Posts

Nayruuska saadaasha sannadka cusub 2023

Wersidaheena Nayruuska saadaasha xidigiska ee sannadlaha ah ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradii 11-aad ee aan qoro. Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana, Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska i...

Gorgorka

Image
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sawirkeenii sannadlaha ahaa, Sawirka Maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Dagaalka Gorgorka iyo Maska, Gorgorku kulama dagaalamo Maska dhulka guudkiisa, laakiinse,  Gorgorku marka uu la haado maska hawada  sare ee dheeliga tiran ee xaaladduna ay isku beddesho dagaalka cirka,  marka uu ku sugan yahay hawada sare ee dheeliga tiran Masku ma'laha adkaysi awooddeed oo uu ku sii dagaalamo,  waxaannu dareemaa Tamar la'aan iyo habacsannaan badan.  Markii lagaga adkaaday Dagaalkii Siyaasadda Arrimaha Dibedda ayey u soo rareen Dagaalkii Siyaasaddii Gudaha iyagoo waliba adeegsanaya maaweelliyayaal ah Hiddiwaallayaal iyo Gurabaaslayaal cadheysan oo loo soo xanbaariyey xumbo.  Haddaba,  siyaasadda dagaalka gudaha ee   la soo waaridday waa inaad  u rarto dhinaca ruuxda, sababtoo ah caddowgaaga lagulama dagaallamo aagga ay ku raaxaysanayaan, laakiinse waxa muhiim ah in aad dagaalka u beddesho jiho kale,  sida Gorgork...

Boqorkii Dadkiisa u Fasaxay Inay Xaman-karaan..

Image
  Waa hore oo aynu soo dhaafnay, waxa jiray Boqor ka mid ahaa Boqorradii ka soo taliyey dalka Koongo (Congo) ee qaaradda Afrika, Boqorku waxa uu muddo dheer  ku riyoon jiray dadka reer Koongo oo cabbaya biyo nadiif ah oo macaan, hilaadda xilligaas waxay dadka reer Koongo ay ka cabbi jireen biyaha Wabiyada Ubangi–uele iyo Kasai. Biyaha ku jira Wabiyadan waxay ahaayeen kuwo  wasakhaysan oo aan nadiif ahayn, dadka reer Koongo markay cabbaan biyahan wasakhaysan waxa ku dhici jiray  cuduradda ay ka mid yihiin, ” Ebola, cagaarshowga (Yellow fever) Kolooraha, shuban-biyoodka, cudurka dabeysha iyo Beer-xannuunka, cuduradaas oo sababi jiray in ay dad badan oo reer Koongo ahi u dhiman jireen. Boqorku wuxuu juhdi badan galiyey in la sameeyo sahamin biyood oo qaadatay muddo dheer ayaa lagu guuleystay soo saarista ceel-biyood leh biyo macaan oo nadiif ah, ka dib  muddo sannad ah ayaa la ogaaday in bulshadii degaanka ku noolayd aanay isticmaalin ceelkii biyaha macaannaa ee Bo...

Taaladii Xusuus Reebka ahayd

Image
Ninbaa laga hayey Kaaraa I'jiidhay, muu soo hadal qaadeen, walee Miig baan goob çidla ah ka hellin oo aan rusheyn, markaan arko dhalin yaro badan oo isku hoos sawiraaya taalada xusuusta dheer leh ee loo sameeyey xasuuqii ciidamadii taliskii Siyaad Barre u geysteen shacbiga reer Somaliland, Taaladaas oo guudkeeda la dul saaray mid ka mid ah diyaaraddihii dagaalka ee loo yaqaano Mig-17 kuwaasoo ka haadi jiray gegeda diyaaraddaha caasimadda Hargeysa, ayaa haddana waxay dib u rusheyn jireen dadkii rayidka ahaa ee ka barro kacay Isla Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland,        Taaladan xusuus reebka ah markaan arko waxay igu beertaa dareen gaar oo dib ii xusuusiya maalmihii qadhàadhaa, Miigaas oo ay wadaan laba duuliye oo lla beegsanaayey hubka darandooriga udhaca, iyo xeeladdii aan kaga bedbaadi jiray. Markii ay soo galeen Caasimadda Hargeysa ciidamadii xaq u dirirka wadaniga Soomaaliyeed ee SNM (Somali National Movement) taariikhdu markay ahayd ...

Tiri nimcooyinka

Image
Akhriste bal tiri nimcooyinka qarsoon ee uu Alle inagu manaystay. Wali waxaynu ku guda jirnaa dhacdooyinkeenii maalin laha ahaa, annigoo ka fikiraaya waraaq codsiya oo aan u gudbiyey xafiis ka mid ah dowladda oo aanan wali hellin ulashadaydii muddo saddex bilood ah, ayey indhahaygu halacsadeen xilli amintu ay ahayd hadhsiimo oo suudiga Qoraxduna uu aad u darnaa, jawiga cirkuna uu aawannaa oo ay ku shaqlanaayeen caad cad aad moodo in uu huwan yahay ciiro, markaad eegto'na ay indhuhu kugu daalayaan. Waxay ahayd xill dabeyshu ay taagan tahay oo naftu hadh-hadhyoonayso, ayey indhahaygu halacsadeen wiil dhalin yaro ah oo naafo ka ah muruqyada jidhka iyo hadalka oo baaskiilad curyaan kaligii dib isugu wada xilli cimiladuna aad u kulushahay, waxaan garrowsaday nimcooyinka qarsoon ee uu Alle isiiyey, waxaan idhi : Alla ladaniyaa, waxaan eegay nimcooyinka qarsoon ee aan haysto, waan caawiyey illaa masaafad dhan ku dhawaad 3-kiiloo mitir, ka dibna, waxa sii caawiyey laba hablood, laakiinse w...

Buug madowbuu ku qoray Qalin madow

Image
Wuxuu tamaniyey in uu curiyo maahmaàyo cusub, balse, muu fahmin maahmaahdu in ay ka duwan tahay Murtida inteeda kale, waxa aad moodaa in uu xidhnaa muraayad madow, oo uu qol madow uu ku  qoray qalin madow, warqad madow. Cabdicasiis Maxamed Yoonis odhaahyada uu ku sheegay in ay yihiin  maahmaahyo cusub waxa ka mid ahaa, sida, Nin bidaar lihi koofiyad ma'waayo, tahriib lagama taajiro, jacaylku ma'waayo askari jiifa, doolar nin arkayaa ma dareemo daal, fiise fadhi Laguma hello, isqarxin qudh gooyn mooyee ma'laha qiil, madaxtooyada nin hormaray ma'milicsan waayo, mucjisadu muran uma baahna. Cabdicasiis muu ogeyn in ay Maahmaahdu tahay sarbeeb mutaxan oo ka duwan Murtida inteeda kale, sida, Odhaahda, Weedha, Hal-qabsiga, Hal-hayska, Hal-muceedka iyo Hal ku dhega, bal u fiirso Maahmaahdan “Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso" taas oo loola jeedo laba gari dhex-martay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, sidaa darteedna waxay maahmaahda caynkaas ahi t...

Baroor-diiqdii Bisaddaha

Image
Muddo kooban ayaan ka fikiraayey hal aan tebayey in aan idiin soo tebiyo qoraalkan xanbaarsan baroor-diiqda boqollaalkii naftood ee ku naf waayey dabkii ka qabsaday suuqa ganacsiga waaheen iyo tiiraanyada boqollaalkii wadhatada dan-yartii tabaalaysneyd ee hantidooda ku weyday aafadii ka dhalatay dabkii ka huray suuqa ganacsiga waaheen ee ku yaalay Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland. Dadka qaarbaa aad ula yaabay, ka dib,  markii ay ka dhegeysteen war-baahiyayaasha muuqaal aragga, dhacdadii ka dhacday Dalka Ingiriiska in laga furay hudheel cunto oo loogu tallo-galay in ay ka cunteeyaan Dab-joogta Bisaddaha, laakiise, suuqa ganacsiga waaheen waxa ku nafwaayey boqollaal dab-joog ah oo aan haysan daryeel caafimaad, cunto, biyo nadiif ah oo ay cabaan iyo hooy ay ka jirsadaan roobabka iyo dhaxanta. Waxa uu u ahaa suuqaasi gabood iyo gaashaan, waxaannay ka helli jireen cuntada ay ku noolaayeen, habeenkiina waxa uu u ahaa hooy ay seexdaan bisaddahaasi. Habeennimadaas markii d...

Maaha Xisbi, Xisbiga Ay Dadkiisu Ka Siibtaan

Image
Waxaan nasiib u yeeshay in aan la kulmo masuul ka mid ahaa masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI, kaasoo wajigiisa ay ka muuqatay furfurnaan, guddoon wacan oo laga dheehan karayey xilkasnimo iyo firfircoonni, wuxuu ahaa indheer-garad fahmo badan oo leh aqoon iyo waayo-aragnimo dheer, oo aan lahayn qab iyo qabyaalad, waxa uu lahaa dabeecad wanaagsan iyo hab-dhaqan toolmoon oo ay awooddiisu aad u sareysay. Sababtoo ah, dabeecaddaha aadamaha lama garan karo muddada ay qaadato koritaankeedu, balse, waxa lagu qiimeeyaa akhlaaqda iyo anshaxa guud ee qofku uu u muujiyo dadka kale. “Xisbigu waxa uu ku dhisan yahay waa dadka, dadkaana dhistay oo maalgaliya, dadkaasina waxa ay u baahan yihiin in lagula dhaqmo dareen daacadnimo leh, raali-galin iyo soo dhaweyn wacan, laakiinse maaha Xisbi, Xisbiga dadkiisu ay ka siibtaan” Sidaas waxa yidhi Eng. Cabdiraxmaan Ibraahim Cartan oo ku dhashay Caasimadda Hargeysa taariikhdu markay ahayd 28-kii bishii December sannadkii 1964-kii. Eng. Waxa uu ku so...
    Qisadii Askarigii Jeclaaday Wasiiradii Uu Illaaliayaha U  Ahaa

Waa taariikhdii loo soo maray Codeyntii Dastuurka Qaranka jamhuuriyadda Somaliland

  Waa dhacdo taariikhiya oo uu ku baahiyey bartiisa muuqaal araga ,id ka mid ah mareegaha muuqaal araga ee magaciisa la yidhaahdo Saxartire.news, taariikhdaas oo ahayd wakhtigii lagu jiray codeyntii Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taariikhdu markay ahayd 30-kii bishii shanaad ee sannadkii 2001  

Askarigii Jeclaaday Wasiiraddii Uu Illaaliyaha u Ahaa

Image
Askari Illaalo u ahaa wasiirad  ka  mid ahayd Gollihii wasiiradda xukumaddii  ex,ex, oo qabay  gabadh u dhashay afar wiil iyo shan hablood,  askarigaas oo muddo dheer illaalo u ahaan jiray wasiiraddaas ayaa markii danbe ku eegay ill kalgacal leh, askarigan waxa uu had iyo jeer fuuli jiray kurrsiga hore ee gaadhiga wasiiradda, isla markaana waxa uu muraayadda hore ee gaadhiga ka daawan jiray  kursiga danbe ee ay saaarneyd wasiiraddu, taasoo wasiiradduna ay u arki jirtay had iyo goor nin feejigan oo illaalinaya, lana socda dhaq-dhaqaaqeeda iyo dareenkeeda. Wasiiraddu waxay ahayd shaqsiyad qalbi furn oo aad u naxariis badaneyd, isla markaana askarigan waxay ka dhigatay gacan yare u adeega, waanay caawin jirtay oo way guneyn jirtay, waxaanay la socotay duruufaha nolloleed ee ku gadaamnaa qoyskiisa wakhtigaas. Maalin maalmaha ka mid ah waxa uu u waraaq ku qoray qoraal si farshaxannimo leh loo agaasimay, qoraalkaas oo ka turjumaayey qaabkii uu u halleelay...

Qaadigii Geel-qaadka Ahaa (Xukun Qar-qoosh)

Image
Sheeko Kale:- Gabadhbaa u soo dacwootay qaadi geel-qaad xiddaari ahaa oo ka shaqeyn jiray maxkamada rafcaanka ee degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, taariikhdu markay ahayd 1958-dii. Dacwootadaas ayaa u soo dacwootay maxkamada iyadoo ku soo eedaysay in uu damaaiyey nin ay isku deegan ahaayeen, ka dib markii maxkamadu furtay dhageysiga gal-dacwadeedkii dacwootada, waxay tidhi:- Anigoo baadidoona oo ka imid meel u dhaw tuulada dharkeyngeeyo, waxa iga soo hor baxay ninkan oo soo socda waddadii aan maraayey, isla markiiba waan naxay, Qaadigii baa yidhi;- Raganimmo. Dacwootadii iyadoo dacwaddeedii sii wadata waxay tidhi;- Waddadii ayaan uga leexday anigoo talaabada hoosta ka xadaaya, isaguna xagii aan u weecday ayuu u soo cago- duwaday, waxaana igu abuurrantay dareen cabsi leh, Qaadigii baa yidhi;- Raganimmo. Wali iyadoo Dacwootadii ku guda jirta duriddeedii ayey tidhi;- Waxoogaa ka dib, markii uu isoo gaadhay ayuu sida shabeelka igu soo booday, waan iska caabiyey oo aan iska caa...

Tuuggii Caaqilka Ahaa

Image
Sheeko Kale:- Dadku waxay leeyihiin awoodda garashada hal-abuurnimada ama wax hillaadisa, ama waxay leeyihiin awood ay kaga jawaabaan marka ay xaalad adagi soo wajahdo, awoodaasi waxay noqon kartaa mid aad u sareysa ama ka hooseysa heerka lagu qiimeeyo dareenka Aadamaha. Tuuggii Caaqilka ahaa ayaa u soo geed-fadhiistay gabadh gayaankiisa ah oo og in lagu xanto in uu tuug yahay, laakiinse, isagu muu ogayn in ay og’tahay, inkastoo, iyada laftigeedu ay taqaanay gacan dhaafka, haddana, isagu muu ogeyn in ay taqaano gacan-dhaafka, iyaduna way ogeyd in aanu ogeyn Maalin maalmaha ka mid ah oo ay amintu ahayd aroor hore oo saygeeduna ku maqnaa shaqadiisii, waxay aragtay adhi ahmin ah oo loo sii iibgaynayo saylada xoolaha lagu kala iibsado oo hor maraaya gurigii ay deganeyd afadaas, waxay ka soo dhufatay neef, waanay gowracday, ka dibna, way karisay. Saygeedii markii uu soo qado doontay ee uu yimid gurigiisii, waxa uu ku arkay casuumad si fiican loo agaasimay, waxaanu yidhi:- “ ...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-ka Q/4-aad

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)      Dhinaca saadaasha waxa gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha   uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2021-ka,   sababaha keenay isbadellada qulqulka tamarta billowga meerayaasha sannadkan 2021-ka ,    waxaana la odhan jiray waxa ku yimaada isbadelo badan dhinaca heerka nolosha, horumarka iyo kobaca dhaqaalaha, waxaana la dareemi doonaa farxad, marka la sahamiyo fikraddaha cusub iyo qaababka hal-abuurka nolosha dadka.   Marka la gaadho xilliga Jiilaalka Bisha Aamin la’a 20-keeda sannadkan 2021-ka- Meeraha Raage oo ay wada xidhiidhi doonan maalinta caleemo saarka meeraha Mariikh, waxaa la filan jiray in la soo bandhigo isbadel nolloleed oo lama fillaan ah.     Waxa kale oo Meeraha Raage saddex xagal kula kulmi doonaa meeraha Cir-jiidh, waxa la odhan jiray waxa dhici jiray kacdoon dadweyne oo wata rabshado ka dhacaan waddooyinka, isla markaana ciidamada difaca qaranka ayaa loo adeegsa...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-kaQ/3-aad

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)        Dhinaca shaqada waxa loo nisbeeyaa howlgalka ku khaas ah: Inay ku jihaadaan naftooda oo ku   xidhan   dadka kale siiya diirimaad iyo in ay ku raaxeystaan nollosha. Xirfadaha: - Xirfadaha waxa lala xidhiidhiyaa quruxda, warshadaha,   dharka lagu raaxaysto, abuurid farshaxannimada, xirfadda dawanka qoob-ka ciyarka, garsoornimadda iyo dhex-dhexaadiyayaasha. Oogada jidhka aadamahana wuxuu ku leeyahay:-   Kkalyaha iyo kaadi haysta, Cudurada:- Caabuqa canbaarta, cudurrada maqaarka , kalyaha, kaadi haysta, sonkorowga   iyo xannuunada xididdada. Xayawaanka:- Mulaca iyo xamaaratada. Midabkana wuxuu ku leeyahay:- Midabka buluuga ama casaanka aan aadka u iftiimeyn)   basaliga, doogada. Macdantana:- Dhagaxaanta birta ah,   safeeriga, cusbadda, macdanta dareeraha ah, meerkuriga, ciida. Dhagaxana:- Wuxuu kuleeyahay dhagaxaanta opal, tanzanites, emerald, diamond, birta...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-ka Q-2-aad

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)     Nollosha Dadku waxay ku sugan yihiin:-  Dhinaca nolosha waxa la wajihi doonaa kala doorashada wajiyada cusub, wajiyadii hore iyo hal-abuurnimada, haddaba waxa isweydiin muddan, in aynu isweydiino waa xagee jihada saxda ah ee aynu u soconaa, xageebaynu taaganahay iyo xageebaynu ka nimid ? .   Waxa la dareemi doona dhinaca aqoonta in jahligii hore uu ka daran yahay jahliga maanta jira, waa jahli sita waraaqo shahaadooyin ah oo aanay waxbaba  ugaga hooseyn oo aan waxtar lahayn, haddana waxay isku haystaan kuwo cilmi iyo aqoon leh. Runtana Allaa Og.   Dhinaca Dhaqaalaha:-  Maaliyadda iyo dhaqaalaha suuqyadu  waxa ku iman doona khaladaad badan, waxaana fuuli doona culays macquul ah, halka qaybaha qaarkood sida, maalgashiguna uu kor u kobci doono,  waxa kale oo goobo badan isku badeli doonaan dhismayaal dhaadheer,  wadooyinka hareerahooduna  waxay isku badeli doonaan go...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-ka

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)        Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidiggaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka   bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawa...
Image
Taariikh nolloleedkii Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee (SNM). (AHUN Axmed Jimcaale)   Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee (SNM)   Allaah ha u naxariistee waxa uu ku dhashay   Magaalada Cadan ee ku taala dalka   Yemen, tariikhdu markay ahayd 16- bishii 6-aad ee sannadkii   1930-kii.   Yaraantiisii waxa uu waxbarshada dugsiga hoose uu ku soo qaatay dugsigii hoose / dhexe ee la odhan jiray Ba Zar’a,   ee ku yaalay magaalada Cadan ee Dalka yemen, halka waxbarashadiisii dugsigiisiii   sarena uu ku soo qaatay dugsigii la odhan jiray St. Joseph ee ku yaalay Crater, Aden, ka dibna, markii uu dhameystay waxbarashada dugsiga sare waxa uu soo qaatay laba sannadood oo ah culuunta habka maareynta iyo ganacsiga. Axmed (AHUN) waxa uu ka hawl-galay shirkaddii Ingiriis ahayd ee ka shaqeyn jirtay Dekada Cadan, waxaana loo magacaabay in uu ahaado maareeyaha Shirkaddaas, m...