Saturday, July 15, 2023

Dhaqanka iyo Xidigiska


 (Sidiggi daad kama talowdo baa la yidhi)

Waar Lo'da waadaamo lugudkeedii dhacay ama jir laa ama jiilaal laaye, ceelka ka soo bax ayey odhan jireen xoolo dhaqatadu iyagoo u sahaminaaya xoolahooda maalmaha foolka ku soo haya waxa ay mudan doonaan, iyagoo uu eegaaya dhinaca xidigiska.

Sidoo kale Lo'laydu neefka saca ah ee lamaan, haddii uu ku soo beegmo xilli abaareed oo aanu  haysan biyo iyo baad uu ku noolaado,  Lo'laydu neefka weysha ah ee saca ku lamaan way ka gowrici jireen, si aanay labadooduba u leedin xilliga lagu jiro abaarta.

Waxa dhacday in Laba nin oo lo'lay ahi oo lo'doodu xerro kuwada jirtay, ay soo food saarto abaar aad u xumeyd,  labadoodaba waxa u xerraysnaa laba Sac oo irmaan, waxaannay isla garteen in labada weylood mid ahaan ay ka gowracaan, isla markaana, weysha hadhay ku sidkaan oo ay ku maalaan labada Sac ee irmaan,  markii ay abaartii ka jabtay ee dhulkii barwaaqoobay ee ay xoolihii intii hadhay ay heleen biyo iyo baad ku filan.

Dhinaca xidigiskana xoolo dhaqatadii hore waxa ay odhan jireen, xidigta habarteed waa waabariis, waabay ku bilatayoo, ama weysha qalo bay ku odhan way tibaaq dhigiye, ama weelka culo bay ku odhan iyo wacad Eebe.

Haddaba, waxa dhacday markii weyshii yareyd qurux badnaatay ayey  labadii nin isku qabsadeen,  ayey iskula tageen nin xidaariya oo garyaqaan ah in uu u garnaqo,  Gartana waxa loo qaadaa laba qof ama wax ka badan, inkastoo cidna ay ku jiifsato, cidna ay u sed-buriso, had iyo goorna marka uu isqabad yimaado, waxa lagu taliyaa in ay fiican tahay in waxyaabo badan la iska dhaafo oo mar walba arrinka korka laga xaadiyo, taasoo ay ujeedadeedu tahay in si doqoniimo ah oo fool xun aan loo xisaabtamin.

Ninka garta naqayaana wuxuu yaqaanay nooca gartu noqonayso iyo waxa ay ku dhamaanayso, Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa", taasoo loola jeedo, maadaama  garuhu ay badan yihiin, in dhibaato walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeellan karto ee ku haboon.

Ninkii xeerbeegtida ahaa ayaa weyshii yareyd ee labada nin isku qabteen ku soo xidhay keyn ku taalay gebi ka durugsanaa doox xilli cirku uu rimanaa, labadii sacna ay daaqayeen, gebiga dhinaciisa kale, markii uu dooxii soo rogmaday ee ay biyihii yaraadeen, ayey weyshii yareyd muuso nowday, labadii Sac mid ka mid ahi wuu iska daaqayey, sacii kale'na markuu codkii weysha uu maqlay, ayuu u soo kicitimay dhankii uu dhawaaqa ka maqlayey, ka dibna,  dooxii oo uu daadkii socdo ayuu isku dhex tuurtay.

Ninkii xidaariga ahaa baa yidhi, murtidan noqotay maahmaahda, Sidiggi daad kama talowdo.

Haddaba akhristayaasha sharafta mudan waxaan u dhaafayaa dhibic ka mid ah qormadeenana, magaceed gartan uu u isticmaalay xidaarigu?


Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid