Saturday, January 23, 2021

Qaadigii Geel-qaadka Ahaa (Xukun Qar-qoosh)


Sheeko Kale:-

Gabadhbaa u soo dacwootay qaadi geel-qaad xiddaari ahaa oo ka shaqeyn jiray maxkamada rafcaanka ee degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, taariikhdu markay ahayd 1958-dii.

Dacwootadaas ayaa u soo dacwootay maxkamada iyadoo ku soo eedaysay in uu damaaiyey nin ay isku deegan ahaayeen, ka dib markii maxkamadu furtay dhageysiga gal-dacwadeedkii dacwootada, waxay tidhi:- Anigoo baadidoona oo ka imid meel u dhaw tuulada dharkeyngeeyo, waxa iga soo hor baxay ninkan oo soo socda waddadii aan maraayey, isla markiiba waan naxay, Qaadigii baa yidhi;- Raganimmo.

Dacwootadii iyadoo dacwaddeedii sii wadata waxay tidhi;- Waddadii ayaan uga leexday anigoo talaabada hoosta ka xadaaya, isaguna xagii aan u weecday ayuu u soo cago- duwaday, waxaana igu abuurrantay dareen cabsi leh, Qaadigii baa yidhi;- Raganimmo.

Wali iyadoo Dacwootadii ku guda jirta duriddeedii ayey tidhi;- Waxoogaa ka dib, markii uu isoo gaadhay ayuu sida shabeelka igu soo booday, waan iska caabiyey oo aan iska caabiyey, oo aan la dagaalamay, wuu iga xoog roonaaday, beerkaanu igaga degay, Qaadigiibaa yidhi;- Raganimmo.

Waxay tidhi;- Inta aan lugaha isku martay ayaan bahal qaylo ah kaga kacay, Qaadigii geel-qaadka ahaa baa yidhi;-  Waar bal eega gardaradaas.

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

 

 

 

 

 

 

 

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid