Tuesday, January 5, 2021

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-ka Q/4-aad

Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)    

Dhinaca saadaasha waxa gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha  uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2021-ka,  sababaha keenay isbadellada qulqulka tamarta billowga meerayaasha sannadkan 2021-ka ,   waxaana la odhan jiray waxa ku yimaada isbadelo badan dhinaca heerka nolosha, horumarka iyo kobaca dhaqaalaha, waxaana la dareemi doonaa farxad, marka la sahamiyo fikraddaha cusub iyo qaababka hal-abuurka nolosha dadka.

 

Marka la gaadho xilliga Jiilaalka Bisha Aamin la’a 20-keeda sannadkan 2021-ka- Meeraha Raage oo ay wada xidhiidhi doonan maalinta caleemo saarka meeraha Mariikh, waxaa la filan jiray in la soo bandhigo isbadel nolloleed oo lama fillaan ah. 

 Waxa kale oo Meeraha Raage saddex xagal kula kulmi doonaa meeraha Cir-jiidh, waxa la odhan jiray waxa dhici jiray kacdoon dadweyne oo wata rabshado ka dhacaan waddooyinka, isla markaana ciidamada difaca qaranka ayaa loo adeegsan doonaa in ay soo faro-galiyaan xasilloonida degganaanshaha, xilligan waa wakhti ay aad u firfircoon yihiin dadka wadaniyiinta ah, fadlan muwaadin aynu u ducayno sidii aynu nabad-galyo ugga samato bixin lahayn dadka aayeelka ah. Runtana Allaa Og.

 

Bisha Daallalo-13-keeda-Sannadka 2021-ka- Meeraha mariikh ee ku jira moorada dibiga wxa uu la kulmi doonaa Meeraha Jilboole eek u jira moorada dalow, waxa la dohan jiray waxa haboon in wax kata hoos loo dhigo ee khuseeya xilalkii hore iyo rayiga, waxaana muhiim ah in laga diyaar-garoobo dib u dhaca mashaariicda horumarineed.

Bisha Daallalo-17-keeda- Sannadka 2021-ka-Meeraha cir-jiidh ee ku jira moorada dalow ayaa saddex xgal kula kulmi doona meeaha Raage ee ku jira moorada dibiga waxa la odhan jiray waxa dhaca isbedel cusub oo deg-deg ah.

Bisha Daallalo-20-keeda-Sannadka 2021-ka- Meeraha mariikh eek u jira moorada waxa uu xidhiidh dhex maridoonaa Meeraha Raage eek u jira Moorada Dibiga, waxa la filan jiray in falaagadu muujiso tamar badan.

Bisha Daallalo, 30-keeda- Sannadka 2021-ka -  Meeraha Libdhe oo saddex angal ku gali doona moorada dalow, waxa la odhan jiray waa wakhti wa la iska weydiiyo, lana saxo fikradaha cusub, isla markaana la qiyaaso fikradaha cusub ee lidiga ku ah dhaqankii hore.

Bisha Diraaceed-13-keeda- Sannadka 2021-ka,  -Meeraha mushtar marka uu la kulmo moorada xuuska , waxa la filan jiray in ay adkaato hellitaanka kaluunka badda.

Bisha Dirir-cawleed-26-keeda-Sannadka 2021-ka,  - Marka Dayax uu buuxsamo waxa la filan dayax madoobaad, waxaana laga arki doona waqooyiga iyo koonfurta dalka mareynkanka, Aasiya iyo  Australia.

Bisha Dirir-sagaalood-10-keeda-Sannadka 2021-ka- Bilowga billashada dayaxa cusub, waxa dhici jiray Dayax madoobaad, waxaana la arki doonaa waqooyiga Ameerika, Turub, Aasiya iyo waqooyi gabeed ee Afrika, waxaana la odhan jiray waa in xukumadduhu maskaxda ku hayaan u diyaar-garowga xasilooni darrada.

Bisha Dirir-sagaalood-14-keeda Sannadka 2021-ka,  - Meeraha jilboole eek u jira moorada dalow ee ay ku saddex angal kula kulmi doonaa Meeraha Raage eek u jira Moorada Dibiga, waxa la odhan jiray waxa ku dhaca dowladaha fowdo dhaqaale.

Bisha Waran-weer- 26-keeda- Sannadka 2021-ka, - Meeraha Libdhe eek u jira moorada miisaanka waxa uu isku dayi doonaa in ka shaqeeyo xallinta ismaandhaafkii ku yimid xidhiidhkii cilaaqaadka.

Bisha Deyr-halalood- 19-keea- Sannadka 2021-ka,- Waxa la filan jiray qayb ka mid ah Dayax- madoobaad, waxaana laga arki doonaa waqooyiga iyo koonfurta Ameerika, yurub, Aasiyaiyo Ustareeliya, waxaana la odhan jiray waa wakhtigii la xallin lahaa wax kastoo dhacay.

Bisha Dambar-same-4-teeda-Sannadka 2021-ka, -Waxa ala filan jiray Qorax-madoobaad, waxaana la odhan jiray wa wakhigii rajada wanaagsan la filan jiray. Runtana Allaa Og.

  

Maxamed Faarax Qoti

Dr. Astrologiest, PH.  PM. Philolasopher and Author.

 

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid