Saturday, July 15, 2023

Waa Aasaasihii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka


Waxa uu ku dhashay Magaalada Cadan ee ku taala dalka Yemen, tariikhdu markay ahayd sannadkii 1958-kii.

Yaraantiisii waxa uu waxbarshada dugsiga hoose uu ku soo qaatay dugsigii hoose ee la odhan jiray Macala oo ku yaalay magaalada Cadan ee Dalka yemen, iyo dugsigii la odhan jiray Dayaxa ee ku yaalay Gobolka Sanaag ee Dalka Jamhuuriyadda Somailand.

Waxaannu nasiib u yeeshay in uu noqday hormadii ugu danbeysay ee dhameysatay Dugsigii Dayaxa sannadkii 1974-kii, wakhtigaas ka dib waxa la xidhay dugsigaas, taasoo sabab u ahayd ololihii lagu cidhib tirayey waxbarashada dugsiyadii reer Waqooyiga, waxaanna dugsiyadaas la xidhay ka mid ahaa, Dugsiga dayaxa, Oodweyne, Beer, Bulaxaar, dhamaan dusiyadaas waxa albaabada u laabay Wasiirkii Waxbarashada ee la odhan jiray Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Dr.Carabeyte) waxa uu waxbarashadii dugsigiisii sare ku soo qaatay Dugsigii Sheekh iyo Dugsigii Qardho sannadku markuu ahaa 1976-kii, ilaa iyo sannadkii 1978-kii, markii uu dhameystay kuliyaddii caafimaadka ee (Somali National University) sannadku markuu ahaa 1979-kii ilaa iyo 4-tii bishii December sannadkii 1983-kii, waxa uu ka hawl-galay Wasaaradda Gaashaan-dhiga ee ciidamada Soomaaliya oo uu ka gaadhay Gaashaanle Dhexe sannadku markuu ahaa 1984-kii ilaa iyo bishii Julaay sannadkii 1989-kii, isla wakhtigaas waxa kale oo uu dhameystay Jaamacadda takhakhuskiisii gaarka ahaa ee Qaliinka Guud (General surgery) sannadkii 1986-kii ilaa iyo sannadkii 1989-kii.

Dr. Carabeyte waxa uu go’aansaday in uu u ku biiro Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee (SNM) ee u halgamayay xorriyadda madaxbanaanida dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sannadku markuu ahaa 1989-kii bishii Julaay ilaa iyo sannadkii 1991-kii, waxaannu ahaa Dhakhtarkii Qeybta Sagaalaad ee Ciidamadii (SNM).

Dr. Carabeyte waxa Juhdi badan galiyey sidii ay bulshadu u helli lahayd kaabayaasha adeegyada caafimaad dalka, waxaannu furay Cusbitaalkii Ceerigaabo ee ugu horeeyey 9sannadku markuu ahaa 1994-kii ilaa iyo sannadkii 1996-kii, ka dib, waxa uu ku soo wareegay, isagoo ka noqday dhakhtarka qaliinka guud ee Cusbitaalka Guud ee Caasimadda Hargeysa, sannadkii 1997-kii.

Wakhtigaas waxa aan ka xasuustaa in uu ku guuleystay qaliin uu ku bedbaadiyey Oday uu ka gooyey buro miisaankeeda lagu qiyaasay 10-kiiloo, isla wakhtigaas waxa ay Dowladdii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu Madaxweynaha uu ka ahaa ay dib ugu celisay Cusbitaalka Ceerigaabo, ka dib markii codsi uu kaga yimid bulshadii deegaankaas in dib loogu soo celiyo dhakhtarkaas, halkaas oo uu ka soo shaqeeyey sannadkii 1998-kii ilaa iyo sannadkii 2002-dii. 

Ka dib, waxa uu xuub siibtay dhinaca siyaasadda isagoo ka mid noqday murasharaxiintii u tartamayeysay xubinnimada Golaha xeer-dejinta ee ka sharaxnaa xisbiga talada hayey ee Kulmiye sannadku markuu ahaa 2005-tii, inkastoo aanu ku guuleysan jagadaas, haddana waxa loo magacaabay Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Saaxil , isla markaana ah dhakhtar qaliin cusbitaalka magaalada Berbera sannadku markuu ahaa 2007-kii ilaa iyo sannadkii 2010-kii.

Marka laga yimaado muddo saddex sannadood ahayd oo uu ka hawlgalayey Cusbitaalka Hargeysa iyo Cusbitaalka Ceerigaabo, haddana waxa loo magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Cusbitaalka Qaaxada ee Caasimadda Hargeysa sannadkii 2013-kii ilaa iyo sannadkii 2016-kii, markii hay'addii (MSF) ka baxday Cusbitaalkii Burco ee uu xidhmay ayaa haddana waxa dib loogu magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Cusbitaalka Burco sannadkii 2016-kii ilaa iyo 2017-kii.

Dr. Csrabeyto waxa uu nasiib u helay in uu buuxiyo jago uu banneeyey xubin ka soo baxay xisbi siyaasaddeedka Kulmiye oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Xeer-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland, sannadku markuu ahaa 2017-kii ilaa iyo sannadkii 2021-kii.

Dr. Carabeyto kuma koobna oo kaliyaata dhinaca caafimaadka iyo siyaasadda, ee waa hal-abuur curiyey dhowr iyo toban heesood oo ay ka mid tahay heesta tashatoo Somaliland taladii lixdankii ka tisowday.

Dr. Carabayo hadda waa xubin ka mid ah gudiga fulinta xisbiga talada haya ee Kumiye, tan iyo ilaa sannadkii 2005-tii, inkastoo uu yara xannuunsaday, hadda wuu caafimaad qabaa, waana la taliyaha Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid