Monday, January 4, 2021

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-kaQ/3-aad

Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)    

 

Dhinaca shaqada waxa loo nisbeeyaa howlgalka ku khaas ah: Inay ku jihaadaan naftooda oo ku  xidhan  dadka kale siiya diirimaad iyo in ay ku raaxeystaan nollosha.

Xirfadaha:- Xirfadaha waxa lala xidhiidhiyaa quruxda, warshadaha,  dharka lagu raaxaysto, abuurid farshaxannimada, xirfadda dawanka qoob-ka ciyarka, garsoornimadda iyo dhex-dhexaadiyayaasha.

Oogada jidhka aadamahana wuxuu ku leeyahay:-  Kkalyaha iyo kaadi haysta,

Cudurada:- Caabuqa canbaarta, cudurrada maqaarka , kalyaha, kaadi haysta, sonkorowga  iyo xannuunada xididdada.

Xayawaanka:- Mulaca iyo xamaaratada.

Midabkana wuxuu ku leeyahay:- Midabka buluuga ama casaanka aan aadka u iftiimeyn)  basaliga, doogada.

Macdantana:- Dhagaxaanta birta ah,  safeeriga, cusbadda, macdanta dareeraha ah, meerkuriga, ciida.

Dhagaxana:- Wuxuu kuleeyahay dhagaxaanta opal, tanzanites, emerald, diamond, birta, copper.

Mandaqadana wuxuu ku leeyahay wadamada:- Dalalka Japan, Australia, Tibet, China

Cuntadana:- Khudaarta, cuntada tufaaxa, baradhada, canabka, digirta. waxa ugu fiican in la cunno cuntooyinka faa'iidada leh, khudaarta cagaaran ee tayaddoodu wanaagsan tahay, Geedahana: Dhirta  udgoon, Hadhuudh,Beenyada,  Lowska, Ubaxa ka baxa dooxyada, ubaxa midabada badan, dacarta,  gaar ahaana kuwa buluuga iyo huruuda. Allahayow nooga dhig sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan. Runtana Allaa Og.

 

Nayruuska Sannadkan 2021-ka- Wuxuu ku curtay maalin Jimcaad oo Arliyo ah, waana maalinta Lixaad ee           todobaadka, waxa la odhan jiray waa maalin u fiican in lagaga  faa'iideysto wixii ku lug leh jaceylka, saaxiibtinimada, kalgacalka, wada noollaanshaha, dib u heshiisiinta, quruxda, is-dhexgalka bulshada, lacagta, farshaxanka, quruxinta shaqada.

 Sannadkan Cusub ee 2021-ka:-  Dayaxu wuxuu ku curtay burjiga Naariga ah ee leebka iyo qaansada, waxaana la odhan jiray haddii habeenkaas dayaxu uu joogo Burji Naariya, waxa loo eegi jiray xaaladdaha khuseysaa dhinaca  taariikhaha ku suntan diimaha wakhtiga dayaxu ku jiro burjigan, waxaana la odhan jiray waxa dhaca waxyaabo badan oo kala duwanaansho ah,  isbiimeynta, faallooyinka daacadnimada ah, fikraddaha arragtidoodu wanaagsan waxa suuro-gal ah in la in la iska fududeyso, markaa waxa muhiim ah in loo isticmaalo taxadir marka la qorsheynaayo mashaariicda cusub,  dabeecadaha isbedbedalaya waxa laga yaabaa innay wax badani wanaagsanaadaan ama ay noqodaan wax aan la rumeysan Karin,  waxa kale oo intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu fadhiyey,.

 Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 20201-ka,  Dayaxu wuxuu fadhiyey burji Naariya ee asadka, waxay xeel-dheerayaashii hore ku sheegi jireen:- haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji  Naariya waxa dhici jiray shido badan, dagaalo badan, dabaylo badan, cuduro,  gaajo badan, dhimasho badan, madax iyo mijoba, uurayda oo ku daasha kulayka cadceeda, , shisheeyaha oo soo bata,  madax-wareer, diraa-diraalaha iyo socdaalka oo bata.  Allahayow nooga dhig sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan.

 

Habeenka curashada sannadkan dayaxu waxa uu ahaa todobaadkii saddexaad:- waxa la odhan jiray waa xilli qabow,  waxaana la odhan jiray waxa faafa caadooyinka xunxun, la qabsiga waxyaabaha  xun-xun, waxaana la xidhiidhiyaa in uu burbur ku yimaadaa waxyaabihii qadiimiga ahaa, waxa la qabtaana waa cabir-ciqaabeed, ciqaabaha, sii deynta, dib u eegista, wadanoolaanshuhuna wuu xumaadaa,  waana xilli-dareen aad u badan loo yeesho, lana qeexo wax kasta.

Dhanka wanaagsan:- Shaqadii la qabtay, tii socotay in la isku dubarido, beertihii soo baxay in la baaqbaaqo, laguna sameeyo dib u  cusboonaysiin, ama dib loo eego si loo saxo wixii khaldamay.

Hawlaha:- Waa xilligii lagu sameyn lahaa  dib u eegis wixii hore ee khaldamay, lana xaliyo murannadii hore ee taagnaa,  dibna la hagaajiyo waxa la falaayo,  billowga xilligan waxa uu qayb ka yahay la qabsiga caadeysiga xun-xun  ee aan loo baahnayn, furniinka, walaaca, daaweynta, dhaleeceynta aan loo baahnayn,  xaaladdaha aan loo baahnayn, go'aan qaadashada, dareenka kicinta leh, ka hortagida sameynta waxyaabaha aan la rabin iyo qabashada fikraddaha ku saabsan dariiqooyinkii gaboobay.

Hiigsiga:- Billowga shaqada waxa haboon in laga hortago wax kasta oo caqabad ku ah iqabsoomida hawlaha shaqo ee la hiigsanaayo,  waa in Alle (SW) loogu mahadnaqaa inoo fududeeyey in aynu gaadhno hadafyadda la xidhiidhay kobaca dhirta ka baxday dalaga beerihii aynu falanay..

Dadka habeenkaas dhasha:- Waxa la odhan jiray, waxay noqdaan kuwo fahmada gaaban, fikir wanaagsan, oo aan isku kalsooneyn, hal-abuur ah, qunyar socod ah oo aan feejigneyn, xamaasada badan oo isbiimeeya, aqoon yahanno, dhanka wanaagsan wax ku qiimeeya   iyo xeelad-laaweyaal. Runtana Allaa Og.

 

 

Maxamed Faarax Qoti

Dr. Astrologiest, PH.  PM. Philosopher and Author.

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid