Waa dhacdo la yaab leh


Nooc ka mid ah diyaaraddaha hawada sare haada oo ay saarnaayeen siyaasiyiin tiro badan ayaa ku burburtay beer u dhaweyd tuulada malawle oo 15-km u jirta Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, 

Markii ciidamada amnigu ay gaadheen goobtii shilku ka dhacay, waxay weydiiyeen siday wax u dhaceen mid ka mid ahaa goob joogayaashii arkaayey markay diyaaraddu dhacaysay, waxaannu yidhi, Beer-falihii, Beertayda agteeda ayey shil ku galeen, ka dibna, waxaannu ku wada-aasnay xabaal-wadareed, mid ka mid ahaa ciidamadii amniga ee goobta soo gaadhay oo naxsan ayaa weydiiyey, in uu hubo inay dhamaantood wada-dhinteen"?.

Beer-falihii ayaa ugu hal celiyey, mid ka mid ahaa Wasiirkii hawada iibiyey iyo kuwo kaleba, waxay ku qeylinayeen markii aanu aasaynay "Weli waannu nool-nahay",  

Laakiinse waannu rumaysan kari weynay, idinkuba waad garanaysaan siyaasiyiintu inay been sheegi karaan.

Illayn waa riyo beenoo, markaas uun baan soo baraad-rogay.
Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Comments

Popular posts from this blog

Muwaadinkii soo bandhigay baahidiisa ee xadhiga loogu beddelay Somaliland.

Duuliyayaashii hore iyo Duuliyaha Maanta

Fanka