Saturday, July 15, 2023

Toojaba nin leh baa maala


Gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaaye, ma'lihi cidbaa Geel inaga noqotay, balse, waxaad moodaa hab-dhaqan dabeecaddeedkii xooluhu in uu saameyn ku yeeshay hab-dhaqan dabeecadeedka dadka reer guuraanimada ah, sababtoo ah ficil kasta iyo loolan kasta oo uu isku diyaariyo jidhku, waxa loo aaneeyaa in uu ka yimaado habdhaqan-dabeecaddeedka ay leeyihiin xayawaanka, xoolaha iyo dadkuba.

Had iyo goor waxa dhacda, xilli laga soo gaasaabaxay jiilaal-dheeraaday oo lagu jiro xilli barwaaqo ah, galabsadayna gudgude roob, gelgelimahana ay jiifaan calcalyadii xareedda ahayd, caleemaha dhirtana ay saaran yihiin dharabkii dhibicii biyaha roobku, geeluna geedaha sare faraqa laamaha xarago laacayo marna uu ku nasanayo rujinta burarka dooga ee jaadba jaadka ah, labada fiidyo cawl fiidyo cawlkii danbe'na uu ku soo hooydey xeradiisii, haddii geelu habeenkaas mirta dhexe uu meel fog ka halacsado hilaac roob meel kale ka da'aya, waagu markuu beryo wuxuu u tooreeyaa jihadii xalay roobku ka da'ayey oo lagama karo, sidaa awgeed baa hees hawleedkan geela loogu heesaa, Hilaacii xalay, kii habeen hore, kii hore u da'ay iskuma heshide, mid uun ku hagaag, waxay ku hogotusaysaa in lagala maarmi waayey geela in lagu dhaliilo in aanu isku helayn labada laac, inakstoo uu Geelu yahay daneyste bilaa godob ah, oo raadsanaya uun dhuunigii Alle (sw) uu ku galaday, balse bani'aadamku ma'mahadiyaan ee way ka shaleeyaan.

Marka gala dagaalka ama gurgurshaagii loo hanweynaa ee garashada la bidi jiray uu guluf iyo colaadiyo guul darro u sahan tago, waxa ay qowsaaradu ugu heesi jireen hees hawleedkan, Kud iyo cadhoba, hadba kii daran, kayn lagugu ood, nin ku neceb iyo naago kuu hadhe, haadku ku daba yaac.

Halka marka buubaal loo hanweyn yahay, heegadda lageeyo, darajiyo hab lagu ladho, haddana lagu hungoobo, ka huleela samahana, waxa ay qowsaaradu ugu heesi jireen hees hawleedkan, Horaadkaagiyo horaadka hablaha wax la huurshaba hareer laga arag iyo aad gadoodide, gaalo iyo islaam, geelow yaa ku leh.

Marka aynu ka nimaadno gebi dhacleynta dhaqan dabeecaddeedkaas, Qawsaar ka mid ahaa qawsaarada inta badan ku hawlan ee dedaallada isdaba jooga ah galiya tacabka dhaqashada xoolaha oo ay dadka qaar u haysteen inuu yahay daba-dhoon ka adag geela marmaristooda, maraq u feedhistooda, godolkooda, horistooda, nirgaha ka guristooda iyo ka celintooda.

Balse, wuxuu ku noqday Qowsaar la dhohon-dhohay weecaansashada tacabka taranka xoolaha xergeyntooda, illaalintooda, oodiddooda, aroorintooda, maaliddooda, daajintooda, daaweyntooda, hillaadintooda, baadidoonkooda, u kuurgaliddooda, foofintooda, caraabintooda iyo waraabintooda, kaasoo ku luuqeynaayey xilli uu guda jiray waraabka geela hees hawleedkan, Xalluu gabantii, geed la waabiyo, guuro kaga tagay, ileyn, haddii Abeerka kiisa naaxiyo, aaranku is waayo, ma'kala aamusaane wuu isku olollaaye.

Markii uu gaadhay goobtii waraabka ee uu ceelkii hoos ugu dhaadhacay buu yidhi, hees hawleedkan, Wadaan waxa shuba walaalo is jecel, hadday weydana wiil iyo abtigii, wax yar ka dib, hormadii ugu horeysay ayaa jiidhay darkii biyaha loogu shubay, haddana waxa uu ku luuqeeyey, hees hawleedkan, Darbi cagaweyn, oo dar loo dhigay, illeyn waa doqonnoo, deysan maysee wey iska dumisaa, markii geelii uu fulayna waxa uu ku luuqeynaayey hees hawleedkan, Geel-geel, fulay gaadhimaayee, hakadaba fulo.

Markii ay gaadhay xilligii jiilaalka ee dhulkiina uu xaalauf noqday, qowsaarkii isagoo geela u heesaya waxay yidhi, hees hawleedkan, Bur cosob leh, biyo ka agdhow, baadi doonyoo, biciidkuba waa iyo Maraaga engagay ee aan man iyo xays midna loo arag maroorinaayow.

Markii jiilaalkii uu ku sii daba dheeraadayna waxa uu ugu heesay geelii, hees hawleedkan, Hadaan ururkii iyo Afagaashii aan intaba riday oon agooliyey tii-timaadaba iga’arag uun.

Mfqoti


No comments:

Post a Comment

Mahadsanid