Wednesday, March 15, 2023

Magacyadii hore


Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii halaasiga ahaa, murtidii iyo aqoon korodhsigeenii, maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa n magac bixinta loo eego dhinacyo badan, sida,  xilliga, maalinka iyo moorada uu dhashay ilmuhu, astaanta uu leeyahay ilmaha dhashay, habeenka uu dhashay ilmuhu, godka dayaxu fadhiyey, ulashadiisa, quruxdiisa iyo midabkiisa.


Wiilka dhasha habeenka godka dayuxu fadhiyo Agaali waranlay, waxa loo bixiyaa col-ujoog, markuu dayaxu la fadhiyo dirirkana ama lagu jiro xaalad dagaalna waxa loo bixiyaa Dirir, wiilka dhasha  dayaxa oo  fadhiyo Koxdin cawo,  waxa loo bixiyaa Cawaale, ama ayaanle, Inantana Cawo ama Ayaan, Hodan, Sareedo, ama Hibaaq, ama  Doobiro.

Wiilka dhasha libidhadu inta aanay soo bixin waxa loo bixiyaa waaberi,  waasuge,waa-dhowr, halka Inanta dhalata labada fiidyo cawl ka hore'na  waxa loo bixiyaa illeyska falaadhaha ka horeeya qoraxda,  Kaaha ama Iftin,  wiilka dhasha xilliga cimiladu kulushahayna waxa loo bixiyaa suudi ama Xagaa ama kaliil haddii ay rooban tahayna Rooble, haddii roobku biyo dhigana Gabax ama Xareed.

Haddii reerku guurayana oo uu wiil dhashana waxa loo bixiyaa Nageeye, Inanta dhalatana Nagaad, marka reeku geeddi dheer uu ku jiro wiilka dhasha waxa loo bixiyaa Geedi ama Hayaan ama Kaynaan, goor habeenimo ah oo la guurayo wiilka dhasha waxa loo bixiyaa Guurre, labada fiidyo cawl ka danbe wiilka dhashana Gabal, inantana habeenkaa dhalatana Galabo.

Wiilka dhasha maalin Jimcaad waxa loo bixiyaa Jimcaale, Inanta dhalata maalin Isniina waxa loo bixiyaa Isniino, Axaddana Axado.

Marka labada waalid ay is'hayaan ee uu  dhex maro xurguf ama xafiiltan midba midka kale uu ku diidan yahay, wiilka  xilligaas dhasha waxa loo bixiyaa Colaad, haddii gar lagu jirana Guddi.

Wiilka yar ee naaska hooyaddii aan laga gudhin ee wali jaqa waxa loo bixiyaa Caanonuug, ka aan jiqina Caaganne, halka wiilka yar ee gaaxda naaska hooyadii jaqay ee ay ku dhalmo deysana, Gaaxnuug ama Goofaadhi, wiilka ishinkiisa dhaafana waxa loo bixiyaa dubad, haddii hooyadu muddo dhali weydo, ka dibna uu wiil u calool galo markuu dhasho ayaa loo bixiyaa Raage,  halka Inantana loo bixiyo Daaha, taas oo ah Qof la sugayey oo la raagsaday.

Inanta kulansata qurux, wanaag iyo garasha dheerna waxa loo bixiyaa Baxsan, Jamaad, Indho-deeq, Saxarla, Baar, Maandeeq, Haweeya, Midhifla, Xadiyo, Saluugla, Cawrala, ama Dahabo taasoo ah Shimbir yar oo garbaha ka madow, baalashana ka dahabiya, caddadhuuni, ama Siraad, Dhool oo ah fooda sare ee fadka daruurta cad ee hooraysa, wiilashana waxa loo bixiyaa Maydhane, Qorane, Xalane, Miigane ama Hufane,.

Dhinaca midabka wiilka dhasha ee midabkiisu basaliga xiga'na waxa loo bixiyaa Xoosh, Cadaawe, Cawl, mar kale  Cawl waxa loogu magac daraa cawlka lab, Wiilka ku dhasha midabka bunniga ah waxa loo bixiyaa Gadiid, Sugulle, Meygaag, Quulle, Haybe, Geydhe, Inantana Yusur ama Jinow

Inanta dhalata ee loo bixiyo Hibo waxa loola jeedaa  deeq aan dan gaar ah laga lahayn oo cid la siiyo, Deeqana waa wax aan deyn ahayn oo aad u baahnayd oo lagu siiyo, Inanta aan la qawadinna ee dhalatana waxa loo bixiyaa saluugla, Ceebla inkastoo ay tahay eray af-carabiya oo macnaheedu yahay bayuurla, Cosobna waxa loogu magac daray meel naqeedii aan wali la daaqin, halka Ruunna ay tahay meel deegaan ku haboon.

Fillashada wiilka dhashaa in uu noqon doono wiil aad u aqoon badan  ama fahmo badan oo wanaagsanna waxa  loo bixiyaa Buuni, Samatar, Samotalis, Samakaab, Shar-ma'arke, Inantana waxa loo bixiyaa Samawada, Qumman,  Dhuuxo.

Wiilka miisaankiisu hooseeyo ee soo dhasha loo bixiyo Dogox, weyd, inantana waxa loo bixiyaa gaasira, Wiilka dhasha ee farxadda iyo qosolka isku darana waxa loo bixiyaa Bulxan, wiilka dhasha ee nugulna, Cabanne, ka qeylada iyo oohinta  badanna Qowdhan, ka cadhada badanna Cartan, Marka reerka wiil ka baxo ee wiil kale u soo kordhan waxa loo bixiyaa Cawil,

Dhinaca sumadda ama astaanta wiilka ku dhasha bar ku taala jidhkiisa meel ka mid ah, waxa loo bixiyaa Barre, Beyle, Inantana Barlay, wiilka ku dhasha  buro ku taalla wejigiisa ama jidhkiisa kalena Buraale,  wiilka ku soo dhasha xaad badan oo ku taala jidhkiisana waxa loo bixiyaa xaad, Inantana Xaadsan,  haddii timahiisu dib u faydan yihiina Xeyd, wiilka dhasha isaga oo mandheertu ku maran tahay Shaqalle, Inantana Shaqlan....la soco

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid