Dr. Philosopher, Author Mohamed Farah Qoti

Wednesday, July 6, 2022

Tiri nimcooyinka

Akhriste bal tiri nimcooyinka qarsoon ee uu Alle inagu manaystay.

Wali waxaynu ku guda jirnaa dhacdooyinkeenii maalin laha ahaa, annigoo ka fikiraaya waraaq codsiya oo aan u gudbiyey xafiis ka mid ah dowladda oo aanan wali hellin ulashadaydii muddo saddex bilood ah, ayey indhahaygu halacsadeen xilli amintu ay ahayd hadhsiimo oo suudiga Qoraxduna uu aad u darnaa, jawiga cirkuna uu aawannaa oo ay ku shaqlanaayeen caad cad aad moodo in uu huwan yahay ciiro, markaad eegto'na ay indhuhu kugu daalayaan.

Waxay ahayd xill dabeyshu ay taagan tahay oo naftu hadh-hadhyoonayso, ayey indhahaygu halacsadeen wiil dhalin yaro ah oo naafo ka ah muruqyada jidhka iyo hadalka oo baaskiilad curyaan kaligii dib isugu wada xilli cimiladuna aad u kulushahay, waxaan garrowsaday nimcooyinka qarsoon ee uu Alle isiiyey, waxaan idhi : Alla ladaniyaa, waxaan eegay nimcooyinka qarsoon ee aan haysto, waan caawiyey illaa masaafad dhan ku dhawaad 3-kiiloo mitir, ka dibna, waxa sii caawiyey laba hablood, laakiinse waxa aniga si gaar ah dareen kayga u taabtay.

Mar aan ku idhi sawir ma'kaa qaadaa, oo uu uqaatay in aan dadka u weydiinaayo caawimo, waxa uu iigu jawaabay, Alle ayĆ an ka sugayaa caawimo, markii aan isku sheegay in aan Qoraa ahay ayuu iga ogolaaday in aan sawirkan ka qaado, akhriste bal tiri qasnadaha qarsoon ee uu Alle inagu manaystay, inta aynu ka murugoon lahayn dhibaatooyinka yar-yar ee inagu soo fool yeesha ayaamaha qaarkood.

F.G: Wuxuu igula hadlaayey seenyaalaysi, hadalkuna kamuu soo baxayn.

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

 

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid