Cabdikariim Cali Ayaanle oo aan wax ka qoray xaaladdiisa nololeed ee uu ku sugnaa iyo duruufo adag ee hadheeyey noloshiisa hilaadii 16 bishan April sannadkan 2025-ka, ayaa illo xoggogaal ahi ii sheegeen in ehelkiisii ay xidheen. Halganka waayaha nolosha turunturo lagama waayo, waana muhiim in aad damqato, una muujiso naxariis, oo aad la dareen noqoto qofka waayuhu uu ku adkaado, haddii ay noqon lahayd murugo, cadho ama niyad jab. Isla markaanna aad qoraal ku baahiso mareegaha wararka, adigoo dareenkiisa dajinaya oo u raadinaya sidii uu u heli lahaa taageero dhaqaale iyo daryeel wanaagsan oo uu ku noolaado, ka dibna, wax lagala qabto hawsha uu is leeyahay waad ku nafisaysaa. Cabdikariin muu ahayn qof maskaxda ka jiran oo qaba xannuunka waalida, waxa uu ahaa qof caafimaad qaba, laakiinse, waayuhu uu hadheeyey, taasina waxay u baahnayd in uu helo dejin iyo daryeel uu ku noolaado, nasiib darro'se, maanta in ay ehelkoodu u arkaan in magacoodii iyo sumcaddoodii uu wax u dhimay,...
Ma'ihi qof dhaleecaynaya xirfadda duuliyayaasha wada gaadiidka hawada sare aada, laakiinse, haddana waxa jira ujeeddooyin kuu sameynaya ujeeddooyin kale oo macno badan leh, waxaan ka hadlayaa xilliyo aan nafteyda u baqay oo aan moodayey in aan cirka ka soo dhacayo, laakiinse, kama hadlayo xilliga uu fulaygu ka shakiyo diyaaradda uu saaran yahay, tiiyoo aanay jirin cilad farsamo oo ku timid diyaaradda. Waxa xusuus gaar ah igu beertay xilligii iigu horeysay ee aan ku socdaalo mid ka mid ah gaadiidka rakaabka ee hawada sare haada oo ku socotay caasimadda London, markii aan imid gegada diyaaraduhu ka haadaan ee Red sea inteanational airport, waxa nalagu war-geliyey in dib u dhac ku yimid diyaaraddii aanu raaci lahayn, sababo jiray awgeed oo ahayd cilad farsamo oo ku timid taangiga diyaaradda shiidaalka oo liigayey. Saacaddo kooban ka dib, duuliyaha oo aan ogeyn xadiga shiidaalka ku jira diyaaradda ayuu go'aansaday in uu duuliyo diyaaraddii aan ku qornaa, aniguna waxaan u qaatay in ...
Fankii ugu horeeyey Somaliland waxa la odhan jiray Walaallo Hargeysa, hilaaddii sannadkii 1940-kii. Cabdi deeqsi warfaa waxa uu ahaa Ninkii ugu horeeyey ee curiyey dhawaaqa laxanka heesaha ee heeseeyey heesaha Balwo'da, heeladda iyo qaraamiga, sannadkii 1930-kii. Inantii ugu horeysay ee ku luuqaysa heesaha balwada waxa ay ahayd Qadiija Cige Dharaar (Qadiija balwo), Inantii ugu horeysay ee idaacad ka qaada heesna waxa ay ahayd Shamis Abokor (Guduudo Carwo) hilaaddii 1954-kii, Inantii ugu horeysay ee goob fagaare ah soo fuushay ee Ruwaayad ka heestana waxa ay ahayd Sahra Iftin hilaaddii1958-kii. Ninkii ugu horeeyey ee ruwaayad ku matala ruux dumar ahna waxa uu ahaa, Cumar Carte Qaalib, waxaanna ku xigay, Cumar Dhuule, waxaanna ku sii xigay, Maxamed Yuusuf, Alle ha u naxariisto dhaamaantood. Afartii Nin ee ugu horeeyey ee tuma qalabka dhawaaqa dananka leh ee qoob ka ciyaarka ee laga baahiyey Radio, waxa ay ahaayeen Laba Yamaniya, mid Hindiya iyo Mid Somaliland u dhashay, waxaannay ka...
Comments
Post a Comment
Mahadsanid