahaan??,  Sidoo kale Ninka mar gabadh furay, haddana gabadhii labaad ee uu guursaday furay, haddana gabadhii saddexaad guursaday ee furay, saddexdaasiba magac bay leeyihiin sheeg haddaad garato?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan!!

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, Laba nin oo aad saaxiib u ahaa ayaa minyareystay laba hablood oo ay kala dhaleen, hablahaas oo la kala odhan jiray Sagal iyo Hibo, isla markaana, Hibo waxa ay u dhashay wiil yar oo loo bixiyey Cali, halka ay sagalna ay u dhashay gabadh yar oo loogu yeedho Caasha, haddaba weydiinta falcelintan waxa ay daaran tahay, Cali iyo Caasha miyey is gayaan? Haddii Falcelintaadu tahay isma gayaan, haddaa maxay isku yihiin Cali iyo Caashi? Haddaba, wey is gayaan mooyaane illaa iyo hadda laguma guulaysan???

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, hadaba, weydiintanni waxay daaran tahay saddex bisaddood ayaa culayska wadartoodu uu dhan yahay marka la isku geeyo 12-kg, halka marka la isku geeyo culeyska mid ka mid ah bisaddahaas iyo culeyska shimbir'na uu culeyskoodu noqonayso 5-kg, isla markaana, haddii dacawada culeyskeeda laga gooyo culeyska shimbirtaasna uu noqonayo wadartoodu culeys dhan 99-kg, haddaba, haddii la isku geeyo mid ka mid ah culeyska bisaddahaas oo loo geeyo culeyska hal dacawo, oo loo geeyo culeyska hal shimbir, waa imisa wadarta culeyskoodu?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan sidii xal loo helli lahaa wadarta culeyskooda?

Hal-xidhaale

Image
 Aqoon-korodhsi Hal-xidhaale Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, hadaba, weydiintanni waxay daaran tahay saddex Diig ayaa culayska wadartoodu uu dhan yahay marka la isku geeyo 8.4-kg, halka marka la isku geeyo culeyska mid ka mid ah Diigagaas iyo culeyska Bisaddan uu culeyskoodu noqonayso 7-kg, isla markaana, haddii Sengaha culeyskiisa laga gooyo culeyska Bisaddanna uu noqonayo wadartoodu culeys dhan 81-kg, haddaba, haddii la isku geeyo mid ka mid ah culeyska Sengaha oo loo geeyo culeyska hal Bisadda oo loo geeyo culeyska hal Bisadda, waa imisa wadarta culeyskoodu?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan sidii xal loo helli lahaa wadarta culeyskooda?

Hal-xidhaale

Image
Weydiintan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, Aniga iyo Afadeydu waxaannu dhalnay saddex wiil, saddexdii wiilna waxay sii dhaleen midki8ba innan iyo inan, dhamaan qoyskaygu in uu ka kooban yahay 11-qof oo kaliya mooyaane,  illaa iyo haddana laguma guuleysan tirada qoyskaygu uu ka kooban yahay.?

Warsidaheena Nayruuska oddoroska xidigiska ee sannadlaha ah ee aan qoro ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradii 12-aad.

  Warsidaheena Nayruuska oddoroska xidigiska ee sannadlaha ah ee aan qoro ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradii 12-aad. Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana, Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha guur-guurka xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh, taasoo ...

SUUGAAN-AFEEDKA

Suugaan afeedka leh (Tiraabta) xaraf raaca qaafiyadda gabayga oo kale, laakiinse aan lahayn miisaanka maansada, sida. Af iyo adin, Bari iyo bugux, Bad iyo barri, Bur iyo baad, Babac iyo bannaan, Bello iyo baas, Bashbash iyo barwaaqo, Tar iyo taran, Tiro iyo tayo, Tix iyo tiraab, Jiib iyo jaan, Jiif iyo joog, Juuq iyo jabaq, Xeer iyo xeegaan, Xillo iyo xoolo, Xoog iyo xeelad, Dan iyo duco, Dooc iyo dareen, Dadan iyo daalacan, Diif iyo diihaal, Dad iyo duunyo, Dabiyo dacal, dub iyo diir, Raq iyo ruux, Rug iyo raas, Rug iyo rays, Rag iyo rabi, Sol iyo saan, Surqan iyo sadan, Silic iyo saxarriir, Sad iyo Saad, Shaqal iyo shibane,, Sheeko iyo shaahid, Dhaweeye iyo dhameeye, Dhib iyo dheef, Cad iyo caano, Ciil iyo cadho, Cid iyo ciirsi, Caruur iyo ciroole, Cajab iyo Cajiib, Gar iyo gardaro, Gaban iyo ga'ban, Guux iyo gariir, Garbaaralay iyo garangoorlay, Garlay iyo garowshiyo'lay, Qaylo iyo qaxar, Qudh iyo qoon, Fud iyo faar, Fal iyo fal-kaabe, Faanle iyo faro-boodhle, Kafan...

Kabo-gashiga, Geela iyo Haweenkaba waa la hiddo raacaa.

Image
  Doollow kama tagana guurku adigoo cagaagan oo doonaaya inaad iibsato caggo-gashi, maaha inaad eegto quruxda qaab muuqaaleedka caggo-gashigu u sameysan yahay, wacnaantooda iyo qiimahooda, balse, waa in aad eegtaa cagogashigaas in ay ku leeg yihiin, sababtoo ah, haddii aad iibsato caggo-gashi ka weyn qiyaasta cagtaada, waa inaad u diyaar garowdaa in aad la'luudo jiiditaanka culayska caggo-gashigaas, waxaan xasuustaa qaar badan oo cagta jiidaaya oo ay ku adag tahay inay gaadhaan aayahooda,  Murti baa tidhaahda, Caggo-gashi kaa badan iyo tolba waa la iska dhex socdaa, taasoo loola jeedo in dadka tolka ahi ay iskugu jiraan dad isku dhafan oo kala ah, geesi, fulay, deeqsi, bakhayl, fariid, hoori,gurabaasle, doqon, halyeey iyo xidaari, markaa qofkii doona tol wanaagsan, tol la'aan buu mutaaye, oo lama wada helli karo tol wada halyeey ah. Haddii aad iibsato caggo-gashi ka yar qiyaasta cagtaadana, waa inaad u diyaar garowdaa inaad dareento xannuun aad u badan, waxaan xusuustaa dad...

Dhaqanka iyo Xidigiska

Image
 (Sidiggi daad kama talowdo baa la yidhi) Waar Lo'da waadaamo lugudkeedii dhacay ama jir laa ama jiilaal laaye, ceelka ka soo bax ayey odhan jireen xoolo dhaqatadu iyagoo u sahaminaaya xoolahooda maalmaha foolka ku soo haya waxa ay mudan doonaan, iyagoo uu eegaaya dhinaca xidigiska. Sidoo kale Lo'laydu neefka saca ah ee lamaan, haddii uu ku soo beegmo xilli abaareed oo aanu  haysan biyo iyo baad uu ku noolaado,  Lo'laydu neefka weysha ah ee saca ku lamaan way ka gowrici jireen, si aanay labadooduba u leedin xilliga lagu jiro abaarta. Waxa dhacday in Laba nin oo lo'lay ahi oo lo'doodu xerro kuwada jirtay, ay soo food saarto abaar aad u xumeyd,  labadoodaba waxa u xerraysnaa laba Sac oo irmaan, waxaannay isla garteen in labada weylood mid ahaan ay ka gowracaan, isla markaana, weysha hadhay ku sidkaan oo ay ku maalaan labada Sac ee irmaan,  markii ay abaartii ka jabtay ee dhulkii barwaaqoobay ee ay xoolihii intii hadhay ay heleen biyo iyo baad ku filan. Dhinaca xid...

Waa Aasaasihii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Image
Waxa uu ku dhashay Magaalada Cadan ee ku taala dalka Yemen, tariikhdu markay ahayd sannadkii 1958-kii. Yaraantiisii waxa uu waxbarshada dugsiga hoose uu ku soo qaatay dugsigii hoose ee la odhan jiray Macala oo ku yaalay magaalada Cadan ee Dalka yemen, iyo dugsigii la odhan jiray Dayaxa ee ku yaalay Gobolka Sanaag ee Dalka Jamhuuriyadda Somailand. Waxaannu nasiib u yeeshay in uu noqday hormadii ugu danbeysay ee dhameysatay Dugsigii Dayaxa sannadkii 1974-kii, wakhtigaas ka dib waxa la xidhay dugsigaas, taasoo sabab u ahayd ololihii lagu cidhib tirayey waxbarashada dugsiyadii reer Waqooyiga, waxaanna dugsiyadaas la xidhay ka mid ahaa, Dugsiga dayaxa, Oodweyne, Beer, Bulaxaar, dhamaan dusiyadaas waxa albaabada u laabay Wasiirkii Waxbarashada ee la odhan jiray Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Dr.Carabeyte) waxa uu waxbarashadii dugsigiisii sare ku soo qaatay Dugsigii Sheekh iyo Dugsigii Qardho sannadku markuu ahaa 1976-kii, ilaa iyo sannadkii 1978-kii, markii uu dhamey...

Toojaba nin leh baa maala

Image
Gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaaye, ma'lihi cidbaa Geel inaga noqotay, balse, waxaad moodaa hab-dhaqan dabeecaddeedkii xooluhu in uu saameyn ku yeeshay hab-dhaqan dabeecadeedka dadka reer guuraanimada ah, sababtoo ah ficil kasta iyo loolan kasta oo uu isku diyaariyo jidhku, waxa loo aaneeyaa in uu ka yimaado habdhaqan-dabeecaddeedka ay leeyihiin xayawaanka, xoolaha iyo dadkuba. Had iyo goor waxa dhacda, xilli laga soo gaasaabaxay jiilaal-dheeraaday oo lagu jiro xilli barwaaqo ah, galabsadayna gudgude roob, gelgelimahana ay jiifaan calcalyadii xareedda ahayd, caleemaha dhirtana ay saaran yihiin dharabkii dhibicii biyaha roobku, geeluna geedaha sare faraqa laamaha xarago laacayo marna uu ku nasanayo rujinta burarka dooga ee jaadba jaadka ah, labada fiidyo cawl fiidyo cawlkii danbe'na uu ku soo hooydey xeradiisii, haddii geelu habeenkaas mirta dhexe uu meel fog ka halacsado hilaac roob meel kale ka da'aya, waagu markuu beryo wuxuu u tooreeyaa jihadii xalay roobku ka da...

Nebiyada Quraanka Lagu Xusay

Image
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, Murtideenii iyo Aqoon korodhsigeenii, waxa aynu maanta halkan ku soo qaadan doonaa 25-Nebi ee magacyadooda lagu xusay Quraanka kariimka ah, sidii ay u soo kala horreeyeen Nebiyaddaasi.(CS) iyo Faracooda. 1- Adam. 2-Idiris. 3.Nuux.  4.Huud. 5. Saalix. 6.Ibraahim. 7. Luud.  8. Ismaaciil. 9. Isaxaaq 10 Yacquub. 11.Yuusuf. 12.Shucayb. 13.Ayuub. 14.Dul-Kifli  15.Muuse. 16.Haaruun.  17.Daa'uud. 18. Suleymaan. 19. Ilyaas. 20.Ilyasac. 21. Yuunus. 22. Sakariye. 23. Yaxye. 24. Ciise. 25.Muhammad (scw) By. Maxamed Faarax Qoti

Sheeko kale: Doraad waad arrin xumeyd...

Image
Sheeko kale: Doraad waad arrin xumeyd, shalayna waad ayaan xumeyd, maantana waad arag xuntahay. Sheekaba sheeko ayey keentaaye, nolosha miyiga ee reer guuraanimadu waa halkii ay ka soo aasaasantay nolosheenu, waa hore oo la soo dhaafay, Odey reer miyi ah ayaa cadho laba geedi kaga soo guuray reero uu la degenaa oo yaalay degel barwaaqo ah, nin caaqil ah oo aad u garaad wacan ayaa aad u abhiyey oo ku yidhi, waar balaayo kac oo guursay ku tidhaa ama kacoo guur, reerka ha rarine iska joog, mida kale sahan la'aan lama guuro ee ha guurin, oo reerka iyo caruurta ha u loogin bahalka ee nala joog hanaga guurinne, wuu ka diiday talladii caaqilkaas, waannu guuray oo wuxuu reerkiisii dejiyey guri-cas laga guuray oo ku yaalay keyn cidlo ah. Markii uu reerkii dejiyey ayuu waxoogaa ood ah u soo guray oo uu ku weegaaray xeradii adhiga, illayn waa oday soo daalay oo laba caano-maal geeddi ku soo jiraye wuu iska seexday, maalinkii danbe isagoo dulleedka reerka geed ku yaalay hoostiisa doonyey...

Neefsasho wadajirta

Image
Neefsasho wadajirta aynu ku gaadhno  yoolka Dowladda Hoose  Hoggaamiyayaasha Dowladdaha waxa  udub dhexaad u ah  tayo'da wanaagsan ee ay leeyihiin dowladdaha hoose, taasoo waxtarkooda  lagu qiimeeyo hab-raacyaddan kala duwan, sida,  tallo-wadaagga, isla-xisaabtanka,  hufnaanta,  kartida, ku dhaqanka xeerarka iyo qaynuunka.  Haddaba, Duqa Caasimadda Hargeysa  ee Dowladda Hoose mudane, Cabdikariin Axmed Mooge wuxuu ku yimid codka dadweynaha ku nool Gobolka Maroodijeex, waxaanna loo aqoonsan yahay  in uu yahay hoggaamiyaha arrimaha bulshada ee ku yimid codkii ugu badnaa ee ay ku soo doorteen bulshadiisu,  maayarku kuma shaqeeyo qolo, qolo,  qabiil, umana shaqeeyo qolo gaar ah ama dannihiisa gaarka ah, balse waxa uu u tafaxaydan yahay  danaha bulshadii soo dooratay in uu horumariyo,  waxaannu door muhiima ka qaataa  horumarinta wadajirka bulshada deegaankan kuwada nool, wacyi galinta bulshada, kor u qaadida iska...

Magacyadii hore

Image
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii halaasiga ahaa, murtidii iyo aqoon korodhsigeenii, maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa n magac bixinta loo eego dhinacyo badan, sida,  xilliga, maalinka iyo moorada uu dhashay ilmuhu, astaanta uu leeyahay ilmaha dhashay, habeenka uu dhashay ilmuhu, godka dayaxu fadhiyey, ulashadiisa, quruxdiisa iyo midabkiisa. Wiilka dhasha habeenka godka dayuxu fadhiyo Agaali waranlay, waxa loo bixiyaa col-ujoog, markuu dayaxu la fadhiyo dirirkana ama lagu jiro xaalad dagaalna waxa loo bixiyaa Dirir, wiilka dhasha  dayaxa oo  fadhiyo Koxdin cawo,  waxa loo bixiyaa Cawaale, ama ayaanle, Inantana Cawo ama Ayaan, Hodan, Sareedo, ama Hibaaq , ama  Doobiro. Wiilka dhasha libidhadu inta aanay soo bixin waxa loo bixiyaa waaberi,  waasuge,waa-dhowr, halka Inanta dhalata labada fiidyo cawl ka hore'na  waxa loo bixiyaa illeyska falaadhaha ka horeeya qoraxda,  Kaaha ama Iftin,  wiilka dhasha xilliga cimiladu kulushah...

Sheeko kale

Image
 SHEEKO KALE:  sheekadeenii ahayd waa hore oo aynu soo dhaafnay ayaa Nin Alle (SW) uu siiyey oori wacan, taran iyo taran xoolaad oo reer miyi ah, uu habeen habeenada ka mid ah isagoo hurda, ayuu dhurwaa u soo dhacay xeradii xooluhu ugu jireen, isla markiiba, waxa uu qoorta kala bixiyey wan shilis oo daylnaa, Ninkii reer miyaga markii uu maqlay sanqadha iyo diditaankii xoolaha ayuu degdeg hurdadii uga soo kacay, waxaannu soo aaday kadinkii xeradii xoolaha, markii uu dhowr midh oo oodii kadinka afsaarka u ahayd qaaday, ayuu dhurwaagii oodii dhacamada ahayd ee markii hore uu ka soo dhacay iska shubay.  Ninkii inan la yaalka ahaa, markii uu xeradii soo dhex galay, waxa uu arkay wankii xoolaha ugu shislaa oo rafanaya, oo naftu ka sii baxayso, waxaannu is yidhi, neefkan ku soo gaadhi maysid nafta inta aad madiisha u soo sido, waxaannu go'aansaday in uu hurdadiisii iskaga noqdo, waannu ka baxay xeradii xoolaha, isagoo aad ugu adkeeyey oodii afsaarka u ahayd kadinka xerada....