Sunday, March 12, 2023

Sheeko kale


 SHEEKO KALE:  sheekadeenii ahayd waa hore oo aynu soo dhaafnay ayaa Nin Alle (SW) uu siiyey oori wacan, taran iyo taran xoolaad oo reer miyi ah, uu habeen habeenada ka mid ah isagoo hurda, ayuu dhurwaa u soo dhacay xeradii xooluhu ugu jireen, isla markiiba, waxa uu qoorta kala bixiyey wan shilis oo daylnaa, Ninkii reer miyaga markii uu maqlay sanqadha iyo diditaankii xoolaha ayuu degdeg hurdadii uga soo kacay, waxaannu soo aaday kadinkii xeradii xoolaha, markii uu dhowr midh oo oodii kadinka afsaarka u ahayd qaaday, ayuu dhurwaagii oodii dhacamada ahayd ee markii hore uu ka soo dhacay iska shubay. 

Ninkii inan la yaalka ahaa, markii uu xeradii soo dhex galay, waxa uu arkay wankii xoolaha ugu shislaa oo rafanaya, oo naftu ka sii baxayso, waxaannu is yidhi, neefkan ku soo gaadhi maysid nafta inta aad madiisha u soo sido, waxaannu go'aansaday in uu hurdadiisii iskaga noqdo, waannu ka baxay xeradii xoolaha, isagoo aad ugu adkeeyey oodii afsaarka u ahayd kadinka xerada. 

Wax yar ka dib, Ninkii reer miyiga ahaa Sodohdii oo maqlaysay sanqadha ayaa dibadda u soo baxday, waxaannay u soo kicitintay dhinaca xerada xooluhu ku xareysan yihiin, waxaanay iska gurtay oodii afsaarka xerada u ahayd, markii ay soo dhex gashay xeradii waxay aragtay neef gaylaama, si degdeg ah ayey dib ugu soo noqotay gurigii, waxaanay soo qaadatay madiil oo ay ku gowracday neefkii. 

Markii waagu uu beryey ee xoolihii foofeen, ayuu soo toosay gadh-wadeenkii reerku, waxaannay ishiisu halacsatay, neefkii xalay dhurwaagu dilay oo Sodohdii inta ay gowracday oo geed ku dhex yaalay reerka gudihiisa sudhay ay haraga ka saarayso. 

Talaa ku caddaatay, haddii uu gabadhiisa u sheego arrintaas, wuu garanayaa jawaabta kaga imanaysa, ma hooyaday baa bakhtiga qalata, haddii iska aamusana, iyaduna waa dhibaato hor leh, umana adkaysan karayo in uu bakhtigaa cuno. 

Haddaba, waxaan dhibic ka mid ah sheekadan u dhaafayaa dadweynaha, sideebaa xal loogu helli lahaa dhacdadan? 

Jawaabta suaashaasi waxay ahayd, markii uu soo toosay ee uu arkay neefkii oo geed halkanna ka soo daldalan oo sodohdii haraga ka saarayso, ayuu orod maciinsaday, waxaannu u tagay nin sheekh ah, oo ay aad iskugu dhawaayeen, waanu u waramay, waxaannu ku yidhi: sheekh gurigiibaan ku noqonayaaye, markaan kadinka maraayo, ayaan ogaan isku tuurayaaye, waxaan odhanayaa sheekh hebel ii doona, markaad idul timaaddo ee aad quraanka igu akhrido, waxaad tidhaahdaa, ma jiraa wan deylan oo bahal qanniinay, Haa marka lagu yidhaahdo, waxaad tidhaahdaa, wanka badhida madow leh ee xoolaha ku jira, waa in si degdeg ah loo qalaa, laguna beddelaa wanka daylan, lagana illaaliyaa duggaagoo dhan in aanay cunnin, isla markaana, waa in god lagu ridaa, ka dibna, lagu aasaa. 

Ninkiibaa is tuuray markii reerka yimid, buuq iyo sawaxan baa oogsaday, sheekhiibaa loogu yeedhay oo intii ay isku ogaayeen halkii mariyey, Sodohdii markiiba waxay go'aansatay in ay talaabadaa sheekhu sheegay fuliso, wankii badhida madoobaa ayaa la gowracay oo halkii la sudhay wankii daylnaa uu ka soo laalaaday, ninkii oo dhididsan illeyn waa nin orod dheer soo galaye, ayaa soo kacay, markii neefkii kale la qalay. 

Sidaas buu xal ugu hellay ninkii reer miyiga ahaa.

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid