Thursday, January 21, 2021

Tuuggii Caaqilka Ahaa



Sheeko Kale:-

Dadku waxay leeyihiin awoodda garashada hal-abuurnimada ama wax hillaadisa, ama waxay leeyihiin awood ay kaga jawaabaan marka ay xaalad adagi soo wajahdo, awoodaasi waxay noqon kartaa mid aad u sareysa ama ka hooseysa heerka lagu qiimeeyo dareenka Aadamaha.

Tuuggii Caaqilka ahaa ayaa u soo geed-fadhiistay gabadh gayaankiisa ah oo og in lagu xanto in uu tuug yahay, laakiinse, isagu muu ogayn in ay og’tahay, inkastoo, iyada laftigeedu ay taqaanay gacan dhaafka, haddana, isagu muu ogeyn in ay taqaano gacan-dhaafka, iyaduna way ogeyd in aanu ogeyn

Maalin maalmaha ka mid ah oo ay amintu ahayd aroor hore oo saygeeduna ku maqnaa shaqadiisii, waxay aragtay adhi ahmin ah oo loo sii iibgaynayo saylada xoolaha lagu kala iibsado oo hor maraaya gurigii ay deganeyd afadaas, waxay ka soo dhufatay neef, waanay gowracday, ka dibna, way karisay.

Saygeedii markii uu soo qado doontay ee uu yimid gurigiisii, waxa uu ku arkay casuumad si fiican loo agaasimay, waxaanu yidhi:- “  Afadaydiiyeey maanta ma nibiribaa kuu soo caaryey, xageebaad nimcadan ka keentay.’

Afadiisii baa ugu jawaabtay;- “ Waxaan is idhi waa intaasuu soo saranseeraaye, Adhi ahmin ah oo ina hormaraayey oo lagu sii waday saylada xoolaha ayaan ka soo dhuftay neefkan shillis.

Tuuggii Caaqilka ahaa baa yidhi:- “Walaahi waxa maanta ii muuqata in aynu isku raagayno”

 

 

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid