Red Sun
Aroornimaddii hore ee maanta markay Qoraxdu la soo dhalatay midabkan guduudan, dadka qaar waxay u qaateen in habeenimadii ay ahayd habeenkii Laylatul qadriga, laakiinse, arrintu waybka duwan tahay sidaas, sababtoo ah marka bikaaca Iftiinka falaadhaha Qoraxdu inoo soo gudbinayso ay dhex-galaan boodh ama wasakhow ku jira hawada ama qiiq ka dhashay qaac oo hawada isku dhareeray, taasaa sababaysa in midabkaa casaanka ahi uu soo dhex galo hirarka iftiinka Qoraxda.
Waxaanna inta badan la arkaa labada fiidyo cawl, maantana waxaynu ognahay dagaalka ka socda bariga dhexe ee la isku adeegsanaayo gantaalaha ridada dheer, waxyeeladda ka dhalatay iyo qiiqa isku beddelay daruuraha ee ka dhashay goobaha shiidaalka ee la qarxiyey, markiibtii siday saadka shiidaalka iyo goobo badan oo hol-caya oo sababay wasakhowga hawada ku yimid.
Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Comments
Post a Comment
Mahadsanid