Tuesday, March 28, 2023

Sheeko kale: Doraad waad arrin xumeyd...

Sheeko kale: Doraad waad arrin xumeyd, shalayna waad ayaan xumeyd, maantana waad arag xuntahay.

Sheekaba sheeko ayey keentaaye, nolosha miyiga ee reer guuraanimadu waa halkii ay ka soo aasaasantay nolosheenu, waa hore oo la soo dhaafay, Odey reer miyi ah ayaa cadho laba geedi kaga soo guuray reero uu la degenaa oo yaalay degel barwaaqo ah, nin caaqil ah oo aad u garaad wacan ayaa aad u abhiyey oo ku yidhi, waar balaayo kac oo guursay ku tidhaa ama kacoo guur, reerka ha rarine iska joog, mida kale sahan la'aan lama guuro ee ha guurin, oo reerka iyo caruurta ha u loogin bahalka ee nala joog hanaga guurinne, wuu ka diiday talladii caaqilkaas, waannu guuray oo wuxuu reerkiisii dejiyey guri-cas laga guuray oo ku yaalay keyn cidlo ah.

Markii uu reerkii dejiyey ayuu waxoogaa ood ah u soo guray oo uu ku weegaaray xeradii adhiga, illayn waa oday soo daalay oo laba caano-maal geeddi ku soo jiraye wuu iska seexday, maalinkii danbe isagoo dulleedka reerka geed ku yaalay hoostiisa doonyeystay, oo yara laama-doodsan, ayaa Ninkii Caaqika ahaa oo aan weli ka quusan ayaa ka daba yimid, oo meel gaaban mudh kaga soo yidhi Odaygii oo geedkii hoos laama-doodsan.

Ka dib, markii ay is bariidiyeen ee ay aad isku xaal wareysteen, ayuu haddana abhiyey oo uu ku yidhi, ergaan ahay maanta ee iga aqbal oo reerka aan kula raro, waannu ka diiday mar labaad.

Ninkii Caaqilka ahaa ayaa ku yidhi; waar nin yahow haddaad ergadiina aad iga diiday, goobtan waxa ay leedahay Libaax dad-qaad ah ee reerka aad uga ood, weliba mus-danbeedka guriga xoog isaga adkee, Odaygii reer miyiga ahaa wuu iska dhayalsaday hadalkii caaqilka, waanu iska seexday markii qoraxdu libidhay.

Habeenimadii reerkiisii buu Libaax u soo dhacay, waxaannu haf la yidhi wiil yar oo odaygu uu dhalay, markii uu maqlay wiilkii yaraa qeyladiisii, ayuu ku soo ambabaray oo intuu waran qaatay daba rooray Libaaxii dad-qaadka ahaa, nasiib darro'se, wuu gaadhi waayey, waanu iskaga soo noqday. 

Subaxnimadii danbe ayuu dib ugu soo guuray deegaankiisii, isagoo aad u murugaysan oo diif iyo diihaal badanna ay ka muuqato, waxaannu u yimid Ninkii Caaqilka ahaa, waxaannu uga sheekeeyey rafaadkii iyo dhibtii uu la soo kulmay, isla markaana uu wiilkiisii uu ku waayey, oo uu xalay inta Libaax u soo dhacay, oo mid ka mid ah ubadkiisa kii uu ugu jeclaa uu la tagay Libaaxii. 

Ninkii Caaqilka ahaa oo aan ku wiirsaneyn, ayaa ugu hal celliyey, Nin yahow Doraad waad arrin xumeyd, Shaleyna waad ayaan xumeyd xumeyd, Maantana waad arag xuntahay.

Qoraa, Maxamed Faarax Qoti

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid