Wednesday, February 14, 2024

Hal-xidhaale


Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, saddex nin ayaa wada-lahaa goob cuntada bisil lagu iibiyo, saddexda Nin mid ka mid ah inta uu aroortii shaqada soo galo ayuu duhurkii ka rawixi jiray, midna fiidka ayuu ka riwixi jiray, ka saddexaadna habeenkii buu shaqeyn jiray, haddaba weydiinta hal-xidhaalahanni daaran tahay waxa weeye.

Maalin maalmaha ka mid ah, markii uu soo shaqo tagay aroornimadii mid ka mid ahi saddexdii nin, ayaa maqalkii lacag ku jirtay inta uu in leeg ku daray ayuu kala baxay 20-shillin, kii labaadna markii uu yimid, ayuu maqalkii lacagtii ku jirtay inta uu in leeg uu ku daray, ayuu kala baxay 20-shillin, ninkii saddexaadna markii uu yimid shaqadii ayaa lacagtii maqalka ku jirtay uu in leeg ku daray, waxaannu maqalkii kala baxay 20-shillin, ka dibna, maqalkii waxa uu joqday faaruq, markaa imisay ahayd lacagta ku jiray maqalka??

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid